Monday, November 23, 2020

Zlatan Ibrahimovic Oo Ac Milan Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Bologna

Kooxda Ac Milan ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da iyaga oo garaacay kooxda Bologna kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Kooxda Ac Milan ayaa guushaas uga mahad celinaysa Xiddigeeda Zlatan Ibrahimovic kaas oo kooxda ku hogaamiyay guul muhiim ah oo wax ku ool ah.

Zlatan Ibrahimovic oo muujiyay in uu wali Hogaamin karo koox weyn ayaa Ac Milan u dhaliyay 2-da gool ee ay ku badisay kulanka ka dhacay San Siro.

Ac Milan oo u muuqata mid ugu dambayn cagaha dhulka la helaysa kuna soo laabanaysa halkii ay wakhti joogtay ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta xilli Bologna qaadaysay kaliya weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 35-aad ayuu Zlatan Ibrahimovic Dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo madax qurux badan shabaqa dhex-dhigay kadib karoos uu ka helay Theo Hernandez.

Xiddigaha Ac Milan ee kulankan ayaa la odhan karay may kala dhicin marka la eego dhanka qaab ciyaareedka laga bilaabo Goolhayaha ilaa weeraryahanka.

Daqiiqadii 51-aad ayay Ac Milan sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool rikoodhe ah u dhaliyay Zlatan Ibrahimovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Ac Milan ayaa dhalin kartay goolal intaas ka badan marka la eego fursadihii ay iska khasaariyeen intii ay ciyaartu socotay

Laacib.net

Related Articles

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo Shirka Musharaxiinta oo Waji cusub yeeshay !!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles