Thursday, October 22, 2020

Zahra Naaleeye: “Soomaaliya 30-kii sano ee u dambeeyay waa yaraaday gudniinkii gabdhaha”

– Advertisement –

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa [Qaramada midoobay]  ayaa 19-kii December  2011 qaraar ay soo saareen ku asteeyey in sannad walba 11 Oktoobar loo aqoonsado maalinta gabdhaha, waxaanna maalintaasi oo loo aqoonsaday maalin caalami ah,   la gorfeeyaa dhibaatooyinka loo gaystay gabdhaha oo ay ka mid tahay kufsiga iyo dilka.

Zahra Naaleeye, waxay madax ka ahayd muddo ku dhow 30 sanno mashruuca ka hortagga nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha  dalka Nederlands, Sidoo kale waxay u dhaqdhaqaaqdaa ka hortaga tacadiyada loo gaysto haween waynaha caalamka.

Zahra waraysi ay siisay shabakad ka faaloota arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Nederland, ayeey kaga hadashay arrimo dhowr ah, waxaanna waraysigii la la yeeshay u dhacay siddatan:-

SU’AAL:  Muddo dheer ayaad madax ka ahayd mashruucan ka hortagga gudniinka gabdhaha, adigoo ka mid ahaa gabdhihii ugu horreeyey ee dalkan yimid burburbkii ka hor, waxaad sawir koobban innaga siisaa sidii ay xilligaasi xaaladdu ahayd iyo sida xaalku iminka uu yahay.?

ZAHRA: Waddankaan aniga iyo dadkii ila socday qaxootinimo kuma iman, waxaan u imid inaan shahaadada master-ka “master programme” ku diyaarino  markaan wax yar joogay waxaa Soomaaliya ka dhacay dagaalkii lagu riday Dowladdii. markii  90-meeyadii ay waxbarashadii ii dhammaatay waxaa billowday dagaaladii sokeeye, waxaana naga xirmay xiriirkii isgaarsiineed ee dalka, marka maadaama dagaal sokeeye dalkii uu ka dhacay aniga iyo ardaydii ila socotay waxaan dalkan waydiisanay qaxootinimo, kaddib-na waxaa billowday qulqulkii qaxootiga, waxaad moodaa wax waliba in ay ahaayeen silsilado isku xig-xigay.  Arrimahan gudniinka markaas ayaa ka shaqo billaabay waxaa igu kafilay waxaa ii muuqatay in ay jirtay baahi xooggan oo loo qabay in dadkii imaanayay loo sheego shuruucda dalka ay ku cusub yihiin,  anigu xilligaa fikir fiican ayaa ka haystay arrimahan, waxaan horay ula soo shaqeeyay wasaaradii haweenka iyo ururada xuquuqda haweenka iyo kuwa caafimaadka, dadkii Soomaalida ah ee qaxootinimada dalkan u yimid gaar ahaan hooyooyinka waxaa maskaxdooda ku qafilnaa caaddadii  ahayd in gabdhaha la gudo markaas ayaa billowday “orientation” iyo inaan haweenka u bilowno wacyigelin.

SU’AAL: Soomaaliya markii la joogay, gabadha haddaan la gudin, weliba generation-adii hore,  waa la takoori jiray, dhowr iyo 30-kii sanno ee u dambeeyay markii ay dadka diintu dhacday waa yaraatay gudniinkii gabdhaha, inkastoo weli gabdhaha la gudo, taas ma kuu muuqataa.?

ZAHRA: Haweenka Soomaalida ilaa  50-jir  xittaa 40 jir aan iraahdo waa wada gudan yihiin, waaya-aragnimada ayaa dadka ku yarayd, gabadha haddii aan la gudin lama guursanaayo, sababtuna waxay ahayd; waxay un iska ahayd caado la iska raacay, waxaa jirta maahmaah duug ah oo Soomaalidii hore hal-hays u ahayd. “Caada la diidaa, carra ALLEEY leedahay”  30-kii sanno ee ugu dambeeyey dardartii iyo xawaarihii uu gudniinku ku socday wuu hakaday,  inkastoo oo si xoog leh baadiyaha loogu gudo gabdhaha, haddana caasimada Muqdisho xittaa waxaa la ii sheegay in gudniinku ay caadi ka tahay waxay leeyihiin fircoon ma sameyno, dadka sidaa samaynaya iyaga xittaa daliil diimeed ma hayaan.  Dalkan Holland, culimadii ayaa ka hadashay oo  dadka ka wacyigelisay in gudniinka fircooniga ah aanu diin wax shaqa ah ku lahayn,  waxaa nala mid ahaa dalal dhowr ah oo Afrikaan u badan, waxaa ka hadlay culumaa’udiin isugu jira  Marookaan, Turki, Aljeeriya, Tuuniisiya, kuwaas oo dadka u sheegay in aysan ku kadsoomin.

ZAHRA: Waxaa la sheegaa in ay jiraan hooyooyin gabdhaha dalkii ama dalal kale ku celiya, halkaas na ku soo guda, kuwaasi maxay mudan karaan.?

ZAHRA: Qolyahan “Groen Amsterdam” waxaa  la leeyahay dad ayaa la wadaa, weliba Soomaalida ayaa farta lagu fiiqaa, oo waxaa la leeyahay Kenya ama Soomaaliya ayeey gabdhaha geeyaan halkaas ayeey ku soo gudaan,  arrintiina wax cadayn sax ah looma hayo  oo qof lagu qabtay ma leh, haddii gudniin la soo qaato mar walba Soomaalida un ayaa la soo qaataa, haddii la tuhmo qofka, ee  hadhow dambi lagu helo waxaa lagu xukumayaa 12 sanno oo xabsi ah iyo 70 Euro oo ganaax ah, arrintaas marar badan waa ka digay laakiin sidaas oo ay tahay waqtiga kulaylaha gabdhaha waa la wadaa, gabdhuhu marka ay waynaadaan ama hooyo noqdaan dhaqaatiirtii ayaa arkaysa, inkastoo ay yaraatay, haddana Soomaalida waxaan xasuusin lahaa in arrintaani ay faraha ka qaadaan.

SU’AAL: Gabdhaha dalkan ku dhashay, ama ku koray iyo kuwa wax ku bartay, ee doonaya in ay soo gaaraan halka aad adigu maanta joogto, maxaad talo ku siin lahayd.?

Zahra: Genertion-kii 90kii dalkan yimid iyo kuwa maanta farqi wayn ayaa u dhexeeya,   30 sanno ayaa ka soo wareegtay. Dadkii halkan ku dhashay ama yaraan ku yimid waa dad  wax bartay oo dadkooda dhinac ka raacay, annaga waxaan ahayn dad Ingiriis  luqad ahaan u yaqaan, oo dalkan waynaan ku yimid, waxyaabaha ay naga qaadan karaan waxaa ka mid ah samirka, iyagu dhaqanka dadkaan ayeey u dhawaadeen.

SU’AAL: Inkastoo aad tahay qof ka shaqeeya arrimaha bulshada, haddana waxaa tahay hooyo, waxa jirta in warbixinanno sannadle ah oo ay soo saaraan hay’ado madax-bannaan, kuna saabsan sida ajnabiga dalkan ku dhaqan ay uga faa’ideystaan fursadaha dhanka waxbarashada iyo shaqada ah ee ay dalkan ka helaan, Soomaalidu waxay liiskaasi kaga jirtaa halka ugu hooseeya, maxaa u sabab ah ayay kula tahay.?

ZAHRA: Sannad kasta waxaa la soo saaraa warbixinno dhinaca waxbarashada ah,  intii hore waa dhaanaa,  5 sanno ka hor meeshii aan joognay hadda ma joogno, haddii aad aragto niveu-ga ilmaheena gaar ahaan gabdhaheena HBO ayaay u badan yihiin,  waxaad moodaa inaan soo kabanayno, laakiin waagii hore dib u dhaca waxaa inoo keenay waxay ahayd;  waalidkii oo aan afkii aqoon iyo waalidkii oo caruurta ku  leh waxaad noqotaa dhaqtar ama injineer iyo caruurtii oo ay ku adkaanayso in ay xaaladaasi wajahaan. Dib u dhaca kale ee na haystaa wuxuu yahay inaan sannad walba kaalimaha hore ka galno dadka ajnabiga ah ee lacagta Cayrta ah qaata, oo waxaa la leeyahay Soomaalidaa u badan dadka cayrta qaata, haddana waxaa nalagu tilmaa Soomaalidu in ay yihiin dad firfircoon oo haddii ay jaanis helaan ka faa’idaysta.

SU’AAL: ma ii sheegi kartaa maadaama muddo dheer oo ku dhow 30 sanno aad ka soo shaqeyneysay arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida dalkan ku dhaqan,  muxuu noqon karaa Legecy-ga lagu soo xasuusan karo Zahro.?

ZAHRA: Ma jirto howl aan keligeey qabtay, mar walba koox ayaan ku shaqayn jirnay, anigu waxaan isu arkaa qof shaqadan u soo dhabar adaygtay, waajibaadkeediina u gudatay sidii ugu wanaagsaneyd, midna xasuuso shaqadan laftigeeda qabashadeeda in loo bareero ayaa ahayd wax adag markii la billaabayay, waxaa laga yaabaa in bulshadii aad u shaqeyneysay laftigeeda ay dhibaato kaa soo gaarto, lagu magac-xumeeyo, lagu masabito, inta badan waxaa ALLE mahadiis ah in dadkii aan la soo shaqeeynay iyo kuwii aan u qidmaynay intooda badan  inay  ahaayeen dad aan wanaag iyo xushmad kala kulanay,  aniga waxaa halku dhigaygu uu yahay samir iyo adkeysi.

SU’AAL: Maadaama waqti dheer aad soo shaqeysay adiga iyo saaxiibada aad isku xilliga tihiin, ma ku talo jirtaan inaad fursad siisaan jiilalka cusub,

ZAHRA: Horta shaqooyinka aan qabano ma ahan kuwa  Soomaali keliya loogu shaqeeyo, aniga waxaan la shaqeeyaa dadyow u dhashay dalal kala duwan, una badan Afrikaan, waxaa ALLE mahadiis ah dadkii na la shaqeyn jirnay iyo kuwa aan tababarnay intuba in qaarkood ay la shaqeynayaan GGD-da. Teeda kale, dad shaqooyinkan tababar ku qaatay ama Soomaali ha ahaadaan ama Afrikaan kale ha noqdaan oo shaqadan qaban kara waa jiraan.

SU’AAL:  Su’aal kale oo dalkeenii ku saabsan haddaan ku waydiiyo, maxaa u sabab ah ayeey kula tahay in Soomaaliya muddooyinkan ay ku soo bataan gabdhaha inta la kufsado haddana la dilo.?

ZAHRA: Waa su’aal meesha ku jirta, dhaqankan waayadan dambe waa nagu soo kordhay oo marar badan ayaan aragnay gabdho yaryar oo kuwa la dilay, kuwa na la kufsaday xittaa saqiiro la fara xumeeyay waa la arkay, waa falal xun xun oo aad looga naxo. Anigu waxaan qabaa  falalkan waa jiri jireen, ee isbeddelka waxaa keenay waa warbaahintan Digital-ka ah  iyo baraha bulshada oo daqiiqad walba wixii dhaca la soo dhigayo, haddana waxaad arkaysaa in meelaha qaar wixii dhacay si xun loo tarjumayo waayo wax walba inta aadan dhagaha iyo indhaha bulshada u soo bandhigin waa inaad cilmi baaris sameeysaa. Waxaan isku dayay inaan ogaado waxa falalkan soo celceliyay, dadkii markii aan waydiiyey waxay leeyihiin; dhalinyaradu intooda badan waxay isticmaalaan waxyaabo maan-dooriyayaal ah.  Dalalkan Yurub xittaa way ka dhacaan waxaas, qof wayn oo caruur yaryar fara xumeynaya, qofkaas wuxuu qabaa xanuun.  Waxaa runtii aad ugu xumahay in dhinaca sharciga aan weli qaraar laga soo saarin, 2018 ayaa baarlamaanka la geeyey sharci kufsiga ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Oktoobar waxba lagama qaban. Sheekooyinka aan maqlay waxaa ka mid ah gabadha haddii la kufsado ama la dilo reerkii dhibanaha waxaa u tegaya odayaal ama xildhibaanno arrintii faataxo iyo dhaqan Soomaali ayaa lagu dhamaynayaa,  waxaas oo dhan waxaa ka waynaan lahaa haddii uu sharci jiro in sharcigaas qofka dambiga gaystay lagu qaado, qofkii kale ee falkaasi ku dhiiran lahaa cashar ayeey u noqon lahayd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167414original article

Related Articles

Prof.Xasan Sheekh Cali : – Universal TV Duf-ku-bax oo caawa u baroordiiqday Oktobartii madoobeyd

SHAME ON YOU UNIVERSAL TVWaxaa nasiib daro iyo dib u dhac umadeed ah in caawa (21-ka Oktober 2020) in Kon-iyo-kow sano ka bacdi in dadka Soomaaliyeed loo xayeeysiiyo dinbileyaashii kufsaday Qarankii Soomaaliyeed habeenkii MADOOBAA ee 21kii Oktober 1969 kii….. Tani waxaay cadeeyn u tahay in aay jiraan dad waxmagarato ah ama cadawga Umadda Soomaaliyeed. Goorma ayeey Umadda Soomaaliyeed u baahatay in loo amaano Hanti-Wadaag ku sheegii been-beenta ahaa, goorma ayeey dadka Soomaaliyeed u baahdeen in dib loogu sharaxo aragtidii diin la’aanta ee Karl Marx iyo Kaafirkii Lenin iyo qurux oo dhan. Dhan ahaantii caawa waxaa cadaatay in aay jiraan cadaw qarsoon oo aay leedahay Ummada Soomaaliyeed, waana in loo howlgalo sidii dadka Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa MARIN-HABAABINTA IYO BEENTA aay fidinayaan kuwa aan waxgaran. Askartii Soomaaliya ee xukunka boobay waa kuwa u sabab ah in xaalka Soomaaliya ahaado sida uu hada-yahay……Askartii kufsatay dawladnimadii iyo qaranimadii Soomaaliya ayaa ah DINBILEYAAL QARAN waana in Maxkamad la saaro kuwooda dhintay iyo kuwa noolba, sababta oo waxay dumiyeen dalkii. Gebagebadii, hadhaceen kuwa aan waxba garan ee farqaha ku sita qurunkii laga dhaxlay Xukunkii Faasidka ahaa ee dumiyay qarankii Soomaaliya…..Waana in inta waxgarata u istaagaan sidii loo cirib-tiri-lahaa beenta iyo qurunka laga dhaxlay Xukunkii ku dhisnaa boobka iyo burcadnimada…..Wixii dhiig lahow kaca iskana xureeya taariikhda madow ee ku dhisan beenta iyo marin-habaabinta. Alle ayaa ku mahadleh, hadii uu ka badbaadiyay ama ka hor wareejiyay dad qalatadii Soomaaliya afduubay ee godka dheer ku riday habeenkii MADOOBAA ee 21 kii Oktoobar ee 1969 kii. Soomaaliya Guul: Aamiin

Stay Connected

20,888FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Prof.Xasan Sheekh Cali : – Universal TV Duf-ku-bax oo caawa u baroordiiqday Oktobartii madoobeyd

SHAME ON YOU UNIVERSAL TVWaxaa nasiib daro iyo dib u dhac umadeed ah in caawa (21-ka Oktober 2020) in Kon-iyo-kow sano ka bacdi in dadka Soomaaliyeed loo xayeeysiiyo dinbileyaashii kufsaday Qarankii Soomaaliyeed habeenkii MADOOBAA ee 21kii Oktober 1969 kii….. Tani waxaay cadeeyn u tahay in aay jiraan dad waxmagarato ah ama cadawga Umadda Soomaaliyeed. Goorma ayeey Umadda Soomaaliyeed u baahatay in loo amaano Hanti-Wadaag ku sheegii been-beenta ahaa, goorma ayeey dadka Soomaaliyeed u baahdeen in dib loogu sharaxo aragtidii diin la’aanta ee Karl Marx iyo Kaafirkii Lenin iyo qurux oo dhan. Dhan ahaantii caawa waxaa cadaatay in aay jiraan cadaw qarsoon oo aay leedahay Ummada Soomaaliyeed, waana in loo howlgalo sidii dadka Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa MARIN-HABAABINTA IYO BEENTA aay fidinayaan kuwa aan waxgaran. Askartii Soomaaliya ee xukunka boobay waa kuwa u sabab ah in xaalka Soomaaliya ahaado sida uu hada-yahay……Askartii kufsatay dawladnimadii iyo qaranimadii Soomaaliya ayaa ah DINBILEYAAL QARAN waana in Maxkamad la saaro kuwooda dhintay iyo kuwa noolba, sababta oo waxay dumiyeen dalkii. Gebagebadii, hadhaceen kuwa aan waxba garan ee farqaha ku sita qurunkii laga dhaxlay Xukunkii Faasidka ahaa ee dumiyay qarankii Soomaaliya…..Waana in inta waxgarata u istaagaan sidii loo cirib-tiri-lahaa beenta iyo qurunka laga dhaxlay Xukunkii ku dhisnaa boobka iyo burcadnimada…..Wixii dhiig lahow kaca iskana xureeya taariikhda madow ee ku dhisan beenta iyo marin-habaabinta. Alle ayaa ku mahadleh, hadii uu ka badbaadiyay ama ka hor wareejiyay dad qalatadii Soomaaliya afduubay ee godka dheer ku riday habeenkii MADOOBAA ee 21 kii Oktoobar ee 1969 kii. Soomaaliya Guul: Aamiin

Sawir : Maxay Aheyd Sababtii Klopp Uu Badalau Sadio Mane Kulankii Ajax

Ilo wareedyo ayaa daboolka ka qaadaay sababta uu tababare Klopp uu u badalay Mane kulankii Ajax xilli ay soo baxayaan calaamado laga wel welo Liverpool ayaa guul hal gool aheyd waxa ay ka soo gaareen Ajax wax u una goolkaas ahaa mid uu si qaldan siaga dhaliyay Nicolas Tagliafico Tababare Klopp ayaa daqiiqaddii 60-aad waxa uu badalay Mane , Salah iyo Firminho waxa uuna ahaa badal uu ku qamaaray . Ka dib waxa ay kaamirooyinka qabteen Mane oo kursiga badalka fadhiya waliba baraf iska saaraya laf dheerta lugta middig Liverpool Echo ayaa qortay in Klopp uu u badalay laacibkaas isaga oo ka hor tagaya in laacibka uusan dhaawacmin xilli haatan koxoda ay ka sheeganeyso dhaawacyo dhowr ah

Bayern Muncih Oo Guul Ku Bilowday Difaacashada Champions League, Atletico Madrid Ayay Ka Talaabsadeen.

Bayern Munich ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League ee ay koobkiisa difaacanayso, waxaana ay meel iska saartay Atletico Madrid oo ugu timid garoonka Allianz Arena oo ay ku xasuuqday 4-0. Bayern Munich ayaa ciyaartan oo saadaal kala duwan laga sii bixiyey waxay hoggaankeeda qabatay daqiiqaddii 28aad oo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Kimmich uu shabaqa Atletico dhex dhigay Kingsley Coman, waxaana ku xigsiiyey oo mid kale ku daray Leon Goretzka dhamaadka qaybta hore oo ay wax yar ka hadhsan yihiin. Qaybtii labaad ayay Bayern Munich wacdaraheeda sii wadatay, waxaana laba gool oo kale u dhaliyey Corentin Tolisso iyo Coman oo goolkiisa labaad ee kulanka saxeexay. Shaxdii labada kooxood ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Kieran Trippier, Stefan Savic, Felipe, Renan Lodi; Marcos Llorente, Hector Herrera, Koke, Yannick Carrasco; Luis Suarez, Joao Felix. Kaydka: Ivo Grbic, Lucas Torreira, Angel Correa, Thomas Lemar, Ivan Saponjic, Vitolo, Mario Hermoso, Miguel San Roman, Juan Manuel Sanabria. BAYERN (4-2-3-1): Manuel Neuer; Benjamin Pavard, Niklas Sule, David Alaba, Lucas Hernandez; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Thomas Muller, Corentin Tolisso, Kingsley Coman; Robert Lewandowski. Kaydka: Javi Martinez, Douglas Costa, Eric Choupo-Moting, Joshua Zirkzee, Jerome Boateng, Alphonso Davies, Bouna Sarr, Marc Roca, Alexander Nubel, Jamal Musiala. Flick iyo Simeone ayaa isbeddello ku sameeyey safafkii ay ku ciyaareen kulamadii horyaallada dalalkooda ee toddobaadkan, si ay kooxahooda u firfircoonaysiiyaan. Bayern Munich oo garoonkeeda la joogay ayaa si xooggan ku bilaabatay ciyaarta, waxaanay gacanta ku dhigtay khadka dhexe oo Kimmich oo kaashanaya Muller iyo Leon Goretzka ay shaqo cajiib ah ka qabanayeen. Atletico Madrid ayaa daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta ku dhowaatay goolka Bayern, waxaana baas ka yimid Carrasco uu u tegay Suarez, laakiin shabaqa xagga dambe kaga keenay. Daqiiqaddii 15aad ayay Bayern Munich hoggaanka ciyaarta inay qabato ku dhowaatay, waxaana waxyar birta kubbad xooggan u mariyey Sule. Daqiiqaddii 28aad ayuu dedaalka Bayern Munich midho dhal noqday, markaas oo kubbad uu Kimmich kasoo xoogsaday Joao Felix uu usoo tuuray Kingsley Koman oo xerada ganaaxa Atletico la galay, isla markaana daba mariyey goolhaye Oblak. Atletico Madrid ayaa dhawr kubbadood soo dhex-gelisay xerada ganaaxa Bayern Munich, waxaanay inta badan kubadda la raadsanayeen Luis Suarez. GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Bayern Munich 2-0 Atletico Madrid – Leo Goretzka ayaa kubbad uu ka helay xerada ganaaxa dhexdeeda waxa uu ku hubsaday shabaqa Bayern Munihc isaga oo laacibka khadka dhexe kubbad dhulka socota ka hor bixiyey Oblak, qaybta horena waxay kusoo dhamaatay 2-0 ay Bayern Munich hoggaanka ciyaarta la nasatay. Qaybtii labaad ayay Bayern Munich sii wadatay wacdaraheeda, waxaana ay ku bilaabatay inay kubadda ka ilaaliso Atletico Madrid oo la moodayay inay xoogaa isbeddel ahi ku yimid sidii ay markii hore ahaayeen amaba uu tababare Flick helay xeeladdii lagu garaaci lahaa. Daqiiqaddii 66aad ayuu Corentin Tolisso ciyaarta ka dhigay 3-0, waxaana mid kale ka daba keenay Kingsley Coman lix daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka Tolisso. Thomas Mueller ayaa goolkan ka shaqeeyey. Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Bayern Munich. Dhinaca kale, Inter Milan iyo Borussia Monchengladbach ayaa barbarro 2-2 ah ku kala baxay kulan ka dhacay San Siro Stadium, taas oo ay labada kooxood dagaal adag.

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167414original article