Sunday, October 25, 2020

Zahra Naaleeye: Soomaalida ayaa farta lagu fiiqaa, waxaa la leeyahay Soomaaliya ama Kenya ayey gabdhaha geeyaan

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa [Qaramada midoobay]  ayaa 19-kii December  2011 qaraar ay soo saareen ku asteeyey in sannad walba 11 Oktoobar loo aqoonsado maalinta gabdhaha, waxaanna maalintaasi oo loo aqoonsaday maalin caalami ah,   la gorfeeyaa dhibaatooyinka loo gaystay gabdhaha oo ay ka mid tahay kufsiga iyo dilka.

Zahra Naaleeye, waxay madax ka ahayd muddo ku dhow 30 sanno mashruuca ka hortagga nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha  dalka Nederlands, Sidoo kale waxay u dhaqdhaqaaqdaa ka hortaga tacadiyada loo gaysto haween waynaha caalamka.

Zahra waraysi ay siisay shabakadda Somnieuws ee ka faaloota arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Nederland, ayeey kaga hadashay arrimo dhowr ah, waxaanna waraysigii la la yeeshay u dhacay siddatan:-

SU’AAL:  Muddo dheer ayaad madax ka ahayd mashruucan ka hortagga gudniinka gabdhaha, adigoo ka mid ahaa gabdhihii ugu horreeyey ee dalkan yimid burburbkii ka hor, waxaad sawir koobban innaga siisaa sidii ay xilligaasi xaaladdu ahayd iyo sida xaalku iminka uu yahay.?

ZAHRA: Waddankaan aniga iyo dadkii ila socday qaxootinimo kuma iman, waxaan u imid inaan shahaadada master-ka “master programme” ku diyaarino  markaan wax yar joogay waxaa Soomaaliya ka dhacay dagaalkii lagu riday Dowladdii. markii  90-meeyadii ay waxbarashadii ii dhammaatay waxaa billowday dagaaladii sokeeye, waxaana naga xirmay xiriirkii isgaarsiineed ee dalka, marka maadaama dagaal sokeeye dalkii uu ka dhacay aniga iyo ardaydii ila socotay waxaan dalkan waydiisanay qaxootinimo, kaddib-na waxaa billowday qulqulkii qaxootiga, waxaad moodaa wax waliba in ay ahaayeen silsilado isku xig-xigay.  Arrimahan gudniinka markaas ayaa ka shaqo billaabay waxaa igu kafilay waxaa ii muuqatay in ay jirtay baahi xooggan oo loo qabay in dadkii imaanayay loo sheego shuruucda dalka ay ku cusub yihiin,  anigu xilligaa fikir fiican ayaa ka haystay arrimahan, waxaan horay ula soo shaqeeyay wasaaradii haweenka iyo ururada xuquuqda haweenka iyo kuwa caafimaadka, dadkii Soomaalida ah ee qaxootinimada dalkan u yimid gaar ahaan hooyooyinka waxaa maskaxdooda ku qafilnaa caaddadii  ahayd in gabdhaha la gudo markaas ayaa billowday “orientation” iyo inaan haweenka u bilowno wacyigelin. 

SU’AAL: Soomaaliya markii la joogay, gabadha haddaan la gudin, weliba generation-adii hore,  waa la takoori jiray, dhowr iyo 30-kii sanno ee u dambeeyay markii ay dadka diintu dhacday waa yaraatay gudniinkii gabdhaha, inkastoo weli gabdhaha la gudo, taas ma kuu muuqataa.?

ZAHRA: Haweenka Soomaalida ilaa  50-jir  xittaa 40 jir aan iraahdo waa wada gudan yihiin, waaya-aragnimada ayaa dadka ku yarayd, gabadha haddii aan la gudin lama guursanaayo, sababtuna waxay ahayd; waxay un iska ahayd caado la iska raacay, waxaa jirta maahmaah duug ah oo Soomaalidii hore hal-hays u ahayd. “Caada la diidaa, carra ALLEEY leedahay”  30-kii sanno ee ugu dambeeyey dardartii iyo xawaarihii uu gudniinku ku socday wuu hakaday,  inkastoo oo si xoog leh baadiyaha loogu gudo gabdhaha, haddana caasimada Muqdisho xittaa waxaa la ii sheegay in gudniinku ay caadi ka tahay waxay leeyihiin fircoon ma sameyno, dadka sidaa samaynaya iyaga xittaa daliil diimeed ma hayaan.  Dalkan Holland, culimadii ayaa ka hadashay oo  dadka ka wacyigelisay in gudniinka fircooniga ah aanu diin wax shaqa ah ku lahayn,  waxaa nala mid ahaa dalal dhowr ah oo Afrikaan u badan, waxaa ka hadlay culumaa’udiin isugu jira  Marookaan, Turki, Aljeeriya, Tuuniisiya, kuwaas oo dadka u sheegay in aysan ku kadsoomin.

ZAHRA: Waxaa la sheegaa in ay jiraan hooyooyin gabdhaha dalkii ama dalal kale ku celiya, halkaas na ku soo guda, kuwaasi maxay mudan karaan.? 

ZAHRA: Qolyahan “Groen Amsterdam” waxaa  la leeyahay dad ayaa la wadaa, weliba Soomaalida ayaa farta lagu fiiqaa, oo waxaa la leeyahay Kenya ama Soomaaliya ayeey gabdhaha geeyaan halkaas ayeey ku soo gudaan,  arrintiina wax cadayn sax ah looma hayo  oo qof lagu qabtay ma leh, haddii gudniin la soo qaato mar walba Soomaalida un ayaa la soo qaataa, haddii la tuhmo qofka, ee  hadhow dambi lagu helo waxaa lagu xukumayaa 12 sanno oo xabsi ah iyo 70 Euro oo ganaax ah, arrintaas marar badan waa ka digay laakiin sidaas oo ay tahay waqtiga kulaylaha gabdhaha waa la wadaa, gabdhuhu marka ay waynaadaan ama hooyo noqdaan dhaqaatiirtii ayaa arkaysa, inkastoo ay yaraatay, haddana Soomaalida waxaan xasuusin lahaa in arrintaani ay faraha ka qaadaan.

SU’AAL: Gabdhaha dalkan ku dhashay, ama ku koray iyo kuwa wax ku bartay, ee doonaya in ay soo gaaraan halka aad adigu maanta joogto, maxaad talo ku siin lahayd.?

Zahra: Genertion-kii 90kii dalkan yimid iyo kuwa maanta farqi wayn ayaa u dhexeeya,   30 sanno ayaa ka soo wareegtay. Dadkii halkan ku dhashay ama yaraan ku yimid waa dad  wax bartay oo dadkooda dhinac ka raacay, annaga waxaan ahayn dad Ingiriis  luqad ahaan u yaqaan, oo dalkan waynaan ku yimid, waxyaabaha ay naga qaadan karaan waxaa ka mid ah samirka, iyagu dhaqanka dadkaan ayeey u dhawaadeen.

SU’AAL: Inkastoo aad tahay qof ka shaqeeya arrimaha bulshada, haddana waxaa tahay hooyo, waxa jirta in warbixinanno sannadle ah oo ay soo saaraan hay’ado madax-bannaan, kuna saabsan sida ajnabiga dalkan ku dhaqan ay uga faa’ideystaan fursadaha dhanka waxbarashada iyo shaqada ah ee ay dalkan ka helaan, Soomaalidu waxay liiskaasi kaga jirtaa halka ugu hooseeya, maxaa u sabab ah ayay kula tahay.? 

ZAHRA: Sannad kasta waxaa la soo saaraa warbixinno dhinaca waxbarashada ah,  intii hore waa dhaanaa,  5 sanno ka hor meeshii aan joognay hadda ma joogno, haddii aad aragto niveu-ga ilmaheena gaar ahaan gabdhaheena HBO ayaay u badan yihiin,  waxaad moodaa inaan soo kabanayno, laakiin waagii hore dib u dhaca waxaa inoo keenay waxay ahayd;  waalidkii oo aan afkii aqoon iyo waalidkii oo caruurta ku  leh waxaad noqotaa dhaqtar ama injineer iyo caruurtii oo ay ku adkaanayso in ay xaaladaasi wajahaan. Dib u dhaca kale ee na haystaa wuxuu yahay inaan sannad walba kaalimaha hore ka galno dadka ajnabiga ah ee lacagta Cayrta ah qaata, oo waxaa la leeyahay Soomaalidaa u badan dadka cayrta qaata, haddana waxaa nalagu tilmaa Soomaalidu in ay yihiin dad firfircoon oo haddii ay jaanis helaan ka faa’idaysta.

SU’AAL: ma ii sheegi kartaa maadaama muddo dheer oo ku dhow 30 sanno aad ka soo shaqeyneysay arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida dalkan ku dhaqan,  muxuu noqon karaa Legecy-ga lagu soo xasuusan karo Zahro.?

ZAHRA: Ma jirto howl aan keligeey qabtay, mar walba koox ayaan ku shaqayn jirnay, anigu waxaan isu arkaa qof shaqadan u soo dhabar adaygtay, waajibaadkeediina u gudatay sidii ugu wanaagsaneyd, midna xasuuso shaqadan laftigeeda qabashadeeda in loo bareero ayaa ahayd wax adag markii la billaabayay, waxaa laga yaabaa in bulshadii aad u shaqeyneysay laftigeeda ay dhibaato kaa soo gaarto, lagu magac-xumeeyo, lagu masabito, inta badan waxaa ALLE mahadiis ah in dadkii aan la soo shaqeeynay iyo kuwii aan u qidmaynay intooda badan  inay  ahaayeen dad aan wanaag iyo xushmad kala kulanay,  aniga waxaa halku dhigaygu uu yahay samir iyo adkeysi.

SU’AAL: Maadaama waqti dheer aad soo shaqeysay adiga iyo saaxiibada aad isku xilliga tihiin, ma ku talo jirtaan inaad fursad siisaan jiilalka cusub, 

ZAHRA: Horta shaqooyinka aan qabano ma ahan kuwa  Soomaali keliya loogu shaqeeyo, aniga waxaan la shaqeeyaa dadyow u dhashay dalal kala duwan, una badan Afrikaan, waxaa ALLE mahadiis ah dadkii na la shaqeyn jirnay iyo kuwa aan tababarnay intuba in qaarkood ay la shaqeynayaan GGD-da. Teeda kale, dad shaqooyinkan tababar ku qaatay ama Soomaali ha ahaadaan ama Afrikaan kale ha noqdaan oo shaqadan qaban kara waa jiraan.

SU’AAL:  Su’aal kale oo dalkeenii ku saabsan haddaan ku waydiiyo, maxaa u sabab ah ayeey kula tahay in Soomaaliya muddooyinkan ay ku soo bataan gabdhaha inta la kufsado haddana la dilo.? 

ZAHRA: Waa su’aal meesha ku jirta, dhaqankan waayadan dambe waa nagu soo kordhay oo marar badan ayaan aragnay gabdho yaryar oo kuwa la dilay, kuwa na la kufsaday xittaa saqiiro la fara xumeeyay waa la arkay, waa falal xun xun oo aad looga naxo. Anigu waxaan qabaa  falalkan waa jiri jireen, ee isbeddelka waxaa keenay waa warbaahintan Digital-ka ah  iyo baraha bulshada oo daqiiqad walba wixii dhaca la soo dhigayo, haddana waxaad arkaysaa in meelaha qaar wixii dhacay si xun loo tarjumayo waayo wax walba inta aadan dhagaha iyo indhaha bulshada u soo bandhigin waa inaad cilmi baaris sameeysaa. Waxaan isku dayay inaan ogaado waxa falalkan soo celceliyay, dadkii markii aan waydiiyey waxay leeyihiin; dhalinyaradu intooda badan waxay isticmaalaan waxyaabo maan-dooriyayaal ah.  Dalalkan Yurub xittaa way ka dhacaan waxaas, qof wayn oo caruur yaryar fara xumeynaya, qofkaas wuxuu qabaa xanuun.  Waxaa runtii aad ugu xumahay in dhinaca sharciga aan weli qaraar laga soo saarin, 2018 ayaa baarlamaanka la geeyey sharci kufsiga ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Oktoobar waxba lagama qaban. Sheekooyinka aan maqlay waxaa ka mid ah gabadha haddii la kufsado ama la dilo reerkii dhibanaha waxaa u tegaya odayaal ama xildhibaanno arrintii faataxo iyo dhaqan Soomaali ayaa lagu dhamaynayaa,  waxaas oo dhan waxaa ka waynaan lahaa haddii uu sharci jiro in sharcigaas qofka dambiga gaystay lagu qaado, qofkii kale ee falkaasi ku dhiiran lahaa cashar ayeey u noqon lahayd.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/zahra-naaleeye-soomaalida-ayaa-farta-lagu-fiiqaa-waxaa-la-leeyahay-soomaaliya-ama-kenya-ayey-gabdhaha-geeyaan/original article

Related Articles

Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu xiligan Ka Leeyahay Kenya ?(Wax badan ka Ogow)

Arbacadii September 30, 2020 ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron magaalada Paris. Safarka oo ku soo beegmay xilli Covid-19 uu dunida aafeyey ayaa  ahaa mid ujeeddo badan leh oo ay Faransiiska iyo Kenya ku kala saxiixdeen heshiisyo maalgelin gaarayay 1.6 bilyan yuro si loo xoojiyo xiriirka labada dal. Bishii March […] The post Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu xiligan Ka Leeyahay Kenya ?(Wax badan ka Ogow) appeared first on Allbanaadir.com.

Dr A. Osman Caseyr ”Aqoonyahanadda Beeraha waxaa saaran waajib ah in ay la yimaadaan horumarinta Beeraha…”

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Barnaamijka Arimaha Degaanka oo aan ku wareysano aqoonyahanadda beeraha si loo horumariyo ayaa manta wax mart noon ah Cabdullahi Cosmaan Caseyn oo sanadkii 1988 ka qalinjabiyey kulliyadii jaamacadda Beeraha oo hadda ku sugar magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu yiri ”Aqoonyahanadda Beeraha waxaa saaran waajib ah in ay la yimaadaan horumarinta Beeraha…”. Wasa inom soo wareysatay oo marwalkbo wareysato aqoonyahada beerha Ikram Cali Kaar. [embedded content] Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleMadaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland+Sawirro

DF oo shaacisay inay ku wajahan tahay magaalo uu haysto Axmed Madoobe

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda federaalka Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu hanjabay maamulka Jubbaland ugu magacaaban degmada Ceelwaaq oo uu ku tilmaamay “hoos-joogayaa daba-dhilif u ah Kenya”. Sidoo kale guddoomiye Macalimow ayaa shacabka ku nool degmada Ceelwaaq oo ah halka degmo ee Jubbaland ay ka maamusho gobolka Gedo, waxa uu ku amaanay dowlad jaceyl, isagoo u balan qaaday in mar dhow ay gaari doonaan isaga iyo saraakiisha milateriga Soomaaliya, sida uu ku shaaciyey qoraalkan. “Waxaan shacabka wadaniyiinta ah ee Ceelwaaq uga mahad-celinayaa adkaysigooda, dhiiranaantooda iyo dowlad jacaylkooda, waxaan marnaba ilaawi karin sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen maamulkooda,” ayuu yiri. Qoraalka Macalimow ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si rasmi ah ugu ballanqaadaynaa in xilli aan fogeen laga ridi doono heer-yada gumaystaha, Maamulka Gobolka Iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed-na ay soo gaari doonaan degmada Ceelwaaq haddii Rabbi Idmo.” Sidoo kale waxa uu sheegay inuu digniin u dirayo masuuliyiinta Jubbaland ee maamusha degmada Ceelwaaq, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ka ganacsada dhiigga dadkooda, sidoo kale waxa uu ugu baaqay inay ku soo biiraan dowladda. “Waxaa digniin culus u dirayaa hoos-joogayaasha daba-dhilifka u ah Kenya, kuwaasi oo caadaystay ka ganacsiga dhiiga shacabka Gedo in ay ka waan-toobaan ficillada uurku-taalada ah ee ay shaqada ka dhigteen, waxaana ugu baaqayaa in ay isku soo dhiibaan Dowladooda oo ay ka faa’iidaystaan fursadaan, haddii kale waxay la kulmi doonaan jawaab u qalanta dambiyada ay Qarankooda ka galeen,” ayuu ku yiri qoraalkan oo bartiisa Facebook-ga uu ku shaaciyey guddoomiye Macalimow. Dhanka kale guddoomiyaha Gedo ee dowladda federaalka waxa uu ku sheegay qoraalkan in xiriiro ay la sameyeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya u qaabilsan xaduudda kadib ay ku guuleysteen in ciidanka Kenya dib usoo celiyaan qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ay ka afduubteen degaanka Yado 23-kii bishii hore September. Sidoo kale waxa uu balan qaaday guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji Macalimow in maamulka gobolka Gedo uu gobolkaas u ballanqaadayo in aan halkaas looga hari doonin “taxanihii gabood-falladii isugu jiray dilka xariga, af-duubka, barakacinta, Iyo burburinta naf iyo maal wixii loo gaystay shacabkeena, waana arrin lagala xisaabtami doono dowladda Kenya iyo cid kasta oo qayb ka ahayd Insha Allaah” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Xogta ay ka heshay Caasimada Online sii deynta seddaxdaas qof ee bishii hore laga afduubtay degaanka Yado waxay sheegeysaa in ciidamada Kenya ay ku wareejiyeen guddigii Jubbaland ay u magacaawday shaqaaqooyinkii ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaanada hoos taga Ceelwaaq, kuwaas oo haatan ku sugan halkaas.

Stay Connected

20,915FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Antoine Griezmann Oo Tallo Laga Siiyay Mustaqbalkiisa Barcelona.

Halyeeyga reer France ee Bixente Lizarazu ayaa xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann kula taliyay in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib markii uu qaab ciyaareedkiisu si weyn hoos ugu dhacaytan ilaa markii uu Ronald Koeman noqday tababaraha Barcelona. Ronald Koeman ayaa adduunka ka yaabiyay kadib markii uu kaydka dhigay xiddiga Antoine Griezmann kulankii El Clasico booskiisana ku bilaabay da’yarka Pedri. Bixente Lizarazu ayaa sheegay in uuna Antoine Griezmann qaab fiican ku soo bandhigi doonin kooxda Barcelona sabab la xidhiidha in uuna ka ciyaarayn booskiisa saxda ah. Isaga oo la hadlaya wargayska MARCA ayuu yidhi”Antoine Griezmann waa xiddig cajiib ah, waliba si fiican ayuu ugu ciyaaraa xulka qaranka France laakiin si fiican uguma ciyaari Barcelona waa dhibaato weyn”. “Waxa uu tagay Barcelona si uu uga garab ciyaaro Messi laakiin wax xidhiidh fiican oo kubadeed kama dhexayso labadooda arintaasna kuma aragno garoonka dhexdiisa”. “Antoine Griezmann waa in uu isaga tago kooxda sababta oo ah Barcelona kama helayo booskiisa saxda ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shaxda rasmiga ah kulanka adag Kooxaha Arsenal iyo Leicester City ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(London) 25 Okt 2020.Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates ku soo dhaweyn doonto naadiga Leicester City si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan horyaalka Premier League. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Arsenal iyo Leicester City ee horyaalka Premier League dalka England. SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:- Arsenal XI: Leicester City XI: Gool FM.