Saturday, October 24, 2020

Yuusuf Garaad Cumar: “Aniguba mar baan dhacay”

Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin.

Dow ma aha in aan xukun ku saleysan mala awaal aan ku rido, ama aan canaan kala dul dhaco mid ka mid ah dhinacyada faraha badan, ee toos ama si dadban u yeelan kara mas’uuliyadda mar fashilka ah.

Mana doonayo in aan khafiifiyo dhaawaca ay natiijada imtixaanku ku leedahay maskaxda ardayga iyo waalidka, hammigooda, dhaqaalahooda iyo qabkoodaba.

Waxaanse rabaa in aan khibraddeyda shakhsiga ah la wadaago ardayga dhacay, maaddaama aniguba aan mar dhacay.

Mustaqbalkaagu kuma xirna hal mar oo aad natiijada imtixaanka ku hungowday, sabab kasta ha keentee.

Dhicitaan waa hadba sida aad ka dhigato

Inkasta oo guusha lafteedu ay u baahan tahay maareyn, guul darrada ayaa ah midda sida loo maareeyaa ay dad kala reebto.

Gaabis ama guul darro in aad ka kabataa waxay u baahan tahay geesi ama adkeysi, kalsooni aad isku qabto, awood maskaxeed iyo mid wax qabad. Iyo in aad leedahay bartilmaameed aad higsaneyso.

Haddii aad intaa la timaaddo oo guul darradii ku soo wajahday aad cashar ka barato, meeshii ay dib-u-dhac ku gelin lahayd, iyada ayaad fursad u beddeli kartaa.

Dadka guul darro la kulma, qof wuxuu dhex degaa guul darrada oo uu hooy ka yeeshaa. Xanuunkeeda ayaa ka adkaada. Wuxuu galaa meer-meerto murugo ah oo uu hoos u sii tiimbado ilaa ay aakhirka la degto.

Meertada murugada ahi waxay ka kooban tahay niyad jab u diida in uu hore u tallaabsado, ciil-kaambi aan dhammad lahayn, far-fiiq aan loo meel dayin iyo in uu afkiisa isku beri yeelo.

Waxaas oo dhan xaaladda waxba kama beddelaan. Fursadda dhaaftay ka fekeriddeedu waxay ka dhego iyo indho saabtaa fursadaha hadda uu jirsiin karo.

Qof kalena wuxuu sameeyaa laba-kacleyn. Quwad ka dahsooneyd in uu leeyahay ayuu adeegsadaa, dadaal iyo dardar hor leh ayuu la soo baxaa. Xawliga kabashadiisa iyo fursadaha u soo baxa isaga ayaa rumeysan waaya.

Dhicitaan, ka-kabasho iyo waliba in iskuulka laga gaaro libin aan la haweysan karin dhacitaanka ka hor, tusaale nool aniga ayaa u ah.

Waa tan sheekadeydu.

Waan Dhacay

Ka dib marka aan Dugsiga Xannaanada carruurta ku qaatay Xamar, ayaan fasalka koowaad ee Dugsiga Hoose ka billaabay Buulo Burte.

Sannadka koowaad wuxuu u badnaa far barasho, qoraalka tirooyinka, isku darka iyo kala goynta, sawir lagu falaadayo midabbo kala duwan iyo wax aan ka fogeyn.

Fasalka labaad ee Dugsiga Hoose, waxaan dhiiqo ku galay xisaabta isku dhufashada iyo qeybinta iyo Afka Ingiriiska. Ficil, faacil iyo Mafcuul bihi iyaguna ima caawin.

Waxaa la ii soo dhejiyay in aan dhacay.

Cirku in uu igu soo dumay ayaan mooday. Waxay iila mid ahayd fashilka ugu weyn adduunka. Runtiina way ahayd fashilkii ugu weynaa adduunkeygii maalintaas. Xataa ma hubin in aan abid ka soo waaqsan doono.

Fasalkeygii, kuraastii, miisadihii, sabbuuraddii, sawirradii derbiyada ku xardhanaa nooca ceramics loo yaqaan oo muujinayay qaaradaha adduunka, sawir koox kubbadda cagta Brazil ah oo ay dayaaradi la dhacday, xisadihii oo dhan, casharradii aan qaadanayay, macallimiintii wejiyadooda, maamulihii iyo nadiifiyihii iskuulka, imtixaanaadkii geddigood, saaxiibbadeydii cayaarta kulligood, wixii oo dhan ayaa sidii xusuusta aflaamta midba mar i hor yimid igana gudbay, aniga oo aan macno u sameyn.

Wax aan yeelo ma aqaan. Waxa sidaan xigi doonana ma qiyaasi karo. Talo faraheyga way ka baxday.

Waalidkeey ayaa markiiba la igu soo rogay nidaam hor leh oo xakameynaya xorriyaddeyda.

Xakameyntaas uma arkeyn wax culeys ah.

Aniga ayaan xorriyadba dooneyn. Niyad uma hayo in aan banooni cayaaro iyo in aan webiga u dabaal tago toona.

Ma rabin in aan fiidkii soo cayaaro Quful-Naar, Kab-tuur iyo cayaartii Xamar markii aan joogay ay walaalaha iga waaweyni cayaari jireen ee Kadhimeey Kadhim, laakiin ciyaalka Buulo Burte ay u yaqaanniin Darbanow Darban, aadna ay u jecel yihiin.

Ma ahayn keliya in aanan tamar u heyn oo aan niyad jabsanaa.

Waxaan ka dhuumanayay ardaydii kale. Xataa qof kasta oo iga soo hor baxa waxaan moodayay in uu og yahay in aan imtixaankii ku dhacay.

Madaxeyga waxaa buuxiyay ciil iyo caro. Waxaa ii wehliyay weji gabax aan foolka siin waayay waalidkeey, walaalaheey, dhallinyarada xaafadda, ardayda iyo macallimiinta Iskuulka.

Allah Jannada ha ugu bishaareeyo, Aabbahay iyo Hooyadeey iyo walaalaheey ayaa iga soo saaray xaaladdaas.

Dishibiliin adag ayaa la ii yeelay; wakhtiga dugsiga quraanka, xilliga aqoon barashada guriga, xilliga cayaaraha iyo dabaasha, xilliga nasashada iyo xilliga hurdada.

Gacan qabashada ugu weyn waxay ahayd aqbalaad la i aqbalay iyo dhiirri gelin la i tusay in aan ka gudbi karo xaaladda.

Waalidkeey wuxuu ii muujiyay in aan wax hore la ii haysan oo ay igu jecel yahay sideyda, hase yeeshee, hadda iyo ka dib la ila xisaabtami doono, gacanna la i siin doono.

Waxay u dhigantay in ay igu yiraahdeen, wakhti kaama tegin.

Waalid iyo walaalba waxaa naqtiin iyo barasho hor leh la iigu sameeyay maaddooyinka aan qaadanayay oo dhan. Waxaa xoogga la saaray Xisaab iyo Ingiriis oo ahaa labada aan dartood u dhacay.

Fasaxa Iskuulka markii laga soo laabtay, Xisaab iyo Ingiriis waxay noqdeen labada maaddo ee aan ugu wanaagsan ahay.

Saddex Imtixaan ayaa sannad kasta la fariisan jiray. Fasal kasta marka aad ka gudubtana shahaaddo ayaa la bixin jiray sida jaldiga buugga u adag. Shahaaddada aan ka qaatay Fasalka labaad ee Dugsiga Hoose midabkeedu casaan xigeen ayuu ahaa.

Maaddada Ingiriiska waxaa iigu qornayd; Cashara, Cashara, Cashara. Oo macnaheedu yahay in saddexda imtixaan dhibacaha aan mid kasta ku baasay ay yihiin boqolkiiba Boqol.

Shahaaddada Fasalka labaad waxaan keydinayay ilaa aan Dugsiga Sare dhammeystay. Waxay horseed iigu noqotay khibrad aan marar badan ka shidaal qaatay oo dhaqan ii noqotay. Waa in sannad kasta hal ama dhowr maaddo aan ugu sarreeyo fasalka ama iskuulka oo dhan. Ama in aan maddooyinka oo dhan marka la isku daro dhibcahooda aan anigu kuwa ugu badan haysto.

Waxay ii horseedday in markii aan gaaray Fasalka toddobaad ee Dugsiga Dhexe ilaa aan Jaamacadda dhammaysto aanan marnaba gelin kaalinta Saddexaad.

Fashil waxaa iila mid ahayd marka aan waayo kaalinta koowaad. Haddii la iga helo kaalinta koowaad, ma dhici jirin in aan tan labaad waayo.

Ardaydii aan wejiga ka dadbi jiray sannadkii aan dhacay, waxaa beddeshay in aan ka mid noqdo kuwa kalsoonida ku qaba natiijadooda ee aan la gabban. Intii aan iskuul dhiganayay ugu yaraan saddex jeer ayaan xusuustaa oo Maamule uu igu casuumay in daabbuurka ama safka iskuulka aan soo istaago si aan ardayda ula hadlo.

Jaamacadda aniga ayaaba Guddoomiye u ahaa ardayda toddoba Kulliyadood oo xarunta Gahayr degganaa.

Gaar ahaan Maaddada Xisaabta ee horseedday in aan ku dhaco Fasalka labaad, waxay noqotay maaddada aan ugu wanaagsan ahay maaddooyinka aan qaato.

Macallin Dugsiga Sare mar ii dhigay Xisaab ayaan habeen is aragnay. Wuxuu i weydiiyay in aan Jaamacad aaday iyo in kale.

Markii aan u sheegay in aan Jaamacadda dhigto, wuxuu markiiba i weydiiyay Kulliyadda aan galay. Luqadaha marka aan dhahay wuxuu iigu jawaabay “waad tacaddisay.” Wuxuu raaciyay “Maxaad Xisaabta uga hartay!”

Xag shaqo marka ay noqoto, dhicitaankii Dugsiga Hoose igama hor istaagin in aan shaqooyin xirfadeed (professional) oo qaarkood heer caalami uu yahay aan tartan adag u galo kuna guuleysto.

Igama hor istaagin in aan caasimado aan dalkeenna ahayn oo shaqo i geysay aan ku guuleysto tartan oo aan Madax u noqdo boqollaal xirfadle oo ka kala yimid dhowr dersin oo dal, kuna nool oo ka shaqeeya qaaradaha oo dhan.

Igama hor istaagin in aan ka mid noqdo Madaxda dalkeenna ugu sarreysa oo aan Boqorro iyo Madaxweynayaal shir la galo, miisna aan kula cunteeyo.

Horumar nolosha laga gaaraa kuma xirna shahaaddo.

Shaqooyinka shahaaddo ku xiranna, kuma xirna oo keliya labo sano oo isku xiga oo la soo dhaafay midka aad shahaaddada qaadatay.

Maxaa hadda iiga xiran in aan iskuulka dhammaysan lahaa oo tababbarka Ciidanka ee Xalane aan qaadan lahaa sannad ka hor xilligii aan dhammeeyay oo ahaa 1981?

Dhicitaan waa sida aad ka dhigato.

Fursaddaada Maanta

Marka aan dib u fiiriyo, dhiciddeydii fasalka labaad ee Dugsiga Hoose, wax ay i tartay mooyee waxba iima dhimin.

Marka aan iskaa barbardhigo, waxaan aamminsanahay fursadda soo kabashada ee aad maanta haysataa in ay aad uga sarreyso middii aan haystay markii aan ku dhacay Fasalka Labaad ee Dugsiga Hoose.

Marka koowaad waad ka da’ weyn tahay, kana aqoon iyo khibrad badan tahay heerkii aan maalintaas joogay.

Tan xigta, anigu ma haysan teknoolojiga casrigan ee waxbarasho iyo aqoon kororsi guudba loo adeegsado. Waxa aan doono Google ma weydiin jirin. Youtube cashar kama daalacan jirin amaba ima dhex fariisin jirin fasal Jaamacad qaarad kale ku taal. Ardayda kale iyo aqoonyahanka aan doonana WhatsApp kulama xiiriiri jirin marka aan doono. Dabcan teknoolojigaasi ma jirin.

Tan saddexaad, meeshii aniga ay dhiciddeydu ii gaarka ahayd oo ay igu noqotay ninkeed-guba’, maanta idinku waxaad haysataan taageerada shacabka oo ay ku jiraan waaliddiinta, Macallimiinta iyo maamulayaashu. Waa la idinla xanuunsaday. Waana la idiin garaabay.

Dhiirri gelintaasi waa in ay shidaal u noqotaa quwadda cusub ee dhacdadani idinka soo saari doonto. Quwad cusub oo aad u aydaan.

Wixii ku soo maray waa Tagto oo waxba lagama qaban karo.

Waxa xiga waa waxa hadda taagan oo aad wax ka qaban karto. Iyaga ayaana go’aaminaya mustaqbalkaaga.

Tagtada waxaa ku xiga tan hadda la taagan oo ay tahay in ay go’aamiso sida ay noqoneyso timaaddadu.

U diid Tagtadaada oo ha u oggolaan in ay go’aamiso Timaaddada.

Xusuusnow kana dhabee, Wixii aan ku dilin, waa ay ku xoogeeyeen.

The post Yuusuf Garaad Cumar: “Aniguba mar baan dhacay” first appeared on Caasimada Online.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/yuusuf-garaad-cumar-aniguba-mar-baan-dhacay/original article

Related Articles

Sugar factory founded by Somali entrepreneur opened by President Museveni.

KAMPALA:– A joint sugar factory venture between Somali entrepreneur Amina Morghe Hersi and Ugandan government has opened its doors following the official opening of the factory by President Yoweri Museveni. Atiak Sugar Factory which the CEO Amina Hersi describes as borne out of the battlefields in Uganda’s Amuru region was officially inaugurated b President Museveni Thursday. Museveni hailed the project as critical in lifting thousands out of poverty and transforming an area once a battlefield between government forces and the Lords Resistance Army (LRA) into a field of investment. The Ugandan leader praised Dr. Hersi terming her a hero. “Amina is a freedom fighter like Museveni because she does not give up,” he said. Through her company Horyal Trading Investment, Dr. Hersi set up the sugar factory in 2016 and later got a government support through a joint investment deal. According to the Ugandan authorities, the government holds a 40% stake in the sugar factory. In an earlier interview this year, Dr. Hersi said the sugar factory was projected to produce 50,000 tonnes of sugar per day and generate up to 18MW of electricity. The factory started production in August. Somalia’s Somalia’s First Lady Saynab Abdi Moalim also attended the opening ceremony. Dr. Hersi was born in western Kenya and owns a vast line of investments in Uganda.

Doorasho loogu tartamayo Duqa magaalada oo maanta ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Galmudug waxaa saakay lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkisa ee degmada Gaalkacyo. Dorashadaan ayaa la filayaa inay bilaabato sacadaaha soo socda, waxaana qofkii xilkaas ku guuleysta uu nqonaya duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug. Xilka guddoomiyaha degmada Gaalkacyo waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah, Cabdiraxmaan Sheekh Jimcaale iyo Cabdifitaax Barre. Wasaarrada arrimaha gudaha Galmudug ayaa dhawaan shaaca ka qaaday liiska xubnaha golaha degaanka ee degmada Gaalkacyo. Dhanka kale Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa ka kooban 27-xubnood, waxaana la dhaariyey maalin ka hor, waxayna Gaalkacyo noqotay magaaladii ugu horreysay Galmudug ee yeelata gole deegaan. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleSugar factory founded by Somali entrepreneur opened by President Museveni.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta golihiisa wasiirada horgeynaya BF Soomaaliya

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadaha soo socda ee maanta la filayaa in golihiisa wasiirada cusub uu horgeeyo xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka oo goor dhow ka furmi doono xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa lagu war-geliyey dhamaan xildhibaanada inay soo xaadiraan, si ay cod ugu qaadaan meel marinta xukuumadda cusub oo ay u taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso doorashada. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha ka codsan doono inay codkooda siiyaan wasiirada cusub, kadibna wuxuu u caddeyn doonaa tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo. Golaha wasiirada oo lagu dhowaaqay todobaadkii la soo dhaafay ayaa isugu jira qaar ka mid ah golihii wasiirada xukuumaddii ra’iisul wasaare Khayre iyo kuwa cusub. Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka socday kulamo taageero loogu raadinayey xukuumada cusub ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo sidii ay u heli laheyd codka kalsoonida. Dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale baarlamaanka federaalka ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan xukuumadda, si ay gudato waajibaadka hor yaalla. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyo doorashooyin, iyadoo lagu soo dhoweynayo waqtiga loo qorsheeyey in la qabto oo ay horey heshiis uga gaareen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

XOG: Cumar Filish oo Cisbitaal loola cararay & Sirculus oo laga helay Caafimaadkiisa

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), ayaa dalka dibadiisa u amba-baxay ka dib markii ay la soo derseen Xaalado caafimad daro oo uu ka shaqeyn waayay. Dad ku dhow, Duqa Muqdisho ayaa inoo sheegay in Cumar Filish uu aaday dalka Turkiga si uu daawo ugu helo xanuun dhowr ah oo isbiirsaday oo maalmihii u dambeeyay ku sii xoogeysanayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xanuuno ka haya Caloosha sida (Gaas). Warbaahinta gudaha ayaa laga qariyay safarka caafimaad ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku aaday dalka Turkiga, waxaana maalmihii u dambeeyay baraha Bulshada lagu arkayay, guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan oo loogu yeerayay ku-simaha Duqa Muqdisho. Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in, tan iyo markii Duqa Muqdisho loo dhiibay xilkan uu ahaa Bukaan socod,islamarkaana shirar muhiim ah uu kaga baaqday xaalad caafimaad daro oo soo wajahday. Cumar Filish oo caan ku ahaa dagaaladii soo maray dalka qeybta uu ku lahaa, ayaa hadda hoggaaminaya saddexda milyan ee ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo sheegaya ineysan ka helin waxyaabihii ay ka filayeen markii la magacaabayay. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Muxuu Salka ku Hayaa Qalalaasaha Hafiyay Nigeria

October 24, 2020 | Published by: yaska Debedbaxyada lagaga soo horjeedo tacaddiyada boolisk ee ka soconayay waddanka Nigeria ayaa Abuuray  dhaqdhaqaaq xooggan oo u muuqanayay inuu gilgilay dadka awoodda haya, Hasayeeshee laba todobaad oo buuq ah kaddib, tifaftiraha Laanta Afka Hausa-ha ee BBC-da, Aliyu Tanko, ayaa eegaya Wixii ka Dambayn doona Xaaladsan. Isu soo baxyo waddooyinka lagu dhigayay iyo gadood dhinaca baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ah ayaa da’yarta Nigeria waxa ay siisay cod meesha ka saaray kala duwanaanshiyaha dhaqanka ee dalkaasi. Markii hal ku dhigga #EndSARS uu aad u shaacbaxay, ayaa sidaas waxaa lagu caasiyay kooxaha gacanta ku haya siyaasadda dalkaasi. In la burburiyo goobta sida wayn loo qadariyo ee oba, ama hogaamiye dhaqameedka Lagos, ayaa astaan u aheyd arrintaasi. Dhalinyarada ayaa meelaha wareejinayay carshigiisa, waxa ay xadeen hantidiisa, sidoo kalana waxa ay ku dabaasheen meesha uu ku dabaalan jiray. Wax ku bilowday dibadbax lagaga soo horjeedo waaxda booliska ee gaarka ah ee ka hortagta dhaca (Sars) Ee la necebyahay ayaa  noqday dhabihii ay dhalinyaradu ku soo bandhigi lahaayeen cadhada ay u qabaan dadka Nigeria maamulayay muddo tobannaan sanadood ah, waxa ayna dalbadeen in isbadel la sameeyo. Madaxweynihii hore Olusegun Obasanjo ayaa Sannadkii 2017-kii waxa uu ka digay in “dhammaantayo aynu ku dul fadhinno fuusto baaruud ah” markii ay timaado arrimaha dhalinyarada. Hadalkiisaas waxa uu ula jeeday guud ahaan qaaradda hasayeeshee arrintaas waxa ay saamaynaysaa Nigeria, Oo ah dadka ugu dalka badan Afrika laguna qiyaaso dadkiisa 200 oo milyan oo qof, kuwaas oo in ka badan 60% ay ka hooseeyaan da’da 24. Inta badan dadka gaaray da’da shaqada ma haystaan shaqo caadi ah, fursadaha waxbarasho wanaagsan lagu heli karana waa ay yaryihiin. Bilowgii sanadkan, shaxda dowladda ayaa waxa ay muujisay in 40% dadka Nigeria ay ku nool yihiin saboolnimo. ‘Ma ahan caadifad mar uun iska kacday’ Hasayeeshee dadka haa tan awoodda haya ayaa markii hore khalad u fahmay waxa markan soconaya, qoraaga xuquuqda aadanaha u ololeeya, Gimba Kakanda ayaa BBCda u sheegay. “Debadbaxyada lagu dalbanayo in lagu soo afjaro tacaddiyada booliska ee la baxay #EndSARS ayaa markii hore waxaa loo arkay inay yihiin caadifaddii dhalinyada ee mar la aragta aheyd taas oo iska dhammaan doonto,” ayuu yidhi. “Fakarka noocaas ah ee xad dhaafka ah ee ku jira siyaasiyiinta ayaa sabab u ahaa jawaabta soo daahday ee laga bixiyay dhaqdhaqaaqan aan caadiga ahayn, iyagana ka soo xidhiidhiya fursadihii u furnaa.” Su’aasha ayaa waxa ay tahay xaguu dhaqdhaqaaqaas haatan aadayaa? Guusha dibadbaxa ee dowladda ku qasbay inay isbadello keento – sida in ay ballanqaado in la kala diro Sars, iyo isbadel ballaaran oo lagu sameeyo booliska – ayaa dhalinyarada Nigeria waxa ay ka heleen kalsooni, waxa ayna haatan rumaysan yihiin inay isbadel samayn karaan. Maalmihii ka horreeyay dibadbaxyada, kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxaa u suuragashay inay sameeyaan goob dadka laga caawiyo haddii xaalad degdeg ah ay dhacdo. Sidoo kale adeeg dhanka sharciga ah ayey diyaariyeen oo la siiyo dadka u baahdo iyagoo weliba idaacad sameeyay. Arrimahaas waxaa lagu maalgeliyay iskaashi guud arrintaas oo tusaale u noqotay sida Nigeria ay u hagaagi karto haddii aanay siyaasiyiintu meesha ku jirin kuwaas oo badanaa u muuqda inay dantooda uun tahay sidii nafsadooda ay wax ugu heli lahaayeen, halkii ay dalka horumarin lahaayeen. Hasayeeshee dhinac xun oo ay dibadbaxyadu wataan ayaa jira. Halka dadka taageeray ee u soo baxay dhaqdhaqaaqa #EndSARS ay ahaayeen dad si nabadgalya ah u dibadbaxayay, haddana waxaa jiray qeyb ka mid ah dhalinyarada oo dibadbaxyada u arkayay inay fursad yihiinba. Arbacadii iyo Khamiistii la soo dhaafay ayaa boob iyo burburin waxaa lagula kacay ganacsiyada Lagos Waxa ay kharbudeen dukaamo, waxa ay u dhaceen bakhaaro halka ay bartilmaameedsadeen ganacsiyada ay leeyihiin siyaasiyiinta caanka ah Walow hab dhaqanka labada kooxood uu kala duwanyahay, haddana waxa ay ka midaysan yihiin: nacaybka ay u qabaan dadka maamulka haya. ‘Buhari waxa uu seegay dulucdii’ Mas’uuliyiintu waa ay ka warhayaan in saboolnimada iyo xaaladda adag ee jirta ay halis ku yihiin ammaanka qaranka, sida uu sheegayo Mr Kakanda oo xuquuqda u ololeeya. “Dowladda waxa ay xaqiiqsatay in carada noocan ah aanay dhayalsan karin sida hore u dhacday oo kale,” ayuu intaas ku daray. Hasayeeshee waxa ay sii wadday inay qaado tallaabooyin khaldan markii ay iskudayaysay inay xaaladda dajiso. Khudbaddii Madaxweyne Muxamedu Buhari uu dalka u jeediyay fiidkii Khamiistii “ayuu ku seegay dulucdii hadalka”, sida uu qabo Japheth Omojuwa oo barta internet-ka wax ku qora. Mr Buhari ayaa waxa uu ku baaqay in dibadbaxyada la soo afjaro oo wadahallo la bilaabo, hasayeeshee “waxaa lagu xasuusan doonaan inuu dadka Nigeria u hanjabay xilli ay dowladooda waydiisteen inay cadaalad samayso. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hadda loo baahan yahay in isha lagu hayo isbadalka lagu sameynayo booliska Nigeria Sikasta oo uu xaal ahaadaba, Mr Omojuwa ayaa waxa uu rumaysan yahay in dhaqdhaqaaqa #EndSARS wax uun lagu gaadhi karo. Ma ahan in diiradda lagu saaro hammiga mustaqbalka fog ee ah in awood siyaasadeed lagu gaaro, ayuu ku doodayaa, hasayeeshee waa inay xaqiijiyaani n mas’uuliyiinta ay ka soo dhalaalaan isbadelka ay ballaanqaadeen, booliska habowsanna cadaaladda la horgeeyo. Tallaabooyinkaas yaryar ayaa laga yaabaa in ugu dambayntii ay dhalilyaan isbadel wayn.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/yuusuf-garaad-cumar-aniguba-mar-baan-dhacay/original article