Saturday, October 24, 2020

Xubno cusub oo kusoo biiray Shirka Muqdisho iyo Qodobada qaar oo la isku hayo

– Advertisement –

Shirka Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho ayaa yeeshay waji kale, waxaana wali jira qodobo badan oo ay isku mari la’yihiin madaxda uu shirka uu u socdo.

Sida aan wararka ku helnay Shirka oo xalay dib uga bilowday magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo biiray xubno cusub oo matalaya dowlada federaalka kuwaa oo kala ah Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Ra’isul Wasaaraha.

Shirka ayaa waxaa horey dowlada Federaalka ugu matalayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kaliya, waxa uuna u muuqdaa mid hada shirka intii hore ka balaaranayo uuna marayo meel xasaasi ah.

Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada shirka u socdo ayaa isku haya qodobo dhoor ah ay kamid yihiin cida maamuleysa doorashada iyo sidii doorashada qeyb uga noqon lahaayeen doorashada Guddiyo ka socda Maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale qodobada la isku hayo kamid ah in doorashada dhaceysa aanan xisbi lagu gelin iyo sidoo kale in deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.

Shirka socda ayaa lagu soo waramayaa in Madaxda Dowlad goboleedyada ay isku aragti ka yihiin qodobada qaar , waxaana qodobadaasi ay isku raacsan yihiin Madaxda maamulada kasoo horjeeda Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Wasiir Xamza Saciid Xamza “Aan U Hiilino Isboorrtiga Dalka ”

Wasiir Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza oo ka hadlay furitaanka tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2020 ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka qeyb galo tartanka degmooyinka,isagoo guul iyo horomar u rajeeyay kooxaha ka qeyb galaya. Daawo Hadal Jeedintii Wasiir Xamza ee Furitaanka Tartanka Degmooyinka 2020 Maxamed Xuseen Qalinle

Madaxweynaha Poland oo laga helay cudurka Covid19

Madaxweynaha wadanka Poland Andrzej Duda ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu danbeeyey ee uu haleelo cudurka Covid19, xili cudurkan uu asbuucyadii lasoo dhaafay kusoo labo-kacleeyey dalalka Midowga Yurub.Madaxweyne Duda ayaa la sheegay in baaritaan lagu sameeyey jamcihii shalay laga helay cudurka Covid19, waxaa sidaa lagu shaaciyey warbaahinta dowlada maanta oo Sabti ah. Cudurkan ayaa horey ugu dhacay qaar kamid ah Madaxda Caalamka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Maraykanka, Raysalwasaaraha UK iyo  Madaxweynaha Brazil. Duda ayaa 48 sano jir waxaana hada la sheegay inuu ku jiro karantiil, balse xaaladiisa caafimaad ay tahay mid degan. Dalka Poland ayaa kamid ah wadamada Yurub ee cudurka Covid19 maalmihii lasoo dhaafay si xawli ah ugu sii faafayey, shalay oo Jimce ahayd oo kaliya ayaa la sheegay in dalkaasi tirada dadka cudurkan laga helay ay gaareysay in ka badan 13.600-qof. Hanad AskarHorseed Media

XASAASI: Turkiga Oo soo laabashada Xukunka Madaxweyne Farmaajo Diidan

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Dowladda Turkiga oo Soomaaliya taageereysay laga soo billaabo 2011 ayaa la sheegay in iminka kusoo biirtay waddamada toos usoo fara gelinaya doorashooyinka Soomaaliya. Qaar kamid ah Musharrixiinta ugu cad cad qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isbuucaan kuwajahan Dalka Turkiga kaddib markii ay casuumad kahelay Madaxda Dalkaas. Sida ay kuwarramayaan ilo xog ogaal ah xiriirka Dowladda Federaalka iyo Turkiga ayaa gaabis weyn kuyimid sannadkaan 2020. Lama oga waxa ay saluugsan tahay Dowladda Turkiga, balse waxaa loo badinayaa in aysan ladhacsaneyn qaabka uu wax u wado hoggaanka sare ee Dalka Soomaaliya. Turkiga ayaan horay looga baran iney kala doortaan musharraxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya. hasa-yeeshe hadda waxay doonayaan baa laleeyahay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Dalka si ay meesha u timaado cid ay lajaan qaadi karaan. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga ‘KALA GURKA’ ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii dowladda ee sharciga ahaana ay ka harsan tahay 3 bilood. Isagoo xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyey barnaamijka xukuumadiisa oo uu ku dalbaday in kalsooni la siiyo Golaha Wasiirada uu soo dhisay ayuu Ra’iisal wasaare Rooble adeegsaday ereyga ‘ISLA GUURKA’ halkii ay ahayd ‘KALA GUURKA’. Ad “Waxaan idin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay inay ka tarjumeyso marxaladda dalku marayo ee waqtiga ‘Wada-guurka’..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo dhowr jeer ku celiyey ereyga ‘WADA-GUURKA’ Lama oga ujeedka Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa loo micneyn karaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay inuusan ogoleyn xaaladda kala guurka ah ee uu kusoo beegmay inuu doonayo dowlada hadda jirta inay sii joogto ama dib u soo laabato Doorashada kadib. Warar Xul ah

Trump oo ku hanjabay in Masar burburin doonto Biyo Xireenka Itoobiya – Video

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay mar uu ka hadlayey heshiiska dhexmaray Sudan iyo Israel, ayuu soo hadal qaaday xiisadaha ka taagan gobalka isagoo sheegay in hada Masar ay qarka u saaran tahay inay burburiso Biyo Xireenka ay dhiseyso Itoobiya. Trump ayaa hadaladiisa kusii daray “…Masar sidan kuma sii noolaan karto, waxay ahayd mar hore inay tilaabo qaadaan oo ka hortagaan dhismaha Biyo Xireenka….Shan sano ayaan waan waan ka dhex wadnay laakiin Itoobiya ayaa jabisay heshiiskii la saxiixi lahaa…” Donald Trump Dowlada Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalada Madaxweynaha Maraykanka ayaa maanta u yeertay Safiirka Washington u fadhiya Addis Ababa. Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkooda aysan qaadan doonin in lasoo farogeliyo madax-banaanidooda, isla markaana hadalada Trump ay yihiin kuwo xiisad lagu abuurayo oo ka horimaanaya sharuucda caalamiga ah. Itoobiya ayaa horey ugu eedaysay Trump inuu la safan yahay Dowlada Masar, kadib markii lagu guuleysan waayey wadahaladii u socday Itoobiya, Sudan iyo Masar ee arrimaha biyo-xireenka. Xukuumada Donald Trump ayaa dhawaan shaacisay inay joojisay deeqdii ay siin jirtay dalka Itoobiya oo boqolaal milyan oo dollar gaareysa. Maraykanka ayaa ku eedeeyey xukuumada Itoobiya inay iyadu jabisay waan-waantii ay garwadeenka ka ahaayeen Maraykanka. [embedded content] Maxamed CismaanHorseed Media