Friday, October 23, 2020

XOG: Musharaxiinta 2020/21 u kala safan Imaaraadka & Qatar+(kuwooda saameynta leh)

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Waxaa sii xoogeysanaya siyaasiyiinta galay olole dibadeed Tan iyo markii la iclaamiyay doorashada iyo jadwalkeeda,waxayna qaar ka mid ah siyaasiyiinta u kicitameen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta (UAE)

Imaaraadka ayaa doonaya inuu door weyn ku yeesho doorashada soo socota, si uu meesha uga saaro saameynta Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale dalka Qatar oo xilligan saameyn weyn ku leh Dowladda Federaalka ayaa la sheegayaa inuu ka fikirayo Musharax labaad, si saameyntooda siyaasadeed ee Soomaaliya u xajisto.

Siyaasiyiinta musharaxiinta ah ee la ogyahay iney taageero weyn ka helaan Imaaraadka Carabta si ugu guuleystaan xilka waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai,C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir inkastoo mar la weydiiyay uu beeniyay, C/kariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug hadana ah hoggaamiyaha Xisi siyaasadeedka Sahan iyo Siyaasiyiin kale oo qarsoon kuwaas oo la kala xulanayo marka doorashada soo dhowaato.

Sidoo kale, Dowladda Qatar oo hadda saameyn xooggan ku leh Dowladda Farmaajo ayaa sida xogta aan ku helnay sanadkan waxay wadataa siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda dalka oo ilaa iyo hadda laga xusi karo madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ah isku xiraha Xukuumaddaha Dooxa iyo Muqdisho ayaa sanadkan damacsan shax cusub oo uu markale ku soo saari karo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo mudada uu xilka hayo sameystay cadow badan oo guda iyo dibadba leh.

Doorashada 2020/21 ayaa ka adag tii hore, waxaana xiisaha u sii yeelaya musharaxiin badan oo u ordaya xilka ugu sareeya ee dalka, kuwaas oo qaarkood sanadkii 2016-kii ku fashilmay iney hantaan kursiga looga arramiyo dalka.

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Related Articles

Maalinta Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berito oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24ka Oktooba 2020 inay kulanka ay yeelanayaan ay codka kalsoonida ugu qaadaan golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay.Tan iyo markii lagu dhowaaqay golaha wasiirada cusub ayaa wasiirada la magacaabay ay ka dhex wadeen xildhibaanada baarlamaanka olole ay ugaga codsanayaan inay codka kalsoonida siiyaan. 19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, waxaana laga sugayaa golahan wasiirada cusub inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalka. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleLibyan rivals sign nationwide ceasefire agreement at UN ceremony Next articleDuqeyn lagu diley 12 arday ah dalka Afghanistan

Duqeyn lagu diley 12 arday ah dalka Afghanistan

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo kuyaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka. Duqeyntu oo ka dhacday  tuulada Hazara Qurluq ee dalka Afghanistan ayaa waxaaayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii. Dowladda Afghanistan sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan. Duqeyntan ayaa timid kadib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka. Saraakiisha gudaha ayaa sheegaya in 14 kale ay ku dhaawacmeen duqeynta dhanka cirka ah ee halkaa ka dhacday Arbacadii a. Imaamka masaajid ku yaalla Tuuladaas oo lagu magacaabo Cabdul Awal, oo kamid ahaa dhaawacyada lana dhigay isbitaal, ayaa sheegay in isaga iyo caruur oo kaliya ay kujireen masjidka xiligii duqeynta. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleMaalinta Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay Next articleMareykanka oo ansixiyay daawo cudurka Korona lagu dabiibi karo

Mareykanka oo ansixiyay daawo cudurka Korona lagu dabiibi karo

Daawadan waxaa la siin doonaa bukaannada ku jira isbitaallada, hasayeeshee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) waxa ay sheegaysaa in waxatarkeedu uu yar yahay. Hay’adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka waxa ay meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada remdesivir. Hay’adda maamusha Cunnada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sheegtay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee dawada, oo celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneysa waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta. “Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FDA. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay todobaadkii hore sheegtay in dawada remdesivir aanay wax wayn ka tari karin badbaadada bukaannada. WHO ayaa sheegtay in arrintaas ay ka dhalatay daraasad ay samaysay – balse shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay waxa ay diidday xogtaas ay hay’addu shaacisay. Isticmaalka Remdesivir ayaa la ogolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdega ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka. Waxaa dhawaan la siiyay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, wuuna ka kabsaday xanuunka coronavirus. Bayaanka ayey FDA ku sheegtay in dawada Khamiistii la ansixiyay “in la siiyo dadka waa wayn iyo carruurta bukaanka ah ee 12 jirka ah iyo kuwa ka wayn iyo dadka ugu yaraan miisaankoodu uu yahay 40 kiilo-garaam, kuwaas oo isbitaallada looga dabiibayo cudurka Covid-19”. “Meelmarinta maanta waxaa lagu saleeyay xog laga helay tijaabooyin caafimaad oo badan oo hay’addu ay si qoto dheer ugu qiimeeysay, tanina waa guul taariikhi ah oo ahmiyad saynis leh oo laga gaaray cudurka safmarka ah ee Covid-19,” ayuu yiri Gudoomiyaha FDA Stephen Hahn. Hay’adda ayaa sheegtay in go’aankeeda ay taageereen dad xogta falanqeeyay oo ka kala socday “saddex kooxood oo si kala duwan loo soo xulay, kuwaas oo qiimeeyay tijaabooyinka caafimaad oo ay ku jiraan kuwo lagu sameeyay bukaanno isbitaalka loo dhigay xanuun daran oo Covid-19 ah”. Mid ka mid ah daraasaadka ayaa muujiysa in “xilliga dhexdhexaadka ah ee loogaga soo kabsan karo Covid-19 uu ahaa 10 maalmood, waa marka la isticmaalo dawooyinka Veklury, markii la barbardhigo 15-ka maalmood ee ay ku soo kabsadeen dadka la siiyay dawooyinka placebo”.

Stay Connected

20,896FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Jihadi Insurgency in Mozambique Grows in Sophistication and Reach

Abstract: In early August 2020, fighters of Ahl al-Sunnah wa al Jamma’ah (ASWJ) captured the town and port of Mocimboa da Praia in Mozambique’s northernmost...

President Putin’s 2020 Valdai Club Speech Articulated His Vision Of Populist Statism

President Putin’s keynote speech at the Valdai Club’s 17th annual meeting devoted a significant amount of time to articulating his vision of what can...