Sunday, October 25, 2020

XOG: Guuleed oo hal arrin oo guul ku soo dhammaatay kala shaqeeyay Villa Somalia

Madaxweynihii hore ee Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb libaax leh ka qaatay in xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya loo magacaabo Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku heyn Mr. Guuleed.

Guuleed ayaa daaal xooggan ku bixiyay sidii xilkaas u heli lahaa shaqsi ka soo jeeda Beesha Habargidir gaar ahaan Jufada uu ka soo jeedo ee Sacad, wuxuuna arrintaas ka caawiyay in shaqsigaas la helo madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo geed gaaban iyo mid dheer u fuulay helista xilkaas.

Madaxweynaha Galmudug oo safar deg deg ah oo ujeedkiisa la shaacin ku gaaray 12-kii bishan magaalada Nairobi ayaa halkaas wuxuu kulan qarsoodi ah kula yeeshay Siyaasiga C/kariim Xuseen Guuleed, kaas oo arrimaha uu kala hadlayo loo badinayo iney qeyb ka ahayd magacaabista xilka Ra’iisal wasaaraha oo loo saarinayay Mr Guuled in xilkaas loo magacaabayo.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed oo hadda ah musharax madaxweyne 2020/21 ayaa la sheegayaa inuu galaangal xooggan uu ku leeyahay siyaasadda dalka, wuxuuna hadda kulamo kala duwan oo dhanka siyaasadda ah ka wadaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Guuleed oo la aamisan yahay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradsan hanaanka shaqo ee Dowladda Farmaajo ayaa haddana dhanka kale muddooyinkii dambe wuxuu u muuqday mid hoos uga soo dhacayay ama dib uga gurtay xantaas, maadama uu bogaadiyay tallaabooyin dhowr ah oo Dowladda ay qaaday.

The post XOG: Guuleed oo hal arrin oo guul ku soo dhammaatay kala shaqeeyay Villa Somalia appeared first on Somali News Leader.

Related Articles

Madaxweyne Waare oo Magacaabay Xubnaha Hishabeelle Ku Matalaya Guddiyada Heer Federaal

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa manta soo gudbiyey xubnaha maamulkaas ku matalaya guddiyada doorashada heer federal ee 2020-2021 oo laga sugayey iney soo gudbiyaan. Madaxweynaha xubnaha uu soo magacaabay ayaa ka kooban afar xubnood, kuwaas oo Hishabeelle matali doona , waxaana ay kala yihiin Cabdinaasir Maxamed Guulee iyo Maxamed Maxamuud Cadow oo matalaayo guddiga hirghelinta doorashada dadban ee 2020-2021. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Farxiyo Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur ayaa u magacaabay in Hirshabeelle ay ku matalaan guddiga xalinta khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xubnahaan la magacaabay ay ka dambeysay heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada laguna jaangooyey nuuca doorasho ee dalku uu aadayo 2020-2021-ka. Goobjoog News

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  oo axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha iyo dimuquraadiyad, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada tayeynta adeegyada iyo horumarinta kaabayaasha. Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Dalalka Afrika oo Markale Xayiraado Qarka u Saaran COVID-19 Awgii

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp ADDIS ABABA;-Guddoomiyaha Midowga Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dalalka Afrika ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah u yeeshaan la dagaallanka xanuunka COVID-19 si loo yareeyo halista mowjad labaad oo xanuunkaas ah. Ramaphosa ayaa ka digay in mowjad labaad oo qaaradda ku timaadda ay dhalin karto Bandow iyo xayiraad cariiri gelin kara nolosha dadka Afrikaanka ah. Mar uu ka hadlayay shir u uku qabtay aaladda Zoom-ka ayuu guddoomiyuhu sheegay in xanuunka uu muujiyay adkeysiga iyo waaya aragnimada qaaradda. Dalalka qaar oo uu xanuunku ka yaraaday ayuu sheegay in si lama filaan ah uu ugu soo laba kacleeyay taasi oo dhalisay in dalalkaasi ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka xayiraadahooda. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in qaaradda ay la gudboontahay feejignaan dheeri ah oo lagu badbaadinayo bulshada qaaradda. Bukaannada qaba xanuunka Korona ee qaaradda ayay haatan tiradoodu kor u dhaafeysaa 1.6 milyan oo qof halka ay u geeriyoodeen ku dhawaad 40.000 oo kale. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleMucaaradka Jisiiradda Siishelis oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas.

Stay Connected

20,912FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Gabar 12 jir kufsi & Afduub la iskugu daray Oo Afka furatay markii Ciidanka bad baadiyeen

Gabar 12 jir ah oo Kufsi loo geystay, lagana soo afduubtay deeganka Ceel-Daahir ee gobalka Barri ayaa lagu qabtay degmada Dhahar ee gobalka Haylaan, sida ay cadeynayaan xogaha la helayo. Laamaha Amniga ayaa wararku sheegayaan in ay qabteen nin kamid ah kuwa Kufsiga & afduubka u soo geystay gabadhaan yar, sidaas oo kale xog laga […] The post Gabar 12 jir kufsi & Afduub la iskugu daray Oo Afka furatay markii Ciidanka bad baadiyeen appeared first on Somali News Leader.

Cristiano Ronaldo Oo U Dabaal Dagay Guushii Real Madrid Ka Gaadhay Barcelona.

Cristiano Ronaldo ayaa shaki la’aan ku raaxaystay guushii ay Real Madrid ka gaadhay Barcelona Kulankii El Clasico ee sabtidii kana tirsanaa horyaalka La Liga. Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa baraha bulshada soo dhigay sawri kadib markii ay ciyaartu ku dhamaatay 3/1 kulankii ka dhacay Camp Nou. Kadib ciyaarta Ronaldo ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal ah”Yessss” isaga oo sii raaciya sawir muujinaya muruq. Xiddiga reer portugal ayaa haatan ku jira karantiil isaga oo sugaya natiijada baadhitaanka xanuunka Korona kadib markii horay looga helay xanuunka. Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis U Fidiyay Xildhibaan Ka Tirsan Somaliya Oo Ka Soo Jeeda Somaliland.