Friday, November 27, 2020

XOG: Cali Mahdi oo si La Yaab leh uga falceliyay Dalab uga Yimid R/wasaaraha cusub

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa ogolaaday dalab uga yimid Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo shalay helay kalsoonida Xildhibaanada golaha shacabka.

R/wasaare Roobe ayaa ka dalbaday hoggaanka beesha Mudulood oo uu ugu horeeyo Cali Mahdi iney la shaqeeyaan maamulkiisa cusub,islamarkaana aysan ka hor imaana xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo.

Fariintan oo Cali Mahdi loogu dhiibay Senator Cabdi Qeybdiid oo ku heyb ah Ra’iisal wasaaraha cusub, wuxuu u sheegay ineysan jirin wax dhib ah oo ay ka tabanayaan Ra’iisal wasaaraha,balse kaliya looga baahan yahay inuu dalka ka saaro xaaladda kala guurka ah lana shaqeyn doonaan.

Beesha Mudulood ayaa wax badan oo tabasho ah ka qabtay xukuumaddii R/wasaare Kheyre, kaas oo 25-kii julay xilka laga eryay markii ay baarlamaanka codka kalsoonida kala noqdeen.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee badalaya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa hor yaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee dhammaadka 2020 illaa 2021-ka.

Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub oo heysta muddo kooban ay hortaallo howl baaxad weyn oo wadata guul iyo guul-darro, wuxuuna tilmaamay in loo baahan in lala shaqeeyo.

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Related Articles

Faah-faahin dheeraad oo ka soo baxaysa qarixii cawa ka dhacay Muqdisho

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka, kuwaas oo xiray agagaarka maqaayadda ay musiibadu ka dhacday.

Frank Lampard Oo Xaqiijiyay Xiddig Chelsea Ah Oo Ay Kooxdu Heshiis Cusub Ka Saxiixanayso.

Tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa xaqiijiyay inuu jiro qorshe ay kooxdu ku doonayso in ay heshiis cusub uga saxiixato daafaca Thiago Silva, Xiddiag 36...

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tacsiyeeyay geerida dadkii argagaxisada ku dileen qarax ka dhacay muqdisho

Share on Facebook Tweet on Twitter Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada. SHARE Facebook Twitter Previous articleDowlada soomaaliya oo war ka soo saartay qarax ay argagaxisada dad shacab ah ku laayeen kaas oo ka dhacay Muqdisho

Stay Connected

21,112FansLike
2,457FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Seynisyahankii ugu sareeyey Cilmiga Nuyukaleerka Iran Mohsen Fakhrizadah ayaa lagu dilay meel u dhow caasimada Iran ee Tahran.

Share on Facebook Tweet on Twitter Mohsen Fakhrizadeh oo ah seynisyahankii ugu sareeyay barnaamijka horumarinta nukliyeerka Iran ayaa la dilay sida ay xaqiijisay wasaarada difaaca ee Iran. Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Absard halkaas oo koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii u la socday. Mohsen ayaa isbitaalka ugu geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray. Wasiirka arimaha dibada Iran Mohammad Javad Zarif, ayaa dilka canbaareeyay wuxuuna ku tilmaamay fal qaranka lagu argagax galinayo SHARE Facebook Twitter Previous articleMadax ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Galmudug oo kormeeray dhismaha xabsiga laga hirgelinayo Gaalkacyo “SAWIRRO”

DEG DEG: Wararkii ugu horreeyey ee khasaraaha qaraxa Gelato Divino

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu horreeyey ee aan ka helnay khasaaraha qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, ayada oo 15 kale ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaraaha ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa dhankooda xaqiijiyey geeriday 7 qof iyo dhaawaca 10. Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in qof ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha uu ka mid yahay dadka ku dhintay qaraxa. Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey. Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku helay goobta kadibna durba is-qarxiyey. Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan. Waxaa goobta ku badan shaqaalaha dowladda iyo dadka ka ag dhow. Waxaa xitaaa mararka qaar taga xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber