Thursday, October 22, 2020

XOG: Axmed Madoobe oo looga yeeray Imaaraadka+(Ujeedka & damaca jira oo la ogaaday)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sida wararku sheegayaan waxaa looga yeeray Imaaraadka Carabta, halkaas oo ah marjaca siyaasadeed ee ay u laabtaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Magaalada Nairobi waxaa ka socda dhaq dhaqaaqsiyaasdeed ee ku wajahan doorashada Soomaaliya, taas oo ay horkacayaan mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed gaar ahaan Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu miisaanka culus.

Sidoo kale, magaalada Nairobi waxay marin u ahayd siyaasiyiin uga sii gudbbay UAE, halka maalmo ka hor uu joogay Madaxweynaha Puntland oo u sii gudbay Imaaraadka Carabta.

Xog badan lagama hayo ujeedka Axmed Madoobe looga yeeray Imaaraadka Carabta, balse ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu magaalada Abu Dubai kula kulmayo madax ka tirsan Imaaraadka Carabta, kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Magaalada Nairobi oo sanadihii la soo dhaafay aheyd marjaca ololaha doorashada, Musharaxiinta qaar xarun u aheyd iyo Siyaasiyiinta ku xeeldheer arrimaha Campaign-ka ayaa waxaa maalmahan ka socday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, sidoo kale waxay marin u aheyd Siyaasiyiin uga sii gudubtay UAE,halka maalmo ka hor uu joogay Madaxweynaha Puntland oo u sii gudbay Imaaraadka Carabta.

Nairobi waxay aheyd halkii saldhigga u ahaa oo uu ololaha doorashada ka waday sanadkii 2016  Farmaajo iyo rag badan oo saaxibadiisa oo uu ka mid yahay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo halkan deegaan u aheyd 15-kii sano, balse markii xiriirka Soomaaliya iyo Kenya xumaaday isaga guuray, halka Kooxda Madaxweyne Farmaajo ay iyana ka aag bedesheen.

Haddaba waxaa la is weydiinayaa mar kale Nairobi ma soo saari doontaa Musharax ku guuleysta xilka Madaxweynaha si la mid ah Madaxweyne Farmaajo oo markii December 2016 uu ka soo tagay dhowr afartan cisho kaddib ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 8 February 2017.

Related Articles

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Kampala

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Uganda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Kampala. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, doorka muuqda ee ay kaga jiraan horumarka iyo isdhexgalka bulshada geeska Afrika. Daawo Mahadi Guuleed Oo La Hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda Goobjoog News

Dhagayso Waa Maxay Sababta Loo Magacaabi La,yahay Gudoomiyaha G Doorashada Somalia

October 22, 2020 | Published by: yaska Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax Goboleedyada dalka ayaa 2-dii bishan October shaaciyey jadwalka doorashooyinka dalka oo ay isku raaceen. Jadwalka ayaa isugu jira dhismaha guddiyada kala duwan ee Doorashada, guddiga xalinta khilaafaadka, jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah. Sida ku xusneyd Jadwalkaasi, magacaabista xubnaha guddiyadaasi waxay aheyd in la soo dhameystiro intii u dhaxeysay 10-kii ilaa iyo 20-kii bishan, waxayna la dhaafay waqtigaas ayada oo aanay sidaas dhicin. Warbixin Arintaas laga Diyaariyay Halkan Hoosenka Dhegayso. http://www.oodweynemedia.com/wp-content/uploads/2020/10/Election.mp3

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Kampala

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Uganda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Kampala. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, doorka muuqda ee ay kaga jiraan horumarka iyo isdhexgalka bulshada geeska Afrika. Daawo Mahadi Guuleed Oo La Hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda Goobjoog News

Dhagayso Waa Maxay Sababta Loo Magacaabi La,yahay Gudoomiyaha G Doorashada Somalia

October 22, 2020 | Published by: yaska Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax Goboleedyada dalka ayaa 2-dii bishan October shaaciyey jadwalka doorashooyinka dalka oo ay isku raaceen. Jadwalka ayaa isugu jira dhismaha guddiyada kala duwan ee Doorashada, guddiga xalinta khilaafaadka, jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah. Sida ku xusneyd Jadwalkaasi, magacaabista xubnaha guddiyadaasi waxay aheyd in la soo dhameystiro intii u dhaxeysay 10-kii ilaa iyo 20-kii bishan, waxayna la dhaafay waqtigaas ayada oo aanay sidaas dhicin. Warbixin Arintaas laga Diyaariyay Halkan Hoosenka Dhegayso. http://www.oodweynemedia.com/wp-content/uploads/2020/10/Election.mp3

Hirdankii ugu Adkaa oo ka Dhex Socda Brack Obama iyo Donald Trump

October 22, 2020 | Published by: yaska Madacwaynaha Mareykanka Mr Donald Trump, iyo ninkii  uu xilka kala wareegay, Ee Barack Obama, ayaa Isku Weeraray Dhaliilo iyo cambaarayn kulul intii ay socdeen isu soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen. Isagoo si kulul ugala hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama waxa uu Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigalinayo cunsuriyiinta. Madaxweynaha Jamhuuriga oo ku sugan North Carolina, ayaa isna ku jeesjeesay Mr Obama inuu khalad ka aaminay wixii ka soo baxay doorashadii 2016-kii. Iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashadan, ayaa Mr Biden waxa uu aad ugu horreeyaa aaraa’da guud ahaan dalkaas laga uruuriyay. Hasayeeshee qiyaasta gobiollada qaar ayay musharrixiintan aad isaga ag dhaw yihiin kuwaas oo hadba dhinac u ridi kara natiijada doorashada 3-da Nofeembar. Tiradii ugu badneyd ayaa sanadkan codkooda xilli hore dhiibatay, oo 42 milyan oo qof ayaa codkooda ku dhiibtay boostada iyo si caadi ahba. Muxuu Trump sheegay? Mr Trump ayaa inta badan hubkiisa waxa uu Arbacadii ku aadiyay ninka Aqalka Cad kula tartamaya ee matalaya Xisbiga Dimuqraadiga. Waxa uu sheegay in codbixiyayaasha ay tahay inay kala doortaan “soo kabshada la yaabka leh ee uu wado Trump” ama “qulubka ama welwelka ballaaran ee Biden”. Mr Biden ayaa todobaadkan oo dhan ka maqnaa saaxadda ololaha oo waxa uu isu diyaarinayay doodda madaxtinimada ee habeenka Khamiista ka dhici doonta Nashville, Tennessee, halka Mr Trump uu ku wareegayay gobollada aadka la isugu hayo. Madaxweynaha ayaa weerrar kulul waxa uu ku qaaday Mr Obama, kaas oo saacad ka hor markii ugu horraysay tan iyo shirweynihii bishii Agoosto ay Dimuqraadiyiinta qabsadeen wax ka sheegay ololaha Trump. “Cid si adag ugu ololaysay Hillary Clinton oo aan Obama ahayn ma aanay jirin, sax?” Mr Trump ayaa dadkii isu soo baxa ka qeybgalay u sheegay, kuwaas oo buuqayay markii ay maqleen magaca Hillary. “Aad buu isugu dhexyaacsanaa,” ayuu sii raaciyay Trump. Madaxweynaha ayaa ku daray: “Waxay ila tahay in qofka kaliya ee Hillary habeenkaas ka muruagada badnaa uu ahaa Barack Xuseen Obama”. Mr Trump, oo ah Jamhuuri, ayaa sidoo kale ayaa waxa uu ku jeesjeesay xamaasad la’aanta uu sheegay in Obama uu u hayo ololaha Mr Biden ee Aqalka Cad, kaas oo ku xigeenkiisa ahaa 2009-kii illaa 2017. 2016-kii, Mr Obama ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saaray Mr Biden inuu tartanka ka haro si Hillary Clinton ay u tartanto, isagoo rumaysnaa inay haysatay fursad wanaagsan oo ay kaga guulaysan kartay Mr Trump. Sanadkii tegay Mr Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay “dhiig cusub” oo horkaca Dimuqraadiga, taas oo si wayn loogu fasiray inuu ula jeeday Mr Biden. Muxuu yidhi Obama? Kaddib weerraro adag uu ku qaaday Mr Trump weliba sida uu ula tacaalay fayraska korona iyo dhaqaalaha, ayuu markan Obama isu soo baxa ka dhacay Philadelphia waxa uu Trump ku dhaleeceeyay farriimaha uu soo dhigo bartiisa Twitterka. Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.” Mr Obama – oo weli ka mid ah xubnaha ugu caansan Xisbiga Dimuqraadiga – ayaa sheegay in codbixiyayaasha aanay u dulqaadanayn hab dhaqan noocaas ah hadduu la yimaado qof qoyska ka tirsan, “malahayga adeer wareersan oo meel uun jooga mooyee”. “Maxay dadku arrintaas ugu cudur daaraan?” ayuu yidh. Waxa uu intaas ku daray: “Habdhaqanka waa muhiim. Dabeecaddu waa muhiim.” Mr Obama ayaa madaxweynaha waxa uu ku weerraray habka uu ula tacaaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19: “Donald Trump annagoo dhan cudurka nagama ilaalin karo. Xitaa ma qaadi karo tallaabooyinka asaasiga ah ee uu nafsadiisa ku ilaashan karo.” Ku dhawaad 280 gaari oo taallay meesha la dhigo gawaarida ayaa hoonkooda la yeerinayay, arrintaas oo ay ugu riyaaqayeen habka Mr Obama uu u weerrarayay Trump. Mr Obama ayaa ololaha xiga ee doorashada waxa uu ka gali doonaa gobolka muhiimka u ah doorashada ee Florida, isagoo Sabtida tegi doona Miami halka todobaadka xigana uu ku wajahan yahay Orlando.