Wednesday, October 21, 2020

Xisbi shaaciyey inuu dhex dhexaadinayo DF iyo Shabaab + Warqad loo diray Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Cali Cilmi waa guddoomiyaha xisbi la magac-baxay Taageerayaasha Mahdiga, waxuuna sheegay inuu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan 2020/2021-ka.

Xuseen oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, waxuuna sheegay in hadafka ugu weyn ee xisbigiisu uu yahay sidii loo heshiisiin lahaa Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay bilaabeen sidii loo dhex-dhexaadin lahaa ururka Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana uu fariimo u kala diray hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo madaxweyne Farmaajo.

Warqado uu soo bandhigay guddoomiye Xuseen waxaa ku qoran xabad joojin uu ku dhawaaqay xisbigiisa oo ka bilaabaneysa 1-dii bishii hore ee Sebtember 2020, kuna eg 31-ka December 2024-ka, taas oo la dhex dhigo dowladda federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dowladda iyo Al-Shabaab ay kala gaarsiiyeen warqadahaas, isla markaana uu u kala dhiibay Salaad Cali Jeelle oo la taliye u ah madaxweynaha Soomaaliya iyo nin ka tirsan Al-Shabaab oo teleefan uu kala hadlay.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Taageerayaasha Mahdiga Xuseen Cali ayaa sheegay in illaa seddax jeer uu wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, basle uu ku demiyey taleefanka.

“Madaxweynaha waxaan helay watsapp-kiisa gaarka ah, waxaan wacay seddax jeer isaga oo online ah, balse waa uu igu deminayey oo igama qaban” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha Turkiga uu u diray warqad uu uga codsanayo inuu dhigo gogosha lagu dhex-dhexaadinayo Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaan madaxweynaha Turkiga u diray qoraal aan uga codsanayo inuu gogosha dhigo, qorshuhu waxa uu ahaa in shan qof oo DF ka socota iyo shan kale oo Al-Shabaab ka socota ay Turkiga isugu tagaan, si loo amba qaado heshiis dhex mara labada dhinac” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in sanadkii 2004-tii uu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale xisbigan ayuu sheegay in la aas-aasay sanad kadib 2005-tii.

Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay in xisbigan uusan ka diiwaan gashaneyn guddiga doorashooyink oo shahaado aqoonsi ah uusan ka heysan dowladda Soomaaliya, taas bedelkeedna aysanba u baahneyn.

Hoos ka Daawo

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/xisbi-shaaciyey-inuu-dhex-dhexaadinayo-df-iyo-shabaab-warqad-loo-diray-erdogan/original article

Related Articles

Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi Oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey saaka gobolka daad-madheedh

October 21, 2020 | Published by: yaska Oodweyne(OWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku jiray safarka shaqo ee qaar ka mida gobolada Dalka ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey saaka gobolka daad-madheedh iyo degmaada Ceel-bilcille, Ceel-same iyo magaalo madaxda gobolka Daadmadheed ee Oodweyne. LA WADAAG ASXAABTAADA Click to share on Facebook (Opens in new window) Click to share on Twitter (Opens in new window) Click to share on WhatsApp (Opens in new window) Click to share on LinkedIn (Opens in new window) Click to share on Telegram (Opens in new window) Click to print (Opens in new window)

COVID-19 oo ku soo labo kacleeyey Jabuuti iyo go’aan ka soo baxay dowlada

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Jabuuti ayaa mar kale xirtay xudduudaheeda kaddib markii uu soo laba kacleeyey cudurka Coronavirus. Waxaa maalmihii la soo dhaafay dalkaas laga diiwaan geliyey kiisas badan, War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadduudaha dhanka dhulka la xirayo muddo 15 maalmood ah, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka. Jabuuti waxay ka mid ahayd dalalka Afrika ee uu sida ba`an ugu faafay COVID-19, hase yeeshee dadaal ay dowladdu sameysay ayaa lagu sheegay inay yaraadeen kiisaska, muddooyinkii ugu dambeeyay. Bilihii ugu dambeeyay xanuunka coronavirus ayaa ka dabar go`ay dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda ayaa lagu sheegay inaysan jirin kiisas cusub, isla markaana dhammaan dadka uu ku dhacay ay ka bogsadeen. Balse shalay oo keliya ayay wasaaraddu shaacisay 30 kiis oo cusub, taasoo dhalisay walaac cusub oo la xiriira in cudurka uu mar kale soo labo kacleeyey. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous article(Sawirro) Muxuu yahay sharciga cusub ee uu ansixiyey Baarlamanka Galmudug?

51 Guurada Kasoo Wareegtay Kacaankii Oktoobar Iyo Jidkii Qodxaha Badnaa

October 21, 2020 | Published by: yaska Markii la dilay Madaxweynihi Somalia C/rashiid Cali sharmarke (AHN)1969kii ayaamo ka dib waxa xukunkii gacanta ku dhigay koox sarakiil ah oo uu Hogaaminayay S/G Maxamed Siyaad barre,maalintan waxa loo yaqaan maalinta geerida umadda Somaliya waana maalin madow waxa loo tiriyaa inay tahay maalinta dhashay wax alla waxa dhibaato Somalia ka dhacday ee taagan ilaa manta. Xukunkii Siyaad barre maalintii uu inqilaab military kula wareegay Dalkii la odhan jiray Somalia isla  maalintiiba waxa uu masaxay xisbiyadii dalka ka jiray,waxa la mamnuucay Xorriyaddii hadalka,waxa bilaabmay cabudhin waxa la sameyay ciidamada NSS iyo Dhabarjebinta waxana la soo saaray Xeer No 54 oo fasaxay in  Ciidanka NSS ay qofkay doonan xidhaan bilaa maxkamad oo ay toorjar iyo ciqaab marin karaan,guriga ay doonan baadhi karaan qofkay doonan dili karaan,waxa kaloo la mamnuucay inay dadku shiri karaan ama ay kulmi karaan. Isla bsihii Oktoobar 1969-kii, maalmo yar kadib markii inqilaabku dhacay Digtaatoor Maxamed Siyaad Barre, waxa uu dadka kala hadlay Idaacadda, waxaannu yidhi; “Waxaannu awoodda kula wareegnay (militariga) sharafkiina iyo magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaan idinka codsanaynaa in aad isu soo baxdaan oo aad na taageertaan, dalkiina aad dhistaan, haddii ay tahay maalkiina iyo maskaxdiinaba si aad isaga ilaalisaan in aad baryootantaan.” Kolkii hore dadku qalbi furan ayay soo dhaweeyeen hase ahatee markiiba waxa la dareemay in Somalia ay qaadday jidkii geerida,1972kii Siyaad barre waxa uu markii ugu horraysay galaaftay Saraakiishii inqilaabka socotay oo ku eedayay inay kacaanka Dabin u maleegayen waxayna kala ahaayen Colonel maxamed Caynanshe,C/qaadir dheel,iyo Salad gabayre. 1975kii ayuu soo saaray Xeerka qoyska wax la yidhaa oo jidaynaya inay ragga iyo dumarkau ka simanyihiin xagga dhaxalka waxa ka horyimi Culimo oo sheegay inay xaaraan tahay oo ay ka hor imanayso quraanka kariimka ah Gaar ahaan “Suurat al Nissa”hase yeeshee waa la dilay culimadii isagoo ka hadlaya siyaad barre wuxu yidhi “Arrintaas Waxan u bandhigay Golaha sare ee kacaanka waxana la isla afgartay inanay nimankaasi cafis mudnayn kolkaas waxay noqotay inaan go’aanka Guddiga fuliyo sidaas ayay noqotay” 1976kii ayuu ku soo shiriyay hoolka kulliyadda Jaalle siyaad la magac baxday markii danbe dad gaadhaya 3000 qof waxa uu kaga dhawaaqay xisbiga Hantiwadaagga kacaanka Somaliyed oo ahaa (X.H.K.S) siyaad barre waxa uu isku dhafay mabda’ii Shuuciga,reer galbeedka,iyo dhaqan Somali waxa uuna ka sameeyay mabda’ aan la aqoon dhinac uu la haysto oo uu ugu magac daray Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan. 1977kii ayuu dagaal ku qaaday Waddanka Ethiopia waxa uu doonayay inuu ku qabsado dhulka Somali galbeed  imikana ah DDS ee Ethiopia waxana  dagaalkaa ku dhamaaday naf iyo hanti badan waana lagu khasaaray waxana la filayaa inuu ahaa bilowgii burburka Somalia. 1978kii ayay Jabahddii Ugu horraysay Baxday oo ahayd (Somali Salvation Demoqradic Front SSDF)oo ay ka soo jeedsatay dhinaca Ethiopia waxayna dagaallo lagu hoobtay ku soo qaaadday aagga Balanbale iyo Galdogob. 1981kii ayay jabahddii SNM (Somali National Movement) ayaa baxday taas oo dagaallo soconaya 10 sanadood la gashay Ciidamadii Siyaad barre ku dhexmareen Dhinaca Somaliland dagaallo qadhaadh oo lagu hoobtay  aakhirkiina  keenay inay SNM gacanta ku dhigaan Somaliland. 1989kii ayay jabhaddii USC (United Somali Congress) iyaduna Xamar iyo koonfur dagaal ku qaadday waxanu siyaad barre kaare kaga baxsaday muqdisho sidaas ayuu waddankii Somalia ku burburay. Waxa lagu xusuusan doonaa jidkii geerida iyo Hogga Qodxaha badan waxana loo tirinayaa inuu ahaa xukunkaasi kii kala fogeeyay Somalida,ee qof kastaa xaggii u jeeday u dhaqaaqay.   Rashiid Odawaa [email protected] LA WADAAG ASXAABTAADA

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay sharci lagu dhisayo ciidamo maamulkaas uu yeesho+SAWIRRO

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Sharciga dhismaha ciidamada Boliiska Galmudug. Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal waxaana goobjoog ahaa wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi. Sharcigaan ayaa waxaa Baarlamaanka Galmudug u gudbiyay wasaaradda amniga Galmudug, waxaana ay uga mahad celisay guddoonka iyo xildhibaannada ansaxiyay sharcigaan oo lagu dhisayo ciidamada amniga dowlad goboleedka Galmudug. “Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Xirsow Hadalku wuu kaa Qaloocday

October 21, 2020 | Published by: yaska Ex-wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo waqtigan ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI hadalkii uu ka jeediyey xaflad Hargeisa ka dhacday maalintii Isniintii ee uu kaga hadlay xaaladaha dalka iyo safarka Madaxweynaha ee bariga, waxa uu ahaa hadal gef ah oo ka qaloocday. Xirsi waxa uu ka hadlay arinta labada diyaradood ee xaniban, horta waxaan kuu sheegayaa Xirsow in markii diyaarahadani dalka yimaadeen aad adigu ahayd wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashina uu ahaa wasiirka Duulista, waxaad diyaaradaha ruqsadooda ku bixisay heshiis ay la soo galeen soomaliya adigoo masuul qaran ah. Hadalkaaga maanta maaha mid aad umada ku mara habaabin karto adigoo waxaa sameeyey, waxase kaa hadlinayaa waa dano dhaqaale oo aad ku qabtay. Maxaa dambi ka dhigay in la yidhaa diyaaradahan heshiis la gala Somaliland oo ogolaada qaranimadayada. Waxa xusid mudan in diyaarada Ethiopia Airlines ay ruqsada ka qaadatay soomaliland wakhtigii Madaxweyne cigaal, waxana wasiirka Duulista ahaa Cabdilaahi Maxamad Ducaale, dalkana kuma timaado ruqsad ama heshiis ay dal kale la soo gashay. Safarka Madaxweyne Muuse Biixi cabdi ee galbeedka iyo bariga ee aad ka dhex raadisay isku dhufashada iyo kala qaybinta shacabka Somaliland, waa ayaan daro in adigoo musal xisbi ah sidaa u hadasho. Madaxweyne Muuse waxa uu Borama ka soo furay biriijka camuud kaas oo bulshada Gobolka Awdal ku bogaadisay xukuumadda mana aha mid indhaha laga qarsan karo. Arinta aad ku sheegtay in Madaxweyne Muuse Gobolka Togdheer siyaasiyan kaga tagay dad gaara, qaar kalena uu ku bedelayo magaalada Oodweyne uu tagayo darteed, waxan ku shegaynaa Xirsow in adigu aad caan ku ahayd qaybinta iyo naxli la kala dhex dhigo umada soomaliland. Madaxweyne Muuse Biixi cabdi waa u sharaf inuu isku wado dadkii u codeeyay iyo kaan u codayn waxay cadaynaysaa midnimada uu ku hogaaminayo qarankan, goormay dambi noqotay in Madaxweynuhu u hoydo Oodweyne ama meel kaloo wadanka ah, miyaanay umadiisii uu xukumayey ahayn. Laakiin adigu waadigaa adoo cidlo jooga ka shaqaynaya kala qaybinta iyo isku dirka walaalaha wada dhashay ee reer Somaliland ee noo sheegay wixii aad samayn lahayd, taaga sidaasaad xil iyo madaxnimo kaga doonaysaa. Allaa kariim. Barmaamijka shaqo qaran maaha sidaad adigu fahankaaga gaaban u fahantay, balse waa aqoonyahankii dalka oo ku hubaysan aqoon ayaa waxa loo carbinayaa qarankan waxay u qaban lahayeen. Xirsiyaw maanta shacabka soomaliland waxay kaa sugayeen goorta aad gubayso bugii ay ku dugnayd taariikhda madaw ee aad ka qortay Madaxweyne silaanyo oo dadka ku baray, lagaama sugayn qaybin iyo qoqobkii aad ku so caana maashay. Xirsiyaw kolay waa la xisaabtami doonaa ee u diyaar garaw xisaabtan dhaba wixii aad dalkan u gaystay, dibna lagaga dhegaysan maayo waxaad ahayd in aad cid kale ku eedayso. WQ: Aqoonyahan Sa’da Ali Mohamed LA WADAAG ASXAABTAADA