Saturday, October 24, 2020

Xildhibaano Kashifay in Dagaal lagu soo qaaday Muqdisho & Diinta Islaamka

Dagaalka ka dhanka ah Diinta Islaamka ayaa aad ugu sii xoogeysanayo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Dad badan oo aan ageyn xaqiiqda ka dambeyso Kufsiga ayaa qeyb weyn ka qaadanayo in la waayo arday xaadirta dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee diinta lagu barto.

Maalin kasto, waxaa isoo gaarta warbixin sheegeysa in la kufsaday Gabar yar oo arday dugsi ah ama in la faro xumeeyay wiil arday ah waxaana falalkaas la sheegaa in ay ka dambeeyaan macalimiin dugsi.

Waan baaray in badan oo kamid ah ugu dambeynna waan waayaa xaqiiqada sheekada, mar iyo laba ma ahan inta jeer ee aan maqlay kadibna aan waayay war sugan oo bulshada lala wadaago.

Taas badalkeeda waxaan si hordhac ah u helay in ay jiraan shaqsiyaad lacag ku qaata in ay warar been ah oo kufsi ah magaalada soo geliyaan, in la sharaf dilo macalimiinta si aan loo aadin dugsiyada una dhunto kalsoonida waalidiinta si aan loo baran Qur’aanka iyo guud ahaan waxbarashada diiniga ah.

Wali ma maqashay Macalin Iskuul ayaa gabar kufsaday? Ma maqashay xanaano ayaa gabar ama wiil lagu xumeeyay? Sababta loo beegsanayo dugsiyada waa dagaal ka dhan ah diinta Islaamka.

Dad badan ayaa jiro oo lacag ku qaata in ay falkaas sameeyaan waxaana qaarkood lacagta loogu daraa in laga hor istaago xukun kasta oo laga gaari karo sida ay iisheegeen Xildhibaano ka tirsan guddiga xuquuqul Insaanka ee BFS.

Walaalayaal been ma ahan kufsi waa jiraa lkn uma jiro sida loo sheegayo. Fadlan ku baraaruga in dalka ka socdo dagaal weyn oo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan.

Wararka ugu badan waxey sheegayaan inuu jiro xiriir ka dhaxeeyo wararka kufsiga iyo xeer baarlamaanka horyaalo oo ay gadaal ka riixayaan reer Galbeed.

Fadlan haka qeyb qaadan dagaalka lagula jiro barashada Qur’aanka iyo kalsooni darrada laga dhax abuurayo waalidiinta, ardayda iyo macalimiinta dugsiyada. Aad isaga hubi wararka kufsiga, haddii aadan adiga hubin haka hadlin❗

Hussein Abdulle Mohamed

Related Articles

Marco Asensio Oo Kashifay In Uu Ku Dhawaaday Ku Biirista Barcelona.

Xiddiga Real Madrid Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu u saxiixo Barcelona ka hor kulanka El Clasico ee ugu horeeya xilli ciyaareedkaan. Xiddiga reer Spain ayaa Madrid ugu soo biiray isagoo 18-sano jir ah oo wacdarro dhiga 2014 kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Mallorca. Laakiin xiddiga ayaa haatan qirtay inuu si fudud ugu biiri karay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Madrid ee Barcelona waliba maanta ka hor iman lahaa Madrid. Wareysiga uu siiyay AS, waxaa la weydiyay hadii ay run tahay inuu u saxiixi karay Barca, Asensio ayaa yiri: ‘Haa, waan kari lahaa, sidoo kale kooxo kale. “Waxa mar walba jiray kooxo waaweyn oo xaaladaada wax kaa waydiinaya, markii aan ku biiray Real Madrid wax walba waxa ay u dheceen si deg-deg ah”. “Marka ay fursadaasi is muujiso waa wax aan macquul aheyn in la yiraahdo maya”. Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xukuumadii Uu Soo Dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Xukuumada Rooble

Kulan ay maanta xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ay ku yeesheen mudanayaasha golaha shacabka, uuna shir gudoominayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa raysal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu golaha horkeenay xukuumadiisa, isagoo waydiistay in ay kalsoonida siiyaan.Raysal Wasaare Rooble ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto dardargalinta hawlaha doorashada, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso, la dagaalanka cudurka Covid-19, adeegga bulshada, cadaaladda iyo dawlad wanaagga. Sidoo kale Xukuumadda ayuu xusay inay mudnaan gaar ah siindoonto ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan difaaca Haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha u xilsaaran difaaca dhibanayaasha. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. RW Rooble Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 188-mudane, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan. Golaha wasiirada oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal wasaaraha dalka magacaabay 19-kii bishan ayaa lagu hor dhaariyey golaha shacabka, waxaana ay dhawaan xubnaha ku cusub xukuumaddu ay la wareegi doonaan xilal kooda. Ugu dambayn Raysalwasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. Horseed Media

Guddoomiye Maxamed Mursal “Xukuumadaan Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa Qabsoomidda Doorasho Waqtigeeda Ku Dhacda”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ka hadlay ansixitan xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in kukuumadaan cusub looga fadhiyaa qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda. Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Goobjoog News

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uga mahadceliyey Xildhibaanada ansixinta Golaha iyo Qorshaha Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. Daawo Hadal Jeedintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Goobjoog News

Dowladda Hindiya oo ka hadashay muwaadiniinta looga heysto Muqdisho

©(GEESGUUD.COM) SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD New Delhi (Caasimadda Online) – Dowladda Hindiya ayaa ka hadashay muwaadiniinta la sheegay in looga heysto magaalada Muqdisho, waxeyna sheegeen iney ka shaqeyn doonaan sidii loo sii deyn lahaa. Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ay ugu gar-gaarayaan shaqaalaha reer Hindiya kuwaas oo la sheegay iney dhibaato ku heyso gudaha Soomaaliya. […]   READ THE FULL ARTICLE FROM GEESGUUD.COM This article is copyright © GEESGUUD.COM The post Dowladda Hindiya oo ka hadashay muwaadiniinta looga heysto Muqdisho appeared first on SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD