Thursday, October 22, 2020

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Tacsi ugu tagay Qoyska Gabadhii dilka iyo Kufsiga la isugu dara (Daawo Sawirada)

– Advertisement –

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Wehliyaan Jeneraal Cabdullaahi Bariise iyo Gudoomiyaha Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa tacsi ugu tagay qoyska gabadhii dhawaan kufsiga iyo dilka loogu geestay Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ugu horey uga tacsiyadeeyay qoyska Xamdi Maxamed Faarax Geerida naxtinta leh ee ku timid gabadhooda, waxa uuna sheegay in falkaasi ahaa mid ka argagaxeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ka Xildhibaan ahaana aad uga damqaday.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in falka gabadhan yar lagula kacay uu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin , waxa uuuna ugu baaqay Hay’adaha amaanka iyo cadaalada dalka in ay soo qabtaan ayna ciqaabta ay mudan yihiin marsiiyaan dadkii falkaasi geestay.

“Ugu horeyn Waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Xamdi Maxamed, waa dhacdo xanuun badan oon la aqbali karin waxa gabadha ku dhacay, waxaana ka shaqeeneynaa sidii gabadhaasi cadaalad u heli laheyd” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo ah Xildhibaan inta badan bulshada Soomaaliyeed arimahooda u dhaq dhaqaaqa aadna u caawiya ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee taga guriga gabadhii sida arxan darada ah loogu dilay Muqdisho ku nooleed, waxa uuna kamid yahay Xildhibaanka dadka sida weyn u raadinaya in gabadhaasi cadaalad hesho.

– Advertisement –

Related Articles

Liverpool Oo Badalka Van Dijk La Xariirtay , Lacag Sareysana Miiska Ayay Saareen

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Liverpool ay diyaariyeen aduun dhan 65 milyan oo gini oo ay ku doonayaan badelka daafacooda Van dijk kaasi oo uu gaaray dhaawac culus . Xilli ciyaareedkii Van Dijk ayaa soo dhamaaday waxaana haatan lagu sameynayaa qalliin jilibka bidix ah waxa uuna garoomada ka maqnaanayaa muddo ku dhaw 8 bil. Sida Sports Mole ay soo xiganeyso , Liverpool ayaa xariir la sameeysay daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly xilli kooxdiisana ay u sheegeen in ay ku doonayaan aduun dhan 65 milyan oo gini Liverpool waxa ay Kalidou Koulibaly dooneysaa in ay helaan marka suuqa jilaalka uu furmo bisha January Kalidou Koulibaly xagaagii ayaa aad loogu badiyay in uu baxayo xilli kooxaha lala xariirinayay ay ugu horeeyeen Man City iyo Liverpool

Sedex Ciyaartooy Oo Barcelona Ka Maqnaanayaa Kulanka Elclasico , Miyuu Jordi Alba Ku Jiraa?

Kooxda Barcelona ayaa u diyaar garoobeysa kulanka Elcalsico ee Real Madrid kaasi oo dhacaya sabtida Barcelona waxa ay kulamkaas si dhab ah u weynayaan sedex xiddig halka mid kale uu shaki ku jiro sida wargeyska Sport uu qorayo Wargeyskaas ayaa sheegaya in seexdaas ciyaartooy ay kala yihiin ter Stegen , Umtiti iyo Matheus Fernandes waxaana la xaqiijiyay in ay wad adhaawacna yhihiin Laacibka sedexaad ee uu shakiga ku jiro ayaa ah Jordi Alba waxa uuna ku jiraa xaaladda loogu diyaarinayo in uu la lug helo kulankaas Real ayaa kulankaas galeysa iyadoo kulankii ugu dambeeyay horyaalka iyo Champion-ka ay la kulmeen guuldarro .

Federal police shut down planned protest in Beledweyne

Thursday October 22, 2020 Authorities blocked a planned protest in Beledweyne on Thursday Beledweyne (HOL) - Federal Police in Hiiraan have ordered residents inside after several protests by locals in recent days against the perceived lack of representation in the ongoing election negotiations in Jowhar. Security forces cancelled a planned protest in Beledweyne as clan elders assemble in the Hirshabelle capital to select regional MPS who will, in turn, elect the state President. Ads By Google Speaking to HOL from Mogadishu, regional governor Ali Jeyte Osman said that he was caught off-guard by the sudden cancellation of the planned protest. "Before I left for Mogadishu, I saw the preparations for the demonstration underway, so I was surprised to find out when I landed that security officials were blocking it." He told HOL that he supports the people in Beledweyne to express their opinions safely and that the authorities do not have the right to stop them from demonstrating. The blocked protests come as a delegation headed by the new federal Minister of Interior - who himself hails from Beledweyne - along with federal MPs who represent the region and the regional President to discuss regional elections. Jeyte believes that the federal government may have ordered the protests to be cancelled. advertisements   Germany contributes additional €7.2 million for the delivery of health services and bolster the COVID-19 emergency response - UNICEF Somali student talks of her Stonebridge to Cambridge University experience - Kilburn Times Somalis In Tech: The Grand Finale Hackathon - HOL Somalia’s Central Bank refutes claims of legal suits against local bank - HOL Puntland submits names for Federal Elections Committee - HOL Racist attack investigation reopened by Met Police - BBC Police in Somali region arrest three senior ONLF regional officials, one official served with warrant - Addis Standard Food and nutrition security in times of drought is key to achieving peace in the Horn of Africa - FAO Two West African presidents are out of terms. They’re running again, anyway. - Washington Post Jamal Osman, Minneapolis' newest council member, seeks to move past turbulent start - Star Tribune Virus cases surpass 90K as schools reopen in Ethiopia - AA

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxweyne Trump iyo Obama oo hadaladii ugu kululaa isku weeraray

- Advertisement - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Madaxweynihii ka horeeyey Barack Obama, ayaa ereyo kulul isku weeraray intii ay socdeen isku soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen. Trump ayaa weerrar kulul ku qaaday Obama saacad ka hor markii ugu horraysay tan iyo shirweynihii bishii Agoosto ay Dimoqraadiyiinta qabsadeen wax ka sheegay ololaha Trump. “Cid si adag ugu ololaysay Hillary Clinton oo aan Obama ahayn ma aanay jirin, sax?” Mr Trump ayaa dadkii isu soo baxa ka qeybgalay u sheegay, kuwaasoo buuqayay markii ay maqleen magaca Hillary. “Aad buu isugu dhexyaacsanaa,” ayuu sii raaciyay Trump. “Waxay ila tahay in qofka kaliya ee Hillary habeenkaas ka muruagada badnaa uu ahaa Barack Xuseen Obama” ayuu Madaxweynaha intaas ku daray. Waxaa hadalkaas si kulul uga jawaabay Barack Obama. Mar uu kula hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigaliyo cunsuriyiinta. Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.” Iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashadan, ayaa Mr Biden waxa uu aad ugu horreeyaa aaraa’da guud ahaan dalkaas laga uruuriyay. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Xayawaan noociisu dhif yahay oo ku dhashay beer

11 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersSanadkan 2020 wuxuu noqday mid aan la saadaalin karin. Waxyaabo lama filaan ah ayaa dhacay.Laakiin arrimaha dhacayay waxay si gaar ah layaab ugu sii noqdeen nin u dhashay dalka Talyaaniga oo beeraleey ah, kaasoo lagu magacaabo Cristian Mallocci. Eey ka mid ahaa xayawaanka beerta Mr Mallocci ayaa dhalay eey dhogortiisa midabkeedu yahay cagaar, taasoo aad uga yaabisay isaga iyo dadkii la arkayba.Xayawaankan mucjisada ah ayaa durba magaciisa laga dhigay Pistachio. Eyga yar waxaa la dhashay shan kale oo caadi ah, balse isaga kaligiis ayaa ka duwanaa. Waxay ku dhasheen beerta uu ninkan ku leeyahay Jasiiradda badda Mediterranean-ka ee Sardinia.Midabka dhogorta afarta eey ee kale ayaa ah caddaan, waxayna la mid yihiin eeyga weyn ee dhalay.Xigashada Sawirka, ReutersIn adduunka lagu arko eey dhogortiisu ay cagaar tahay waa dhif iyo naadir. Waxay khubarada aaminsan yihiin in midabkaas uu ku yimaado fal-gal ka dhaca ilmo-galeenka eeyga dhadigga ah ee dhalay, waxaana falgalkaas afka qalaad lagu dhahaa biliverdin. Laakiin - warka naxdinta ku noqday dad badan wuxuu yahay - in midabka Pistachio uu durba billaabay inuu isbaddalo, sidaasna uu kusii socon doono.Mr Mallocci ayaa go'aansaday inuu eeyaha u dhashay hadiyad ahaan u bixiyo, marka laga reebo Pistachio, oo uu diiday inuu cid kale iska siiyo.Wuxuu sheegay inuu ka caawin doono xanaaneynta iyo waliba ilaalinta idaha beertiisa ku nool. "Cagaarku waa midab rajo iyo nasiib wanaag ah," ayuu yidhi. "Rajo fiican iyo nasiib way adag tahay inay helaan dad badan oo caalamka ku nool sanadkan 2020-ka", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.