Monday, November 23, 2020

Xasan Sheekh oo Weerar afka ah ku Qaaday Madaxweyne Farmaajo shaacana ka qaaday in…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu si cad ugu tumanayo dastuurka dalka, waxa uuna cadeeyay in khaladaad badan oo dhinaca sharciga ah gashay dowlada uu hogaamiyo Farmaajo mudooyinkii ugu dambeeyay.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in Madaxweyne Farmaajo isku koobay dhamaan howlihii dalka ka socday, waxa uuna hab dhaqanka Madaxweynaha iyo sida ay hada wax ku socdaan ku sifeeyay iney la mid tahay kali talisnimo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in dalka mudo 53-cisho ah uusan laheyn Ra’isul Wasaare, waxa uuna xusay in aysan hadana muuqan ifafaalo lagu soo magacaabayo Ra’isul Wasaare.

“Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabar ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darro”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in aysan indhaha ka fiirsan xaalada halista ah uu dalka u horseedayo Madaxweyne Farmaajo gacana ka geestaan badbaadinta dalka iyo dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

The post Xasan Sheekh oo Weerar afka ah ku Qaaday Madaxweyne Farmaajo shaacana ka qaaday in… appeared first on Allbanaadir.com.

Related Articles

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo Shirka Musharaxiinta oo Waji cusub yeeshay !!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles