Saturday, October 24, 2020

Xabad joojintii ay ku heshiiyeen Azerbaijan iyo Armenia oo burbur qarka u saaran

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

– Advertisement –

Xabad joojin ay Ruushku dhexdhexadiyeen oo ay gaareen Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta oo Axad ah lagu xad gudbay iyadoo labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyay duqeyn ba’an oo lala beegsaday goobaha rayidka, iyadoo laba toddobaad oo iska horimaadyo aad u daran ay ka dhex socdaan ciidamada labada dowladood. .

Azerbaijan ayaa sheegtay in madaafiic habeenimadii xalay ciidamada Armenia ay ku garaaceen magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Ganja ay ku dhinteen 7 qof, halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan caruur, tani oo imanaysa wax ka yar 24 saac ka dib goortii lagu waday inay bilaabato dhaqangalka xabbad joojinta.

Kooxaha badbaadada ayaa galay howlo ay ku raadinayaan calaamadaha dad ka badbaaday gantaallaha sida uu wariye ka tirsan AFP oo ku sugan magaalada soo wariyay. Hal qof ayay ka soo badbaadiyeen goobta burburka oo loola cararay isbitaalka.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ee gobolka gooni u goosadka ah ayaa Axadda maanta ah sheegay in ciidamada Armenia ay ixtiraamayaan xabad joojinta bani’aadamnimo iyadoo uu dhinaca kale ku eedeysay Azerbaijan in ay duqeysay aagag ay deggan yihiin dad rayidka ah.

Sheegashooyinka ah in ciidamada Armenia ay mas’uul ka ahaayeen duqeynta Ganja ayay wasaaraddu ku sheegtay kuwa been abuur ah.

Wasiirrada arimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijani oo ku wadahadlay Sabtidii magaalada Moscow ayaa isku raacay Heshiiska ah in la joojiyo colaadda si la isu weydaarsado maxaabiista iyo meydadka dadka lagu dilay labo toddobaad oo uu dagaal ka socday gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167426original article

Related Articles

Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah ku-xigeenka xeer ilaaliye ku xigeenka guud. Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa ku eedeeyay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Safiya Maxamed Maxamuud inay muddo laba jeer ah ka maqnaatay cudurdaar la’aan iyadoo lagu wargeliyay qaadista Dacwad Ciqaab ah oo tirsigeedu ahaa 242/2020, taasoo uu eedeysane ka ahaa Axmed Xasan Maxamuud. Ad Garsoor Saalax Cali ayaa ganaax dhan $500 ku xukumay haweeneyda ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Safiyo Maxamed, kadibna waxaa jawaab dheer soo qortay haweeneyda la ganaaxay, iyadoo gaashaanka u daruurtay sharci ahaan xukunkaasi. Qoraallada ay is weydaarsadeen labada dhinac waxaa ka muuqda xaaladda ay uu ku sugan yahay garsoorka dalka oo gaartay inaysan wada shaqeyn karin xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha, iyadoo dib u habeyntii la sugayey in lagu sameeyo Hay’adaha Garsoorka intii ay dowladani jiray ay socon weyday. HOOS KA AKHRISO QORAALLADA Qoraalkii xukunka ganaaxa ee xeer ilaaliye ku xigeenka Qoraalka jawaabta ah ee xeer ilaaliye ku xigeenka la ganaaxay Warar Xul ah

Mareykanka oo Meelmariyay Dawo Lagu Dabiibi Karo Bukaannada Qaba COVID-19

WASHINGTON(HALBEEG)-Hay’adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka (FDA) ayaa meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada Remdesivir. Hay’adda ayaa sheegtay in dawadan ay celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneyso waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Iyana sheegtay in waxtarka daawadan uu aad u yaryahay taas oo ay ku ogaatay daraasad ay samaysay hase yeeshee shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay ayaa gaashaanka u daruurtay xogta WHO. Adeegsiga Remdesivir ayaa la oggolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdegga ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka waxaana dadkii lagu dabiibay kamid ahaa madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19 isaga oo kasoo kabsaday xanuunka. Mid ka mid ah daraasaadka ayaa muujinaysa in xilliga dhexdhexaadka ah ee loogaga soo kabsan karo COVID-19 uu ahaa 10 maalmood, waa marka la isticmaalo dawooyinka Remedsiver, markii la barbardhigo 15-ka maalmood ee ay ku soo kabsadeen dadka la siiyay dawooyinka placebo. WHO, waxa ay baartay saameynta afar dawo oo ay suuragal tahay in la isticmaalo – Remdesivir ayaa ka mid aheyd – waxaa sidoo kale la eegay dawada malaariyada ee hydroxychloroquine. Dawooyinka loo isticmaalo in lagu xoojiyo difaaca jirka, iyo dawooyinka HIV-ga loo isticmaalo ee lopinavir iyo ritonavir.Dexamethasone, oo haatan aad loo siiyo bukaannada COVID ee xaaladdooda ay culus yihiin ee UK, ayaanan lagu darin daraasadda. Afarta dawo waxaa lagu tijaabiyay 11,266 bukaan oo ku jiray 500 oo isbitaal oo ku yaal in ka badan 30 dal oo kala duwan. Natiijooyinka oo aanan weli dib loo eegin, waxa ay muujinayaan in daweyntaas ay saameyn wanaagsan oo dhinaca niyadda ay horseedeen ama mudada dheer ee isbitaalka lagu jiri lahaa oo soo yaraatay, sida ay sheegtay WHO. Post Views:15 Related Let’s block ads! (Why?)

Macallin Conte oo tusaale wanaagsan u soo qaatay naadiga Liverpool

MILANO (HALBEEG) –  Antonio Conte ayaa kalsooni ku qaba in Inter Milan haddii ay hesho waqti kufilan ay gaari karto wax walba, maadaama buu yiri Horyaalka uu hadda yahay mid billow ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay shaqada tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo ah tusaale wanaagsan sida muddada kooban ee uu joogo u gaarsiiyay hormar la taaban karo kooxdiisa. Inter ayaa ciyaartay seddex kulan oo aysan wax guul ah gaarin iyagoo u safraya Genoa sabtida maanta ah. Nerazzurri ayaa hal dhibic ka danbeysay kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay, islamaraakana aheyd xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Conte. Laakiin Conte wuxuu ku faraxsan yahay horumarka ay sameeyeen kooxdiisa wuxuuna muujiyay inuu wax ku qaadanayo guulaha “dagaal yahanka” Liverpool, kuwaas oo lagu abaalmariyay koobab waaweyn intii uu hoggaaminayay Klopp, iyaga oo gacanta ku dhigay Champions League 2019 iyo Horyaalka Premier League 2020. “Waa inaan marwalba siinno awood boqolkiiba boqol 100% si aan isugu dayno inaan helno natiijo wanaagsan, marka lagu daro waxqabadka,” Conte ayaa sidaa ka yiri shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka hor. “Waxaan u baahannahay inaan si adag u shaqeyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Post Views:21 Related Let’s block ads! (Why?)

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Man United, Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, Inter, Bayern Munich & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaarayo shanta horyaallada ee...

(Yurub) 24 Okt 2020. Kulamo ka tirsan horyaallada waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ka mid ah Premier League, La Liga, Serie A, Ligue 1 iyo Bundesliga dalka Jarmalka. Kooxaha Man United, Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, Inter, Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha waa weyn ee maanta illaa caawa ciyaari doona horyaalladooda. Horyaalka Premier League kulanka ugu weyn ee la sugayo waa midka garoonka Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha Man United iyo Chelsea, sidoo kale horyaalka kooxaha waa weyn ee ciyaarta waxaa ka mid ah Manchester City iyo Liverpool oo la kala dheeli doona West Ham United iyo Sheffield United. Dhinaca kale horyaalka La Liga isaga waxaa maanta la sugayaa kulanka El Clasico ee garoonka Camp Nou ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, halka Atletico Madrid ay soo dhoweynayso Real Betis. Horyaalka Serie A kulammada ugu madaxa fiiqan waxaa ka mid ah midka ay Inter Milan ay u safreyso Genoa iyo kan kooxaha Lazio ay soo dhoweynayso Bologna. Geesta kale horyaalka Bundesliga Jarmalka ayaa la ciyaarayaa isagana, Iyadoo Bayern Munich ay soo dhoweynayso Eintracht Frankfurt iyo midka ay Borussia Dortmund qaabilayso Schalke 04, halka horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska isagana kulamo ka tirsan la ciyaari doono, waxaana ka mid ah midka ay caawa kooxaha Paris Saint-Germain marti-gelinayso Dijon. Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono guud ahaan horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:- ENGLAND – PREMIER LEAGUE 02:30 Duhurnimo West Ham United vs Manchester City 05:00 Galabnimo Fulham vs Crystal Palace 07:30 Habeennimo Manchester United vs Chelsea 10:00 Habeennimo Liverpool vs Sheffield United SPAIN – LALIGA SANTANDER 05:00 Galabnimo Barcelona vs Real Madrid 07:30 Habeennimo Osasuna vs Athletic Bilbao 07:30 Habeennimo Sevilla vs Eibar 10:00 Habeennimo Atletico Madrid vs Real Betis GERMANY – BUNDESLIGA 04:30 Galabnimo Bayern Munich vs Eintracht Frankfurt 04:30 Galabnimo Mainz 05 vs Borussia Moenchengladbach 04:30 Galabnimo RasenBallsport Leipzig vs Hertha Berlin 04:30 Galabnimo Union Berlin vs Freiburg 07:30 Habeennimo Borussia Dortmund vs Schalke 04 ITALY – SERIE A 04:00 Galabnimo Atalanta vs Sampdoria 07:00 Fiidnimo Genoa vs Inter Milan 09:45 Habeennimo Lazio vs Bologna FRANCE – LIGUE 1 06:00 Maqribnimo Lorient vs Marseille 10:00 Habeennimo Paris Saint-Germain vs Dijon FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya. Gool FM. Let’s block ads! (Why?)

Golaha Shacabka oo Cod Gelinaya Kalsooni Siinta Xukuumadda Rooble

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin  xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay in xildhibaannada ay cod u qaadaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wasiirrada cusub ayaa maalmihii  tagay waxaa ay kulamo gaar gaar ah la lahaayeen xildhibaannada iyagoo kala hadlayey sidii xildhibaannada ay kalsooni u siin lahaayeen wasiirrada cusub. Goobjoog News