Thursday, October 22, 2020

Wicitaanka Dhageystaha: Guddoomiyaha Xarunta Guryosamo

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa maanta marti ku ah Axmed Abshir Geedi oo ah guddoomiyaha xarunta Guryosamo, oo dhallinyarada ka taageerta dhismaha qoys cago adag ku taagaan. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Jacfar Kuukaay.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:21:52 0:00

Direct link

Related Articles

Wasiirka Magacaaban ee Maaliyadda XFS oo kormeeray Dekeda Muqdisho+Sawirro

Wasiirka magacaaban ee maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Dekedda Magaalada muqdisho oo ah ISHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka iyo masuuliyiinta maamulka Dekedda ayaa iska xog wareystay sida ay shaqada u socoto iyo dar-dar galinta u adeegidda ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Beyle ayaa sheegay in muhiimadda kormeerkiisa in uu yahay in la dar dar galiyo howlaha dowladdu u qabato ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Cabdiramaan Ducaale Beyle ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay dowladdu ay ka go’antahay sare u qaadidda dakhliga dalka, iyada oo loo adeegayo Ummadda Soomaaliyeed har iyo habeen.

Axmed Madoobe Oo Ka maqan Kismaayo & Shirkii Wasiirada yeesheen

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horeyn golaha warbixin ka siiyey xaaladda Siyaasada iyo Amniga guud ee deegaanada Jubbaland. Shirka golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen shirkii Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiiradda looga hadlay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow, waxaana goluhu ay ku bogaadiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo ku guuleysatay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la isla gartay in golayaasha deegaanka ee degmooyinka kalena sidaa loo dhiso si shacabka loogu daadajiyo awoodda maamulka. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada looga hadlay hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo maxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Guddida Wanaag Farista JSL oo ka Digay Saamaynta ay Baraha Bulshadu ku yeelanayaan Hab dhaqanka Dhallinyaradda

October 22, 2020 | Published by: yaska Guddida wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland ayaa fariimo wacy’gelin ah u direen guud ahaan dhalinyarada Somaliland. Masuuliyiinta guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland  ayaa waxay fariimo wacy’gelin ah u direen guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan waalidiinta iyo ubadkooda. Gudoomiye ku xigeenka gobolka Marood-jeex guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland Cawl Xuseen, ayaa dhalinyarada ku waaniyay inay ka dheeraadaan waxyaabaha dhibaatada ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka suuban. Gudoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi ayaa soo dhaweeyay hadalkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay magaalada Burco ee ku saabsanaa in talaabo sharciga la marin doono falkii kusiga iyo dilka ahaa ee ka dhacay magaalada Burco, waxaanuu gudoomiyuhu guud soo jeediyay in laga waantoobo falalka ku xun diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee uu kufsigu ka mid yahay. Gudoomiyaha guud ee guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi wuxuu sheegay in baraha bulshadu ay saamayn aan fiicnayn ku yeesheen dhaqankii dhalinyarada iyo waxbarashadoodiiba, waxaanuu ku waaniyay inay dhalinyaradu ka feejignaadaan dhibaatada baraha bushadu ay ku yeelan karaan waxbarashadooda iyo horumarkoodaba.

DEGDEG: Weriye C/llaahi Kulmiye oo goor dhow laga sii daayey Xasbiga NISA

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo muddo shan maalmood ah u xirnaa Hay’adda Nabadsugidda iyo SirdoonkaSoomaaliya la sii daayey goor dhoweyd. Sii deynta weriyaha ayaa la sheegay inay ka danbeysay waanwaan xarigiisa ku saabsan oo oo uu hoggaaminayey Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxaan suuragashay in goor dhoweyd xoriyadiisa dib loo siiyo weriyaha. Ad Ciidamada NISA ayaa xoog ah ku galay Guriga Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow, halkaasoo ay kala baxeen 16-kii bishan Oktoobar. Waxaana sarigiisa cambaareeyay mas’uuliyiin iyo ururrada saxafyiinta. Warar Xul ah