Wednesday, October 28, 2020

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Qansax dheere.

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan weerar madaafiic loo adeegsaday oo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Qansax-dheere lagu weeraray in ka badan 7 Hoobiye, kuwaas oo jugtooda laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degmada qansax-dheere ee gobolka Bay.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro madaafiicda ka soo gaaray dad rayid ah.

Dadka ku nool degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegeen inay cabsi soo wajahday, kaddib hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weeydaar sadeen Al-Shabaab & Ciidamada Itoobiya, arrintaasi oo ah mid soo lab laabatay.

Maamulka degmada Qansaxdheere iyo laamaha Amniga degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Bay.

Related Articles

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska oo ka bilowday Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Boqolaal Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska. Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed. Boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxay banaanbax ka wadaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska. Dhanka kale inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyada oo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleAl-Shabaab oo dagaal xooggan ku qaaday Waajid iyo Saacado kooban oo ay maamulaysay Degmadaasi.

Wargeys Faransiiska oo Sawir Ceebeyn ah ka sameeyay Madaxweynaha Turkiga & Xiisad cusub oo…

Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa sawir-gacmeedo ceebeyn iyo jeesjees ah ka sameeyay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan. Wargeyska ‘Charlie Hebdo‘ oo ah isla wargeyskii sawir-gacmedyada aflagaadada ah ka sameeyay Rasuulka SCW ayaa daabacay Arbcadii sawir-gacmeed lagu bedelay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga oo si xun loo ekeysiiyey. Ad Arrintan ayaa uga sii dartay xiisadda ka dhex taagan dalalka Faransiiska iyo Turkiga, waxaana falkan cambaareeyay Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin oo sheegay in weerarka madaxda aanu ahayn xoriyad, balse ay tahay damiir xumo iyo dadnimo xumo meeshii ugu liidatay. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa wargeyska Faransiiska ee daabacay muuqaallada madaxweynaheena.. ma jirto cid uu xushmad u hayo.. waxay na tusiyeen akhlaaq xumidooda iyo sida ay niyada uga dhigteen..” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga. Sawir-gacmeedka wargeyska Charlie Hebdo ayaa oo wejiga hore kusoo baxay ayaa muujinayey Erdogan oo fadhiya isagoo xiran funaanad yar iyo Nigis, gacantana ku haya cabitaan ayna dhinac fadhido haweeney xijaab xiran. Dunida muslimka ayaa waxaa ku sii xoogaysanaya bannanabaxyada iyo qaadicidda alaabta lagu sameeyo Faransiska oo caado ka dhigtay afladaadada diinta islaamka iyo Nebi Muxamed NNHK. Warar Xul ah

Somaliland oo maxkamad soo taagtay fanaanka Qamar Suugaani + Sawirro

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Haregsa (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xiray halkaasi. Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska ee Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay amartay in fanaanka la sii haayo muddo todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xirnaa oo ku yaalla gudaha magaallo xeebeedka Berbera. Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xiriira safarkii uu yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xariga fanaankan ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sugan Haregysa iyo ehelladiisa. Inta badan Somaliland ayaa xarig kula dhaqaaqda fanaaniinteeda yimaada magaalada Muqdisho ee ku qabta bandhig faneedyada ama booqasho u yimaada, taas oo si weyn loogu dhaliilo xukuumadda ka jirta Hargeysa ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

20,932FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

TANZANIA: Doorashada Madaxweynaha iyo cabsi laga qabo banaanbaxyo rabshado wata

ShacabkaTansaaniya ayaa maanta u codeenaya Madaxweynaha shanta sano ee soo socota, waxaana la filayaa inay guusha raacdo Madaxweynaha xilka haya oo markii labaad tartamaya John Magufuli.Madaxweyne Magufuli ayaa hogaaminaya xisbi Xaakimka Chama Cha Mapinduzi party, oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo markii ay xoriyada qaateen 1961dii. Xisbiyada Mucaaridka ayaa ku eedeeyey Xisbiga talada haya iyo Madaxweyne Magufuli inay cadaadis iyo cago-jugleyn ku hayaan hogaamiyayaasha mucaaridka. Codbixinta ayaa lagu wadaa inay socota illaa galabta 4ta saacada dalkaasi. In ka badan 29 milyan oo qof ayaa u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan doorashadan. Mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka Freeman Mbowe oo ka tirsan xisbiga  CHADEMA, ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe Hotelkii uu degenaa isla markaana afduubteen qaar kamid ah illaaladiisa. Tonite @ 2.30 am & in the eve of an election day in Tz, heavily armed gangsters believed to be the notorious operators of Hai DC Ole Sabaya & protected by Hai Police OCD have raided our hotel, kidnapped & disappeared with two of our armed security guards. My life is in danger. — Freeman Mbowe (@freemanmbowetz) October 28, 2020 Hase yeeshee Madaxweyne Magufuli ayaa cabsida ugu weyn ka qaba hogaamiyaha mucaaridka ee lagu magacaabo Tundu Lissu oo dhawaan dalka dib ugu soo noqday. Tundu Lissu ayaa sanadkii 2017 ka badbaaday iskuday dil, wuxuuna hogaamiyahan oo leh taageero badan sheegay inay dhigi doonaan banaanbaxyo hadii la musuq maasuqo codbixinta maanta. Maxamed CismaanHorseed Media  

Boris Johnson oo wajahaya cadaadis ku aaddan COVID-19

LONDON (HALBEEG) – Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson waxaa saaran cadaadis sii kordhaya oo ah inuu keeno xeerar adag oo la xiriira xakameynta aafada Covid-19, ka dib markii dhimashada UK ay gaartay heerkeedii ugu sareeyay muddo shan bilood ah. Waxaa jiray 367 dhimasho oo lala xiriirinayo fayraska, taas oo la diiwangeliyay Talaadadii, iyo ku dhowaad 23,000 oo kiisas cusub Ra’iisul wasaarahu wuxuu la kulmayaa khubaro sida madaxa lataliyaha sayniska Sir Patrick Vallance si loo xoojiyo xayiraadaha, sida uu sheegay wargeyska The Daily Telegraph. The Daily Telegraph waxay soo werisay in la-taliyayaasha dowladda ay ka baqayaan in dhimashada maalinlaha ah ay boqolaal gaarto 3-da bilood ee soo socota. Waxay sidoo kale ka digeen in Boqortooyada Ingiriiska oo dhan ay u baahnaan doonto in lagu soo rogo xayiraadaha ugu adag. Tirada rasmiga ah ee dhimashada la xiriirta COVID ee Boqortooyada Ingiriiska waxay ku dhowdahay 59,000, sida ay sheegtay The Sun. Post Views:33 Related Let’s block ads! (Why?)