Wednesday, October 21, 2020

Wax ka ogow qolka 39-aad ee Kuuriyada Waqooyi

12 Daqiiqadood ka hor

Xafiiska ama qolka 39-aad wuxuu ku yaallaa caasimadda dalka Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang, wuxuuna saldhig u yahay madaxda ugu sareysa ee dalkaas, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Inkastoo dalka Kuuriyada Waqooyi lagu tilmaamo in uu yahay dal go’doon ah, kana go’an dunida inteeda kale, haddana xafiiska wuxuu ka mid yahay meelaha aanan la booqanin ee aanan la oggoleyn in qofwalba uu soo arko, maadaama waxwalba oo ka dhex socda ay yihiin waxyaabo sir ama xasaasi ah.

In kastoo ay adag tahay tahay in wax laga ogaado madaxda dalkaas iyo waxyaabaaha ay qabtaan, haddana qol lagu magacaabo “Room 39” ama qolka 39-aad, ma ahan mid loo dhowaan karo.

Waa xafiis aad loo ilaaliyo kuna dhexyaala dabaqa 3-aad ee dhismaha xisbiga shaqaalaha dalkaas ee magaalada Pyongyang.

Way adag tahay in qof uu u dhawaado dhismahan sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka. Waa saldhiggga saraakiil sarsare oo katirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi iyo xisbiga talada haya.

Waxbadan laga ma oga qolkan, haseyeeshee dad aqoon u leh ama la soo shaqeeyay xukuumadda dalkaas waxay sheegeen in qolkaas uu yahay goob ay si gaar ah ugu kulmaan hogaamiyaha wadankaas iyo saraakiisha militeriga.

.

Ri Jong oo ah sarkaal horay uga tirsanaa xukuumadda Pyongyang, oo in muddo ah uu ka soo shaqeeyay, oo u warramay telefishenka CNN ee Mareykanka ayaa sheegay in waxyaabaha lagu qabto qolka 39-aad ay ka tahay lacag loogu geeyo saraakiisha sarsare ee dalkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in qolka 39-aad uu yahay mid lagu qabto hawlo sharci darro ah.

Wasaaradda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa xafiiskaas ku tilmaamtay in uu yahay mid qeyb ka ah laamaha dowladda dalkaas, kana taageera hoggaanka dalkaas arrimo ay ka mid yihiin sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale.

“Xafiiskan wuxuu ka shaqeeyaa lacagaha la kala gudbiyo, waxyaabaha been abuurka ah, dhoofinta lacagaha kontorbaanka ah iyo maandooriyaha,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee dowladda Mareykanka, oo warkan soo saartay xilligii madaxweyne Obama.

Bangiyo iyo shakhsiyaad lala xiriiray xafiiska 39-aad ayay dowladda Mareykanka ku soo rogtay cunaqabateyn dhaqaale.

Midowga Yurub ayaa dhanka kale sheegay in xafiiskan oo la asaasay sannadkii 1994, uu si toos ah u hoos tegi jiray Kim Jong-un aabihii oo lagu magacaabi jiray Kim Jong-Il, balse markii uu geeriyooday waxaa la wareegay Kim. Waxay ku tilmaameen xafiis lagu sameeyo lacagah qalaad.

Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shirkado lala xiriiray xafiiskaas oo ay ku tilmaameen mid loo adeegsado fududeynya hawlaha xafiiska 39-aad.

Wargeyska The times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa ku soo warramay in sirdoonka dalal badan oo caalamka ah ay in muddo ah isku dayayeen in ay wax ka ogaadaan waxa ka dhex socda xafiiskan oo ay adag tahay in la helo macluumaad la xiriira.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Khubarada arrimaha sirdoonka waxay sheegayaan in Kim uu si la mid ah sidii aabihii uu sameystay dad isaga daacad u ah, kuwaas oo ka tirsan militeriga, sirdoonka iyo laamaha kale ee dowladda, oo u keena waxwalba oo hanti ah oo uu u baahan yahay sida baabuu iyo lacag.

Sida la soo weriyay, xafiiskan waxaa inta badan maamula xubnaha qoyska Kim Jong-un.

Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa badan oo dalalka reer galbeedka waxay sheegeen in Kim Jong-un walaashii, oo lagu magacaabo Kim Yo-Jong, ay u xilsaaran tahay hawlaha qolka 39-aad. Sidoo kale ninka qabo gabadhaas ayaa la sheegay in isaguna uu ka mid yahay dadka ugu sareeya ee maamula xafiiskan.

Wargeyska Washington post ayaa sidoo kale ku soo warramay in waxyaabaha kale ee uu qabta xafiiskan ay ka mid tahay in hub laga iibiyo dalal ku yaala qaaradaha Afrika, Aasiya iyo bariga dhexe, waxaana taasi lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah cunaqabateynta hubka ee Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsiigiisu yahay 1874.

Waxaa kale oo la sheegay in xafiiskaas uu xiriir la leeyahay shabakado la sheegay in ay sameeyaan lacago been abuur ah oo ay ka mid tahay lacagta doollarka Mareykanka.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54257686original article

Related Articles

IOM oo sheegtay in dumarka ku nool xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay sameeyeen agabka af xirashada+Sawirro

Muqdisho:-Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay waxay ay sheegtay in dumarka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Beydhabo xeryaha ku yaala ay soo saareen agab badan oo ah maaski ama af xir si looga gaashaanto karoonaha/ IOM waxay tilmaamtay in dumarkan oo hay’addu ka taageertay dhanka tababarka iyo dharka laga sameeyo maaska ay ku guuleysteen in ay soo saaraan in ka badan 5,000 oo af xir . Agabkan ayaa qaar ka mid ah loogu deeqay dadka u baahan, halka kuwo kalana suuqa iib ahaan loo geeyay. Talaabadan ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayo farsamada gacanta ee dumarka si ay noloshooda u maareeyaan.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo ka warbixiyay qorshaha golaha Deegaanka ee laga hirgelinayo Galmudug.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobleedka Galmudug oo waraysi gaar ah siyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qeybta labaad ee Golaha Deegaanka ee la soo gababayeeyay, isagoo sheegay in si fiican howlshaasi ay ugu  guuleysteen. Cabdi Maxmed Jaamac (Waayeel) Wasirka Arrimaha Gudaha Galmdug ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tahay markii ugu horeysey oo loo sameeyo gole deegaan, taasina ay keentay in waqti badan qaadato, isagoo xusay in tababaro loo furi doono xubnaha golaha Deegaanka Gaalkacyo.. Wasiir Waayeel ayaa sidoo kale sheegay in wacyi gelin ay ka wadaan deegaanno badan oo ka mid ah Galmudug kuwaasi oo bulshada lagu fahamsiinayo nidaamka golaha deegaanka, si bulshada fahankooda uu uga sareeyo sida hada uu yahay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay iney dadka fahmi doonaan ahmiyadda ay leedahay in degmo kasta oo ka tirsan Galmudug ay yeelato Gole deegaan. Ugu dambeyn Wasirka Arrimaha Gudaha Galmdug ayaa tilmaamay in socdaalo ku saabsan  dib u heshiisiinta dadka ay ku soo mareen  deegaanno ka tirsan Galmudug, waxaana socdaalkooda qeyb ka ahaa sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay safarka shaqo ku tegeen. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleIOM oo sheegtay in dumarka ku nool xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay sameeyeen agabka af xirashada+Sawirro Next articleDuubabka dhaqanka Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jowhar.

Duubabka dhaqanka Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jowhar.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Magaalada Jowhar ee Gobalka Sheekh Dhexe waxaa gaaray qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle kuwaaso ka qeyb qaadanaya soo xulista Baarlamnka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana hogaaminayay Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, iyadoo garoonka Jowhar ay ku soo dhaweeyeen Xilibaanno, Wasiiro iyo guddiga farsamo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle. Guddoomiyaha guddiga Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay soo dhameestirmaan duubabka dhaqanka Hirshabeelle. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kaaso lagu sheegay inuu ka soo horjeedo dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo markale doorashadiisa ka dhaceyso magaalada Jowhar. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleWasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo ka warbixiyay qorshaha golaha Deegaanka ee laga hirgelinayo Galmudug.

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Cudurkii dilaaga ah oo ay u dhinteen malaayin qof ee horseeday in la helo tallaalkii ugu horreeyay

5 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Getty ImagesCudurka busbuska waa mid dilaa ah, "Qofka uu ku dhaco wuxuu dareemaya xannuun jirka ah, qandho, dhuun xanuun, madax xanuun iyo neefsiga oo qofka ku adkaado" Sida uu sheegayo René Najera oo ah tafatiraha bog ka hadlo taariikhda tallaalka ahna dhakhtar ku takhasusay baaritaanada cudurrada.Wuxuu intaas ku daray "Dhammaan qofka uu ku dhacay busbuska waxaa jirkiisa oo idil qabsanayaa boogo laga bilaabo cagaha, dhuunta, xabadka iyo xitaa sanbabada, muddo labo maalmood gudahood wey angagayaan"Ganacsigii adduunka iyo maamuladii boqortooyada oo si weyn u baahayay ayaa kaalin weyn ka qaatay fiditaanka cudurka busbuska guud ahaan caalamka, cudurka wixii xilliggaas dilay saddex meelood hal meel dadka waaweyn halka 10-kii carruur ah ay 8 kamid ah u dhimanayeen, horraantii qarnigii 18-aad cudurkan wuxuu sanad kasta qaaradda Yurub ku dilayay 4000 qof.Sanadkii 1721-kii, xanuunka busbuska wuxuu ka dillaacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka, wuxuuna dilay boqolkiiba siddeed bulshada ku nooleyd halkaas, dadkii ka kacay cudurka wuxuu ku reebay saameyn weyn sido . arag la'aan iyo boogo foolxun.Dadka waxay xilliggaas bilaabeen inay isku daweeyaan siyaabo kala duwan, waxaana kamid ahaa in bukaanada uu ku dhacay cudurka la geyn jiray qol kuleyl ah ama qol qabow ah, dadka qaar waxaa laga reebi jiray inay cunaan qaro ama xab-xab, qarnigii 17-aad, bukaanada qaar waxaa la siin jiray khamri si aysan u dareemin xanuunka.Xigashada Sawirka, Getty ImagesWaxaa markii danbe bilowday dadaallada lagu raadinayo tallaalka, waxaana la sameyn jiray in dheecaanka qofka uu ku dhacay cudurka laga soo saaro si loo ursiiyo qofka uusan weli ku dhicin cudurka. Waxaana nidaamkaas markii ugu horreysay laga adeegsaday qaarahada Afrika iyo Aasiya.Horraantii qarnigii 18-aad, waxaa laisla dhexmarayay warar ku saabsan inay jiraan dad ku nool dalka Ingiriiska oo adkeysi u leh cudurka busbuska maadama difaaca jirkooda uu adag yahay, haweeney dhaqan jirtay lo'da ayuu ku dhacay busbuska kaas oo kamid ah kan ku dhaca lo'da oo ah mid fudud.Markii cudurka busbuska uu ka dillaacay galbeedka Ingiriiska sanadkii 1744-tii, nin beeraley ah oo la oran jiray Benjamin Jisty ayaa la yimid fikrad cusub oo ku saabsan tallaalka cudurkan, wuxuu dheecaan kasoo saaray naasaha lo'diisa kaddibna wuxuu mariyay boogaha jirka xaaskiisa iyo canugiisa oo uu ku dhacay busbuska, waxay tallaabadaas suurogelisay inay ka bogsadaan xanuunka.Sanado kaddib ayaa la ogaaday fikradda Jesty, nin dhakhtar ahaa oo la oran jiray Edward Jenner kaas oo ku noolaa London, ayaa isagana keenay fikrad lamid ah tan ninkaas beeraleyda ahaa.Jenner wuxuu si weyn ugu han weynaa in uu la yimaado fikrad u horseedi karta in la helo tallaal looga hortaggayo cudurka, sanadkii 1976-dii kaddib markii uu daraasad kusoo sameeyay beeraleyda lo'da dhaqan jirtay wuxuu bilaabay tijaabinta caddeymaha uu soo helay.Jenner wuxuu deecaan kasoo saaray lo'da uu ku dhacay busbuska, wuxuuna dheecaankaas mariyay jirka canug 8 jir ahaa oo la oran jiray James Phipps, kaddibna waxaa cudurka ka bogsaday canuga, Jenner wuxuu markii danbe canuga ku duray dheecaan laga soo qaaday qof kale oo qabay cudurka busbuska, James iyo dadkii uu la kulmay kuma uusan dhicin busbuska.Jenner ma uusan aqoon cilmiga seyniska, xilliggaas mana ogeyn in feyraska "variola" uu sababo cudurka busbuska isla markaana kaalinta difaaca jirka ee la dagaallanka cudurka lama ogaan wakhtiggaas."Waxay sameynayeen Jenner iyo kooxdiisa waxay ku tiirsanayeen inay xoojiyaan difaaca jirka si looga xusuusto balse wax fikrad ah kama aaney heysin seyniska" ayay tiri Sheila Cruickshank, oo ah profesoor ka tirsan qeybta tallaalka ee jaamacadda Manchester.Jenner tallaalkii uu kasoo saaray cudurkii ku dhacay lo'da wuxuu uga gollahaa badbaadinta nolosha, wuxuuna ogaa in xakameynta cudurka ay ku xirneyd in tallaal la gaarsiiyo dad badan."Jenner ma uusan dooneyn in uu lacag ka sameeyo tallaalka balse wuxuu dadka ku daaweyn jiray waxa uu isaga keenay, waxa uu doonayay waxay aheyd in la helo tallaal looga hortaggayo fiditaanka cudurka" ayuu yiri Owen Goyer, oo ah agaasimaha matxafka laga sameeyay guriga Jenner.Guri uu isaga lahaa oo ka sameysnaa alwaax wuxuu u baddalay xarun uu dadka uu ku daweyn jiray, wuxuu halkaas ku qaabilay dadka magaalada Axad kasta si ay u helaan tallaalka."Jenner wuxuu dhakhaatiirta u qori jiray waraaqo uu ku tusinayo tallaalka, wuxuuna ugu baaqi jiray inay tijaabiyaan si dhammaan dhakhaatiirta si weyn loo qaddariyo ay dadkooda u gaarsiiyaan tallaal" waxaa sidaas yiri Goyer.Xigashada Sawirka, Getty ImagesKaddib markii dhakhtar Jenner uu daabacay cilmi baarista uu sameeyay, warka ku saabsan arrintaas wuxuu gaaray guud ahaan qaaradda Yurub, boqorkii Spain ayaa ka caawiyay in la faafiyo farriinta dhakhtarka.Boqorkii Spain Charles IV, dad badan oo ka tirsan qoyskiisa ayaa u dhintay busbuska, cudurka wuxuu dad badan ku reebay boogo saameyn ku yeeshay noloshooda, waxaana dadkaas kamid ahaa gabadhii uu dhalay boqorka Maria Luisa, wuxuu dhakhtar u xilsaaray in uu hogaamiyo ololaha caalamiga ah si loo gaarsiiyo shacabka ku nool guud ahaa boqortooyada Spain tallaalka.Markii danbe, ololaha wuxuu gaaray Koonfurta iyo bartamaha Amerika, xitaa waxaa la gaarsiiyay badda Pacific, 20 sano gudahood tallaalka Jenner wuxuu ka qeyb qaatay badbaadinta nolosha malaayiin qof, dalalka waxay bilaabeen inay qaataan tallaalka tan iyo sannadkii 1979-kii oo cudurka dunida laga ciribtiray.René Najera wuxuu yiri "Khibradda Jenner waxay horseeday rajada ah in tallaal loo heli karo safmarka koroona ee haatan dunida saameeyay, in ka badan 200 sano waxaan helnay macluumaad ku saabsan feyrasyada iyo kaalinta difaaca jirka balse Jenner ma uusan ogeyn macluumaadkan inkasta oo uu horseeday guushan""Aragtideydu waxay tahay, in Jenner uu weli kamid yahay halyeeyada fikrad cusub kusoo biiriyay cilmiga seyniska, dadaalkiisa iyo dulqaadka uu muujiyay ee horseeday curinta fikraddaas waxay wax ka baddashay dunida isla markaana ay ka qeyb qaadatay badbaadinta malaayin qof" ayuu yiri Goyer.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54257686original article