Sunday, October 25, 2020

Wakhtiga Uu Memphis Depay Ku Biiri Doono Barcelona Oo La Xaqiijisay.

Madaxweynaha Kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa xaqiijiyay in uu aaminsanyahay in xiddiga garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Memphis Depay uu suuqa January ku biiri doono kooxda Barcelona.

Xiddiga Garabka ka ciyaara ee Memphis Depay ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Laakiin Barcelona ayaa ku fashilantay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha in ay Barcelona awoodi wayday in ay bixiso lacagtii ay Lyon ku iibinaysay.

Madaxweynaha Lyon ee Jean-Michel Aulas oo arintas ka hadlaya ayaa yidhi”Maanta Depay wuu niyad jabsanyahay laakiin Lyon kama niyad jabsana waxa uu ka niyad jabsanyahay Barcelona”.

“Waxa uu samayn doonaa wax walba oo u suurtagalin doonta in uu ka ciyaara Barcelona marka la gaadho suuqa January”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: XASAASI: Xildhibaanada Reer Somaliland Ee Muqdisho U Shaqatagy Oo La Soo Dareerinayo.

Laacib.net

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  oo axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha iyo dimuquraadiyad, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada tayeynta adeegyada iyo horumarinta kaabayaasha. Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Dalalka Afrika oo Markale Xayiraado Qarka u Saaran COVID-19 Awgii

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp ADDIS ABABA;-Guddoomiyaha Midowga Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dalalka Afrika ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah u yeeshaan la dagaallanka xanuunka COVID-19 si loo yareeyo halista mowjad labaad oo xanuunkaas ah. Ramaphosa ayaa ka digay in mowjad labaad oo qaaradda ku timaadda ay dhalin karto Bandow iyo xayiraad cariiri gelin kara nolosha dadka Afrikaanka ah. Mar uu ka hadlayay shir u uku qabtay aaladda Zoom-ka ayuu guddoomiyuhu sheegay in xanuunka uu muujiyay adkeysiga iyo waaya aragnimada qaaradda. Dalalka qaar oo uu xanuunku ka yaraaday ayuu sheegay in si lama filaan ah uu ugu soo laba kacleeyay taasi oo dhalisay in dalalkaasi ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka xayiraadahooda. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in qaaradda ay la gudboontahay feejignaan dheeri ah oo lagu badbaadinayo bulshada qaaradda. Bukaannada qaba xanuunka Korona ee qaaradda ayay haatan tiradoodu kor u dhaafeysaa 1.6 milyan oo qof halka ay u geeriyoodeen ku dhawaad 40.000 oo kale. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleMucaaradka Jisiiradda Siishelis oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas.

Gabar 12 jir kufsi & Afduub la iskugu daray Oo Afka furatay markii Ciidanka bad baadiyeen

Gabar 12 jir ah oo Kufsi loo geystay, lagana soo afduubtay deeganka Ceel-Daahir ee gobalka Barri ayaa lagu qabtay degmada Dhahar ee gobalka Haylaan, sida ay cadeynayaan xogaha la helayo. Laamaha Amniga ayaa wararku sheegayaan in ay qabteen nin kamid ah kuwa Kufsiga & afduubka u soo geystay gabadhaan yar, sidaas oo kale xog laga […] The post Gabar 12 jir kufsi & Afduub la iskugu daray Oo Afka furatay markii Ciidanka bad baadiyeen appeared first on Somali News Leader.

Stay Connected

20,912FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Cristiano Ronaldo Oo U Dabaal Dagay Guushii Real Madrid Ka Gaadhay Barcelona.

Cristiano Ronaldo ayaa shaki la’aan ku raaxaystay guushii ay Real Madrid ka gaadhay Barcelona Kulankii El Clasico ee sabtidii kana tirsanaa horyaalka La Liga. Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa baraha bulshada soo dhigay sawri kadib markii ay ciyaartu ku dhamaatay 3/1 kulankii ka dhacay Camp Nou. Kadib ciyaarta Ronaldo ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal ah”Yessss” isaga oo sii raaciya sawir muujinaya muruq. Xiddiga reer portugal ayaa haatan ku jira karantiil isaga oo sugaya natiijada baadhitaanka xanuunka Korona kadib markii horay looga helay xanuunka. Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis U Fidiyay Xildhibaan Ka Tirsan Somaliya Oo Ka Soo Jeeda Somaliland.

Wasaaradda Beeraha XFS Oo Tababar ufurtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

Wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed u furtay xubno ka kala socday wasaaradda iyo kuwa maamul goboleedyada Aqoon kororsigan oo ay ka qeyb galeyn Qaar kamida masuuliyiinta  iyo shaqaalaha wasaaradaha beeraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed  ayaa u jeedkiisu ahaa sidii xog is weedaarsi iyo fahan fiican looga heli lahaa shaqooyinka ay qaban doonto Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaarada beeraha Soomaaliya hadana sharcigeedu horyaalo xildhibaanada golaha shacabka oo marsiiyay aqriska koowaad. Agaasimaha Qorsheynta iyo siyaasada ee wasaaradda beeraha Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim yahay isla markaana loo baahanyahay inay si wadjira uga faaiideystaan xubnaha ka kala socda Wasaarada beeraha ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka Soomaaliya Xaamuud Cali Xasan oo tababarka furay ayaa xusay in Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha ay muhiimad weyn u leedahay dalka maadama ay  sahli doonto In la koontaroolo cuntada dalka soo gasha iyo kuwa ka baxa intaba.