Wednesday, November 25, 2020

Waa kuma RW cusub ee loo magacaabay Somalia? (Akhriso taariikh Nololeedkiisa)

– Advertisement –

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ee Gobolka Mudug, Bishii Oktoobar ee sanadkii 1963-kii.

Rooble waa Injineer ku takhasusay Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashada Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay arrimaha horumarinta, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

RW cusub waa nin ku cusub siyaasada Somalia, waayaddii ugu dambeysay waxa uu la shaqeynayey Hay’adda shaqaalaha adduunka (ILO) waxaa uu ka soo jeedaa degaanada Galmudug gaar ahaan beesha Habar gidir/Sacad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Cristiano Ronaldo Oo Ka Fal Celiyay Goolkii Uu Bruno FernandsKa Dhaliyay Istanbul Basaksehir

Cristiano Ronaldo ayaa sida muuqata taageero u ah Bruno Fernands Isaga oo “Like” saaray goolkii uu ka dhaliyay kooxda Istanbul Basaksehir kulankii champions League. Xiddiga...

Dagaalka gobolka Tigray: Dad kor u dhaafaya 600 oo hal goob lagu xasuuqay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Hay’adda xuquuqda aadanaha Ethiopia ayaa sheegtay  in Koox dhallinyaro ah gacan ka helayey booliska ay ugu yaraan 600 oo qof ku dileen waqooyiga gobolka Tigray 9-kii November. Xasuuqan ka dhacay magaalada Mai-Kadra, ayaa ah weerarkii ugu xumaa ee shacabka loo gaysto inta uu socdo dagaalka gobolka ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF. Amnesty International ayaa horey u sheegtay in 9-kii November magaalada Mai-Kadra lagu dilay tobanaan ama boqolaal qof oo la mindiyeeyey kadib markii garbo duub loo xiray. Hase yeeshee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey dhacdadan, waxayna ku eedeeyeen koox dhallinyaro Tigray ah oo lagu magacaabo Samri inay beegsadeen shaqaalaha aan Tigrayga ahayn ee ka howlgalo beero ku yaalla gobolka. EHRC waxay ku xiran tahay dowladda, balse waa guddi madax-banaan waxaana hoggaamiya Daniel Bekele oo uu magacaabay Abiy Ahmed. QM iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay baaritaan dhex-dhexaad ah oo lagu sameeyo waxa dhab ahaan dhacay. Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa iska fogeysay iney wax lug ah ku leedahay xasuuqaas. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleMuqdisho oo yeelatay Madaxtooyo labaad iyo Daad usoo galay kooxda Farmaajo !!

Stay Connected

21,096FansLike
2,453FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Hay’adda FAO oo sheegtay inay yaraatay xawaaraha duufaanta GATI

Muqdisho (SONNA)-Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha iyo cunada ayaa sheegtay in ay iminka daciiftay oo ay tabar dareysay duufaanta GATI ee xeebaha bari ee Soomaaliya ku dhufatay 22 bishaan November. Duufaanta ayaa xawaaraheedu yaraaday 12-saac ee la soo dhaafay, iyada oo dhanka waqooyi galbeed u jiheysatay. Warbixinta ay hay’adda FAO soo saartay ayaaa lagu sheegay in roobab  xoogleh oo la xiriira duufaanka ay da’i doona illaa 26 November 2020. Saameynta duufaanta ay deegaanka u geysatay ayaa weli jirta sida FAO tilmaantay. Dhanka Somaliland waxay sheegtay in baddu weli kacsan tahay, isla markaana aan la isku haleyn karin in laga kalluumeysto. Sidoo kale dhanka Somaliland waxaa la saadaalinaya roobab dhex dhexaad ah sadaxda cisho ee soo socota ka da’i doono deegaannada maamulkaas. Puntland ma jiraan roobab la faliyo in ay hooraan sida warbixinta lagu sheegay.

Muqdisho oo yeelatay Madaxtooyo labaad iyo Daad usoo galay kooxda Farmaajo !!

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dadka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa isha ku haya arrimaha ku xeyn daaban iyo natiijada guud ee laga filayo inay noqoto mid bedesha jihada aan cidina saadaali karin ee dalku ku socdo, waxaana taa bedelkeeda meesha ka baxay dhaqdhaqaaqyadii siyaaseed ee kale iyo la socodka howlaha Villa Somalia iyo dowladda inteeda kale. Dhammaan siyaasiyiinta, dadka u dhuun daloola siyaasadda iyo bulshada kale ee miisaanka culus leh ayaa noqday qaar iska xaadiriya hotel Jazeera iyo qaar kale oo xogta daqiiqad daqiiqad ula socda, waxaa kale oo jira dad badan oo markii hore ku xirnaa Villa Soomaaliya oo ka diga rogtay una soo jabay dhinaca Hotel Jaziira oo uu ka socda shirka midowga musharaxiinta. Wixii ka horreeyay July 25,2020, wararka dowladda iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee bulshada aad ayey dadku ula socdeen, waxaana yaraa dhaq-dhaqaaqyada siyaasiga ah ee dhanka mucaaradka taa bedelkeeda, hadda arrintu waxay u wareegtay dhanka kale oo Mucaaradkii ayaa la wareegay sameynta wararka iyo hadal heynta bulshada. Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa ku adkeysanaya in shaqsiga markii horaba lagu dhaq-dhaqaaqayay ee dowladda jirtaahi ay ku duuleysay uu ahaa Xasan Cali Khayre oo howsha kala weday, hadana isagii uu dhanka kale kasoo jeestay, uuna dhiig cusub ku shubay siyaasiyiintii sedaxsa sano iyo barka la wareegi la’aa dareenka bulshada. Niyad jab iyo culeys ayay ku tahay Villa Soomaaliya in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii lumiyaan dadkii ay isugu dhawaayeen iyagoo arkaayana ay ku fakar noqdaan Xasan Cali Kheyre iyo musharaxiinta shiraya. Markii ay waayeen garbo ay ku tashanayeen siyaasad ahaan Farmaajo iyo saaxiibkiis Fahad hada waxaa muuqda in ay talo ku cadaato, waxaana u furan oo kaliya in ka waji dadbadaan dalka iyo dalka maadaama boobkii doorashada ee ay damacsanaayeen uu noqonayo gugac gadaal u da’ay. Xaalka Muqdisho ayaa hada lagu sifeyn karaa in magaaladu yeelatay lama madaxtooyo mid waa Villa Soomaaliya mida kalena waa Hotel Jaziira oo iyado ka xoog badan madaxtooyada runta ah, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xasan Cali Kheyre, Madaxweyneyaal hore iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah. - Advertisement -