Saturday, October 24, 2020

VIDEO: Tyson oo tababarihiisa feer miisaan leh la helay xilli la aalamiinteynayay

Heavyweight legend Mike Tyson recently took to social media to post video of himself training for his highly-anticipated November 28 showdown with fellow legend Roy Jones Jr. Check out the new training leak in the latest promo.

Related Articles

Madaxweynaha Poland oo laga helay cudurka Covid19

Madaxweynaha wadanka Poland Andrzej Duda ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu danbeeyey ee uu haleelo cudurka Covid19, xili cudurkan uu asbuucyadii lasoo dhaafay kusoo labo-kacleeyey dalalka Midowga Yurub.Madaxweyne Duda ayaa la sheegay in baaritaan lagu sameeyey jamcihii shalay laga helay cudurka Covid19, waxaa sidaa lagu shaaciyey warbaahinta dowlada maanta oo Sabti ah. Cudurkan ayaa horey ugu dhacay qaar kamid ah Madaxda Caalamka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Maraykanka, Raysalwasaaraha UK iyo  Madaxweynaha Brazil. Duda ayaa 48 sano jir waxaana hada la sheegay inuu ku jiro karantiil, balse xaaladiisa caafimaad ay tahay mid degan. Dalka Poland ayaa kamid ah wadamada Yurub ee cudurka Covid19 maalmihii lasoo dhaafay si xawli ah ugu sii faafayey, shalay oo Jimce ahayd oo kaliya ayaa la sheegay in dalkaasi tirada dadka cudurkan laga helay ay gaareysay in ka badan 13.600-qof. Hanad AskarHorseed Media

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga ‘KALA GURKA’ ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii dowladda ee sharciga ahaana ay ka harsan tahay 3 bilood. Isagoo xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyey barnaamijka xukuumadiisa oo uu ku dalbaday in kalsooni la siiyo Golaha Wasiirada uu soo dhisay ayuu Ra’iisal wasaare Rooble adeegsaday ereyga ‘ISLA GUURKA’ halkii ay ahayd ‘KALA GUURKA’. Ad “Waxaan idin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay inay ka tarjumeyso marxaladda dalku marayo ee waqtiga ‘Wada-guurka’..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo dhowr jeer ku celiyey ereyga ‘WADA-GUURKA’ Lama oga ujeedka Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa loo micneyn karaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay inuusan ogoleyn xaaladda kala guurka ah ee uu kusoo beegmay inuu doonayo dowlada hadda jirta inay sii joogto ama dib u soo laabato Doorashada kadib. Warar Xul ah

Trump oo ku hanjabay in Masar burburin doonto Biyo Xireenka Itoobiya – Video

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay mar uu ka hadlayey heshiiska dhexmaray Sudan iyo Israel, ayuu soo hadal qaaday xiisadaha ka taagan gobalka isagoo sheegay in hada Masar ay qarka u saaran tahay inay burburiso Biyo Xireenka ay dhiseyso Itoobiya. Trump ayaa hadaladiisa kusii daray “…Masar sidan kuma sii noolaan karto, waxay ahayd mar hore inay tilaabo qaadaan oo ka hortagaan dhismaha Biyo Xireenka….Shan sano ayaan waan waan ka dhex wadnay laakiin Itoobiya ayaa jabisay heshiiskii la saxiixi lahaa…” Donald Trump Dowlada Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalada Madaxweynaha Maraykanka ayaa maanta u yeertay Safiirka Washington u fadhiya Addis Ababa. Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkooda aysan qaadan doonin in lasoo farogeliyo madax-banaanidooda, isla markaana hadalada Trump ay yihiin kuwo xiisad lagu abuurayo oo ka horimaanaya sharuucda caalamiga ah. Itoobiya ayaa horey ugu eedaysay Trump inuu la safan yahay Dowlada Masar, kadib markii lagu guuleysan waayey wadahaladii u socday Itoobiya, Sudan iyo Masar ee arrimaha biyo-xireenka. Xukuumada Donald Trump ayaa dhawaan shaacisay inay joojisay deeqdii ay siin jirtay dalka Itoobiya oo boqolaal milyan oo dollar gaareysa. Maraykanka ayaa ku eedeeyey xukuumada Itoobiya inay iyadu jabisay waan-waantii ay garwadeenka ka ahaayeen Maraykanka. [embedded content] Maxamed CismaanHorseed Media

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uga mahadceliyey Xildhibaannada ansixinta Golaha iyo Qorshaha Xukuumadda”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul.

Saybaarka Covid19 ee degmada Badhan

24th October 2020  admin  Category : WARAR: AF SOOMAALI Shaybaarkii 4aad ee Covid19 ayaa laga Gobolka Sanaag Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shaybaarkii 4aad ee Covid19 ka furtay Gobolka Sanaag.Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka furtay xaruntii 4aad ee lagu baarayo xanuunka Covid19. Wasaaradda oo ka shaqanaysay sidii loo balaarin lahaa loona gaarsiin lahaa inta badan gobolada Puntland xarumaha shaybaarka ee lagu baaro Covid19 ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka dhigtay midii 4aad ee laga furo. Shaybaarkaan ayaa waxaa xanuunka looga baari doonaa dadka ku nool gobolada Sanaag iyo Haylaan. Waxaana uu meesha ka saari doonaa in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furanyahay.Shaybaarkaan ayaa noqonaya kii 4aad ee laga furo deegaanada Puntland iyadoo ay horay uga furnaayeen Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug, waxaana wasaaraddu qorshaynaysaa in gobolada kalena laga furo. Post navigation ← Xukuumadda Rooble oo la ansaxiyay