Thursday, October 22, 2020

Uhuru Oo Muhmal Galiyey Ka Bixitaanka Ciidankiisa Ku Sugan Soomaliya

Dowladda Kenya oo militerigeeda qaar kamid ah ay qayb ka yihiin howlgalka Midoowga Africa ee AMISOM ayaa markale u muuqata in ay si maldahan ay usoo bandhigtay, in ciidamadeeda ku sii sugnaan doonaan gudaha dalka soomaaliya.

Dowladda Ingariiska oo ka caabinaysa militeriga Kenya dar dar gelinta howlaha ciidamadeeda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya ayaa iminka waxaa lagu wadaa, in dhawaan ay tababar ugu soo xirto gudaha Kenya ilaa 600 oo Askari oo dheeraad ah, oo Kenya ay soo gelinayso gudaha dalka Soomaaliya, rajana laga qabo in ay badalaan Askar kale oo mudo shaqaynayay.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta oo wax laga waydiiyay halka uu marayo qorshaha uu ciidamadiisa difaaca kala baxayo Soomaaliya, ee uu horay u tilmaamay sanadka 2021ka horaantiisa in ay ku aadan tahay ayaa ku jawaabay, in ciidamadiisa ay Soomaaliya ka bixi doonaan marka xasilooni dhab ah laga dareemo dhulka Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya.

Brigadier Joakim Mwamburi oo ka mid ahaa hoggaanka Kenya ee howlgalka AMISOM ayaa qaba in Kenya ay si wayn uga faa’idaysanayso tababarada ay la garab taagan tahay, dowladda UK oo ah kuwo ka caawinaya ciidamadooda ku sugan Soomaaliya in ay wiiqaan awoodda kooxaha argagixisada.

Julius Court oo ah wakiil ku xigeenka dowladda Britain u qaabilsan Kenya ayaa sheegay in dowladiisa ay si dhow ula socoto xaalada amni ee dalka Soomaaliya Kenyana ay wada shaqayn xoogaan oo dhanka nabadda Soomaaliya qusaysa ay la leeyihiin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related Articles

Akhriso: Bankiga Dhexe oo go’aan ka gaaray warar laga faafiyay Bankiyada lacagta dalka

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa beeniyay warar maal mahaan Baraha Bulshada lagu faafinayay oo lagu sheegayay in culays uu haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay kana jira dalka. Warar maalmihii u dambeeyay dhex yaacayay Baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Bankiyada Soomaaliya ka shaqeeya lagu celiyay Liiska Argagixisada Mareynkanka, lagana xayiray Hantidii taalay. Sidoo kale, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa warbaahinta dalka iyo tan dibadda uga digay iney ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqda ku saleysnen. Hoos ka aqrsio warqad uu soo saaaray Bangiga dhexeee Soomaaliya Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Sawirro: Mahdi Guuleed oo kulan la qaatay madaxweynaha Uganda + Ujeedka

Kampala (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray dalka Uganda ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi, Yuweri Museveni. Mahdi Guuleed ayaa waxaa socdaalkam ku wehlinayo Marwada koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin, iyada oo soo soo dhoweeyn loogu sameeyey madaxtooyada Uganda. Ujeedka wafdigan ay u tageen dalka Uganda ayaa ah ka qeyb-galka munaasabad lagu furay shirkad ballaaran oo soo saarta Sokorta, taas oo ay leedahay haweeney Soomaaliyeed oo ah ganacsi ballaaran ku leh, qaar ka mid ah dalalka Barigga Afrika. Sidoo kale wafdigan ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya warshadda Sokorta. Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah haweeney leh shirkadaasi ayaa ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo horumarada ganacsi ka sameeyey guud ahaan Qaaradda Afrika Soomaaliya ayey tani fursad u tahay, iyada oo u suurta-gelineyso inay ka soo muuqato dalalka ay haweenkooda sameeyeen horumarada ganacsiga, gaar ahaan warshadaha.

Mahdi Maxamed Guuleed oo lakulmay Madaxweynaha Uganda Museveni

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo ku sugan dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Yuweri Museveni. Kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdiga ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta.Shirkadan oo ay leedahay Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalka Uganda. Wafdiga uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleCiidamada Soomaaliya iyo Kenya oo rasaas isku weydaarsaday xadka kala qeybiya labad dal

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo Kenya oo rasaas isku weydaarsaday xadka kala qeybiya labad dal

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa rasaas isku weydaarsaday xad beenaadka u dhexeeya labada dal iyadoo aan la sheegin qasaare ka dhashay. Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolkaasi Gedo, gaar ahaan duleedka degmada Balad Xaawo.Dadka ku nool magaalada Beledxaawo ayaa xalay soo wajahday cabsi xoog leh iyadoo la sheegay in madaafiic xoog leh ay isweydaarsadeen labada ciidan.Majiro wax war ah oo ka soo baxay labada dowladood waxaana ay dhacdadan ku soo beegantay xilli ciidamo horleh oo Muqdisho laga qaaday la geeyay gobolka Gedo. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleThree man crew returns to Earth from the International Space Station Next articleMahdi Maxamed Guuleed oo lakulmay Madaxweynaha Uganda Museveni

Ciidanka amniga oo joojiyay Banaanbax ka dhan ah Hirshabeelle oo ka socday Baladweyne

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wararka laga helayo Magaalada Beledwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in laamaha Amniga ay joojiyeen banaanbax ka dhan ahaa sida loo wajahayo dhismaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle. Banaanbaxa ayaa waxaa dhigayay qaar kamid Bulshada Magaalada Beledweyne, kuwaas oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda oo ay ku qornaayeen Erayo ay kamid ahaayeen (WAX LA WADA LEEYAHAY HADII LA WAAYO WAXAA IMAANAYO WAX LA KALA LEEYAHAY). Ciidamada ayaa la sheegay inay u tageen dadka banaanbaxa dhigayay, isla markaana ay u sheegeen inay joojiyeen, sidoo kalena ay u sheegeen in qofka aan amarka maamulka iyo laamaha Amniga qaadan la xiriri doono. Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin falka lagula kacay, isla markaana ay doonayeen inay dareenkooda ku muujinayaan inay muhiim tahay dhisida Hir-Shabeelle la wada leeyahay. Shalay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay dadka banaanbaxayaasha ah. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp