Wednesday, October 21, 2020

Turkiga oo ballan-qaaday inuu dib u dhisayo dekedda uu qaraxa burburiyay ee Beirut

Ankara (Halqaran.com) – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa hadal uu jeediyey ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun waxa uu sheegay in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto dib u dhiska dekadda Beirut.

Dekadda Mersin ee Turkiga, ee ku taal badda Mediterranean ayuu sidoo kale sheegay in ay diyaar u tahay in ay Lubnaan ka caawiso adeegyada kastam-ka iyo keydinta shixnadaha waaweyn illaa Dekadda Beirut dib loo dhiso.

“Waxaan u sheegnay in badeecadaha looga soo daabuli karo Mersin ilaa Lubnaan maraakiib yar yar iyo qaabab kale oo gaadiid ah,” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sidoo kale xusay, in diyaarada ambalaasyada ah ee Turkigu ay dadka dhaawacyada ah u qaadi karaan Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa u diray Lubnaan koox caafimaad, saanad iyo sidoo kale koox howlaha baadi goobka iyo badbaadinta gacan ka geysata.

Qaraxii ka dhacay Beirut ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5,000 oo kale, halka ilaa 250,000 qofna uu dhigay guryo la’aan.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bakhaar ku yaal dekedda oo ay ku keydsanaayeen 2,750 ton oo ah maaddada ammonium nitrate ee loo adeegsado bacriminta iyo walxaha qarxa.

Ugu dambeyn, musiibadaan ayaa dhacday xilli ay Lubnaan la halgameyso dhibaato baahsan oo dhaqaalo xumo ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
[email protected]m

Related Articles

21-Oktobar: Afgembigii caddaa ee sababay daadashada dhiig badan!

21-Oktober-1969, 6 Maalin kaddib dilkii Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharma’arke  waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si farsameysan u abaabuleen afgenbiga. Ka hor dilka Ahun Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke waxa jiray doodo ka taagaan doorashadii June 1967dii, kala qaybsanaan u dhaxeysay mucaaradka iyo qabaailka qaarkood oo u arkayey in saami wadaagga siyaasadda ay ku dulman yihiin, waxa kale oo jiray xisbiyo waday Olole ka dhan ah madaxweynaha iyo xisbigiisa SYL  kuwaas oo sheegayey in lacag farabadan oo dowladdu leedahay loo adeegsaday si gaar ah, islamrakaana is xun loo maamulay dhaqaale gargaar ah oo ay dowladda Soomalaiya ka heshay dibadda. Arrin kale oo dhiirrigelisay kooxdii maleegtay afgenbiga iyo la taliyeyaashooda Ruushku waxa ay ahayd in Ahun Madaxweyne Cabdirashiid iyo Afhayeenkii golaha shacabku ay u baxeen booqashada gobolada Waqooyi (Somaliland), halka raisalwasaare Cigaalna uu ku jiray Siyaaro uu ku marayey Mareykanka. Ka maqnaanshaha madaxda ee Caasimaddu waxa ay hawo fiican siisay farsamayaqaankii Afgenbiga Ahun: SG:Salaad Gabayre Kediye, waxa uu sameeyey xiriir qarsoodi ah oo uu la yeeshay qaybaha ciidanka ee 26, 21aad, iyo 67aad, kuwaas oo uu u arkayey in ay muhiim u yihiin in dalku galo gacanta ciidanka, Habeeno ka hor 21-ka October; waxa soo baxay in uu jiro abaabul ay wadaan rag ka tirsan ciidanka XDS; balse si loo rumeeysto iyo si loo beeniyo ma haysan madaxdii xukuumadda Rayidku wax muujinaya oo ka badan in inqilaabkaasi marayo heerka fulinta, intii uu ku jiray heerarka fakarka iyo qabanqaabada waxa ay ragga diyaarinayey u dhaqmayeen si aan loogaba shakin Karin in ay wadaan qorshe iyo abaabul afgenbi, Ahun: Sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre; waxa uu xilliga intiisa badan la qaadanayey madaxda xukuumaddii uu afgenbiga u maleegayey, taas oo hoos u dhigtay shakiga geli kara. Sida uu Maxamed Turunji ku qoray buuggiisa Somalia Untold History Ahun; Raisalwasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa intii uu hayey xilka raisalwasaarenimo welwel iyo walbahaar ku hayey xogta uu ka helo dhinaca Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, dhowr bil ka hor afgenbiga xukuumaddii rayidka ahayd waxa uu raisalwasaare Cigaal wadey qorshe Taliyaha xoogga dalka loogu dirayo Raashiya si uu uga qaybgalo  tababar iyo aqoon kororsi dhanka ciidanka ah, sidaas oo kale waxa jiray hindise xilka taliyaha ciidanka  looga qaadayo SG; Maxamed Siyaad Barre, taasna waxa riixayey dhaqdhaqaaqa Jananka iyo saaxiibadii oo xukuumadda aanay waxba kala socon iyo hadal haynta suurtgalnimada in afgembi dhaco. Iyada oo doodahaasi taagan yihiin ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in uu dhintay madaxweyne Crashiid; kadib markii uu toogtay mid kamid ah illaaladiisu. 15; October-1969; 12:45, maalin tallaado ah ayaa laga maqlay Radio Muqdisho in Khaain kamid ah ciidanka booliisku uu fuliyey dil toogasho ah oo sababay dhimashada Madaxweyne Crashiid Cali Sharma’arke Warqad uu qoray Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad, October 21, 1969; saacado ka hor afgembiga, kuna socotay Madaxweynihii 37aad ee Maraykanka Richard Milhous  Nixon; ayaa muujisay in xitaa sirdoonka Mareykanku uusan xog iyo xaraf ka hayn dilka Ahun Madaxweyne Crashiid Cali Sharma’arke, balse ay heleen in dilka madaxweyne Crashiid uu sababi karo dagaal ballaaran oo dhexmara Qabaailka Soomaaliya, islamarkaana aanay fileyn in xubno kamid ah ciidanka XDS; oo diiddan waanwaan ay madaxweyne Cabdirashiid iyo Raisalwasaare Cigaal la geli lahaayeen Itoobiya, iyaga oo ka duulaya in aanay kulmin curashada dowladda Soomaaliya iyo collaadda Itoobiya. Waanwaanta ayaa ku qotantay in Itoobiya joojiso olaha ka dhanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay markaas ka wadday fagaarayaasha ururada Caalamiga ah, iyada oo isku dayeysay in ay danaha dowladda Soomaaliya col uga abuurto golayaasha caalamiga ah iyada oo  adeegsanaysa dacaayad ah in Soomaalidu tahay dad qallafsan oo lagayaabo in ay baabi’iyaan dhammaan danaha reer Galbeedka ee geeska Afrika. Henry Kissinger; Xaashida uu u diray madaxweyne Nixon ayaa waxa kale oo ku qornaa in askari booliiska Soomaaliya kamid ah oo iskii isu abaabulay uu fuliyey dilka madaxweynaha, raisalwasaare Cigaal ayaa ka soo duulay gobolka California, saacado yar kadib waxa dhacay afgenbigii, raisalwasaare Cigaalna waxa uu kamid ah madaxdii islamrkiiba xabsiga la geliyey. Kooxdii Afgenbiga fulisay wixii koowaad oo ay qabteen waxa ay ahayd in dastuurka buriyaan, Maxkamadda laalaan, xeerarka dalka oo dhanna ka dhigaan waxba kama jiraan, dalkana u bixiyaan magac cusub oo lagu qurxinayey wejiga xun ee xukun maroorsiga ah,  halkii uu magacu ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayay u rogeen Jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa ay xabsiga dhigeen madaxda xukuumaddii rayid ahayd, waxa ayna baabi’iyeen hannaankii xisbiyada badan, kaas oo Baarlamaankii 9; ee Soomaaliya uu dib u meelmariyey 46; sano kaddib. Bishii November waxa ay kooxdii inqilaabku ku mashquulsanayeen sidii ay u sameyn lahaayeen marmarsiinyo loo maray afgenbiga xukuumadda doorasho ku timid, waxa ay soosaareendhowr xaashiyood oo maareynayey arrimaha qaanuunka iyo xiriirka dibadda. Magacyada iyo Derajada Saraakiishii afganbisay Dawladdii Rayidka, habeen Talaado ah 21 October 1969-kii, Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (XDS) Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (XDS) Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel-Booliiska. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (XDS) Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax -Booliiska. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (XDS) Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (XDS) Col. Cali Mataan Xaashi (XDS) – Ciidanka Cirka) Col. Axmed Maxamuud Cadde -Booliiska. Col. Maxamuud Mire Muuse -Booliiska. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (XDS) Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (XDS) Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) 14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (XDS) Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (XDS)  – Ciidanka Badda) Lt. Col. Faarax Waceys Duule (XDS) . Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (XDS) Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (XDS) Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (XDS) Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (XDS) Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (XDS) Capt. Abdi Warsame Isaaq Capt. Muhammad Omer Jees Capt. Osman Mohamed Jelle Capt. Muse Rabiile Good. Dhacdooyinkii waaweynaa ee Dhacay Muddadii uu xilka hayey Jaalle Siyaad 6-dii sano ee ugu horreysay xukunkiisa xoogga ku dhisan waxa uu isku dayey in uu sameysto hab uu dalka ku xukumo, iyada oo laga shidaal qaadanayo aragtida Hanti-wadaagga (Socialism), sidaas awgeed waxa Kaadirkii Kacaanku howl badan geliyey sameynta xarumaha hannuuninta, kooxaha fanka, ururada shaqaalaha iyo in dowladdu yeelato hantida waaweyn. 1975-tii ayuu qaaday mid kamid ah tallaabooyinka  hirgelinta aragtida hantiwadaagga; waxa uu isku dayey in uu billaabo hirgelinta xeerka qoyska oo soo baxay 1970-kii, kaas oo jiiraya hannaanka dhaxalka, kaalimaha Xaaladaha shaqsiga ah ee diinta Islaamka, waxa uu jeediyey hadal gogoldhig u ahaa hirgelinta xeerkaas. Rag isugu jira culimo iyo dhallinyaro ayaa ka hadlay masaajidda iyaga oo muujinaya sida ay u diidan yihiin qodobo kamid ah xeerka qoyska ee xukunkii kacaanku soosaaray, taasina waxa ay u horseedday in dhammaantood la laayo, sida ay muujinayaan dhowr qoraal oo arrintaas xiriir la leh madaxdii Kacaanku waxa ay diideen talo ay siiyeen dowladaha qaarkood, gaar ahaan kuwa Muslimka, taladaas oo ku saabsanayd in aan xukuumaddu marna qaadan tallaabo iyo go’aan gaarsiisan dil oo ka dhan ah dadka sida nabadda ah u diiddan xeerka Qoyska, Taladaasii kuma dhicin dhego doonaya, jaalle Siyaad iyo Kaadirkiisii Kacaankuna waxa ay qaateen in la laayo Dadka ka hor yimid xeerkaas. go’aankaas ayaa xukunkii Kacaanku fuliyey kaddib markii lawada qaarijiyey 10 kii qofood ee ka hor yimid xeerkii qoyskana Kahmiis-23-January-1975-tii ayaa Radio Muqdisho laliyey War aad murugo u geliyey dad badan kaas oo ahaa: In Dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qofood ee maxkamadda badbaadadu ku xukuntay dilka ee ka soo horjeestay xeerka qoyska, dilkaasi waxa uu ka dhacay meel u dhow dugsiga tababarka Booliiska. Dadkaas uu kacaanku laayey oo isugu jiray culimo iyo xertoodii ayaa waxa lagu eedeeyey in ay ka hor yimaaddeen xeer Labarka 12-aad, Qodobka 54-aad ee soo baxay 10-September-1970, waxa ayna kala ahaayeen. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, Sheekh Muuse Yuusuf, Sheekh Axmed Iimaan, Cali Xasan Warsame, Xasan Ciise Iley, Maxamed Siyaad Xirsi, Cali Jaamac Xirsi, Aadan Cali Xirsi, Saleebaan Jaamac Maxamed iyo Yaasiin Cilmi Cawil Markii uu warkaas dhiillada leh gaaray adduunka oo dhan ayuu jeediyey hadal uu ku sheegay in dilka raggaasi uu uu dhacay hab uu isku raacay golaha sare ee kacaanku, waxa uu sheegayaa in inta badan raggii ku jiray guddiga sare ee kacaanku ay diideen in lagu daayo cafis madaxweyne. Fanka iyo suugaanta oo ahaa shidaalka dhaqaajiya Kacaanka ayaa kamid ah waxyaabihii dhiirrigeliyey in Xukunkii kacaanku qaato tallaabooyin qallafsan, iyada oo markii dambana la soo saaray Suugaan ka dhan ah kacaanka. April; 1978; dii Inqilaabkii Dhicisoobay’ waxaa hoggaaminayey GS Maxamed Sheekh Cismaan oo ku magac dheeraa ‘Cirro’ iyo GS: Abdullahi Yusuf Ahmed;  Markii inqilaabkii fashilmayna waxaa la toogtey 17; kamid ah rag lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen Afgenbigaas dhicisoobay, kaas oo xukunka looga tuuri lahaa dowladda Kacaanka oo qudheedu ku timid 5; farood iyo calaacal; saraakiil kale oo ka badbaadday dilka, ayaa xabsiga la dhigay. 17-ka sargaal  ee loo toogtay eedda afgenbigaas waxa ay kala ahaayeen:- Maxamed Sheekh Cismaan ‘Cirro’ G/le. Saciid Maxamed Jaamac G/le. Saciid Jaamac Nuur Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi Dhamme: Cabdullaahi Nuur Dhamme: Cabdullaahi Faarax Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf Dhamme: Bashiir Abshir Ciise S/xarigle: Faarax Xalwo L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan L/xarigle: Aadan Warsame yare L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi Rayad: C/Qaadir Warsame Yare. Waxa ka baxsaday oo kamid ahaa qorshaha afgenbiga GS: C/laahi Yuusuf Axmed; oo u cararay Dhinaca Itoobiya, kaddibna waxa uu unkay Jabhaddii SSDF; sanadkii 1978-dii Tobankii sano ee u dambeysay waxa uu xukunkii kacaanku billaabay in uu taagdarreeyo, kaddib dagaalkii ciidanka XDS la galay taliskii Itoobiya iyo jabhadihii xukundiidka hubeysan ahaa oo xoogeystay. Magacyada Saraakiishii hoggaminaysay Afgambiga. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Xoogga) Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Xoogga) Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis) Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Xoogga) Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis) Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Xoogga) Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (Xoogga) Col. Cali Mataan Xaashi (Xoogga – Ciidanka Cirka) Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis) Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis) Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Xoogga) Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Xoogga) Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga) Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Xoogga – Ciidanka Badda) Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga) Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Xoogga) Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga) Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Xoogga) Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Xoogga) Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Xoogga) Capt. Abdi Warsame Isaaq Capt. Muhammad Omer Jees. Capt. Osman Mohamed Jelle. 1980-1988 waddanku waxa uu galay deganaansho la’aan siyaasadeed, Jabhado hubeysan iyo iskudhexyaaca siyaasadda gudaha ah, taasina waxa ay sababtay in 1987 dowladdu iskudaydo in ay mucaaradka iyo calawga siyaasadda ku xalliso xoog, waana sababta keenta in Muqdisho, gobolada Bartamaha, Bari iyo Waqooyi-galbeed ay ka dhacaan dagaallo lagu hoobtay iyada oo shacabka loo adeegsaday gaadiidka iyo diyaaradihii lagu keenay canshuurta gudaha iyo deeqaha adduunku siiyey Soomaaliya. Sanadkii 1991 ayaa xukunkii kacaanku Burburay, Maxamed Siyaad Barre Waxa uu tegey gobolka Gedo, markii dambana waxa uu megengelyo siyaasadeed ka helay Nayjeeriya (Nigeria) magaalada Legos ayuu ku geeriyooday sanadkii 1995-kii. WQ: Axmed Ciise GuutaaleDersa Sharciga, Qaanuunka & Warbaahinta AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid 

Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay go’aanka Suudaan looga saaraayo liiska Dowladaha taageera  argagixisada

Share on Facebook Tweet on Twitter Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuthaymiin ayaa soo dhoweeyay hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsanaa in dalka Suudaan laga saaraayo liiska dowladaha taageera argagixisada. Xoghayaha ayaa tillaabadaan ku tilmaamay mid muhiim u ah mustaqbalka Suudaan, isagoo bogaadiyay dadaalada dowladda Suudaan ay ugu jirto sidii ay u soo celin leheed xiriirkii ay caalamaka la lahayd.. Xoghayaha guud ayaa sheegay in ururka iskaashiga Islaamku soo dhaweynayo go’aankaan muddada dheer la sugaayay, isagoo xaqiijiyay inay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Suudaan. Dr Yuusuf ayaa intaas ku daray inuu rajeynaayo in ka saaridda Suudaan liiska ay gogol xaar u noqon doonto in Suudaan gaarto barwaqqo, kuna soo laabto kaalintii ay ku lahayd caalamka. W/D: Axmed Caato SHARE Facebook Twitter Previous articleBaarlamaanka Galmudug oo ansixiyay sharci lagu dhisayo ciidamo maamulkaas uu yeesho+SAWIRRO

Haween ilmo yar xaday oo lagu soo bandhigay Magaalada Kismaayo (Sawirro)

- Advertisement - Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay Haweeney ka tirsan Shabakad ka Ganacsado Caruurta taasoo xiligga lasoo qabanayay wadatay ilmo yar oo ay soo xaday. Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Samiira Xasan Maxamuud oo Booliska baaritaano ku sameyeen ayaa sheegtay inay ka tirsaneyd Shabakad ka Ganacsada Carruurta yar yar, waxaana lala soo xiray haweeney kale oo ay sheegtay iney gacan ku siisay falkaas. “Gabadhan ayaa igu tiri ilmaha qaad, waxayna ii tilmaantay meel hadii aan geeyo la iiga iibsanayo 5 kun oo dollar, markii aan geeyey halkii lagu balamayna 2 dollar ayaa la ii tuuray” ayey tiri Samiira. Shamso Shiikh oo ah Haweeneyda kale ayaa beenisay hadalka Samiira, iyadoo sheegtay ineysan wax ku laheyn arrintan. Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo  Gaashaanle Warsame Axmed Geele oo Warbaahinta Dowlada la hadlay ayaa sheegay in Saldhigga Booliska Xaafadda Midnimo la soo gaarsiiyay kiis ah Wiil yar oo la xaday. “Ciidamada Booliska waxay sameyeen howlgalo lagu baadi goobayo Wiilka yar intii uu socdy baaritaanka ayaa waxa helnay xog sheegaysa in Wiilka Magaalada laga saaray” ayuu yiri Gaashaanle Warsame Axmed Geele. Sido kale Taliyaha waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska oo kaashanaya shacabka ay soo qabteen Haweeney wadatay Wiilka isla markaana laga soo qabtay meel 5 kiilo mitir u jirto Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose. “Haweenayda markii aan waraysanay waxay inoo sheegtay in cunuga la rabay in laga ganacsado isla markaana loo balan qaaday in la siinayo 5 kun oo dollar” ayuu yiri Gashaanle Warsame Axmed oo intaas ku daray in ilmihii yaraa ee la soo xaday lagu wareejiyey waalidkii dhalay. Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili kooxo ka Ganacsada Carruurta ay mudooyinkan danbe ku soo badanayeen bartahamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Beesha Hawiye oo War kulul kasoo saartay Xariga Taliyihii Danab (Daawo Sawirada)

- Advertisement - Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay kulan ay kasoo qeyb galeen Waxgaradka ,Dhalinyarada, aqoonyahanada iyo haweenka Beesha Hawiye, kulankan ayaana looga hadlayay xariga sharci darada ah ee loo geestay Taliyihii hore ee ciidamada Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalik. Waxgaradkii iyo dhamaan dadkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay xariga sharci darada ah ee loo geestay taliyihii hore ee ciidamada Danab Ismaaciil Cabdimaalik oo mudo bil kabadan ku xiran Wasaarada Gaashaandhiga. Waxa ayna ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in si shuruud la’aan ah usoo daayo taliyaha ay sheegeen in loo xiray in uu ku heyb yahay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya loona raadinayo dambi been abuur ah. Gabo gabada kulanka ayaana laga soo saaray War Saxaafadeedkan. WAR-SAXAAFADEED: 21.10.2020 Annaga oo ah Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, dhallinyarada Beelaha Hawiye, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa gabood fallo iyo Xad-gudubyo badan oo ay Madaxda Qaranku kula kaceen Beesha iyagoo si qaldan u adeegsanaya Awooda Dowladnimo. Waxaana ka mid ah dhacdadii ugu danbeesay ee Madaxda Sare  ku amartay xariga Taliye Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, oo ku Magacaabnaa Taliyaha Guutada 16’aad ee DANAB,  kaasoo ah sarkaal ku sifoobay daacadnimo, wadan jaceel, hawkarnimo, iyo u dhabar adeeg shaqada Qaranka ee loo igmaday, Hawlihii u qabtay Ismaaciil waxaa ka mid ahaa: In uu hoggaaminayay Dagaalkii looga xoreeyay Cadowga Alshabaab Degmada JANAALE, oo ahayd goobta ay ka soo abuubuli jireen qaraxyada lagu dhibaateyo Dadka degan Magaalada Mogadishu. 2-Waxa uu Tayeeyay Aqoonta hawl-galineed ee Askarta iyo Saraakiisha Ciidanka DANAB, ayadoo ay yaraatay khasaaraha nafeed ee soo gaaray Guutada. 3-Waxa uu ballaariyay deegaanada ay ka hawlgasho Guutada, asaga oo gaarsiiyay dhammaan xarumaha Dowlad-goboleedyada. 4-Waxaa uu kordhiyay hawlgallada lagu burburinayo, laguna ciribtirayo jiritaanka Cadowga Alshabaab. Waxyaabaha sharciga Khilaafsan ee lagula kacay G/le Ismaaciil: Sarkaalka asaga oo gudanayo waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka u hayay ayaa Madaxda Sare ku sameeyay shaqo joojin iyo resto baalmarsan xeerarka u degsan Ciidanka Xoogga Dalka. 2-Waxaa loo Adeegsaday Awood dowladnimo si aan waafaqsaneen Sharciga. 3-Waxa uu dhaafay muddii 42 cisho ahayd ee uu Sharcigu u ogolaanayay Taliyaha Xoogga in Sarkaal u Xiranaan karo. 4-Waxaa isku mar lagu wada sameeyay Shaqo Joojin, Xarig iyo Xil ka qaadis hal mar ah, taasoo aan waafaqsaneen Xeerarka ciidanka u yaala. 5-Waxaa Amar Madaxda Sare ka yimid uu Taliyaha Ciidanka Xoogga ku soo saaray warqad looga codsanayo Maxkamadda in G/le Ismaciil loo taxaabo Xabsiga dhexe, si loogu qaarijiyo halkaasi. 6-Waxaa uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku hayaa Ismaaciil cadaadis iyo dulmi joogto ah oo ku saleysan Arrimo Shakhsi ah. Sababaha uu ku xiran yahay Ismaaciil Abdimalik Waxaa uu u xiranyahay Taliye Ismaaaciil Abdimalik Arrimaha soo socdo: Waxaa Taliyaha Ciidanka iyo Madaxda Sare ee Dowladda u arkeen Ismaaciil in uu saaxiib iyo qaraabo  dhaw la yahay Ra’iisul Wasaarahii hore Hassan Ali Khayre. 3-In Saraakiil badan hab beel ahaan ah xilalkooda looga qaaday, laguna bedelay kuwo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo. 4-Taliyaha Ciidanka waxa uu u bartilmaameysanayo G/le Ismaciil ayaa ah Arrimo shaqsi ah oo ka dhaxeeyo awgeed. 5-Waxaa la doonayaa in Sarkaalka loo sameeyo danbi been-abuur ah iyo Arrimo aan jirin, lana horgeeyo Maxkamada CQS, si loo qanciyo Mareykanka oo jawaab u raadinaya sababaha loo xiray Sarkaalka, xil ka qaadisna loogu sameeyay. Beesha, ayada oo ilaalineysa, Midnimada iyo Jiritaanka Dowladnimo, ayay la fadhiisatay Madaxweyne Farmaajo laba (2) jeer, si Arrimahaan jira loogu helo xal waara, loona joojiyo Dulmiga iyo ku tagrifalka Awoodeed ee lagu hayo Beesha, kulmadaas  iyo ballanqaadyadii  uu Madaxwayne Farmaajo sameeyay ayaan kasoo bixin wax miro dhal ah. Haddaba, Waxa ay beesha si cod dheer ugu sheegaysaa Madaxweynaha in si degdeg ah G/le Ismaaciil xoriyadiisa dib ugu helo. Waxa ay beesha ka digeysaa Arrimaha ay ku howlan yihiin Madaxda Sare  ee Dowladda oo kale ah: Sumcad dilis iyo ku-xad gudub kasta ee khilaafsan sharciga ee lid ku ah sharafta Ismaaciil. 2-Abuurista dambiyo aan jirin ee lagu horgeenayo G/le Ismaaciil Abdimalik Maxkamadda. 3-In Madaxda sare ee dowladda ay joojiso Musuqa iyo Eexda  Beeleysan ee ka dhexwadaan Ciidamada Qaranka Gunaanad Ayada oo Baaqani si toos ah ugu socdo Madaxwayanaha JFS ayaa, haddii aan jawaab deg deg ah uga helin Arrimaha aan kor kusoo tilmaanay, wax Allaale iyo wixii dhibaato iyo Mas’uuliyad darro ah ee ka  yimaado  waxaa qaadi doona Madaxwayne Farmaajo. - Advertisement -

Safaarada Qatar Oo Xaruntoodii Muqdisho Ka guurtay & Codsigii RW Rooble u Gudbiyey

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Safaaradda Qatar ee Muqdisho ayaa ka guureysay dhismihii iyo wadadii u xirneyd muddo Sanado badan ah. Dhammaan qalabka safaaradda oo shaqaalaha ay ku shaqeynayeen ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si xowli ah looga daabulay dhismaha safaaradda oo si kirro ah ay ku daganayd. Safaaradda Qatar ayaa dhismahan oo kuyaal wadada ka baxda isgoyska KM4 ee aada isgoyska Tarabuunka waxaa u xirnaa muddo sanado ah iyada oo laamigii dadweynaha isticmaali jireen darbi iyo ganjeel ku xiratay taasi oo dowladda Soomaaliya raali uga ahayd. Wararka Qaar ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Rooble codsaday in la furo wadada lambar afar ee dalcada cabdiqaasim hormarta ilaa tarabuunkana la dhacda. Haddii wadadaas la furo waxay kaalin wayn ka qaadan doonta in ay yareyso culayska iyo cariiriga ka jira wadooyinka Muqdisho. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp