Saturday, October 24, 2020

Three injured as cargo plane crashes at airport in Somalia’s capital – The Independent

Related Articles

DEG:DEG: Xildhibaanada BF oo ansixiyey golaha wasiirada Soomaaliya

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay soo xaadireen 188 ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyada oo ay dhinac fahdiyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo xigeenkiisa labaad ee golaha shacabka. Ugu horrey ra’iisul wasaare Rooble aya khubad ka jeediyey kulanka, wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada golaha shacabka inay codka siiyaan xukuumadiia. Dhammmaan xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa codka kalsoonida siiyey xukuumadda, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Intaasi kadib ayaa waxaa xilalkooda loo dhaariyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Xukuumadda Rooble ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada so socota 2020/2021 oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Xukuumadda Rooble oo La Ansixiyey

Waxaa goordhow la ansixiyey xukuumadda ra’isul wasaare Maxamed Rooble kadib markii la horgeeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah. Codeyn ka dhacday goobta waxaa xukuumadda ogolaaday 188 xildhibaan, oo ahaa xildhibaannadii maanta yuimid oo dhan. Xukuumadda ayaa la filayaa iney ka shaqeyso doorashada, amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah. Goobjoog News

Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka &Dalxiiska.

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo. Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland. October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma. June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science). September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas. Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha. September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London) Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga. December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015.Muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka. Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho. Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool). Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo. Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah. Raisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda u magacaabay Wasiir buuxa, Sidaas buuna kaga mid noqonayaa dowladda cusub iyo xubnaha ugu miisaanka culus Xukuumadda Rooble.

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wadamada Carabta oo saf ugu jira Isreal, Sudan oo iyana la heshiisay

Dowladaha Carabta ayaa iska ilaaway cadaawadii kala dhexaysay Isreal kadib markii Wadanka Isreal uu noqdey Awooda ugu xoog badan Bariga Dhexe.Dalalka Emaraatka, Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa horey heshiis ulagalay Tel aviv halka Sudan ay hada Wadahadal ula bilowdey. Wararku waxay sheegayaan in Maraykanka ukala dabqaadayo labadaan Dal iyadoo Sudan la siiyey balan qaad ay kamid tahay in laga qaado Cunaqabataynta ay Maraykanku saareen. Turkiga ayaa u horeeyey Wadamada Islaamka ee la heshiiyo Isreal , mudo dheer ayay Isreal ay Safaarad ku lahaayeen Dalka Turkiga. Puntlandi.com Khartoum

Trump: Masar waxaa laga yaabaa in ay qarxiso biyo xireenka Itoobiya

18 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Donald TrumpMadaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay hadal guux badan ka kicyay gudaha waddanka Itoobiya. Trump ayaa tilmaamay in Masar ay burburin karto biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhinac dhisayso Webiga Nile.Trump ayaa hadalkaasi ka sheegay shir dhinaca taleefanka ah oo ay heshiiska diblumaasiyadeed ku gaarayeen dalalka Suudaan iyo Israa'iil, markaas oo ay khadka ku jireen madaxda labadaasi dal.Madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha Aqalka Cad waxa uu ugu sheegay "Waa xaalad aad u halis badan sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta." "Ugu dambayntii biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waan iri kor ayaanan u leeyahay - biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waana inay wax sameeyaan," ayuu sii raaciyay Trump.Madaxweyne Trump intaas kuma uusan ekaan ee waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay arrintaasi ka seexatay: "Waa hore in uusan bilaaban ayey aheyd inay joojiyaan," ayuu yiri.Illaa hadda wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya ma uu jiro, hasayeeshee ra'iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Hailemariam Dessalegn, ayaa si caro leh arrintaas uga falceliyay.Dessalegn ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in hadalka Trump uu u sheegay ra'iisul wasaaraha Suudaan uu yahay mid aan loo meel dayin. Waxa uu intaasi ku daray inuu ka daray inuu ka xun yahay inuu yiraahdo hasayeeshee ay dhabta tahay in ninkaasi [Trump] uusan ogayn waxa uu ku hadlayo.Dowladda iyo dadka Itoobiyaba waligood laguma handadin bayaan aanay mas'uuliyad ku dheehnayn oo noocaasi oo kale ah. Taariikhdaa macallin inoo ah.Xigashada Sawirka, ReutersHorraantii bishii Sibteembar ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay dhaqaalaha gargaarka ah ka jari doonto Itoobiya, arrin salka ku haysa biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhinac dhisayo Webiga Nile.Arrintaas ayaa waxaa sabab u ahaa tallaabada ay Itoobiya ku buuxinayso biyo-xireenkan wayn ka hor inta aanay wax heshiis ah la gaarin dalalka Masar iyo Suudaan.Dowladda Masar ayaa muddo dheer waxa ay ka soo horjeedday in webiga Nile laga dhinac dhiso waxkasta oo yarayn kara biyaha ay hesho.Itoobiya ayaa iyana sheegaysa inay biyo-xireenkan u doonayso inay hesho koronto la isku halayn karo.Markii si buuxdo loo howlgaliyo biyo-xireenkaas, waxa uu noqon doonaa biyo-xireenka ugu wayn ee Afrika ee koronto lagu dhaliyo, iyadoo ay koronto heli doonaan 65 milyan oo qof oo Itoobiyaan ah.Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa muddo sanado ah waxa ay lahaayeen wadahadallo ay doonayeen inay uga heshiiyaan qaabka iyo habka ugu habboon ee si nabad ah xal looga gaari karo ammaanka biyaha Webiga Nile.