Thursday, November 26, 2020

Editor Picks

Somaliland oo Xukun Dil ah Ku Fulisay Lix Eedeysane

Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay toogasho ku fulisay lix nin, kuwaas oo  horay maxkamadaha Somaliland  ay dil ugu xukumeen , kadib markii  lagu eedeeyey dilal ay horay u geeysteen. Raggaan eedeysanayaasha ah ayaa waxaa ay ku xirnaayeen xabsiga dhexe, waxaana loo qaaday deegaan Mandheera ee gobolka Saaxil si dilka loogu filyo xukunka toogashada ah , Magacyada ragga la toogtay. 1- Yaasiin Maxamed Yuusuf 2-Sharmaarke Sahal Oogle 3-Quulle Maxamed Cilmi 4-Khaalid Cabdi Xaydar 5-khadar Maxamed Warsame 6-Cabdikariim Maxamed Mahdi. Goobjoog News

Eden Hazard Oo Ka Baxay Abaarta Goolasha Ee Champions League, Intee Ayuu Ka Maqnaa Gool Dhalinta.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ka baxay abaartii gool dhalinta ee tartanka champions League kadib markii uu gool-ka 1-aad u dhaliyay kooxdiisa kulankii Inter Milan ee champions League. Eden Hazard ayaa dhaliyay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa kadib markii khalad lagu galay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Nacho taas oo rikoodhe loogu dhigay kooxda Real Madrid. Xiddiga reer Beguim ayaa shabaqa dhex dhigay kubada isaga oo sidaas kaga baxay abaarta gool dhalinta tartanka champions Leageu oo muddo haysatay. Eden Hazard ayaan wax gool ah ka dhalin champions League 727 maalin oo dhamaystiran taas oo laba sano ku dhaw. Markii ugu dambaysay ee uu Hazard gool ka dhaliyo champions League ayaa ahayd 22 bishii November 2017 isaga oo gool ka dhaliyay kooxda Qarabağ FK isaga oo u ciyaarayay kooxda chelsea.

Slovenia: Xaaska Donald Trump, Melania dalka ay ka soo jeedo maxay tahay cabsida soo wajahday?

18 Daqiiqadood ka horKeeggaan ama doolshada loo yaqaanno Torta Melanija, waa mid caan ku ah bandhigyada hoteellada magaalada Sevnica oo keliya, waana dalka Slovenia. Midibada Torta Melanija, ayaa ka kooban jalaato dahbi ah iyo kareem midabkiisu caddaan yahay, waxaana lagu mamausaa gabadha caanka ah ee Melania Trump, oo hadda ah marwada koobaad ee Mareykanka ee xilkeedu sii dhammaanayo.Afartii sano ee la soo dhaafay, dadka ku nool halkaas waxay ka faa'iideysteen sumcad yar oo ay heleen taasi oo kor loogu qaaday dalkooda Slovenia iyo wax soo saarkooda. Balse hadda madaxtinimada Donald Trump waxay gelaysaa toddobaadyadii ugu dambeeyay. Waxaa jira dareen arrintaan la xiriira oo ka taagan gudaha magaalada Sevnica oo ah meesha ay ka soo jeedo Melania."Waxaan rabnaa in keeggu noqdo mid muuqaal wanaagsan oo u eg Melania, dahabna ku xardhanyahay oo aan ka wadno Trump iyo midabka caddaanka oo ah Aqalka Cad," ayay tiri Nusa Vidmar, oo ah milkiilaha Slascicarna Julija patisserie. BBCWe wanted to catch the moment and make it great in our own wayWaxaa sidoo kale ku jira loos ay aad u jaceleyd Melania Trump, ka dib markii ay noqotay mowrwada kowbaad ee Mareykanka, bishii Jannaayo ee sannadkii 2017-kii. Dalxiisayaal gaaraya illaa 5,000 oo qof ayaa magaaladaa tagay iyagoo u sii maray webi iyo keymo dhexdooda.Bannaanka Sava, oo waxyar ka durugsan magaalada, wax qof u eg oo la dul saaray jiridda geed ayaa kor laga arkayaan, taas oo qiimeyneysa waxa qofka uu arkayo.Kani waa noocii labaad oo ah taallo lagu magacaabo Melania. Sawirkii asalka ahaa, ee alwaaxa ahaa, oo aan xitaa u muuqday mid u eg Sevnica oo caan ahaa ayaa la gubay xagaagii la soo dhaafay.Gudaha Sevnica, dadka waxay si farsamaysan u kala soocaan siyaasada iyo xiriirka tooska ah ee ay la leeyihiin Washington DC.Patisserie-keena, waxaan u helnaa dad badan oo adduunka oo dhan ka yimid oo dalxiiseyaal ah - dhammaantood waxay isku cuneen Torta Melanija, laakiin uma maleynayo in ay u yimaadeen kaliya keegga," milkiilaha ayaa sidaa tiri. "Waxay noo ahayd wax aad u weyn, anaga iyo Slovenia . Waxay ahayd waqti taariikhi ah - umana maleynayo in aan markale arki doonno daqiiqad ceynkaan oo kale ah."Xigashada Sawirka, ReutersBalse taasi micnaheedu maahan in la joojiyo faa'iidooyinka isku xirnaanta Melania ay u keeni doonto Sevnica.Gudaha qalcadda weyn ee qarnigii 16-aad la dhisay ee buurta magaalada ka sareysa, waxaa ku jira walxo loo yaqaan "Marwada Koowaad". Qaarkood waxay u muuqan karaan in ay lacag yihiin, iyo waxa Melania Trump ka dhigi karo inay yeelato oo lagu sharfay.Duqa magaalada, Srecko Ocvirk, ayaa sheegay in qaab mideysan oo ka turjumaya bulsho ay akalsooni ka muuqato ay ugu soo bandhigeen Sevnica aduunka."Sevnica maahan meel dhaqan oo loo dalxiis tago. Laakiin wixii dhacay afar sano ka hor saameyn aad u wanaagsan ayey ku yeesheen, sida aqoonsiga magaalada," taasi waxay isu keentay dadka deegaanka waxayna ganacsatada ku dhiiri galisay in ay is midoobaan oo ay wada shaqeeyaan. BBCFor local businesses that do business internationally, the name recognition of Sevnica has really helpedIsagoo taagan meel u dhow taallada Melania, ayuu Smiljan Slukan sheegay in uu ku kalsoon yahay in aabihiis uu ahaa macallinka soo saaray Melania xilligii uu u dhigi jiray dugsiga hoose. Laakiin taasi wax saameyn ah kuma lahan natiijada doorashada madaxtinimada Mareykanka."Aniga shaqsiyan saameyn weyn iguma yeelan markii ay noqotay Marwada Koowaad, iyo hadda oo ay darajadaasi ka sii dhamaaneyso."Melania Trump muddo afar sano ah ayay tahay Marwada madaxweynaha Mareykanka balse hadda toddobaadyo ka dib waxey noqon doontaa marwadii hore ee Mareykanka, maadama seygeeda looga guuleystay doorashada dalkaas.

Must read

Liverpool Oo Markii Ugu Horaysay Diwaan Gashatay Rikoodh Xun Intii Uu Jurgen Klopp Tababaraha U Ahaa.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay Atalanta kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka champions League kulan ka dhacay Anfield. Reds ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Atalanta kuwaas oo aad uga fiicnaa kooxda Jurgen Klopp inkasta oo ay ku ciyaarayeen garoonkooda. Kadib guuldaradaas Liverpool ayaa diwaan gashatay rikoodh xun markii ugu horaysay tan ilaa markii uu Jurgen Klopp tababaraha u noqday kooxda. Liverpool ayaa kulan Rasmi ah la kulantay guuldaro laga dhaliyay wax hal gool ka badan markii ugu horaysay 137 kulan oo ay ku ciyaartay Anfield intii uu tababaraha u ahaa Jurgen Klopp. Shabaakda Opta ayaa sheegaysa in guuldaradii Atalanta ka soo gaadhay Liverpool ee 2/0 ahayd tahay guuldaradii ugu weynayd ee Liverpool ka soo gaadha garoonkeeda kulan Rasmi ah tan ilaa markii uu Klopp tababaraha u noqday kooxda Liverpool.

Abiy Ahmed oo shaaciyay in howlgalka Tigray uu gaaray wajigii u dambeeyay

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in howlgalka milateri ee ka socda Gobolka Tigray uu gaaray wajigii u dambeeyay. Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidamada Milateriga uu ku amray inay qaadaan howlgalkii u dambeeyay ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Tigray. “Waxaa dadaal u geli doonaa sidii aan u xaqiijin laheyd in magaalada Mekelle aanay burbur ugu dhici laheyn”ayuu yiri Abiy. Waxaa dhamaatay mudada 72 saac ee Ra’iisul Wasaare Abiy u qabtay in Maamulka TPLF isku soo dhiibaan. Milateriga Itoobiya ayaa hareereeyay caasimadda Mekelle, iyadoo taangiyaal iyo madaafiic lagu jeediyay, waxaana Taliyaha Milateriga uu ku hanjabay inay madaafiic ku garaaci doonaan, ayna shacabka isaga baxaan magaalada. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleSarkaal ka tirsan CIA-da oo lagu dilay Soomaaliya

Abiy oo ku dhowaaqay in dagaalka Tigray uu galay wejigii ugu dambeeyey

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamadiisa ay bilaabi doonaan dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu qaadayo Tigray, si meesha looga saaro ciidamada TPLF ee dagaalka ka wada halkaasi. Abiy Axmed ayaa dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi uu galay wejigii ugu dambeeyey, isaga oo amary ciidamada inay qaadaan howl-galkii ugu dambeeyey ee lagula wareegayo caasimada Tigray ee Mekelle oo ah meesha xudunta u ah dagaalka. Ra’iisul wasaarahaha Itoobiya ayaa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan bad-baadinta dadka shacabka ah iyo in uusan burbur soo gaarin magaaladaasi. “Waxaa dadaal u geli doonaa sidii aan u xaqiijin laheyd in magaalada Mekelle aanay burbur ugu dhici laheyn,” ayuu yiri Abiy. Sidoo kale waxaa dhammaaday muddadii 72 saac ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada deegaanka TPLF, iyada oo hoggaanka jabhaddaasi ay ku gacan seereen. Xaaladd Itoobiya ayaa haatan ah ah mid aad u adag, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay si weyn uu uga walaacsan tahay xaaladda gobolka Tigray ee dalkaasi. Itoobiya ayaa xiisad dagaal iyo colaad sokeeye gashay, kadib markii todobaadyo ka hor ciidamada federaalka ay duulaan ku qaadeen gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber
Somalia
4,445
Total confirmed cases
Updated on November 26, 2020 9:57 am
Somalia
3,412
Total recovered
Updated on November 26, 2020 9:57 am
Somalia
113
Total deaths
Updated on November 26, 2020 9:57 am
Somalia
920
Total active cases
Updated on November 26, 2020 9:57 am