Tuesday, October 27, 2020

TAARIIKHDA QADIIMKA AH EE DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED

CUTUBKA KOOBAAD: DALKA

HORDHAC.

Inkasta oo dadka Soomaaliyeed badankoodu aaminsanyiin in ay yihiin tafiir ka hartay odayaal Carbeed oo ka soo haajiray jaziiradda Carabta wixii ka dambeeyey soo ifbixitaankii diinta islaamka, haddana taariikhda gayiga Soomaaliyeed iyo dadkiisu ba waa ay ka facwayn yihiin sida ay dadkaas la tahay.

Raadraacyada cilmi-afeed ee af Soomaaliga lagu sameeyey, oo waliba kooban, ayaa ina tusinaya in uu afkeennu yahay mid ka mida kuwa ugu qadiimsan afafka caalamka. Marka aad ogaato in af Soomaaligu bahwadaag la yahay afaf kummannaan sano ka hor dabargo’ay, ayaad garawsanaysaa in afka iyo dadkiisuba yihiin kuwo ka facwayn odayaal Carbeed oo hijro ku yimid.

Dhanka kalana, raadraacyada taariikheed ee ay ka tageen taariikhyahannadii hore ee dalkeenna booqday ama wax ka qoray ayaa iyana meesha ka saaraya afkaarta khaldan ee aynu iska aaminsannahay ama cid kale inaga aaminsantahay.

Ogaal la’aanta aynaan ogayn taariikhdeenna qadiimka ah, ayaa sasab u noqotay in aynu noqonno umad ay dhibaato wayni ka haysato xagga cirqiga. Qalalaasaha cirqi ( Identical Crises) ee inagu dhacay ayaa sababay in aynaan ka tirsanayn dadyowga aynu oodwadaagta nahay midkoodna, iyo in aynaan lahayn jaal iyo bahwadaag hoose toonna.

Inaga oo ah ummad madow oo ku nool qaaradda Africa ayaynu haddana nahay kuwo qariib ku ah qaaradda iyo dadkeeda ba, maxaa yeelay aaminsanaanta aynu aaminsannahay in aynu nahay muhaajiriin doola ayaa inaga hor istaagtay aqbalaadda dadka aynu midab-wadaagga nahay.

Dhanka kalana, Carabta oo aynu aaminsannahay in aynu dhiig iyo dhalashaba la wadaagno ayaan wali garawsan sheegashadeenna marka laga reebo ka mid ahaanshaheenna Jaamacadda Carabta.

Qalalaasaha cirqi ee aynu qabno iyo u dhicid la’aanta aynaan dhanna u dhicin ayaa sabab u noqda in aynu guuldarro kala kulanno marka aynu cid kale arimo masiiriya isku hayno.

Qormooyinkaan oo ahaan doona kuwa xiriira ayanu uga hadli doonnaa in Soomaalida iyo dhulkeeduba ka facwaynyihiin sida ay iska aaminsantahay. Waxa aynu soo bandhigi doonnaa taariikhda qadiimka ah ee uu dhulka Soomaalidu lahaa iyo xiriirkii dhaqan-dhaqaale ee uu la lahaa bulshooyinkii kale ee caalamkoodii kula noolaa. Qormooyinkaani waxa ay inoo bayaamin doonaan oo ay beenayn doonaan in aynaan ahayn ummad soo galootiya oo aan lahayn taariikh qadiima. Waxaa kale oo ay ina bari doonaan in aynaan ahayn geed kaligiis meel ka baxay ee aynu nahay ummad ka mida beelwayn wadaagta af, dhaqan iyo dhalashaba.

Waxa aynu qoraalkeenna u kale qaybin doonnaa labo cutub oo mid waliba ka koobnaan doono dhawr qaybood. Cutubka koobaadi waxa uu ka warbixin doonaa dhulka. Waxa uu sharrixi doonaa taariikhdii qadiimka ahayd ee uu dhulku Soomaalidu lahaa iyo xiriiradii ganacsi ee uu la lahaa caalamkii qadiimka ahaa. Waxaa kale oo uu cutubkaasi inoo soo gudbin doonaa qoraaladii ay taariikhyahannadii hore gayiga Soomaalida ka qoreen.

Cutubka labaad ayaa isagu ka hadli doona dadka Soomaaliyeed. Cutubkaan oo ka guda waynaan doona kii ka horreeyey ayaa diiradda saari doona dadka Soomaaliyeed iyo taariikhdoodii hore. Waxa aynu cutubkaan ku eegi doonnaa circiga dadka soomaaliyeed, halka ay ka yimaadeen, cidda ay bahwadaagta la yihiin iyo saida uu afkooda iyo dhaqankoodu xiriirka ula leeyahay bulshooyinka ay bahwadaagta yihiin.

Dabcan waxaa aynu daliishan doonnaa wixii ay taariikhyahannadii hore sida Giriiggii, Roomaankii iyo Carabtii hore ay dalka iyo dadkii ku noolaaba ka qoreen. Addiladaas ayaynu saldhig uga dhigi doonnaa in dadka laga hadlayaa ay yihiin awoowayaashii hore ee Soomaalida, taas oo meesha ka saari doonta in aynaan ahayn farac ka haray awoowayaal kol dhow soo haajirey ee aynu nahay asal qadiima oo wali kobtii lagu beeray ku sugan. Waxaa kale oo uu cutubkaani ka jawaabi doonaa carab sheegashada Soomaalidu in ay sal iyo xujo leedahay iyo in kale.

Waxaa aad qoraalladaan dhammayn doontaa adiga oo qaba fikrad ka gaddisan middii aad ka aaminsanayd dhulka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa aad dhammayn doontaa adiga oo aqoon kororsaday shakina uusan kaaga jirin cirqiga dadkaaga.

La soco qaybta koobaad.

Mohamed Ahmed Elmi.

Let’s block ads! (Why?)

Related Articles

Wasiirkii Dhalinyarada ee Maamulka Xuutiyiinta oo lagu diley magaalada Sanca

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Maamulka Xuutiyiinta ee ka dhisan magaalada Sanca dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu diley wasiirkii u qaabilsanaa maamulkaas arrimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Hassan Zaid. Hassan ayaa la sheegay in uu u dhintey dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay dabley hubeysan ay ku fureen xilli uu saaka ku sii jeeday xafiiskiisa. Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay gabar uu dhalay wasiirka la diley oo gaari uu saarnaa kaxeyneysay. Wasaarada u qaabilsan arrimaha gudaha Maamulka Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay dilka loo geystey siyaaasigan ka tirsanaa xisbiga Al-Haq inay ka dambeeysay boqortooyada sacudi carabiya. “Dilka Wasiir Hassan Zaid waa fal dambiyeed oo qeyb ka ah qorshayaal lagu ugaarsanayo dadka muhiimka ah.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Maamulka Xuutiyiinta. Dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacayay dagaalo sokeeye tan iyo sanadkii 2014kii xilligaas oo Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada Sanca. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleMadaxweynaha Galmudug Qoor-qoor oo xafiiskiisa ku qaabilay James Swan

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino oo laga helay cudurka coronavirus

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters waxaa cudurka coronavirus laga helay madaxweynaha FIFA Gianni Infantino (50-jir). Warkan ayay walaadda wararka[Read More...]

Kooxda Uu Kylian Mbappe Ku Biiri Doono Oo La Xaqiijiyay.

Kylian Mbappe ayaa haatanba go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu xaqiijiyay daaficii hore ee France Adil Rami. Heshiiska Mbappe ee haatan ayaa dhici doona xagaaga 2022 lamana hubo in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda. PSG ayay ka go’antahay in ay sii haysato xiddigeeda iyaga oo mustaqbalkiisa ka dhigtay muhiimada 1-aad. Wararka ka imanaya France ayaa sheegaya in uu Mbappe u furanyahay in uu sii joogo kooxda laakiin aanay kooxdu wali ku qancin. Laakiin xiddigii hore ee xulka qaranka France Rami ayaa sheegay in uu Mbappe haatanba go’aansaday in uu isaga tago PSG kuna biiro kooxda Real Madrid. “Waxan u malaynayaa in uu haatanba go’aansaday”ayuu Rami u sheegay RMC Sport. “Waxana sabab u ah in ay bur-burayaan wadahadaladu, arintaas ayaa ka xanaajinaysa isaga”. “Haatan kooxda lama hadlayo xitaa kuma dhiirana”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Stay Connected

20,926FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Pirlo oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan Ronaldo kulanka Barcelona, muxuuse ka yiri Messi??

©(GEESGUUD.COM) SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD (Turin) 27 Okt 2020. Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan naadiga Barcelona, kaasoo ka tirsan kulamada labaad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League. Andrea Pirlo ayaa ka hadlay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, iyo sidoo kale go’aankiisa kaga aadan suurtogalnimada […]   READ THE FULL ARTICLE FROM GEESGUUD.COM This article is copyright © GEESGUUD.COM The post Pirlo oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan Ronaldo kulanka Barcelona, muxuuse ka yiri Messi?? appeared first on SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD

Website Cajiib Ah Oo Hawada Soo Galay , CNNSomali.com , Ka Hel Wararka Somaliya Maalin Waliba

Ma Xiiseysaa in aad la socoto wararka Somaliya iyo falaanqeyntooda , hadaba CNNSomali.com waxaad ka haleysaa daqiiqad waliba wax waliba oo ka cusub dalkaada hooyo. CNNsomali.com waxaa wax ku qora wariyaal Somaliyeed oo caanka ah dalka kuwaas si aan dhan u janjeerin kugu soo gudbinaya wararka Somaliya iyo falaanqeyntooda. Hadaba ka mid noqo asxaabta cusub ee CNNsomali.com