Monday, November 23, 2020

Somaliland oo war lama filaan ah ka soo saartay doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka Soomaaiya, kadin heshiiska ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ku gaareen Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Somaliland ayaa qoraalkan ku war-gelisay Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Beesha Caalamka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale dowladda federaalka oo ay ku tilmaamtay mid taag daran uga digtay sheegashada ay sheegtay in wado.

“Waxaanu nahay dal madax bannaan oo aan wax shaqo ah ku lahayn doorashooyinka dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa ugu baaqday shacabkeeda inay muujiyaan feejigaan dheeri ah oo ku aadan hagar-daamo ay sheegtay inay wado dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garoobeyso doorashooyinka 2020/2021, waxaana heshiiska la gaaray ku jira in xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka lagu dooranayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

The post Somaliland oo war lama filaan ah ka soo saartay doorashada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/somaliland-oo-war-lama-filaan-ah-ka-soo-saartay-doorashooyinka-soomaaliya/original article

Related Articles

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo Shirka Musharaxiinta oo Waji cusub yeeshay !!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles