Wednesday, November 25, 2020

Somalia: Why US Diplomatic Muscle Could Achieve More in Somalia Than Drone Strikes – AllAfrica – Top Africa News

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Talisyada CXD iyo AMISOM ee Koofur Galbeed kala shiray Amniga iyo Howlgallada ka dhanka ah argagixisada.+Sawirro

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay taliyeyaasha iyo saraakiisha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Koofur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyay madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa taliyeyaasha kala hadlay guud ahaan amniga Koofur Galbeed, Sugidda amniga doorashooyinka dalku galay iyo dardar galinta dagaalka iyo howlgallada ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. “Waxaan idinku boorrinayaa in aad xil weyn iska saartaan sugidda amniga guud ahaan, gaar ahaan xilligan ay doorashooyinku socdaan. Waxaa kaloo la doonayaa in aysan hakad galin howlgallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee bulshadeenna dhibaatada ku haya oo naftooda iyo hantidoodaba burburinaya” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri Saraakiisha Ciidanka Xooogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee uu la kulmay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta soo gabagabeeyay safar 3 cisho qaatay oo isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Koofur Galbeed waxa uu xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleWaa dhacdo aad u xunuun badan 7 gaari ishiid ah oo lagu gubay agagaarka Xudur

Diego Maradona Oo Dhintay Isaga Oo 60 jir Ah, Rikoodhadii & Xogtii Uu Kubada Cagta Kaga Tagay.

Halyeeyga reer Argentine ee Diego Maradona ayaa dhintay Isaga oo 60 Sano jir ah kadib markii uu wadnuhu Istaagay isaga oo ku jira cusbitaal ku yaala dalka Argentine. Halyeeyga kubada cagta Diego Maradona ayaa ka soo kabsanayay qaliin looga sameeyay madaxa kadib markii uu madaxa dhiig uga furmay. Halyeeyga Diego Maradona ayaa u soo ciyaaray kooxaha Argentinos Juniors, Boca Juniors, Barceona, Napoli, Sevilla Iyo Newell’s Old Boys. Maradona ayaa ku guulaystay 10 Koob oo uu kula guulaystay kooxihii uu u soo ciyaaray iyo waliba xulka qarankiisa Argentine. Sidoo kale Maradona ayaa ku guulaystay abaalmarino shaqsi ah 9 jeer hadii ay noqoto gool dhalinta horyaalada kale duwan iyo abaalmarinaha kale ee shaqsiga ah.

Goormay go’aanno ka soo bixi doonaan shirka musharaxiinta ee Muqdisho?

©(GEESGUUD.COM) SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD Waxaan wali go’aanno ka soo bixin shirka maalintii shanaad magaalada Muqdisho uga socda qaar kamid ah musharraxiinta madaxweynenimada Soomaaliya ee doorashada 2021. Maanta ayaa la filayay in shirkaas uu soo gabagoboobo oo ay ka soo baxaan go’aanno, basle dib u dhac ayaa ku yimid. Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahna afhayeenka midowga musharaxiin ku shirsan Muqdisho […]   READ THE FULL ARTICLE FROM GEESGUUD.COM This article is copyright © GEESGUUD.COM The post Goormay go’aanno ka soo bixi doonaan shirka musharaxiinta ee Muqdisho? appeared first on SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD

Stay Connected

21,097FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Diego Maradona oo geeriyooday

BUENOS AIRES —  Xiddigii kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa maanta geeriyooday kadib markii wadanaha uu istaagay, sida uu sheegay qareenkiisa. Maradona oo 60 jir ahaa, ayaa dhowaanahan xaaladdiisa caafimaad ay liidatay, ayada oo qalliin looga sameeyey maskaxda, dhowr toddobaad ka hor. Maradona ayaa Argentina kula guuleystay koobka kubadda cagta adduunka ee 1986-kii, markaasi oo cayaartii ugu dambeysay ay kaga adkaadeen Germany. Waxyar ka hor inta aan lagu dhowaaqin dhimashiisa, ayaa warbaahinta Argentina waxay saaka werisay in Maradona ay asiibtay xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirta loogu yeeray gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga magaalada Buenos Aires. Madaxweynaha Argentina Alberto Fernandez ayaa durba ku dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo loo sameynayo Maradona.

Maradona oo u geeriyooday wadno xanuun

Share on Facebook Tweet on Twitter Sida lagu qoray Daily mail halyeygii hore ee Xulka kubadda cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre ee dalka Argentina kadib markii uu asiibay wadno xanuun. Maradona oo ahaa 60 jir wuxuu ka mid ahaa xirfadyahanadii ugu sareeyay ee abid soo maray kubadda cagta, waxaana si gaara loogu xusuustaa koobkii dunida ee sanadkii 1986 uu gacanta u galiyay dalkiisa Argentina Maradona wuxuu dhashay 30 October 1960, wuxuuna geeriyooday 24 november 2020 SHARE Facebook Twitter Previous articleTaliyaha qeybta booliska Gobolka Bari oo dhiiri geliyay arday ka qalin badalaneysay Jaamacadda bariga Afrika “SAWIRRO”