Thursday, October 22, 2020

Somalia Stakeholders Meet to Discuss Upcoming Elections – AllAfrica.com

Related Articles

Ninkii shaaha oo sheegay in dumar badan ay ku soo duuleen si ay shaqada uga qaataan

9 Daqiiqadood ka horKarinta iyo iibinta shaaha ayaa waxaa inta badan lagu yaqaannaa dumarka balse magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ka jira goobo dhowr ah oo ay ragga shaaha ku iibiyaan.Jaamac Xasan, oo shaah ku iibiya Jigjiga ayaa cabasho ka muujinaya haween uu sheegay inay ku heystaan ka ganacsiga shaaha, wuxuuna ku andacooday in dhowr jeer ay koox haween ah isku dayeen inay kala wareegaan mehradda uu shaaha ku iibiyo ee uu ku leehayay Jigjiga."Caqabadaha aan la kulmay waxaa kamid ah in hadda ka hor ay dumar iskaashato lacag ii keeneen ayna igu yiraahdeen lacagta kaa gashay baan kuu celineynaa ninyahow ee waxan ka bax, shaqadan faraha kala bax. Aniguna waxaan ku iri, 'weli waxaan hayaa macankeedii aan ku talagalay in aan ku shaqeeyo, meel aan u baxana ma hayo arrintan waan usoo tafa xeeytay'." Ayuu yidhi Jaamac.Wuxuu sheegay in dumar badan ay bartilmaameedsanayaan goobtiisa si ay gacanta ugu dhigaan isla markaana uu heegan ugu jiro sidii uu u horumarin lahaa ganacsigiisa."Laakinse, dumar badan waxay dadaal ugu jiraan helitaanka meeshan si ay shaqadan ragga uga dhex saaraan" ayuu yiri Jaamac oo hadlayay BBC-da.Jaamac wuxuu sheegay in sababta dumar badan uu damac uga galay mehraddiisa ay tahay inay ku taallo goob mashuuql ah oo ganacsiga shaaha caan ku ah."Waxaan ku adkeystay in aan shaqadeydii sii wato, sidaas ayaan ku diray dumarkii"Qalabkan kuma ciyaari kartid maqalka iyo muuqaalka"Mehraddan shaaha la yiraahdo rag baa lahaaye halaga shaqeysto"Jaamac wuxuu hoosta ka xariiqay in shaah karinta ay dan u geysay sidaas darteedna wuxuu ku doodayaa in markii uu dhex galay uu ogaaday in sideedaba ragga uu lahaa shaqadan."Wakhtigan maanta boqolkiiba sagaashan shaqadan aan gacanta ku hayo haween baa gacanta ku haya, aniguna waxa shaaha aan ugu tafa xeytay ayaan qabaa, kow wax soo saarkeygu in uu noqdo in aan wax kasoo saaro shaahaas shiilan anigoo cidna u jeedin ganacsigeeda ayaan ragga waxaan leeyahay mehradda shaaha la yiraahdo rag baa lahaaye halaga shaqeysto.""Aniga marka hore biyaha ayaan karkariyaa, waxaan biyaha ku kariyaa bahal beyliso la yiraahdo, xaabo ayaana ku shidaa, dhuxul la gubay kuma kariyo, markey biyuhu karkaraan ka bacdi waxaan ku wareejiyaa kirli, sokorta marka ay bislaato caleenta ayaan ku shubaa markaas kadib ayaana caano ku daraa," ayuu yiri Jaamac.Wuxuu sheegay in "Shaqadan uu ka tegi karo marka uu dalaco oo uu darajo wacan ka gaaro".

Mareykanka Oo Taiwan ka iibinaya Hub Qiimihiisu Yahay $1.8bn

October 22, 2020 | Published by: yaska Mareykanka ayaa ansixiyay in hub laga iibiyo Taiwan, kaas oo uu ku kacayo qiyaastii $1.8bn (£1.4bn), tallaabadan oo laga yaabo inay sii xumeyso xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha. Aqalka Pentagon-ka ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigayo iibka hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo madaafiic. Taiwan, oo isu aragta inay tahay dal goonni u taagan, waxaa loo yaqaannaa gobol ka tirsan Shiinaha. Xiisadda Taiwan iyo Shiinaha ayaa isa soo tareysay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Beijing aysan weli amrin in si xoog ah ay u soo ceshato jasiiraddaas. Toddobaadkii la soo dhaafay la taliye dhanka ammaanka oo Mareykanka ah, Robert O’Brien ayaa sheegay in inkastoo aanuu aaminsaneyn in Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu qabsado Taiwan, haddana jasiiraddaas ay u baahan tahay inay is difaacdo mustaqbalka. Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in hubka uu ka caawin doono xoojinta ciidamadeeda ammaanka. Bilihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa xoojinayay xidhiidhka uu la leeyahay Taiwan. Bishii August, tobnaan sano kaddib, siyaasi heerkiisu sarreeyo oo Mareykanka ka socda ayaa booqday Taiwan isagoo la kulmay madaxweynaha jasiiraddaas Tsai Ing-wen. Beijing ayaa si xooggan u cambaareysay kulanka, waxayna Mareykanka uga digtay inaanuu  sii xumeyn xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka. Shiinaha iyo Taiwan ayaa kala go`an intii uu socday dagaalkii sokeeye sanadihii 1940-meeyadii, balse Beijing ayaa ku adkeysaneysa in jasiiradda ay dib u soo ceshan doonto, haddii loo baahdana ay awood isticmaali doonto. [embedded content]

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiirka Magacaaban ee Maaliyadda XFS oo kormeeray Dekeda Muqdisho+Sawirro

Wasiirka magacaaban ee maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Dekedda Magaalada muqdisho oo ah ISHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka iyo masuuliyiinta maamulka Dekedda ayaa iska xog wareystay sida ay shaqada u socoto iyo dar-dar galinta u adeegidda ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Beyle ayaa sheegay in muhiimadda kormeerkiisa in uu yahay in la dar dar galiyo howlaha dowladdu u qabato ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Cabdiramaan Ducaale Beyle ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay dowladdu ay ka go’antahay sare u qaadidda dakhliga dalka, iyada oo loo adeegayo Ummadda Soomaaliyeed har iyo habeen.

Axmed Madoobe Oo Ka maqan Kismaayo & Shirkii Wasiirada yeesheen

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horeyn golaha warbixin ka siiyey xaaladda Siyaasada iyo Amniga guud ee deegaanada Jubbaland. Shirka golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen shirkii Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiiradda looga hadlay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow, waxaana goluhu ay ku bogaadiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo ku guuleysatay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la isla gartay in golayaasha deegaanka ee degmooyinka kalena sidaa loo dhiso si shacabka loogu daadajiyo awoodda maamulka. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada looga hadlay hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo maxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp