Saturday, October 24, 2020

Somalia sets tough terms for end of Kenya miraa ban – The East African

Related Articles

Villa Soomaaliya Oo Tallaabo kale qaaday Galabta guulna ku heli karto

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wadada udhaxeysa lambar afar ilaa Tarabuunka ayaa galabta laga qaaday dhagaxda shubka ahaa. Muddo sanado ah ayey xirneyd wadadaas oo la sheegay in ay uxirneyd xarunta safaarada Qatar ee Muqdisho. Dhagaxdii ayaa galabta baabuur lagu daabulay  taas oo dad badan ay ku farxeen dib ufuristaasi. Maalmo ka hor ayaa daabacnay warbixin ah in dib loo furayo wadadaasi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaysa in taageero uga hesho dib ufurista waddooyinkii xirnaa Shacabka Soomaaliyeed. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Jordan Henderson Oo U Cabsaday Mustaqbalkiisa Liverpool Kadib Imaatinkii Fabinho Ee Liverpool, Muxuu Sameeyay?

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray Jurgen Klopp Si uu tababaraha wax uga waydiiyo doorkiisa kooxda kadib wal-wal ka...

R/W Rooble oo magaca ka beddelay xukuumaddiisa una bixiyey mid cusub

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacii badalay magacii xukuumaddiisa oo ahaa “Xukuumadda Kala-Guurka,” maadaama ay kusoo aaday xilli kala guur ah. Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay xukuumadda cusub ee ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna hadal jeedintiisii barnaamijka xukuumadiisa isticmaalay magac cusub oo uu u bixiyey xukuumadda oo ah “Xukuumadda Isla-Guur”. “Waxaan idiin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay iney ka turjumeyso marxaladda dalka marayo ee waqtiga isla-guurka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Lama oga ujeedada ka dambeysa isticmaalka eraygaas, walow ay dadka siyaasadda ka faallooda ku fasireen in ra’iisul wasaaraha ula jeedo inuu ku muujiyo midnimo oo ah in dalku isku meel u socdo. Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaa muddada yar ee u hartay iney ku qabtaan hawlaha horyaalla oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashada. Xukuumaddan ayaa wax go’aano ah ku lahayn doorashada dalka ka dhaceysa iyo habka loo fulinayo, maadaama ay taas heshiis ka gaareen madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaana laga doonayaa kaliya inay dhaqan-geliso heshiiskaas. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka Hor Geeridiisa

October 24, 2020 | Published by: yaska Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee in Dr. Cali Khaliif Galaydh uu Geeridiisa ka hor uu aad uga walaacsanaa inaan Madaxda Somaliland diyaar u ahayn inay ka dhabeeyaan oo ay fuliyaan heshiiskii uu Maamulkiisii Khaatumo la galeen Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Geerida Cali Khaliif ka qoray Qormo dheer wuxuu ku sheegay inuu ahaa Aqoon, Siyaasi iyo Waxgarad ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markii ugu horraysay ee ay ku kulmeen ahayd 1971-kii, markaas oo ay ku kulmeen Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Prof. Samatar wuxuu sheegay in Cali Khaliif oo ay aad isku dhex galeen sannadkii 2017-kii ay yeesheen shirar iyo kulamo badan. Wuxuu intaa ku daray in Labadooduba (Samatar iyo Galaydh) ay ugu yaraan laba Munaasibadood kula kulmeen Madaxweyne Biixi dabaqayaadii sannadkii 2017-kii, taas oo ay saddexdooduba iskula garteen in Dr. Cali Khaliif uu soo diyaariyo qodobbada ugu muhiimsanaa heshiiska ay Khaatumo la gashay Madaxweyne Siilaanyo. “Markii ugu dambaysay ee aan la hadlay Dr. Galaydh waxay ahayd 5 Maalmood ka hor Geeridiisii lama filaanka ahayd ee Jigjiga, markaas wuxuu si cad oo walaac uu qabay la socdo iigu sheegay in hoggaanka Somaliland aanay dareen soo jeeda u hayn oo wakhti lumis iyo Gaabis wadeen, taasi waxay dhashay inaan wax weyn la fulin illaa hadda sida uu sheegay..” ayuu Prof. Samatar ku yidhi Qormadiisa uu ku qoray Afka Ingiriisiga. Wuxuu sheegay Samatar inuu Cali Khaliif Galaydh u sheegay inay wax weyn ku soo arkeen socdaalkoodii ay ku mareen Gobollada kala duwan ee Somaliland oo ay dhallinyarada ugu jeediyeen khudbado kala duwan. Qoraalkan oo lagu baahiyey Shabakadda Somaliland chronicle wxuuu Prof. Samatar ku sheegay in Bulshada Khaatumo looga baahan yahay inay soo xulaan shakhsi bisil, maskax furan, aqoonyahan ah oo buuxiya kaalintii Dr. Galaydh oo hoggaamiya sidii loo fulin lahaa heshiiskii uu Galaydh la galay Somaliland. Wuxuu sheegay Samatar Maqnaanshaha Bulshada Sool ka maqan yihiin Somaliland ay hoos u dhigi doonto guul kasta oo ay Somaliland gaadhay  “Marka la eego hoggaanka hadda iyo ka mustaqbalka ee Somaliland wakhtigu waa ku sii gabaabsi, sidaasi darteed waxa muhiim ah inay firfircooni ku gedaamaan wada-hadallada oo dib loo kiciyo, oo fulinta heshiiskii loo dhaqaajiyo sida ugu wanaagsan. Waxa Daruuri ah in markan wax laga qabto waxyaabaha ay doonayaan Bulshada Sool oo la sharfo oo la karaameeyo muwaadin Qadarin ballaadhin leh (Cali Khaliif Galaydh). Runta dhayda ka caddaatay soddonkii sanadood ee u dambeeyay waxay tahay in guulaha la majeertay ee Somaliland gaadhay ay weligeed hoos u dhigi maqnaanshaha Bulshada Gobolka Sool oo intiisa badani ay weli maqan yihiin..”

Maxamed Cumar Carte Miyuu Ka Tanaasulay Mawqifkiisa??

October 24, 2020 | Published by: yaska Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Sabtida maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Siyaasigan ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa uu hore u ahaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Xogo wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Carte ka tanaasulay mawqifkiisa ku saabsan midnimada Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana raacayo qaddiyadda Gooni isu taagga Somaliland. Socdaalkiisan ayaa ku soo beegmaya iyada Cumar Carte Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ugu magaca weyn uu ku xanuunsanayo magaalada Hargeysa. Bulshada Somaliland ayaa si weyn baraha bulshada ugu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay imaanshaha Maxamed Cumar Carte oo aanay xukuumadda Somaliland wax war ah ka soo saarin.