Saturday, October 24, 2020

Somalia leaders agree to hold timely polls, format to be decided – Africanews English

Related Articles

Gabar Soomaaliyeed oo Uganda ka hirgelisay Warshad samaysa Sokorta iyo Madax kala duwan oo Furay.+Sawirro

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban Mahdi Maxamed Guuleedka *Khadar” iyo Marwada Koowaad ee Dalkeena Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galay daah furka Warshadda Sokorta oo ay dalkaasi ka hirgelisay Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada dalka Uganda. “Aniga iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galnay furitaanka Warshadda Sokorta soo saarta ee Atiak Sugar Factory oo ay dalkaas ka hirgalisay Aamino Xirsi Mooge oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ganacsato ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban ee Mahdi Maxamed Guuleed Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay ganacsatada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan. “Dowladda Soomaaliyeed way garab taagantahay, wayna ku faaneysaa guulaha dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga, siyaasadda iyo dhinacyada kale ee nolosha, gudaha dalka iyo dibaddiisaba”.ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleedka “Khadar”. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleCiidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

DEG:DEG: Xildhibaanada BF oo ansixiyey golaha wasiirada Soomaaliya

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay soo xaadireen 188 ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyada oo ay dhinac fahdiyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo xigeenkiisa labaad ee golaha shacabka. Ugu horrey ra’iisul wasaare Rooble aya khubad ka jeediyey kulanka, wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada golaha shacabka inay codka siiyaan xukuumadiia. Dhammmaan xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa codka kalsoonida siiyey xukuumadda, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Intaasi kadib ayaa waxaa xilalkooda loo dhaariyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Xukuumadda Rooble ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada so socota 2020/2021 oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Xukuumadda Rooble oo La Ansixiyey

Waxaa goordhow la ansixiyey xukuumadda ra’isul wasaare Maxamed Rooble kadib markii la horgeeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah. Codeyn ka dhacday goobta waxaa xukuumadda ogolaaday 188 xildhibaan, oo ahaa xildhibaannadii maanta yuimid oo dhan. Xukuumadda ayaa la filayaa iney ka shaqeyso doorashada, amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah. Goobjoog News

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka &Dalxiiska.

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo. Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland. October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma. June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science). September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas. Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha. September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London) Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga. December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015.Muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka. Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho. Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool). Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo. Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah. Raisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda u magacaabay Wasiir buuxa, Sidaas buuna kaga mid noqonayaa dowladda cusub iyo xubnaha ugu miisaanka culus Xukuumadda Rooble.

Wadamada Carabta oo saf ugu jira Isreal, Sudan oo iyana la heshiisay

Dowladaha Carabta ayaa iska ilaaway cadaawadii kala dhexaysay Isreal kadib markii Wadanka Isreal uu noqdey Awooda ugu xoog badan Bariga Dhexe.Dalalka Emaraatka, Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa horey heshiis ulagalay Tel aviv halka Sudan ay hada Wadahadal ula bilowdey. Wararku waxay sheegayaan in Maraykanka ukala dabqaadayo labadaan Dal iyadoo Sudan la siiyey balan qaad ay kamid tahay in laga qaado Cunaqabataynta ay Maraykanku saareen. Turkiga ayaa u horeeyey Wadamada Islaamka ee la heshiiyo Isreal , mudo dheer ayay Isreal ay Safaarad ku lahaayeen Dalka Turkiga. Puntlandi.com Khartoum