Thursday, October 29, 2020

Somalia international partners statement on fostering consensus and reconciliation – GOV.UK

Related Articles

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

Share on Facebook Tweet on Twitter Ciidamaa Nabad sugidda ee NISA ayaa howlgal ka dhacay xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile ku soo qabtay Dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab iyo hub kala duwan oo ay gacanta ku haayeen. Dhagar-qabayaashaan la soo qabtay ayaa Argagixisada Al-Shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee laga fuliyo Caasimadda. Madaxda Ha’yadda NISA ayaa goor kasta diyaar u ah inay ka hor-tagaan, dhibaato kasta oo loo soo maleego shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda. Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helidda xogaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed. SHARE Facebook Twitter Previous articleMareykanka oo Diiradda Saaraya Carqaladeynta Dhaqaalaha ee Al-Shabaab

Muuse Biixi oo u hanjabay beesha caalamka xilli si dadban loo hoos geeyey DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qeyb-galay kulan uu yeeshay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa si adag uga hadlay qaabka ay beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ahba ula tacaamulayaan Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn xukuumadiisu in beesha caalamka ay taageeradeeda ama mashaariicda kala duwan ee laga hirgelinayo deegaanada Somaliland ay usoo mariyaan dowladda federaalka, taasi oo ay Somaliland u aragto mid lagu hoos geeyey dowladda federaalka. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, isla markaana loo baahan yahay in beesha caalamku ay kala xaajooto arrimaheeda iyo mashaariicda ay ka fulinayso Somaliland. Madaxweynaha ayaa ku hanjabay inay joojinayaan xiriirka wada-shaqeyned ee kala dhaxeeya dalalka beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, haddii ay ku kacaan wax wiiqaya qaranimada Somaliland. “Anagu kamid ma nihin dowladda Soomaaliya, wixii aad dalkeena tareysaan anaga ayaa nagala tashaneysaan, Ninkii taas aan dooneyn hadduu Hay’ad yahay iyo Dowlad-ba wixiisa ha iska haysto,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan in laga wada-shaqeeyo qaranimada Somaliland, isla markaana meel looga soo wada-jeesto waxkasta oo waxyeelaya qaranimada Somaliland. Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan ay Somaliland joojisay xiriirkii wada-shaqeyneyd ee hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib markii ay dowladda federaalka la saxiixatay mashruuc laga fulinayo deegaano ka tirsan Somaliland. Let’s block ads! (Why?)

Madaxweyne Farmaajo oo Dulmi iyo Cadaalad daro ku sameeyay Beesha R/W hore ee Somalia !!

Seadax sano iyo bar oo wada shaqeyn ah kadib, dhammaadkii bishii July ee sannadkaan ayaa laga fursan waayay in lagu laabto dhaqankii soo jireenka ahaa ee salka ku hayay in madaxweynayaashu ay lacag ku bixiyaan rididda xukuumadda, waxaana xilligaa wixii ka dambeeyay sare u kacay loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Farmaajo iyo Khayre. Loollankaas oo dugsanaya cidda qabaneysa hoggaanka dalka kadib muda xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dalka oo ku eg February 08, 2021, ayaa horseeday duullaan siyaasadeed saqiirra gowrac ah oo madaxweynaha dalku uu ku qaado Xasan Cali Khayre, cid kasta oo si uun ugu dhaweyd iyo guud ahaan beesha Murusade oo abtiyaal u ah caruurta Farmaajo. Maalma uun kadib markii uu xafiiska baneeyay Xasan Khayre, waxaa si aan gabasho laheyn xoog loogu qaatay gaarigii Yaxye Cali Hareeri oo qaraabo dhaw la ah Ra’iisul Wasaarihii hore. Gaariga oo la wareegiddiisa ay mas’uul ka ahaayeen saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo qaraabo la ah Farmaajo, ayaa markii la dhacayay waxuu marayay iridda hoygii uu deganaa Khayre, taasoo aheyd billaawga ogaanshaha xishood la’aanta Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxuu reyteen sharci darro ah iyo xil ka qaadis isugu daray taliyihii Guutada 16-aad ee Danab sabab la xariirta inuu Xasan Xasan Khayre heyb la wadaago. Waxgaradka iyo ganacsatada Murusade ayaa dhowr jeer ugu tegay xal ka gaaridda xariga Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik hase yeeshee marna dheg jalaq uma siin. Waxaa arrin kale oo dadka dheka faar ku ridday noqotay markii ay soo baxday in Farmaajo uu wasiir ku-xigeen beesha Murusade ay ku laheyd xukuumaddii ugu dambeysay uu ka qaatay, una wareejiyay jufada hoose. Xukuumaddii Xasan Khayre uu hoggaamiyay waxaa beelaha Mariixaan iyo Murusade ku metalayay min hal wasiir ku-xigeen maadaama ay heysteen labada jago ee madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Saami qeybsigaas waxaa lagu bedelay amar kasoo baxay Farmaajo, waxaana wasiir ku-xigeenkii Murusade loo wareejiyay Mariixaan. Mariixaan hadda waxay golaha ku leeyihiin Wasiir ku-xigeenka dekadaha iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, halka murusade ay ku leeyihiin wasiirka Boostada oo kali ah. Beesha Murusade oo kulamo ka yeelatay sida laga yeelayo xad-gudubyada iyo beegsiga gaarka ah ee madaxweynuhu ku hayo ayaa isku raacday in laga gaabsado oo la adkeysto boqolka maalin ee xukunkiisa ka dhiman maadaama marka laga tago madaxtinimada uu xidid la yahay, suuragalna aysan aheyn in ay ka cad goostaan. Dadka sida aadka ah u yaqaan Farmaajo ayaa ku doodaya inuu yahay nin aan xeerin xididnimo, sidoo kalana cidda ay is qabtaan jecel inuu la galo dagaal saqiirra gowrac ah oo aan waxba la isula harin, hase yeeshee waxaa dad badani is-weydiinayaan inuu xila gube yahay oo reer xididkii iyo dadka kale ay isugu mid yihiin iyo inuu kala garan la’yahay in Xasan Khayre uu beesha Murusade qof ka yahay ee Murusaduhu aysan Khayre aheyn oo ay yihiin beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo xuquuq iyo metelaad ku leh dalka ayna lagama maarmaan tahay in aan lagu xad gubdin xuquuqdooda. Inkasta oo Farmaajo uu dhaqamo cusub oo lala fajacay uu kusoo kordhiyay dalka, hadana waxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare ay isku dheceen daraadii, xuquu beeli laheyd ugu wareejiyay beeshiisa. - Advertisement - Xafiiska Shabakada [email protected] - Advertisement -

Stay Connected

20,938FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal Al-Shabaab ah iyo hub kala duwan

Ciidamaa Sirdoonka ee NISA ayaa howlgal ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile ku soo qabtay Dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab iyo hub kala duwan oo ay gacanta ku haayeen. Dhagar-qabeyaashaan la soo qabtay ayaa Argagixisada Al-shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee laga fuliyo Caasimadda.Maamulka Ha’yaddaha Amniga ayaa goor kasta diyaar u ah inay ka hor-tagaan, dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda. Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helidda xogaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed.--

Hambalyada Reeraysan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Canfarta, Soomaalida, Oromada, Saaxo, Beejo iyo Axmaaradu waxa ay ka soo wada jeedaan sinjiga ximaatika, waxa aanay dhaqan u leeyihiin iskaashi qabyaalad cuskan. Waxa weli dhuuxaha iyo lafaha inagaga jira dhaqankii beelnimo ee aynu hidaha u lahayn, ka hor intii aynaan magaalooyinka u soo guurin. Markaad weynayso ku eegto goobaha baraha bulshada ee ay dadku isku weydaarsadaan afkaarta, uma baahnid inaad ogaatid haybta qofka kula jira goobta kulanka. Waxa keliya ee aad ku ogaanaysaa waa inaad u dhug yeelato cidda uu hambalyeynayo, cidda uu tacsiyadeynayo, deegaanka uu xayeysiinayo iyo cidda uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay. Tusaale ahaan qof ayaa xil looga magacaabayaa Soomaalilaan ama Soomaaliya, markaba masuulkaasi haybtiisa waxaad ku ogaanaysaa cidda ugu badan ee hambalyada reeraysan la boobaysa. Waxa 15 sanno ee ugu dambeeyey aad inoogu soo badanaysay hambalyada reeraysan ee dad badan oo reer Soomaalilaan ahi ay u diraan shakhsiyaadka reer Soomaalilaan ee u shaqo tegay Soomaaliya ee xilka u doontay (waa Hindi Dubay u shaqo tagtay oo kale). Afrika waxa jira reero kala dega dhawr dal oo xuduuduhu kala qaybiyeen oo reer kastaa dalka uu degan yahay ayuu muwaadin ku yahay, arkinamaysid sideenna iyaga oo hambalyeynaya kuwa ay isku reerka yihiin ee dalalka kale degan ee xil loo magacaabo. Bal reerahan eeg: = Beesha Xawsa—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Naygeeriya iyo Nayjar = Beesha Yoruba—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Nayjar iyo Biniin =Beesha Fulani—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Suudaan, Sinigaal iyo Kamaruun = Beesha Berbers—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Marooko, Tuniisiya iyo Aljeeriya =Beesha Bobo——–Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Burkiinofaso iyo Maali = Beesha Maasay—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka kiiniya iyo Tansaaniya Dhammaan beelahani mid kastaa halkeeda ay muwaadiniin ku yihiin, oo cid meel kale u hanqal taagaysa arkimeysid, sideenna oo kale. Shaki kuma jiro inay is-qaban la’dahay dawladnimadii ay tolnimada miyigu lahayd iyo dawladnimadii uu gumeysigu inoo keenay. ‘Dhaqanka Soomaalida Beel kastaa waa maamul madax bannaan, suldaanku waa madaxweyne, nabaddoonnadu waa wasiiro, culimadu waa garsoorayaal, gaashaan qaadku waa ciidan milatari, haweenku waa hayada wax soo saarka’. Qoraaga Brockman , buugiisa la yidhaa British Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu ku arkay NFD mar uu booqday xoolo-dhaqato Soomaali ah oo nin kastaa awrkiisa wato, oo aanu wax xidhiidhi ahi ka dhaxayn, ka dib wuxuu buugiisaa ku qoray” Somalis are independent in nature and each man is his own Sultan. Waa soomaali kala madax bannaan oo nin kastaa gaarkiisa suldaan u yahay. Dhammaadkii qarnigii 19-naad markii ay gumeystayaashii reer Yurub soo galeen dhulka soomaalida, dadyowga Soomaalidu waxa ay u qaybsanaayeen beelo kala madax bannaan oo midna aanay ta kale fargelin. Sidaasi darteed ayaa maamulkii tolnimo ee Soomaalidii hore lagu soo koobi jiray. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah.  Hargaysa, Soomaalilaan [email protected] Let’s block ads! (Why?)