Thursday, October 22, 2020

Somalia heads for indirect elections for the sixth time – Middle East Monitor

Related Articles

Hirdankii ugu Adkaa oo ka Dhex Socda Brack Obama iyo Donald Trump

October 22, 2020 | Published by: yaska Madacwaynaha Mareykanka Mr Donald Trump, iyo ninkii  uu xilka kala wareegay, Ee Barack Obama, ayaa Isku Weeraray Dhaliilo iyo cambaarayn kulul intii ay socdeen isu soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen. Isagoo si kulul ugala hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama waxa uu Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigalinayo cunsuriyiinta. Madaxweynaha Jamhuuriga oo ku sugan North Carolina, ayaa isna ku jeesjeesay Mr Obama inuu khalad ka aaminay wixii ka soo baxay doorashadii 2016-kii. Iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashadan, ayaa Mr Biden waxa uu aad ugu horreeyaa aaraa’da guud ahaan dalkaas laga uruuriyay. Hasayeeshee qiyaasta gobiollada qaar ayay musharrixiintan aad isaga ag dhaw yihiin kuwaas oo hadba dhinac u ridi kara natiijada doorashada 3-da Nofeembar. Tiradii ugu badneyd ayaa sanadkan codkooda xilli hore dhiibatay, oo 42 milyan oo qof ayaa codkooda ku dhiibtay boostada iyo si caadi ahba. Muxuu Trump sheegay? Mr Trump ayaa inta badan hubkiisa waxa uu Arbacadii ku aadiyay ninka Aqalka Cad kula tartamaya ee matalaya Xisbiga Dimuqraadiga. Waxa uu sheegay in codbixiyayaasha ay tahay inay kala doortaan “soo kabshada la yaabka leh ee uu wado Trump” ama “qulubka ama welwelka ballaaran ee Biden”. Mr Biden ayaa todobaadkan oo dhan ka maqnaa saaxadda ololaha oo waxa uu isu diyaarinayay doodda madaxtinimada ee habeenka Khamiista ka dhici doonta Nashville, Tennessee, halka Mr Trump uu ku wareegayay gobollada aadka la isugu hayo. Madaxweynaha ayaa weerrar kulul waxa uu ku qaaday Mr Obama, kaas oo saacad ka hor markii ugu horraysay tan iyo shirweynihii bishii Agoosto ay Dimuqraadiyiinta qabsadeen wax ka sheegay ololaha Trump. “Cid si adag ugu ololaysay Hillary Clinton oo aan Obama ahayn ma aanay jirin, sax?” Mr Trump ayaa dadkii isu soo baxa ka qeybgalay u sheegay, kuwaas oo buuqayay markii ay maqleen magaca Hillary. “Aad buu isugu dhexyaacsanaa,” ayuu sii raaciyay Trump. Madaxweynaha ayaa ku daray: “Waxay ila tahay in qofka kaliya ee Hillary habeenkaas ka muruagada badnaa uu ahaa Barack Xuseen Obama”. Mr Trump, oo ah Jamhuuri, ayaa sidoo kale ayaa waxa uu ku jeesjeesay xamaasad la’aanta uu sheegay in Obama uu u hayo ololaha Mr Biden ee Aqalka Cad, kaas oo ku xigeenkiisa ahaa 2009-kii illaa 2017. 2016-kii, Mr Obama ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saaray Mr Biden inuu tartanka ka haro si Hillary Clinton ay u tartanto, isagoo rumaysnaa inay haysatay fursad wanaagsan oo ay kaga guulaysan kartay Mr Trump. Sanadkii tegay Mr Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay “dhiig cusub” oo horkaca Dimuqraadiga, taas oo si wayn loogu fasiray inuu ula jeeday Mr Biden. Muxuu yidhi Obama? Kaddib weerraro adag uu ku qaaday Mr Trump weliba sida uu ula tacaalay fayraska korona iyo dhaqaalaha, ayuu markan Obama isu soo baxa ka dhacay Philadelphia waxa uu Trump ku dhaleeceeyay farriimaha uu soo dhigo bartiisa Twitterka. Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.” Mr Obama – oo weli ka mid ah xubnaha ugu caansan Xisbiga Dimuqraadiga – ayaa sheegay in codbixiyayaasha aanay u dulqaadanayn hab dhaqan noocaas ah hadduu la yimaado qof qoyska ka tirsan, “malahayga adeer wareersan oo meel uun jooga mooyee”. “Maxay dadku arrintaas ugu cudur daaraan?” ayuu yidh. Waxa uu intaas ku daray: “Habdhaqanka waa muhiim. Dabeecaddu waa muhiim.” Mr Obama ayaa madaxweynaha waxa uu ku weerraray habka uu ula tacaaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19: “Donald Trump annagoo dhan cudurka nagama ilaalin karo. Xitaa ma qaadi karo tallaabooyinka asaasiga ah ee uu nafsadiisa ku ilaashan karo.” Ku dhawaad 280 gaari oo taallay meesha la dhigo gawaarida ayaa hoonkooda la yeerinayay, arrintaas oo ay ugu riyaaqayeen habka Mr Obama uu u weerrarayay Trump. Mr Obama ayaa ololaha xiga ee doorashada waxa uu ka gali doonaa gobolka muhiimka u ah doorashada ee Florida, isagoo Sabtida tegi doona Miami halka todobaadka xigana uu ku wajahan yahay Orlando.

Madaxweyne Mustafa Cagjar Oo Xaniinyo Qabanayaa ONLF & Amarkuu soo saaray

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa qoraal saameyn siyaasadeed abuuray maanta soo bandhigay kaas uu ku dhego hadlay ONLF. “Xabbada oo aad joojiso kaliya maaha micnaha halgan siyaasadeed oo nabad ah. Isku dhufashada qabiilada, iska horkeenka shacabka iyo maamulada, u hoggansanaan la’aanta shuruucda iyo nidaamka dawliga ah ee jira waxay baalmarsan tahay micnaha halganka siyaasada. Cid walba oo sifo sharci ah ku halgamaysa way u banaan tahay saaxada siyaasadu. Cid se ka sarraysa sharciga ma jirayso. Cabudhin iyo xadgudub xal maaha; sidoo kale fawdo iyo shacabka oo been loo sheego siyaasad maaha. Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa sidoo kale galabta qoraal soo dhigay bartiisa Facebook uu Amar ku gudbinayo. “Xukuumadu iyadoo tixgalinaysa afkaarta siyaasiga ah ee ururda iyo axsaabta kajirta deeganka, haddana waxay xukuumadu faraysaa in laga maarmaan tahay, in Aan bulshada deeganka ladhax keenin qadiyad Ka hoosaysa Somalinimo. Bulshada Somaliyed waxay u ooman tahay Horumar aqooneed, mid dhaqaale Lama joogo 1991 xilligaas oo qabiil kasta calan samaysa- nayay, Waa inaan si wada jir ah uga soo horjeedsana afkaarta qabaliga ah ee guracan! Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxweynaha kaligiis corona ula dagaallamay si ka duwan dunida inteeda kale

21 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Getty ImagesSida shakhsiga ah ee uu madaxweyne John Magufuli ula tacaalay cudurka Covid-19 waxay dalkiisa Tanzania kusoo jeedisay indhaha caalamka. Hadda ninkan oo ka mid noqday hoggaamiyeyaasha maskaxdooda kaliya ku shaqeeya ee gobolka wuxuu doonayaa in mar labaad xilka loo soo doorto. Markii uu fayraska corona gaadhay Tanzania, madaxweyne Magufuli ma uusan aaminsaneyn fikirka ah in dadku ay guryahooda joogaan. Wuxuu doonayay in dadka ay tagaan Masaajidyada iyo Kaniisadaha ayna ku duceystaan sidii ay cudurka uga badbaadi lahaayeen."Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma dhex noolaan karo qof masiixi ah jirkiisa... si deg deg ah ayuu u gubanayaa," ayuu yidhi Magufuli oo hadlayay 22-kii bishii March, xilli uu ku cibaadeysanayay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma.Markii dambena wuxuu ka hadlay sida uu uga soo horjeedo kala fogaanshaha dadka iyo xirashada maaskarada, wuxuuna su'aal kaliya faa'iidada ku jirta in xitaa fayraska la iska baaro. Wuxuu baaritaan u diray xayawaanno iyo miro fayraska lagu abuuray. Wuxuu sheegay in Babaay iyo neef ri' ah labadaba laga helay fayraska.Madaxweynaha Tanzania wuxuu sheegay in uusan marnaba amar ku bixin doonin xiritaanka ganacsiyada, wuxuuna dhaliilay dalalka dariska la ah ee sidaas sameeyay.Xigashada Sawirka, Getty ImagesInkastoo dad badan ay saluugsanaayeen habka uu Magufuli u wajahay cudurka, haddana tallaabooyinka uu qaaday waxay astaan u ahaayeen qaabka uu u wax u maamulo.Markii lagu dhawaaqay in John Magufuli uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha maalintii ku aaddaneyd sanad guurada 56-aad ee dhaslashadiisa, ee bishii October 2015-kii, wuxuu u muuqday inuu yahay qofka ay reer Tanzania u baahnaayeen, maadaama uu ahaa madaxweyne neceb musuqmaasuqa.Tallaabooyinkii uu u qaaday dhinaca la dagaallanka wax isdaba marinta waxay tusaale u ahaayeen madaxda kale ee dalalka Afrika oo intooda badan la liicliicaya maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan.Maalintii ugu horreysay ee uu xafiiska tagay, wuxuu diray farriin kulul oo uu ku sheegay in uusan u dulqaadan doonin shaqaalaha dowladda ee aan shaqada xaadirin. Wuxuu sidaas sameeyay kaddib markii uu tagay wasaaradda maaliyadda oo qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay maqnaayeen.Wuxuu sidoo kale cagta mariyay kumannaan qof oo ah kuwa loo yaqaanno "dadka mushaarka bilaashka ah ka qaata dowladda ee aan shaqaalaha ahayn", wuxuuna shaqada ka wada eryay saraakiil lagu eedeynayay inay musuqmaasuq ku dhaqmaan ama aysan howl wanaagsan u qabanin shacabka.Mararka qaarkood xitaa wuxuu tallaabooyinkaas qaadayay isagoo toos looga daawanayo telefishinka.Wuxuu yareeyay kharashaadkii laga maarmi karay ee ay dowladdu isticmaaleysay, isagoo markii ugu horreysay muddo 54 sano ah baajiyay dabaaldagyada Maalinta Xorriyadda. Taas baddalkeeda wuxuu amar ku bixiyay in in dadweynaha ay sameeyaan olole nadaafad ah, gacmihiisa ayuuna ku qaadayay qashinka yaallay meelo ka mid ah xarunta madaxtooyada bannaankeeda.Sanadkii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha ahaa Magufuli wuxuu hantay taageero badan oo dhinaca shacabka ah, dad badan ayaana ugu mahadcelinayay baraha bulshada ee uu ugu horreeyo Twitter-ka.Laakiin dhinaca kale, waxaa jiray cillad uu maamulkiisa lahaa, oo ah in uu sii baaba'ayay fikirkii dhinaca dimuqraaddiyadda ee uu waddankiisa qabay.Heestii raabka ahayd ee rumowdayBishii January ee sanadkii 2016-kii, xilli uu labo bilood uun xilka hayay madaxweynaha, muumulkiisu wuxuu ku dhawaaqay in la joojinayo barnaamijyadii Telefishinka ee toos looga daawan jiray kulamada Golaha Baarlamaanka, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada lagu yareynayay kharashka ku baxa dowladda.Xigashada Sawirka, Getty ImagesGarabyada mucaaradka ayaa tallabadaas u arkay isku day lagu raadinayay in lagu wiiqo la xisaabtanka dowladda. Waxay qorsheeyeen mudaharaadyo looga soo horjeedo arrintaas, laakiin dowladdu waxay ku jawaabtay in la mamnuucay dhammaan isu soo baxyada dadweynaha.Tusaale kale oo lagu arkay qallafsanaanta dhinaca dimuqraaddiyadda ee Mugufuli waxaa lagu arkay jawaabta ay dowladdu ka bixisay hees raab ahayd oo uu sanadkii 2017-kii qaaday fannaan lagu magacaabo Nay wa Mitego. Wax ka yar hal maalin markii ay hoostaas soo baxday kaddib Mitego wuxuu ku xirnaa saldhigga booliska."Wali waddankan ma ka jirtaa xorriyadda hadalka?" ayaa ka mid ahaa erayada heesta uu ku qaadayay fannaaka."Ka warran haddii aan hadlo oo hadhowna aan is arko anigoo ku xiran saldhigga booliska?""Ma jiraan hoggaamiyeyaal sameeya go'aanno nacasnimo ah? Way jiraa!""Ma jiraan dad u xiisay [madaxweynihii hore] Jakaya Kikwete? Way jiraan!"Waxaa fannaanka lagu eedeeyay inuu aflagaaddeeyay madaxweynaha uuna meel uga dhacay nidaamka dowladda. Cabsidii uu ku muujiyay heesta ayaa rumowday - oo waxaa lagu xiray Saldhigga Dhexe ee booliska magaalada Dar es Salaam, isla sidii uu ku sheegay erayada heesta.Inkastoo madaxweyne Magufuli uu maalin kaddib amar ku bixiyay in lasii daayo Nay wa Mitego, wuxuu ku taliyay in heesta dib loo soo habeeyo, laguna soo daro dhibaatooyin kale oo dalka ka jira, sida khiyaanada lagu sameeyo canshuur bixinta.Walow waxyaabo badan lagu dhaliilay, haddana dadka naqdiya dowladda Magufuli waxay garwaaqsan yihiin inuu horumarro badan oo dhanka dhaqaalaha ah u horseeday Tanzania. Waxaa ka mid ah maalgalinta mashaariic badan oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah, sida dhismaha waddo tareen oo casri ah iskuna xirna waddanka Tanzania iyo gobollada dariska la ah, ballaarinta waddooyinka waaweyn iyo horumarinta lagu sameeyay hab dhismeedka suuqyada muhiimka ah ee magaalada Dar es Salaam. Wuxuu sidoo kale kordhiyay xaddiga korontada ee laga heli jiray dalka. Wuxuu dib usoo nooleeyay diyaaraddii qaranka ee Air Tanzania, taasoo shaqada u joojisay deymo badan oo lagu yeeshay awgood.Ninkan hoggaamiya waddanka ku yaalla Bariga Afrika wuxuu sidoo kale adeeg waxbarasho oo bilaash ah u abuuray ardayda dhigata iskuullada dowladda, kuwaasoo aan wax kharash ah laga qaadeynin ilaa sanadka afaraad ee dugsiga sare.Xigashada Sawirka, Getty ImagesLaakiin sida uu ula tacaalay fayraska corona ayaa bilihii lasoo dhaafay maamulkiisa kusoo jeediyay indhaha beesha caalamka.Markii kiiskii ugu horreeyay dalkiisa laga xaqiijiyay 16-kii bishii March, tallaabada dagdagga ah ee la qaaday oo kaliya waxay ahayd in la xiray Iskuullada iyo xarumaha kale ee waxbarashada.Muddo bil ah ayey waddanka ku qaadatay in uu hirgaliyo shuruuc looga hortagayo faafitaanka cudurka - sida in la hakiyo ciyaaraha iyo in la xiro xuduudaha.Suuqyada, iyo goobaha cibaadada sidoodii ayey uga furnaayeen Tanzania.Agaasimaha Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Afrika, Matshidiso Moeti, ayaa Tanzania ku eedeeyay inay si gaabis ah uga jawaabtay la dagaallanka fayraska."Waxaan horay ula tacaaleynay cudurro waaweyn, oo ay ka mid yihiin Aids iyo jadeeco. Dhaqaalaheenna waa inuu wax walba ka horreeyo... Ma aha inuu damo... Noloshu waa inay sii socoto," ayuu yidhi Magufuli.Horaantii Bishii June, Magufuli wuxuu ku dhawaaqay in waddankiisa "uu ka xoroobay coronavirus", Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasna waxay albaabbada isugu dhufatay xarumihii lagu daweynayay dadka uu cudurka ku dhaco iyo goobihii karantiilka ee ku yaallay guud ahaan dalka.Maadaama Tanzania ay xogta ku saabsan saameynta cudurka joojisay bishii May, way adag tahay in la ogaado sida loogu guuleystay dagaalkii lala galay fayraska. 509 qof oo kiis ayaa ka jirtay waddankaas markii la shaaciyay warbixintii ugu dambeeyay 29-kii bishii April.Magufuli wuxuu soo koray xilligii uu Tanzania madaxweynaha ka ahaa mucalimu Julius Nyerere, oo ahaa ninkii aasaasay qarnimada dalkaas.Wuxuu sheegay in uu dhiirrigalin badan ka helay qaabkii uu ahaa maamulkii Nyerere, oo sidan oo kale si xor ah u maamuli jiray dalkiisa, wax kasta oo uu maskaxdiisa ka go'aansadana ku dhaqaaqi jiray isagoo aan eegin fikradaha kale ee ay dunida qabto.Xigashada Sawirka, Getty ImagesXilli uu hadda soo dhawaanayo waqtiga doorashada, Magufuli wuxuu heystaa faa'iidada ah inuu xafiiska madaxweynaha sii joogay. Waxaana garab taagan xisbiga aan waligiis ku guul darreysanin doorashooyinka madaxweynaha tan iyo waqtigii xoriyadda la qaatay.Musharraxa xisbiga mucaaradka, Tundu Lissu, wuxuu ballan qaadayaa inuu kobcin doono dhaqaalaha iyo inuu xushmeyn doono xuquuqda aadanaha.Siyaasiga kale ee ka midka ah musharraxiinta ugu cad cad waa Bernard Membe, oo horay u soo noqday wasiir, haddana matalaya xisbiga ACT-Wazalendo.Haddii uu Magufuli mar labaad ku guuleysto xilka, wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta nolosha dadweynaha.Hase yeeshee, in hab maamulkiisa uu isbaddalo mooyaane, qaar ka mid ah dadka mucaaradka ku ah, wariyeyaasha madaxa bannaan iyo dadka dhaliila nidaamkiisa waxay u baqayaan mustaqbalkooda.