Monday, November 23, 2020

Somalia gears up for its most ambitious General Election in decades – Middle East Monitor

Related Articles

Stay Connected

21,071FansLike
2,445FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Diogo Jota oo fariin u diray ciyaartoyda Liverpool kaddib guushii ay ka gaareen Leicester City

(Liverpool) 23 Nof 2020.  Xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa fariin u diray saaxiibadiis Reds, kaddib guushii ay xalay kaga gaareen naadiga Leicester City horyaalka Premier League ee dalka England. Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Leicester City, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada Toddobaadkan ee horyaalka Premier League. Sida laga soo xigtay shabakada caalamiga ah ee “BBC” Xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa ciyaarta kaddib sheegay: “U ciyaarista kooxdan heysata horyaalnimada adduunka micno weyn ayey leedahay, waxaan kaliya rajaynayaa inaan sii wadno guulaysiga kulamada, sidoo kalena muhiim ayaan ka noqon karaa.” “Waxaan qabanay shaqo weyn oo weerar ah, waxaan abuurnay fursado, iyo sidoo kale difaacasho. Ugu dambeyntiina, waxay ahayd ciyaar weyn.” “Koox walba waxay dareemeysaa isla dareenkan oo kale, qof walba wuxuu noqon karaa mid muhiim ah, waxaana u baahanahay qof walba inuu u diyaar garoobo jir ahaan iyo maskax ahaanba si uu noo caawiyo”. Waxaa xusid mudan in Liverpool ay kujirto kaalinta labaad ee miiska kala sareynta horyaalka Premier League iyadoo leh 20 dhibcood, waxayna ka hooseeysaa hogaamiyaasha Tottenham Hotspur oo ay isku dhibco yihiin, balse farqi goolal ah hoggaanka ku heysa. Gool FM.

RIKOODH: Zlatan Ibrahimovic Oo Isku Qoray Taariikhda Horyaalka Serie A-da.

Weeraryahanka Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa isku qoray taariikhda Serie A isagoo noqday ciyaaryahankii afaraad ee shabaqa soo taabto lixdii kulan ee ugu horeysay horyaalka xilli ciyaareedka. Halyeeyga reer Sweden ayaa wali sii in uu Aamusiyo dadka dhaleeceeya iyada oo qaab ciyaareed fiican kula jira hogaamiyayaasha horyaalka Serie A-da. Xiddiga oo 29 jir ah ayaa la sheegay in uuna qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi karin waliba noqon karin gool dhaliyaasha bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu sameeyay sidaas. Axadii Zlatan ayaa sii watay gool dhalintiisa isaga oo dhaliyay 2 gool kulankii ay garaaceen kooxda Napoli kulan ka tirsanaa Serie A-da. Ibrahimovic ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee horyaalka Serie A-da ka dhaliya ugu yaraan 10 gool 8-da kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedkan. Rikoodhkan waxa kaga horeeyay 3 xiddig oo hore kuwaas oo gool dhaliyay 6-da kulan ee ugu horeeya horyaalka Serie A-da. Xiddiga Gabriel Batistuta ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee rikoodhkaas dhigay isaga oo u sameeyay kooxda Fiorentina xilli ciyaareedkii 1994-95, kahor inta uusan Christian Vieri sidaas samayn isaga oo inter Milan jooga 2002-03 halka xiddiga Krzysztof Piatek sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2018/19 isaga oo jooga Genoa. Let’s block ads! (Why?)