Tuesday, November 24, 2020

Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dangoroyo

Marxuum Cabdulqaadir Xoreeye

Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 114km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe, ayaa sheegaya in halkaasi uu gelinkii dambe ee xalay ka dhacay shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Gaari nooca Raaxada ah, oo ay saarnaayeen shan ruux, ayaa gelinkii dambe ee xalay ku rogmaday nawaaxiga Dangoroyo, waxaana ku dhintay laba nin, halka uu ku dhaawacmay hal ruux, laba Kalen ka badbaaday.

Labada marxuum ee shilka ku geeriyooday, waxa ku jiray askari ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo magaciisu ahaa Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon, halka marxuumka kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shiine Birjeeb uu ahaa qof rayid ah.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland, oo haatan ku sugan goobta shilkaasi ka dhacay, ayaa halkaas ka wada baaritaan la xiriira waxa sababay Shilka.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

Related Articles

Farmaajo oo soo dhaweeyey dagaalka Abiy Ahmed kula jiro Tigrayga

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Lataliyaha Amniga ee Raysalwasaaraha Itoobiya oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.Gedu Andargacho ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya warbixin kasiiyey hawlgalka ciidamada Federaalka kula dagaalamayaan Ismaamulka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya. Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaludin Mustafa oo kulankan ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweeyey hawlgalka lagu sugayo midnimada iyo amniga dalka Itoobiya. Booqashada Sarkaalka ka yimid Itoobiya ayaa lagu soo beegmay maalmo kadib markii xilka laga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka horyimid qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu taageeray dagaalka ka socda gobalka Tigrayga. Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xiligan ku jira asbuucii 3aad ee dagaalka uu kula jiro maamulka Tigrayga ayaa ka dhego-adeegaya baaqa uga imaanaya Beesha Caalamka oo kula taliyey inuu joojiyo dagaalka socda. Maxamed CismaanHorseed Media

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid taliyhihii hore ee ciidamada Cirka Soomaaliya

Ra’iisulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble ayaa tacsi udiray dhammaan dadka Soomaaliyeed geeridii ki timid taliyhihii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gen.Khaliif Ciise Mudan. Marxuumku waxa uu ahaa muwaadin qiime badan oo qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah oo hagar la’aan ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ka waraabiyo annagana uu samir iyo iimaan naga siiyo.

Stay Connected

21,078FansLike
2,451FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Jeneraal Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Allaha u naxariistee Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay arrimo caafimaad u joogay dalka Turkiga. Jeneraalka oo kamid ahaa aasaasayaashii iyo Ganacsatada Puntland ayaa kamid ahaa murashaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland. Marxuumka ayaa muddooyinkii danbe ahaa Lataliyaha Amniga ee Madaxweynaha Puntland.Gen.Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga Puntland, ayaa kamid ahaa Saraakiishii sare ee ciidamada Cirka ee Qarankii Soomaaliya. Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii, halkaasi oo uu kusoo qaatay waxbarashadiisii hoose & dhexe. Dugsiga sare ayuu ka dhigtay Jamaal Cabdinaasir ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1974-kii wuxuu dhammeystey Jaamacad ku taala dalka Ruushka, wuxuuna noqday Duuliye sare (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya, isagoo ugu danbeyntii noqday Taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii Soomaaliya. Sanadkii 1986-kii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala Mareykanka shahaadada Master-ka, siiba cilmiga Master of Business MBA Leadership, Human Resource & Management. Horseed Media

XASAASI: Man City Oo Diyaarinaysa Heshiis 10 Sano Ah Oo Ay Ku Doonayso Man City & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday.

Milkiilayaasha Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay heshiis 10 sano ah ka saxiixaan weeraryahanka Barcelona Lionel Messi. Xilli uu heshiiskiisa Barcelona dhici doona xagaaga 33 jirkan ayaa wadahadalo hordhac ah la gali kara kooxaha xiisaynaya saxiixiisa suuqa January. Kadib markii ay ku fashilmeen saxiixiisa xagaagii la soo dhaafay Man City ayaa ah kooxda ugu cad-cad ee saxiixa Lionel Messi. Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man Cty diyaarinayso heshiis 10 sano ah oo uu Lionel Messi ugu ciyaari doono kooxaha kala duwan ee milkiilayaasha Man City sida New York City Fc Iyo man City. Wararka ayaa intaas ku daraya in ay kooxdu Messi u soo bandhigi doonto in uu noqdo safiirka shirkada City Football Group ee dalalka China, India, Japan Ama Australia.