Thursday, October 22, 2020

Saxiixii 7-aad Ee Chelsea Oo La Xaqiijiyay.

Tababaraha Kooxda Rennes ee Julien Stephan ayaa qirtay Goolhaye Edouard Mendy inuu kusii jeedo Chelsea.

Stephan ayaa sheegay in Rennes ay hada u dhaqaaqeyso raadinta badalka goolhayaha baxaya.

“Waxaan raadineynaa goolhaye,” ayuu yiri shalay.

“Wax qarsoodi ah maahan in Edou Edouard Mendy uu naga tagayo oo uu aadayo Chelsea. Marka booskaan waxaan u baahanahay inaan si dhaqso leh qof kale u keeno”.

Mendy ayaa ugu dhaqaaqi doona kooxda Chelsea lacag dhan 30 ilaa 25 milyan oo euro.

Goolhayaha 28 jirka ah ayaa noqon doona saxiixii 7-aad ee ay samayso kooxda chelsea xagaagan xilli uu Lampard u doonayo Badalka Kepa.

Related Articles

Sheekh Shariif Oo Ka degay Nairobi & Mar keliya Uu doonayo siriq siyaasadeed

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shariif oo labadii bil ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Shariifka halkaas waxa ku noon qoyskiisa degan isagoo saaxada siyaasadda laga waayay, tan iyo markii Muqdisho ka bilowdeen shirarkii siyaasadeed ee lagu gaarayay go’aamada doorashada ee u dhaxeeyay DFS iyo DG. Waxaana dad badan is weydiinayeen sababta Shariifka xilligaas oo ahaa waqtigii xasaasiga ahaa uga maqnaa saaxada siyaasadda. Hase ahaatee dadka ku dhow dhow waxay ku tilmaameen maqnaashihiisa xeelad siyaasadeed oo uu doonayo inuu si dardar ah ku soo galo Ololaha doorashada, waxaana la filayaa inuu dhowaan safarro ku tago Gobolada dalka, si uu culeys ugu yeelo ololihiisa doorashada Madaxweynaha 2021. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Xog: Beesha Xawaadle oo dooneysa in loo soo celiyo heshiis ay 4 sano kahor ka diideen Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle oo diidan qaabka loo marayo dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle ay codsadeen in dib loo soo celiyo qorshe ay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka diideen afar sano ka hor. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billowgii dhismihii HirShabeelle ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta reer Hiiraan, in ay qaataan caasimadda HirShabeelle, sidoo kalane ay afartii sanaba mar qaataan madaxweynaha, taas oo ka dhigan in afar sano isku haystaan madaxweynaha iyo caasimadda, afarta kalane ay heestaan Madaxweyne ku xigeen iyo caasimadda. Xilligaas beesha Xawaadle way diiday qorshaha Xasan Sheekh waxayna qaadatay madaxweynaha, halka beesha Abgaal la siiyey caasimadda. Balse waxaa hadda soo baxday in taasi ay ku koobneyd kaliya hal muddo xileed, oo aanu macnaheedu ahayn in beesha Abgaal aysan marnaba arkin madaxweyne. Qaar ka mid ah siyaasiinta Xawaadle ayaa sheegay in ay aheyd afar sano ka hor in go’aankaasi qaataan balse ay xoog gelin doonaan hadda in dib loo soo celiyo qorsahaas ka hor inta aan la dhisin maamulka. In caasimadda HirShabeelle loo celiyo Buulo-burte ayaa u baahan in dastuurka maamulka wax ka badal lagu sameeyo, markii la soo dhiso baarlamaanka cusub ee HirShabeelle. “Hadda waxay diyaar u yihiin in ay laba mid qaataan, kuwaas oo kala, ah in Caasimadii loo soo celiyo, iyo in aysan caasimad-na helin madaxweynane sanadkaan helin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka HirShabeelle oo aan la hadalnay. Ma cadda haddii Villa Somalia oo gadaal ka riixeysa Cali Guudlaawe oo ah musharax madaxweyne oo kasoo jeeda beesha Abgaal, ay ogolaan doonto qorshaha cusub ee beesha Xawaadle. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo xal loogu raadinayo cabashada ku saabsan dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan uu si rasmi ah uga shaqa billawo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, marka baarlamanka ansixiyo.

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Kampala

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Uganda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Kampala. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, doorka muuqda ee ay kaga jiraan horumarka iyo isdhexgalka bulshada geeska Afrika. Daawo Mahadi Guuleed Oo La Hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda Goobjoog News

Dhagayso Waa Maxay Sababta Loo Magacaabi La,yahay Gudoomiyaha G Doorashada Somalia

October 22, 2020 | Published by: yaska Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax Goboleedyada dalka ayaa 2-dii bishan October shaaciyey jadwalka doorashooyinka dalka oo ay isku raaceen. Jadwalka ayaa isugu jira dhismaha guddiyada kala duwan ee Doorashada, guddiga xalinta khilaafaadka, jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah. Sida ku xusneyd Jadwalkaasi, magacaabista xubnaha guddiyadaasi waxay aheyd in la soo dhameystiro intii u dhaxeysay 10-kii ilaa iyo 20-kii bishan, waxayna la dhaafay waqtigaas ayada oo aanay sidaas dhicin. Warbixin Arintaas laga Diyaariyay Halkan Hoosenka Dhegayso. http://www.oodweynemedia.com/wp-content/uploads/2020/10/Election.mp3