Tuesday, November 24, 2020

Sawirro: Soomaaliya oo guddoomineysa shirka Golaha guud ee QM

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mudane Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) oo dhowaan loo doortay gudoomiye ku xigeenka kulanka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sanadkan 2020-ka inta badan ay madaxda caalamka uga qeyb-galeysaa habka Online-ka.

Sidoo kale waxaa sanadkan shirka diiirada lagu saaray saameynta uu cudurka Coivid-19 ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb-galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo warbixin golaha ka siiyey xaaladda dalka.

Mahdi Guuleed ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Si kasabtaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan 2020-ka loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeysay sanadkii 1979-kii.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/soomaaliya-oo-guddoomineysa-shirka-golaha-guud-ee-qm-sawirro/original article

Related Articles

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo gaaray Doolow “SAWIRRO”

Sarakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta garay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo. Sarakiisha maxkamadda waxa hogaminayay Guddomiyaha Maxkamadda Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Maamulk Degmada, Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo xubno kale. Wafdiga ka socda Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa ujeedka socdaalkooda la xiriirtaa qaadidda dawaclo ku saabsan dilal dhawaan ka dhacay Degmoyin ka tirsan  Gobalka Gedo.

Aabaha Dhalay Isco Oo Kashifay Meesha Uu Xiddigu Doonayo In Uu Ka Ciyaaro Marka Uu Ka Tago Real Madrid.

Abaha dhalay xiddiga Isco ayaa xaqiijiyay xiddigu isaga tagi doono kooxda Real Madrid waliba doonayo in uu ka ciyaaro meel ka baxsan horyaalka La Liga. Xiddiga 28 jirka ah ayaa ka baxay qorshaha tababare Zinedine Zidane isaga oo ay ku adkaatay in uu daqiiqado u ciyaaro kooxda waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda. Aabah dhalay Isco ayaa Real Madrid u sheegay in uuna jirin wax dalab ah oo u imid xiddiga laakiin uu doonayo in uu ka tago kooxda. “Haatan ma jiro wax dalab ah oo u yiid, Laakiin Isco waxa uu doonaya in uu ka ciyaaro horyaal kale”ayuu yidhi. “Sii joogistiisa Real Madrid waa dhibaato”ayuu sii raaciyay. Real Madrid ayaa haatanba ogsoon rabitaanka Isco waxana ay si weyn ula yaabeen go’aanka xiddiga waxana ay diyaar u yihiin in ay ogolaadaan bixitaanka hadii uu dalab fiican u yimaado.

Najma Makena: “Dadka waxay la tahay in shaqo shaydaan aan hayo”

Najma Makena waa gabar Soomaali ah oo ku nool Nairobi, waxayna tan iyo 2018-kii sameyneysay qurxin weji oo cajiib ah.Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in waxa ay sameyso ay yihiin arrimo shaydaannimo, taas oo la xiriirta aaminaadda.Si kastaba, Najma arrintaas kuma aysan qasbin in ay shaqadeeda joojiso, waxayna ku hammineysaa in shirkadda aflaanta ee Hollywood ka shaqeyso.

Stay Connected

21,078FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Halyeey Liverpool Ah Oo Saamaynta Diogo Jota Bar-Bar Dhigay Saamayntii Mohamed Salah.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota kadib markii uu si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa Reds. Jota ayaa si deg-deg ah ula qabsaday qaab ciyaareedka Liverpool kadib markii uu 41 milyan oo euro ugaga soo wareegay kooxda Wolves suuqii xagaaga. Diogo ayaa ilaa haatan ciyaaray 12 kulan waxana uuna dhaliyay 8 gool taas oo muujisay awoodiisa weerar ee fiican. John Aldridge oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Klopp waxa ku adkaan doonta doorashada 4-ta xiddig ee weerarka wakhtiga soo socda”. Jota waxa uu Liverpool ku yeeshay saamayn weyn lana mid ah midii uu Mohamed Salah ku yeeshay Liverpool markii uu ku soo biiray kooxda”. “Jota waxa uu u gaajaysan yahay ciyaarista kulamada waxana uu ogyahay in ay adagtahay la tartamista 3-dia xiddig ee weerarka waxana uu doonayaa in uu ka fiicnaado”. “Jota waxa uu samaynayaa wax uuna horay ugu samayn Wolves sababta oo ah waxa uu dareensanyahay in uu ku soo biiray koox weyn waxana uu ka faa’iidaysanayaa fursad walba oo uu helo”.