Wednesday, November 25, 2020

Sawirro: Ra’iisal Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi iyo xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa u daarna taageero iyo hambalyo ku aadan xilka uu Farmaajo u magacaabay Rooble, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulankaasi.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xildhibaanada ku wehlinayay kulankaasi ayaa Ra’iisal wasaaraha cusub bogaadiyey, iyagoona si kal-furan usoo dhaweeyay.

“Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xildhibaanno ka tirsan BFS ayaa la kulmay ra’iisulwasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Sii hayaha RW & xildhibaannada wehliyay ayaa RW magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero  garab istaag”.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya uu ka bilaabay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ku rabo in baarlamaanku uu siiyo kalsoonida.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo xalay kulamo ula qaatay siyaabo kala duwan xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baaralamanka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale la kulmay, guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinta berri ah oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu hortago, golaha shacabka Ra’iisal wasaaraha cusub, si ay codka kalsoonida ugu qadaan xildhibaanada goluhu.

The post Sawirro: Ra’iisal Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi iyo xildhibaanada BF first appeared on Caasimada Online.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/sawirro-raiisal-wasaaraha-magacaaban-oo-la-kulmay-mahdi-iyo-xildhibaanada-bf/original article

Related Articles

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Atalanta & Inter Milan VS Real Madrid: Ayaa Ku Bilowday Shaxda Kulamadan Adag.

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Atalanta kulan adag oo ka dhici doona Anfield kana tirsan wareega Group-yada tartana champions League. Tababare Jurgen Klopp ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo kaydka dhigay xiddiga Fabinho, Firmino. Sidoo kale Klopp ayaa garbaha daafaca ku bilaabay xiddigaha Neco Williams & Tsimikas halka uu Mohamed Salah weerarka la hogaaminayo Mane iyo Origi. Dhanka kale Inter Milan ayaa marti galinaysa kulanka ugu adag ee champions League kooxda Real Madrid kulan labada kooxoodba isha ku hayaan guul. Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Atalanta: Liverpool: Alisson; N Williams, R Williams, Matip, Tsimikas; Milner, Wijnaldum, Jones; Salah, Origi, Mane. Kaydka: Adrian, Kelleher, Fabinho, Firmino, Minamino, Jota, Robertson, Cain, Clarkson, Koumetio. Atalanta: Gollini; Toloi, Romero, Djimsiti; Hateboer, De Roon, Freuler, Gosens; Ilicic, Pessina; Gomez Shaxda Rasmiga Ah Ee Inter Milan Vs Real Madrid: Inter: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Hakimi, Barella, Gagliardini, Young; Vidal; Lukaku, Lautaro Martinez Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Nacho, Mendy; Modric, Odegaard, Lucas Vazquez, Mariano, Hazard

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Share on Facebook Tweet on Twitter Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka qeybgalay madasha Wasaaradaha oo ku aaddan iswaafajinta socdaalka Shaqaalaha Bariga iyo Geeska Afrika. Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ee aaladda internet-ka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Bariga iyo Geeska Afrika ee arrimaha Shaqada iyo shaqaalaha qaabilsan. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay saxiixday khariidad-nabadeed si loo ilaaliyo xuquuqda muhaajiriinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ee doonaya shaqo dibedda ah”.ayuu yiri Wasiir Duraan oo hadalkiisa ku daray in shirka uu ku soo idlaaday jawi guul ah. SHARE Facebook Twitter Previous articleMaradona oo u geeriyooday wadno xanuun

Daawo: Laftagareen oo weerar culus ku qaaday musharraxiinta Ku Shirsan Muqdisho

https://www.youtube.com/watch?v=wixsohD0-O4&feature=youtu.be&fbclid=IwAR3k-ZilOaDoC8j-B_FmJbmjc1qYrkyGrKcRg6g_RGoQ31JYJ4kYKOs-NNw

Stay Connected

21,097FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Argentina’s Maradona, one of soccer’s greatest, dies aged 60

Argentina’s Diego Maradona, widely regarded as one of the world’s greatest footballers, die Beloved in his homeland after leading Argentina to win the 1986 World Cup and adored in Italy after taking Napoli to two Serie A titles, Maradona was a uniquely gifted player and charismatic figure, but also battled demons off the field. Maradona, […]

XOG: Madaxweyne Farmajo oo Amray Cumar Filish abaabulka Shirar & dibadbaxyo ka dhan ah Musharixiinta..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee uu uga jawaabayo culeyska kasoo food saaray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee toddobaadkan ku shirayay magaalada Muqdisho. Xogta ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ku amray inuu abaabulo shirar iyo dibadbaxyo looga horjeedo musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka, laguna taageerayo dowladda iyo qorshaheeda Doorashada. Ad Shirarka oo uu maalgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay Berri degdeg uga ka bilowdaan Hoteelo ku yaalla Muqdisho, waxaana shirka ugu horeeya ka qeyb galaya Odayaasha beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta beeshaasi ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo qaarkood ay dhowaan kasoo muuqdeen baraha bulshada. Qorshaha ugu horeeya ee uu doonayo Madaxweyne Farmaajo inuu uga hortegayo Musahrixiinta xilka Madaxweynaha ee ka horjeeda ayaa noqday abaabulka siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Beelahooda, taasoo muujineysa inuusan diyaar u ahayn tanaasul. Dhaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa madaxweynayaashii xukunka isaga danbeeyay u adeegsadaan danahooda siyaasadeed xilli aanay caasimaddu helin wax horumarin ah ayna ka muuqdaan dhaawacyadii Roobabkii u danbeeyay u geysteen. Warar Xul ah

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/sawirro-raiisal-wasaaraha-magacaaban-oo-la-kulmay-mahdi-iyo-xildhibaanada-bf/original article