Thursday, November 26, 2020

Sawirro: CC Shakuur oo Villa Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u dhaliila dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa muddo kadib, maanta tegay dhismaha xarunta Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulan gaar ah oo saacado badan qaatay la yeeshay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah, sida doorashooyinka, marxaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo arrimo kale.

“Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka.”

Kulankan ka dhacay madaxtooyada ayaa si aad ah loo hadal hayaa, maadaama hoggaamiyaha xisbiga Wadajir 3 sano ee la soo dhaafay uusan tegin Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa inta badan fagaare-yaasha ka weerara Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha, iyada oo ay arrintu ka sii dartay markii ay dowladdu weerar ku qaaday xarunta xisbigiisa oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Si kastaba ha’ahaatee kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay Soomaaliya isku diyaarineyso doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha oo ay dhowana heshiis rasmi ah ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/cc-shakuur-oo-sanado-kadib-tegay-xarunta-madaxtooyada-soomaaliya-u-jeedka/original article

Related Articles

Stay Connected

21,102FansLike
2,454FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Paul Scholes: Anthony Martial Ma Ahan Weeraryahan Fiican Arintan Ayaana Cadayn U Ah.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya in Anthony Martial uusan aheyn weeraryahan fiican xilli uu xiddiga reer...

Sheekh Shariif Oo Hore Baydhabo Ugu waday Xubno Murashaxiinta Ku jira

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu udhoofay maanta Duhurnimadii Magaalada Baydhabo Janaay Ee Gobolka Bay. Shariifka ayaa ujeedka socdaalkiisa waxa lagu sheegay inuu doonayo xod xodashada Xubnaha Baarlamaanka ugu badan labada Aqal maadaama ay ka imaanayaan Koonfur Glabeed in ololihiisa doorasho uu is dhis ku sameeyo. Xoghayaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka qeyb ahaa wafdiga Baydhabo uraacay maanta Shariifka. Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran,Ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran,Ahna Gudoomiyaha Midowga Murashaxiinta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ah shakhsi Saameyntiisa siyaasadeed muuqato. Kulamo ayuu la qaadan doonaa inta uu Baydhabo kusugan yahay Madaxweyne Lafta gareen,Gudoomiye Cali Siciid Fiqi iyo Bulshada Reer Baydhabo. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/cc-shakuur-oo-sanado-kadib-tegay-xarunta-madaxtooyada-soomaaliya-u-jeedka/original article