Saturday, October 24, 2020

Saldhig ciidanka Itoobiya leeyihiin oo lagu qaaday weerar madaafiic ah+Khasaarah

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic loo adeegsaday oo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Qansax-dheere lagu weeraray in ka badan 7 Hoobiye, kuwaas oo jugtooda laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degmada qansax-dheere ee gobolka Baay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro madaafiicda kasoo gaaray dad rayid ah.

Dadka ku nool degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahday, kaddib hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weeydaar sadeen Al-Shabaab & Ciidamada Itoobiya, arrintaasi oo ah mid soo lab laabatay.

Maamulka degmada Qansaxdheere iyo laamaha Amniga degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer oo  hore ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Baay.

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Related Articles

Sudan oo aqbashay in cilaaqaad ay la yeelato Israel iyo Mareykanka oo ka saaray liiska argagixisada

Suudaan ayaa dib usoo celineysaa xiriirkii ay laheyd Israa’iil, sida uu shaaciyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Trump wuxuu Suudaan ka[Read More...]

Baroor-diiq loo sameeyay muftigii Dimishiq ee la khaarajiyay

27 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersBoqolaal qof ayaa ka qeyb qaatay aaska muftigii caasimadda Suuriya ee Dimishiq, kaasoo Khamiistii lagu dilay qarax lala beegsaday gaarigiisa.Sheekh Maxamed Cadnaan al-Afiyuni oo ahaa Sunni ayaa ku dhintay goobta qaraxa lagu beegsaday oo aan sidaa uga fogeyn Dimishiq.Sheekha oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa lagu yaqaanay wadaxaajoodyadii uu la geli jiray xoogga mucaaradka ee ka dagaallama aagga caasimadda.Dowladda Suuriya ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan dalkaasi, kadib dagaal sokeeye oo socday muddo sagaal sano ah. In ka badan 380,000 oo qof ayaa ku dhintay colaaddaasi, halka 13.2 milyan oo qof ay u barakaceen gudaha iyo dibedda dalka. Tirada dadka barakacay ayaa lagu qiyaasaa inay ka dhigan tahay kala bar shacabka Suuriya.Wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya, Sana, ayaa sheegtay in Sheekh Afiyuni lagu khaarajiyay degmada Qudsaya ee waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda. Wakaaladda ayaa baahisay sawirro muujinaya burburka gaaray gaariga uu watay.Xigashada Sawirka, ReutersDadka baroor-diiqayay ayaa raacay naxashka meydka muftiga oo ay garbaha ku sideen wadaado dhexmariyay wadooyinka caasimadda illaa ay ka geeyeen masjidka caanka ah ee Umayyad halkaasi oo lagu aasay.Muuqaallo laga soo duubay goobta lagu aasay muftiga ayaa muujinaya wasiirka diinta iyo awqaafta ee Suuriya, Cabdulsatar al-Sayed oo ka qeybgalay aaska.Xigashada Sawirka, ReutersMuftiga la dilay ayaa si weyn u dhaliili jiray xagjirnimada Sunniyiinta qaarkood, waxaana uu dowr muhiim ah ka qaatay heshiis sanadkii 2016 ay xukuumadda Asad la gaartay xooggag mucaarad ah oo haystay qeybo kamid ah caasimadda Dimishiq. Bishii September ee isla sanadkaasina, waxaa uu salaaddii Ciddul Adxaa ka tujiyay magaalada Darayya ee xilligaasi laga daadgureeyay xooggaagii mucaaradka ee haystay, taasoo oo qeyb ka ahayd heshiiska.

Trump oo Masar ugu baaqay inay burburiso biyo-xireenka Ethiopia

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa carro xooggan u muujiyey Ethiopia, Jimcihii, sababo la xiriira biyo-xireenka ay ka sameyneyso Webiga Nile, wuxuuna soo jeediyey in Masar ay burburin doonto. Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xireenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga. “Waa xaalad aad halis u ah, sababtoo ah Masar uma dulqaadan doonto,” ayuu Trump weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad, ayada oo taleefonkana ay ku jiraan hogaamiyayaasha Israel iyo Sudan. “Way burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa – Masar way burburin doontaa biyo-xireenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yiri Trump. “Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xireenka],” ayuu yiri Trump oo shalayto ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xireenka sanadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak. Trump – oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi – ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada-hadallada uu hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xiriira in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo-xireenka. “Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib-darro Ethiopia ayaa jebisay heshiiska, taasi oo ay ahayd inaysan marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yiri Trump. “Marnaba ma arki doonaan lacagtaas [kaalmada Mareykanka] illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yiri. Ethiopia weli kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray Trump. Let’s block ads! (Why?)

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Sudan to normalize ties with Israel, leave U.S. list of terrorism sponsors

U.S. President Donald Trump announced Friday that Sudan will start to normalize ties with Israel, making it the third Arab state to do so as part of U.S.-brokered deals in the run-up to the Nov. 3 election.

Sudan becomes third Arab state to set aside hostilities with Israel this year

By Matt Spetalnick, Steve Holland, Jeff Mason WASHINGTON (Reuters) – Israel and Sudan agreed on Friday to take steps to normalize relations in a deal brokered with the help of the United States, making Khartoum the third Arab government to set aside hostilities … Continued The post Sudan becomes third Arab state to set aside hostilities with Israel this year appeared first on WardheerNews .