Tuesday, November 24, 2020

Sacuudiga oo cawimaad weydiistay Ruushka xilli uu wajahayo guul-darro weyn

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa weydiisatay Russia inay soo faro-geliyaan oo ay gacan ka gaystaan in laga hortago in magaalada istaraatiijiga ah ee Marib ay u gacan gasho kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Akhbar.

Wargeyska ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal Bin Farhan uu taleefonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, uuna ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo boqortooyada iyo Xuutiyiinta, si looga joojiyo inay qabsadaan magaalada Marib.

Xuutiyiinta ayaa laba bilood wada dagaal ay ku qabsanayaan Mari boo ah magaalo muhiim u ah dagaalka Yemen, sababtoo ah waxay saldhig u tahay calooshood u shaqeystayaasha u dagaalamaya xulufada Sacuudiga. Haddii magaalada laga qabsado Sacuudiga waxay la macno noqon doontaa in dagaalka Yemen looga adkaaday.

Ilo-wareedyada ayaa sharxay in sababta Sacuudiga ula hadlay Ruushka ay tahay in cadaadis la saaro Mareykanka oo iska indho tiryayey codsiga Sacuudiga ee ah inuu ka hortago in Xuutiyiintu qabsadaan magaalada Marib, ayada oo madaxweyne Trump uu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada bisha November.

Trump ayaa sidoo kale horey ugu adeegsaday ku lug lahaanshaha Ruushka ee arrimaha Bariga Dhexe inuu qiil ugu sameeyo inii sii wado hubka laga iibinayo Sacuudiga, oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay dambiyo dagaal galeen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Mareykanka uusan hub ka iibin boqortooyada ay u weecan doonto Shiinaha iyo Ruushka si ay hub uga iibiyaan, taasi oo Mareykanka aan faa’iido u ahayn.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/sacuudiga-oo-cawimaad-weydiistay-ruushka-xilli-uu-wajahayo-guul-darro-weyn/original article

Related Articles

Somalia: No shortcuts to negotiating with Al-Shabaab

Since the United States and the Taliban inked a deal in Doha in February, debate has abounded over the wisdom of negotiations with other...

Russia fully supports Ethiopia’s efforts to combat TPLF Junta

Addis Ababa, November 23, 2020 –Russia said it stands by the side of Ethiopia in any case, according to the House of People’s Representatives...

Stay Connected

21,076FansLike
2,450FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Somalia: No shortcuts to negotiating with Al-Shabaab

Since the United States and the Taliban inked a deal in Doha in February, debate has abounded over the wisdom of negotiations with other...

Russia fully supports Ethiopia’s efforts to combat TPLF Junta

Addis Ababa, November 23, 2020 –Russia said it stands by the side of Ethiopia in any case, according to the House of People’s Representatives...

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo shirka Musharaxiinta oo waji cusub yeeshay!!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90#new_tab

Hordhac: Man United Vs Istanbul Basaksehir: Red Devils Maka Aar Gudan Doontaa Kooxda Reer Turkey.

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku marti galin doonta kooxda istanbul basaksehir kulankii 4-aad ee wareega Group-yada champions League. Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha champions League kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen kooxda istanbul basaksehir kulankii hore. Dhanka kale kooxda istanbul basaksehir oo kaliya hal kulan badisay ayaa doonaysa in ay gaadhaan guul kale oo kor u qaada rajadooda tartanka. Kulanka: Man United Vs Istanbul Basaksehir Tartanka: Champions League Wakhtiga: 11:00 Garoonka: Old Trafford XAQIIQOOYINKA KULANKA: Man United ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha reer Turkey Tartamada yurub iyaga oo waliba labadii kulan ee ugu dambeeyay guuldaro la kulmay. Istanbul Basaksehir ayaa kaliya hal mar soo booqatay England markaas oo ay marti u noqdeen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Europa League waxana ay la kulmeen guuldro 1/0 ah. Man United ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha reer Turkey ku marti galiyeen Old Trafford tartamada yurub, markii ugu dambaysay ee ay guuldaro kala kulantay garoonkeeda iyaga oo la ciyaaraya koox reer Turkey ah ayaa ahayd November 2009 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Besiktas champions League. Kooxda Man United ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub ay ku ciyaartay Old Trafford iyaga oo dhaliyyay 20 gool lagana dhaliyay kaliya hal gool. Let’s block ads! (Why?)

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/sacuudiga-oo-cawimaad-weydiistay-ruushka-xilli-uu-wajahayo-guul-darro-weyn/original article