Tuesday, November 24, 2020

Sababta uu Antonio Rudiger Isaga Diiday Ku Biirista Tottenham Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay chesea diyaar u ahayd in ay xiddiga Antonio Rudiger u ogolaato in uu ku biiro kooxda Tottenham suuqii xagaaga laakiin xiddiga ayaa iska diiday arintaas.

Xiddiga reer Germany ayaan si joogto ah ugu ciyaarin Chelsea tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo booskiisa u waayay xiddiga Thiago Silva isaga oo kaliya ciyaaray hal kulan oo champions League iyo hal kulan oo Premier League.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddigu iska diiday in uu ku biiro kooxda Tottenham sabab la xidhiidha jacaylka uu u qabo kooxda cheslea.

Rudiger ayaa iska diiday in uu ku biiro mid ka mid ah kooxaha sida weyn ula xafiiltama kooxda chelsea sidaas darteed waxa uu iska joogay kooxda Chelsea.

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyey askari qoyskiisa ku qarxiyey Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa weerar uu xalay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya u geystay qoyskiisa kadib markii uu bam gacmeed ku qarxiyey xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Falka uu askarigaan geystay ayaa yimid kadib markii isaga oo soo cabay waxyaabaha maanka dooriya uu xalay gurigiisa tagay kadibna uu muran soo kala dhex galay isaga iyo qoyskiisa, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ku qarxiyo Bam Gacmeed, waxayna goob joogayaal sheegeen in dhammaan qoyska ay ku sugnaayeen hal qol oo guriga ka tirsan. Weerarka uu askarigaan u geystay qoyskiisa ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Cali Kariim, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac . Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay 4 qof oo ay ku jirtay hooyada dhashay askariga lagu eedeeyey inuu falka geystay, sidoo kalana dadka dhintay waxaa ku jiro wiil uu dhalay askariga. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 qof oo uu ku jiro askarigii falka geystay, walaalihiis, adeerkiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawaca askariga uu yahay mid aad u daran. Askariga falka geystay oo lagu magacaabo Nuuraaye ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen ciidamada Dowladda isagoo dhaawac ah. Dhacdadaan ayaa waxay la yaab ku noqotay dadka dariska ah iyo dhammaan kuwa Muqdisho dagan, mana ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu geysto fal noocaan oo kale ah, waxaana ugu dambeysay falkii uu askari ka tirsan Ciidamada Dowladda rasaas xoogan ugu furay qoys uu Gabar ka qabay. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Joe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu magacaabay xilal muhiim ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibbada ayaa loo magacaabay Antony Blinken oo hore u soo noqday ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo ku xigeenka la taliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama. Blinken ayaa sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xiriira oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba. Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka. Xilalka kale ee muhiimka ah ee uu magacaabay Joe Biden oo weli loo dhaarin xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Sirdoonka Qaranka CIA oo uu u magacaabay Avril Haines waana haweenaydii ugu horraysay ee agaasime ka noqota sirdoonka qaranka. Ms Haines waxa ay hore ku xigeen ugu soo noqotay agaasimaha CIA-da iyo lataliye ku xigeenka ammaanka qaranka. Alejandro Mayorkas ayaa loo magacaabay xoghayaha ammaanka gudaha waana qofkii ugu horreeyay ee Latino ah oo loo magacaabo inuu noqdo Xoghayaha Ammaanka Gudaha. Waxa uu hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha ammaanka gudaha ee maamulkii madaxweyne Obama. Jake Sullivan waxaa loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad. Mr Sullivan waxa uu muddo xileedkii labaad ee Mr Obama, Biden u soo noqday lataliyaha ammaanka qaranka. Linda Thomas-Greenfield waxaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka u fariinsan doonta Qaramada Midoobay.

Shariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheegay shirka musharaxiinta ugaga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay war uu dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa aad u dhaliilay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeen Khadar ayaa sheegay in doorashooyinkii Baydhabo,Dhuusamareeb iyo Jowhar ay ahaayeen kuwo aan si sax ah loo maamulin. “Saddex wareeg ayaan arki jirney iyadoo la baahdo loo oomo,hal wareeg waa diidanahay,xalna kuma imanayo hal wareeg intaa waa la xishoonayay waxaana l adiidanaa in siyaalihii hore la soo maray la aado.”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u ahayn in lala tartamo oo uu doonayo in kaligiis uu tartamo. “Waxaan aaminsanahay in saaxibkey in doorasho lala glao ma rabo isagaa jaakad toshay isaga kaligii la eg in jaakad dadka oo dhan la eg la tolaan rabaa dalkana sidaa ayaa u dan ah.”ayuu sii raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan waxa kale oo uu ka hadlay guddiyada doorashada waxana uu ku taliyay in guddiyo sidii la arki jirey la sameeyo isagoo xusay in arrinta guddiyadana ay tahay mid Madaxweynaha u gaar ah. Kulan ay ka qeybgalayaan inkabadan toban musharax madaxweyne ayaa maalintii afaraad waxa uu ka socdaa hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in kulankaa maanta la soo gabagabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ka hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleJoe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah

Stay Connected

21,080FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka warbixiyay socdaalka Madxaweynaha Hirshabeelle

Share on Facebook Tweet on Twitter Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahanyahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara. Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool. “Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle. Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana looga sifeyn lahaa deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabeelle maleeshiyaadka Al-Shabaab. SHARE Facebook Twitter Previous articleCiidamo badan oo ka tirsan TPLFoo isu dhiibay ciidanka dowladda Itoobiya

Ganacsiga Maandooriyaha: Dal Islaam oo hoy u noqday ka ganacsiga daroogada heroin

14 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Getty ImagesBuundo aad u mashquul badan hoosteed, oo ah goob qashin uu ka buuxo ee caasmiadda Kabul ee Afgaanistaan, waxaa ku nool nin darbi-jiif ah oo ay duruuf ay ka muuqato."Ma aha goob loogu talagalay in bina'aadam uu ku noolaado," ayuu yiri Khudadad, oo 48 jir ah. "Xitaa uma qalanto in Eey uu ku noolaado."Khudadad waxaa uu qabatimay darogada nooca loo yaqaan heroin iyo methamphetamine - waxaa uuna noolashan ku jiray 5-tii sano ee ugu dambeysay.Daroogadda noocan ee Heroin, waxay muddo dheer-ba dhibaato ku haysay magaalada Kabul, balse qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool halkaas ayaa imika u leexanaya isticmaalka daroogada nooca loo yaqaano meth, oo ah mid ka raqiisan Heroin, balse leh halis la mid ah."Markii aan bilaabayay daroogadan, nooca meth, ma aysan ahayn mid dad badan ay garanayeen," ayuu yiri Khudadad. "Balse sanadihii ugu dambeeyay dad badan ayaa isticmaalayay."Warbixin cusub oo la soo saaray Talaadadii ayaa ka digtay in Afgaanista ay noqonayso goob udub dhaxaad u ah soo saaridda daroogadda nooca methamphetamine ee caalamka oo dhan. Dalka Afganistaan ayaa horey u ahaa isha darogada ugu badan ee Heroin ay ka timaado ee dunida loo kla dhoofiyo.Balse warbixinta ay soo saartay hay'adda midowga Yurub u qaabilsan la socodka maandooriyaha, ayaa ka digeysa in daroogadda nooca Meth ay mar kale noqon karto Afganistaan meesha ugu badan ee laga soo saaro.Sare u kaca ayaa loo aaneeyay in daroogada laga heli karo goobo badan oo aan ahayn goobaha beeraha loogu talagalay dalka Afgaanistaan.Dr David Mansfield, oo ah khabiir ku taqasusay maandooriyaha laga soo saara Afganistaan, sidoo kalena wax ka diyaariyay warbixinta, ayaa sheegaya in daroogada markii hore ay qaali ahayd balse haddan ay dadka si sahlan uga heli karaan farmashiyaasha.Daroogadda nooca ephedra ee laga helo dalalka kale waxaa laga sameyn jiray nooca meth, balse waxaa la ogaaday in dalka ugu badan ee soo saaro uu yahay Afgaanistan.Iyada oo la isticmaalayo sawirro lagu qaada Dayax-gacmeed iyo waliba wareysiyo laga qaaday dadka soo saara daroogada, ayay Dr Mansfield iyo kooxdiisa cilmi-baarayaasha, ogaadeen in 300 oo sheybaar oo ku yaalla degmo lagu magacaabo Bakwa ee Afgaanistaan, looga shakisan yahay inay sameyaan daroogada nooca ephedrine.Goobtaas ayaa noqotay mid udub dhexaad u ah ka ganacsiga daroogadda nooca meth ee dalkaas, balse Dr Mansfield ayaa sidoo kale bilaabay in uu ogaado goobaha kale ee ay ku yaalaan sheeybaarada.Mareykanka ayaa horey u duqeeyay goobo la sheegay in lagu farsameeyo daroogada oo ku yaalla dalka Afganistan.Maalin kali ah, wuxuu Mareykanak duqeeyay illaa 68 goobood, bihsii May, sannadkii 2019.Balse khasaaraha rayidka ee ka dhasay duqeymahaasi iyo warshadaha lagu farsameyo daroogada oo laga dhiso cooshado oo haddii la duqeeyo xitaa dib loo dhisi karo, ayaa horseeday in Mareykanka uu joojiyo duqeynta.Kooxda Taliban, ayaa dhankooda la sheegay in ay canshuur ka qaadan dadka ka ganacsada dhoofinta daroogada noocyadeeda kala duwan ee dalkaas.Warbixinta ay soo saartay hay'adda midowga Yurub u qabilsan la socodka daroogada, waxaa lagu sheegay in Taliban ay, qiyaas ahaan, sannadkii ka hesho illaa $4 Milyan oo dollar, degmada Bakwa oo kali ah.Kooxda Taliban ayaa canshuuro ka qaada warshado kala duwan oo ku yaalla goobaha ay maamulaan, inkastoo ay beeniyaan in ay xiriir la leeyihiin ka ganacsiga maandooriyaha.Mid ka mid ah dadka daroogada ka ganacsada oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa BBC u sheegay in "kooxda Taliban ay canshuur ka qaadaan dadka beeera noocyada kala duwan ee maandooriyaha sida ephedra iyo kuwa ganacsi ahaan u sii iibiya.""Waxaa meel kasta yaalla isbaarooyiin ay dhigtaan kooxda Taliba," ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray: "Sidaasi daraadeed kama qarin kartid."Markii la waydiiyay sababta Taliban aysan diinta uga mamnuucayn iiibinta daroogada, wuxuu ninkan ka ganacsada daroogada, sheegay in kooxda Taliban ay yiraahdaan, "waxaan ku jirnaa dagaal, balse marka la gaaro waqtiga ku haboon ay mamnuuci doonaan."Qaar ka mid ah noocyada maandooriyaha nooca meth ee laga soo saaro dalka Afganistaan, waxaa lagu isticmaalaa gudah dalkaasi, halka sidoo kale xuduudda laga gudbiyo oo la geeyo dalka Iraan.Balse waxay u muuqataa in loo safriyo goobo ka fog xudduudada dalka Afgaanistaan.Sannadkan, boqollaal kilo garam oo darogo ah oo qiimahooda lagu sheegay $10 milya oo doollar, loogana shakisan yahay in dalka Afganistaan laga keenay, ayaa lagu qariyay doon waxaana qabtay ciidamada badda ee dalka Sri Lanka.Sidoo kale, waxaa maandooriyaha gacanta ku dhigay ciidamada caalamiga ah ee ilaaliya badda Gacanka Carabta.Waxaa jirto cabsi laga qabo in daroogada nooca methamphetamine ay xitaa gaarto qaar ka mdi ah dalalka Yurub.Iyada oo daroogada nooca meth ee laga soo saaro Afqanistaan loo doofiyo guud ahaan caalamka, haddana waxaa saameyteeda laga dareemaa jidadka caasimada dalkaas ee Kabul.Markii aan dib ugu laabano buundada hoyga u ah dadka qabatimay daroogadan - Qof walaalkii uu ka mid yahay dadka halkaas deggan ee isticmaala daroogada wuxuu sheegay in ay muddo bilo ah raadinayeen. "Hooyadeen walwal iyo isku buuq ayay u dhimatay," ayuu yiri.