Wednesday, November 25, 2020

RW Rooble oo hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

– Advertisement –

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad iyo Hirshabeelle ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo sii ambaaqaado qorsheyaasha horumarinta dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha xilkan cusub, waxa ayna ku booriyeen in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka tarjumeysa hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iska xogwareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, isaga oo u muujiyey sida uu ugu furfuran yahay dhammaan aragtida kala duwan ee siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan mas’uuliyiintan uu la kulmay waxa uu ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta qorsheyaasha hor-tabinta u leh Shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna dhankooda ku bogaadiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu uu sameeyo horumarka dhinac kasta leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=165865original article

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Maalintii 5aad u socda Musharaxiinta Mucaaradka

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Musharixiinta  xilka Madaxweynaha ee Muqdisho shirka uga socdo maalintii 5aad ayaa wali wada kulamo ay uga hadlayaan doorashooyinka iyo cabasho ay ka qabaan guddiyada doorashada loo xilsaaray ee ay Magacwaday dowladda federaalka. Xubnaha musharixiinta ayaa maanta si gaar ah uga hadlay maqaamka Muqdisho, arrimaha dastuurka iyo amniga iyagoo sheegay in dowladda ku fashilantay  arimahan iyo in dalka ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Xilli hore ee maanta musharixiinta ayaa kulan gaar ah la qaatay warbaahinta madaxa banaan iyagoo kala hadlay xaalada dalka marayo iyo doorka Warbaahinta kaga aadan. Shirkan ayaa lagu wadaa in la soo gebogabeeyo gelinka hore ee maalinta berri ah iyadoo la filayo in laga soo saaro War-murtiyeed. Musharixiinta mucaaradka ee u tagaan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u diidan guddiyada doorashada iyo kan xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer maamul goboleed oo ay ku tilmaamen inay ku jiraan shaqaale ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan Nabad sugida. Shirka ayaa inta uu socday waxaa ka qeyb galay dhinacyada kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada, urrurada bulshada rayidka, siyaasiyiinta iyo xubnaha beesha caalamka. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleDaawo: Laftagareen oo weerar culus ku qaaday musharraxiinta Ku Shirsan Muqdisho

Shaxda rasmiga ah kulanka adag Kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ee Champions League oo la shaaciyey

(Madrid) 25 Nof 2020. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League ayaa la shaaciyey. Kooxda Inter Milan ayaa soo dhaweyn doonta naadiga Real Madrid si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada Afaraad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League. SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:- Inter Milan XI: Real Madrid XI: Gool FM.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Atalanta & Inter Milan VS Real Madrid: Ayaa Ku Bilowday Shaxda Kulamadan Adag.

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Atalanta kulan adag oo ka dhici doona Anfield kana tirsan wareega Group-yada tartana champions League. Tababare Jurgen Klopp ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo kaydka dhigay xiddiga Fabinho, Firmino. Sidoo kale Klopp ayaa garbaha daafaca ku bilaabay xiddigaha Neco Williams & Tsimikas halka uu Mohamed Salah weerarka la hogaaminayo Mane iyo Origi. Dhanka kale Inter Milan ayaa marti galinaysa kulanka ugu adag ee champions League kooxda Real Madrid kulan labada kooxoodba isha ku hayaan guul. Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Atalanta: Liverpool: Alisson; N Williams, R Williams, Matip, Tsimikas; Milner, Wijnaldum, Jones; Salah, Origi, Mane. Kaydka: Adrian, Kelleher, Fabinho, Firmino, Minamino, Jota, Robertson, Cain, Clarkson, Koumetio. Atalanta: Gollini; Toloi, Romero, Djimsiti; Hateboer, De Roon, Freuler, Gosens; Ilicic, Pessina; Gomez Shaxda Rasmiga Ah Ee Inter Milan Vs Real Madrid: Inter: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Hakimi, Barella, Gagliardini, Young; Vidal; Lukaku, Lautaro Martinez Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Nacho, Mendy; Modric, Odegaard, Lucas Vazquez, Mariano, Hazard

Stay Connected

21,097FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Share on Facebook Tweet on Twitter Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka qeybgalay madasha Wasaaradaha oo ku aaddan iswaafajinta socdaalka Shaqaalaha Bariga iyo Geeska Afrika. Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ee aaladda internet-ka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Bariga iyo Geeska Afrika ee arrimaha Shaqada iyo shaqaalaha qaabilsan. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay saxiixday khariidad-nabadeed si loo ilaaliyo xuquuqda muhaajiriinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ee doonaya shaqo dibedda ah”.ayuu yiri Wasiir Duraan oo hadalkiisa ku daray in shirka uu ku soo idlaaday jawi guul ah. SHARE Facebook Twitter Previous articleMaradona oo u geeriyooday wadno xanuun

Daawo: Laftagareen oo weerar culus ku qaaday musharraxiinta Ku Shirsan Muqdisho

https://www.youtube.com/watch?v=wixsohD0-O4&feature=youtu.be&fbclid=IwAR3k-ZilOaDoC8j-B_FmJbmjc1qYrkyGrKcRg6g_RGoQ31JYJ4kYKOs-NNw