Monday, October 26, 2020

Ronald Koeman Oo Xaqiijiyay Wakhtiga Ay Kooxdiisu Dhamaystiri Doonto Laba Xiddig Oo Premeir League Ka Ciyaara.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa maamulka Kooxdiisa u sheegay in ay suuqa January u keenaan xiddigaha Liverpool iyo Man City ee Gini Wijnaldum & Eric Garcia.

Koeman ayaa doonayay inuu Kooxdiisa keeno xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Wijnaldum Iyo daafaca Man City ee Garcia intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Laakiin Barcelona ayaa diiday in ay bixiso lacagta ay Man City doonaysay halka ay Barcelona ka diiday saxiixa xiddiga reer Holland.

Haatan Koeman ayaa doonaya labada xiddig suuqa January si uu ugu xoojiyo kooxdiisa Qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan

Koeman ayaa xaqiijiyay: “Xiisaha aan u qabno Wijnaldum waa mid xoogan.

“Waxa aan doonayay in aan Barcelona keeno suuqii xagaaga sababta oo ah waxa uu leeyahay awood uu khadkeena dhexe ku xoojin karo”.

“Waxa aan ku qanacsanahay in uu wax ku soo kordhin karo kooxda”.

Koeman ayaa hadalkiisa sii raaciyay”waxa jirta fursad aan mar kale ugu laaban karno Garcia”.

“Laakiin haatan ma garan karo xaalada dhaqaale ee kooxda sidaas darteed waa in aan sugno suuqa January”.

Sii Akhriso: Ninkii Qoorta Ka Jaray Macalinkii Af-lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee” Oo La Ogaaday Cida Uu Yahay.

Laacib.net

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku bogaadiyey Laamaha Ammaanka dar-dar gelinta Qorshaha fududeynta isu-socodka Caasimadda

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda. “Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.” Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.

Isbaheeysi Diineed oo lagaa qarinayo!!!.(Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale?)

Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale? Sida Allaah noo sheegay Diimaha Samaawiga ihi dhamaan waa Islaam, waxaa kala duwanaa Kutubtii iyo Risaalooyinkii Rususha loo soo dhiibay, Abul Ambiyaa’ Nabi Ibrahim CS ma aheeyn Yahuudi iyo Nasaari Midna, waxa uu ahaa Muslim fiiri sawirka Aaydda 1aad.( F.S: 1aad). Nabi Muuse oo loo soo dhiibay Kitaabka Towreed waxa uu ahaa Rasuul Alle, dhalsha ahaanna Reer Bani irsaa’iil markii uu la hadlayayna Qowmkiisana waxa uu yiri: ( Qoomkeeygiiyoow maxaad ii dhibeeysaan waad ogtihiin in aan ahay Rasuulkii Alla idiin soo diray). وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ يَا قَوْمِ لِمَ تُؤْذُونَنِي وَقَد تَّعْلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ Israa’iil iyaga oo ka raadinayo isbaheeysi Diineed Dadka Masiixiyiinta ah, in kasta oo ey beeniyeen Kitaabkii Ingiil ee Nabi Ciise CS ayeey ku fikireen in Nabi Ciise CS ey ku sheegaan in uu Israel yahay, bacdamaa Hooyadii ey aheyd . laakin Nabi Ciise ma dhihin sidii Nabi Muuse oo kale Qoomkeeygiiyoow bacdamaa uuna aheyn Reer Bani Israel ee waxa uu ugu yeeray Magacooda . sida aayadan ku cad: ( waxa uu yiri Cisa CS ina maryamo Reer Banii Israa’iiloow waxaan ahay Rasuul Alla idiin soo diray). وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم Haddii aad fahamtay Farqiga u dhexeeyo Labada aayadood, Haddaba ogow waxa uu ku saleeysaleeysan yahay isbaheeysiga ey Israa’iil Aliftay ee ka dhexeeyo Masiixiyiinta iyo Yahuuda ee Islaamka maanta looga soo horjeedo. Muslimiinta ayaa sadaxda uga saxan dhinaca Aaminaada Rususha Alle, Yuhuudu waxa ey aaminsan yihiin hal kitaab oo kaliya mana aaminsano kitaabkii Anbiyada Ciise CS iyo Nabi Moxamed SCW, waxa ey aaminsanyihii Muse CS oo klaiya. Masiixiyiintu waxa ey Aminsan yihiin Laba Nabi oo kaliya Muse CS iyo Ciise CS. Annagu waxaan Aaminsanahay Saddaxda Nabi dhamaantootood in Allaah uu soo wada diray. Israel ayaa bilaawday in ey dhisto isbaheeysi Diineed oo ey la sameyso Masiixiyiinta, iyada oo leh waxaa naga dhexeeyo Anbiyo Reer Banii Israel ah. Muslimiintana waa in laga rabo in ey Diinta isku baheeystaan, waana in Dal waliba uu aado halkii loogu sheego in Dantiisu ey ku jiro, Xattaa Israel ha noqotee. Muslimiintuna eynan walaalo ku aheyn Diinta. Lana qaato Fikirkii Mr. Makaiavelli, Qarniyaal ka hor uu ku qoray Buugiisii “The prince ” uuna ku yiri: (Saaxiibo waaro ma jiraan ee Dano waaro ayaa jira) Madaxduna ha raaceen dhaqanka Sheydaanka.Taa oo hadda laga dhigay, Ma jirto Walaalnimo Islaam oo Diinta ku walaaloowda kuna waarto, ee waxaa jira Dano Dowladeed oo waaro. Haddaba ogoow Isbaheeysiga yuhuuda iyo Masiixiyiintu ma ahan mid asal ahaan ku saleeysan Siyaasad, Dhaqaale, ama Ciidan ee waa mid Diin ku saleeysan oo Adiga laguu sameeystay. FG: Maqaalkan waxa badan ayaa ka jaray Markii aan qoray kadib, Aniga oo tix galinayo Codsigiinii ahaa yareey qoraalada iyo Caajiska qaarkiin. Amaaba qaarkiin uu weli la dheer yahay?. FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. Qore: yahya Amir

Ololaha Muslimiinta ku diidayaan iibsiga alaabaha laga keeno FRANCE

Dowlada France ayaa walaac ka muujisay ololaha ka bilowday qaar kamid ah dalalka Islaamka ee caalamka oo lagu diidayo iibsiga alaabaha lagu keeno dalka France, arrintan oo looga jawaabayo aflagaadada jaraa’idka dalkaasi u geysteen Nebi Maxamed SCW.Wasaarada Arrimaha Dibada ee France ayaa Axadii shalay soo saartay qoraal ku socda dalalka Islaamka oo looga codsanayo in la joojiyo ololaha ka dhanka ah shirkadaha laga leeyahay dalka France. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo laftiisa loo heysto inuu aflagaadeeyey muslimiinta France, ayaa weli ku adkeysanaya waxa uu ugu yeeray difaacida xoriyada hadalka, isagoo Axadii shalay markale bartiisa Twitter kusoo qoray: “…Marnaba is-dhiibi meyno…” We will not give in, ever.We respect all differences in a spirit of peace. We do not accept hate speech and defend reasonable debate. We will always be on the side of human dignity and universal values. — Emmanuel Macron (@EmmanuelMacron) October 25, 2020 Dalka Kuwait ayaa bilaabay in gebi ahaan dukaanada wadankaasi ku yaal laga qaado alaabaha laga keeno dalka France noocyadooda kala duwan, waxaana sidoo kale hada ololahan laga dareemayaa dalal kale ee Islaamka. Ololahan oo hada bilow ah ayaa sidoo kale laga dareemayaa shabakada Twitter oo ay dadka muslimiinta ah ku shaacinayaan ololahan iyagoo adeegsanaya #boycott_french_products. Hanad AskarHorseed Media

Stay Connected

20,920FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Kooxda Manchester City oo U Baroordiiqaysa Laacib ay Jeclayd oo Si Lama Filaan ah u Geeriyooday

October 26, 2020 | Published by: yaska Raheem Sterling iyo Aymeric Laporte ayaa horseed ka ah baroor-diiq Loo samaynayo Jeremy Wisten oo hore uga tirsanaa da’yarta kooxda Manchester City oo si lama filaan ah u geeriyooday. Manchester City ayaa xalay warkan naxdinta leh ku shaacisay barteeda rasmiga ah ee Twitterka, waxaanay tacsida iyo murugada la wadaagtay ehellada iyo saaxiibbada laacibkan. Ciyaartoyda waaweyn ee kooxda ayaa iyaguna qaybtooda ka qaatay murugada oo soo bandhigay sida ay u taabatay. War-saxaafadeedka kooxdu soo saartay ayaa lagu yidhi: “Qoyska Manchester City waxay la murugaysan yihiin inay ogaadeen geerida laacibkayagii hore ee akaademiyadda ee Jeremy Wisten. Waxaanu tacsi u diraynaa saaxiibbadiisii iyo qoyska. Garabkiina ayaanu taaganahay waqtidan adag.” Raheem Sterling ayaa isaguna bartiisa bulshada ee Twitterka kusoo qaaday geeridan, waxaana uu sii baahiyey warka ay kooxdiisu soo saartay oo uu raaciyey calaamad murugo. Difaaca Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa isaguna bartiisa bulshada kusoo qoray: “Waa war argagax leh…RIP”. Sababta uu u geeriyooday laacibkan yar ayaan wali la garanayn, waxaana warbixin laga sugayaa qosykiisa. Isla xalayba waxa bilaabmay barnaamij qaadhaan loogu ururinayo qoyska Wisten oo loogu magac daray ‘siiya waxa ugu wanaagsan oo u dir wax u qalma’. Boggan Internet-ka ayaa qoraal ay ku sharraxayaan geerida da’yarkan waxay ku yidhaahdeen: “Waxaanu ururinaynaa lacag aanu ku taageerno qoyska Jeremy si aynu u siino waxa ugu fiican ee u qalma. “Wuxuu ahaa shaqsiyad qurux badan oo ay dad badan jeclaayeen. Qof kasta oo yaqaanay Jez wuxuu garanayaa inuu dhoola-caddayn jiray oo uu iftiimin jiray guriga. “Si degdeg ah ayuu u geeriyooday lamase illoobayo, mar walba wuxuu ku jiraa qalbiyadeenna. Waanu ku jecelahay, ku naso jannada Jez.” Wax  ka yar hal saac oo uu boggani shaqaynayay xalay fiidkii, waxa lagu ururiyey lacag gaadhaysa £5,800. Laacibiinta da’yarka Manchester City ee Cole Palmer iyo Tommy Doyle oo dhowaan kooxda koowaad loosoo dallacsiiyey ayaa iyaguna baraha bulshada  tacsiyadooda ugu diray qoyska laacibkan difaaca dhexe ahaa ee kasoo jeeday waddanka Malawi.

Qaramada midoobay oo Ka Biyo Diiday Nooca Doorasho ee laga Qaban doono Somalia Sannadka 2021

October 26, 2020 | Published by: yaska Muqdisho (OWN) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan Ayaa kulan fogaan arag ah oo uu Sabtidii uga qeyb galay alaada ZOOM-ka, ku sheegay in Qaramada Midoobay ay rabtay nooc doorasho oo ka duwan midka lagu Heshiiyey. James Swan ayaa niyad jab ka muujiyey in rabitaankii Qaramada Midoobay uu meesha ka baxay, balse uu ku faraxsan-yahay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamuladu ay ka heshiiyeen khilaafkii Doorashada. Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololaynayeen doorasho qof iyo cod ah, Sida ku cad dastuurka dalka Soomaaliya, hase yeeshe shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho lagu saxiixay heshiis ku saabsan doorasho qaab kale ah. Sidoo kale waxa uu xusay in heshiiskii dhawaan lagu gaadhay magaalada Muqdisho ee ku saabsanaa doorashada uu taageero ka helay dhinacyo badan oo ka mid ah daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in doorashada dad-ban aysan xal aheyn balse ay u taageerayaan oo keliya sidii Soomaaliya looga bad-baadin lahaa jawhareer siyaasadeed oo hor leh. “Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay inay doorato Hogaamiyeyaasheeda, walow ay suurto-gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weynahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Mana jiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed,” ayuu yidhi. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn-yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toos-toosiyey nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, Oo ay kamid tahay qoondada haweenka (30%) ee ku metelaya barlamaanka federalka ah iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista oo noqota mid loo dhan yahay.