Thursday, November 26, 2020

Ramla Cali: Waa tuma gabadha dooneyso in Soomaaliya uga qeybgasho tartanka feerka ee adduunka

8 Daqiiqadood ka hor

Ramla Cali oo ah gabadh ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horaantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.

Ramla oo 31 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Hadda Ramla waxay dooneysaa in Soomaaliya ay ku matasho tartanka caalamiga ah ee feerka marka la gaaro 23-da bisha Oktoobar ee sanadka 2021-ka, tartanka ayaa lagu waday in la qabto sanadkan balse feyraska Koroona dartii ayaa dib loogu dhigay.

“Waxaan doonayaa in aan ku guuleysto tartanka feerka ee adduunka”

“Waxaan ku rajo weynhay in dadka ay aragti wanaagsan ka heysan doonaan Soomaaliya”

Waxaana gabadhan tababar siiyay seygeeda Richard Moore oo isagu ah tababare feerka ah.

Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Imaam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, marna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay goor dambe oo habeenimo ah. Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeeshay.

Waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku guulaysatay tartanka feerka Ingiriiska.

Muddo dheer ayay hamigeeda ka qarineysay qoyskeeda oo waxay ka baqaysay in aysan u ogolaan doonin.

“Waxaa la joogaa xilligii aan sii xoojin lahaa mihnadeyda, waa mid weli taagan riyadeyda ku aadan ka qeybgalka tartanka olimbikada, waxaan ku faraxsanahay in aan bilaabo safarkaas” ayay tiri Ramla.

Ramla waxay ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska

Eddie Hearn oo kamid ah dadka garabka u ah Ramla wuxuu yiri “Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh, in heerkan ay soo gaarto waxay soo martay dhibaatooyin badan”

“Ramla waxay ku biirtay shirkadda Matchroom, shirkaddaas oo taageereysa qaar kamid ah dumarka ugu wanaagsan ee u taagan xuquuqda dumarka dunida, waxay joogtaa goobtii ugu habooneyd ay ku gaari karto riyadeeda ah in Soomaaliya ay ku guuleysato tartanka caalamiga ah ee feerka”

Qalabkan kuma ciyaari kartid maqalka iyo muuqaalka

Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feerka ee ciyaaraha Olombigga, laakiin Ramla Cali waxay doonaysaa in ay labadaa arimood ba ka dhabayso.

Haday guul ka soo hoyso iyo haddii kaleba, Ramla waxay rumaysantahay in isku dayga arintaasi uu guul u yahay.

“Mar baa [qof dumar ah] fariin iigu soo dirtay baraha bulshada waxay tiri: Gabadheyda ayaa daawatay waraysi lagaa qaaday kaddib waxay bilowday in ay feerka barato, waana toban jir. War fiican buu ahaa oo waxaan is iri haddii aad sidaas dadka qof dhiiri geliya ugu noqoto waabad guulaysatay” ayay tiri Ramla Cali.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54278083original article

Related Articles

Dagaal culus oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Aksum ee waqooyiga Itoobiya ayaa isku bedelay goob dagaal, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo maamulka Tigrayga. Millateriga dowladda Itoobiya ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta garoonkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo taabacsan millateriga Itoobiya, taasi oo keentay in ciidamada Tigrayga ay weerar ka geystaan garoonkaas. Xoogaga gaarka ah ee Tigrayga ayaa weerar aan kala joogsi laheyn ku hayay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay garoonkaasi, iyagoo bur-bur xoog leh gaarsiiyay dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa baahisay sawiro u muuqda garoonka magaalada Aksum, kaasi oo uu ka muuqdo bur-bur xoogan, isla markaana laga dheehan karayo dhufeysyo laga sameeyay gudaha garoonka. Sidoo kale dowladda ayaa hore u baahisay inay gacanta ku dhigtay garoonkaasi, inkasta oo uu hoggaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremichael oo 19-kii bishan la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters uu sheegay inay gacantooda ku jirto magaalada Aksum oo ku yaalo garoonku. Debretsion ayaa si cad u kala sheegin in garoonka uu ku jiro gacantooda iyo in kale, midaasi oo sarre u qaadeysa sheegashada dowladda federaalka Itoobiya oo soo bandhigtay sawirada bur-burka. Si kastaba, waxa xiligan adag in warbaahinta madax-banaan ay xaqiijiso sheegashada labada dhinac, maadama ay weli go’antahay isgaarsiinta gobolka oo uu ka socdo dagaal xoogan. Let’s block ads! (Why?)

VOA oo kulan dadweyne ku qabatay Garoowe

Download Audio

Stay Connected

21,102FansLike
2,455FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Mahad Salaad: “Cumarow qoriga dabka ah ee Farmaajo kuu soo dhiibay adiga haku guban”

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia ayaa  ka jawaabay hadal maanta ka soo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish. Duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta iyo musharaxiinta shirku uga socday Muqdisho ee maanta soo soo saaray War murtiyeedka Cumar Filish oo ka hadlayey kulan lagu taageerayey DF oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay iney magacowdo guddiga doorashooyinka, isagoo xusay iney la dagaalami doonaan cidii isku dayda iney qalalaase abuurto, isagoo soo daliishadey aayad quraan ah. Mahad Salaad oo ka jawaabaya qoraalka Farmaajo ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga jawaabayo hadalka Cumar Filish kaasoo sidan u qornaa:- Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine! Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi! Mahad Salaad Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous article(Sawirro) Dowlad ka tirsan Yurub oo Somalia ka cafisey deyn gaareysa $306 Milyan oo dollar

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54278083original article