Sunday, November 29, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble oo war soo saaray kadib markii uu la kulmay CC Shakuur

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faah faahin ka bixiyey kulan gaar ah oo uu maanta xafiiskiisa kula qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Rooble oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in isaga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ay wada falan-qeeyeen arrimo badan oo ay ugu horreyso doorashada 2020/2021.

“Waxaan Maanta kulan Qiimo leh aan wada yeelanay Hugaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame oo aan wada Gorfeeynay Arimo badan oo ay ugu horeyso sidii lagu qaban lahaay Doorasho aan waqtigeeda dib uga dhicin,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markasta uu xafiiskiisa u furan yahay dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga wada-tashado arrimaha doorashado.

“Xaafiiskeygu waa mid 24 ka saac gacmo furan kusoo dhaweynaayo Saamileyda Siyaasadeed,” ayuu sii raaciyey, Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa maanta qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulankooda diirada ku saaray in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Si kastaba ha’ahaatee Ra’iisul wasaaraha cusub oo shalay codka kalsoonida ay siiyeen xildhibaanada golaha shacabka ayaa wada dadaallo xoogan iyo kulamo wada-tashiyo ah, maadaama ay u taallo shaqo aad u adag oo ay ugu horreyso doorashada 2020/2021-ka.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/raiisul-wasaare-rooble-oo-war-soo-saaray-kadib-markii-uu-la-kulmay-cc-shakuur/original article

Related Articles

Stay Connected

21,117FansLike
2,458FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Musharaxiinta Mucaaradka oo sameystay ilaalo xooggan & Somaliland oo wajaheysa ciqaab

https://www.youtube.com/watch?v=87dhBm3oFIE&feature=youtu.be&fbclid=IwAR1B2KHk4J7ALsK-akh6RHpa_3EI95ft9UT_avyk3CvdX6S6Gqq3WFnYPXw

War cusub oo ka soo kordhay weerar Bambaano oo caawa ka dhacay degmada Xamar-weyne

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax Bambaano oo caawa fiidkii ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan. Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa yimid ka dib markii nin hubeysan oo bam gacmeed ku tuuray xarunta saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne oo ku dhex yaalla suuqa degmadaas. Khal khal ayaa ka dhacay suuqa qaraxaasi ka dib, waxaana deg deg loo xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay fureen rasaas aan sidaa u badneyn. Saraakiisha Booliska Somalia ayaa sheegay in ciidamo ku sugnaa agagaarka saldhiga Xamar-weyne ay gacanta ku dhigeen ninkii tuuray bamkaas, xili uu isku dayayey inuu cararo. “Ninkii bamka tuuray gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana lagu hayaa xabsiga, laamaha amniga ayaana su’aalo weydiinaya, bamka uu tuurayna ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dad wax ku noqday” ayuu yiri taliyaha Booliska degmada Xamar-weyne oo la hadlay warbaahinta. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/raiisul-wasaare-rooble-oo-war-soo-saaray-kadib-markii-uu-la-kulmay-cc-shakuur/original article