Sunday, November 29, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulamo  Gaar-Gaar Ah La Qaatay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle Iyo Siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo  gaar-gaar ah la qaatay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle iyo siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulamadaan oo ka qabsoomay hoyga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiradda lagu saaray, sidii looga wada shaqayn lahaa , arrimaha Hortabinta leh  ee ku salaysan  marxalada uu dalku ku jiro sida in Doorashooyinku  ay ku qabsoomaan  si  daah furan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  mas’uuliyiinta  uu la kulmay ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyin ku saabsan fikirkooda ku aaddan sidii looga wada shaqeyn lahaa  Arrimaha Amniga dhaqaalaha , Doorashooyinka oo dhamaan mudnaanta koowaad u leh Ra’iisul Wasaaraha, waxa ayna ku bogaadiyeen sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu  Sameeyo horumarka dhinac kasta leh oo ku dhisan fikir wadaag.

This post first appeared on Radio Moqdisho. Read the https://www.radiomuqdisho.net/raiisul-wasaare-rooble-oo-kulamo-gaar-gaar-ah-la-qaatay-madaxweynayaasha-dawlad-goboleedyada-jubbalanad-hirshabeelle-iyo-siyaasiyga-cabdiraxmaan-cabdishakuur-sawirro/original article

Related Articles

Stay Connected

21,117FansLike
2,458FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Musharaxiinta Mucaaradka oo sameystay ilaalo xooggan & Somaliland oo wajaheysa ciqaab

https://www.youtube.com/watch?v=87dhBm3oFIE&feature=youtu.be&fbclid=IwAR1B2KHk4J7ALsK-akh6RHpa_3EI95ft9UT_avyk3CvdX6S6Gqq3WFnYPXw

War cusub oo ka soo kordhay weerar Bambaano oo caawa ka dhacay degmada Xamar-weyne

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax Bambaano oo caawa fiidkii ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan. Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa yimid ka dib markii nin hubeysan oo bam gacmeed ku tuuray xarunta saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne oo ku dhex yaalla suuqa degmadaas. Khal khal ayaa ka dhacay suuqa qaraxaasi ka dib, waxaana deg deg loo xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay fureen rasaas aan sidaa u badneyn. Saraakiisha Booliska Somalia ayaa sheegay in ciidamo ku sugnaa agagaarka saldhiga Xamar-weyne ay gacanta ku dhigeen ninkii tuuray bamkaas, xili uu isku dayayey inuu cararo. “Ninkii bamka tuuray gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana lagu hayaa xabsiga, laamaha amniga ayaana su’aalo weydiinaya, bamka uu tuurayna ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dad wax ku noqday” ayuu yiri taliyaha Booliska degmada Xamar-weyne oo la hadlay warbaahinta. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

This post first appeared on Radio Moqdisho. Read the https://www.radiomuqdisho.net/raiisul-wasaare-rooble-oo-kulamo-gaar-gaar-ah-la-qaatay-madaxweynayaasha-dawlad-goboleedyada-jubbalanad-hirshabeelle-iyo-siyaasiyga-cabdiraxmaan-cabdishakuur-sawirro/original article