Friday, November 27, 2020

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Arrimo Quseeyo Doorashooyinka

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka caawin doonto arrimo dhowr ah kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka soo socda oo dalka uu galayo dabayaaqada sanadkaan 2020-2021-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Jemes Swan oo kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar ayaa looga hadlay arrimo quseeyo doorashooyinka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa aad loo falanqeeyey sidii saaxiibada Soomaaliya ay taageero dhan ammaanka u siin lahaayeen dowladda waqtiga lagu jiro doorashooyinka, oo inta badan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiyaan.

Qaramada Midoobay ayaa dowladnimada Soomaaliya waxaa ay ku bixisaa dhaqaalo badan oo dhanka amniga ah, sida ciidama AMISOM oo mushaarkooda ay bixiso  waxaana sidoo kale ay bixiyaan qarashaadka xiligi doorashooyinka dalka.

Goobjoog News

Related Articles

Turkiga oo ku gacan seyray go’aan ka soo baxay Baarlamanka Midowga Yurub

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Dawladda Turkiga ayaa ka hor timid go’aan ay soo saareen Baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo ku aadan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus. Midowga ayaa soo saaray go’aan ay Turkiga ugu sheegayaan inay farahaa kala baxaan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus taasoo uu ka biyo diiday Turkigu. Afhayeen u hadlay dawladda Turkiga ayaa sheegay in Turkiga aan marnaba loo yeerin doonin danihiisa guud iyo tiisa gaar ahba, Baarlamaanka Midowga Yurubna aysan wax shuqo ah ku lahayn. Bilihii la soo dhaafay waxaa kasocday Badda Meditarenianka hawlo shidaal baaris ah, taasoo uu waday Turkigu, sidoo kale waxaa ka taagnaa qalalaase arrintan ka dhashay. Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Baarlamaanka Midowga Yurub ay u muuqdaan inay ka qarsan yihiin xaqiiqooyin badan, ayna tahay in ay raadiyaan. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleMadaxweyne Trump oo shuruud ku xiray aqoonsiga natiijada doorashada

Madaxweyne Trump oo shuruud ku xiray aqoonsiga natiijada doorashada

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu iskaga tagayo Aqalka Cad haddii Guddiga nidaamka ergada doorashada ay caddeyaan in Joe Biden uu yahay midka ku guulaystay Doorashada dalka Maraykanka. Trump ayaa horay u diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaartay doorashadi la qabtay 3 Bisha November, isagoo sheegay in doorashada laga shubtay uusana aqbali doonin in laga guulastay. Arintan ayaa u eg mid muujinaysa in Trump uu soo debcay, uuna aqoonsan doono in laga guulaystay Doorashada. Codbixiyeyaasha nidaamka ergada doorashad ayaa kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo. Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa la diiday, maadaama aysan jirin cadeymo buuxa oo loo hayo. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous article‘Why now?’ Dismay as US considers troop pullout from Somalia Next articleTurkiga oo ku gacan seyray go’aan ka soo baxay Baarlamanka Midowga Yurub

Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Ka Soo Laabtay Dhaawac Taam-na U Ah Kulanka Brigton.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga kabtanka u ah kooxdiisa ee Jordan Henderson ka soo kabsaday dhaawacii uu qabay. Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu Henderson kooxda la qaatay tababarka buuxa waliba diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Brighton ee premier League. Warkan ayaa ah mid u fiican Klopp iyo kooxdiisa kuwaas oo ka cabanaya dhaawacyo aad u badan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan. Isaga oo la hadlaya saxaafada ka hor kulanka Brghton ayuu Klopp yidhi”Hendo waxa uu shalay qaatay tababar buuxa iyo tababar kali ah, waan eegi doonaa fal celiskiisa”. “Xiddigaha kale waxa ay shalay qaateen tabbabar soo kabsasho, waxa aan eego doonaa saacadaha soo socda kadib ayaan go’aan gaadhi doonaa”ayuu sii raaciyay

Stay Connected

21,109FansLike
2,456FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Siyaasi soo jeediyey Qorshe yaab leh: Muddo kordhin Baarlamaan iyo Doorasho Madaxweyne cusub (Akhriso)

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa soo jeediyey qorshe muddo kordhin loogu sameynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaanayo Bisha Disembar 2020. Wuxuu soo jeediyey si xaaladda taagan loo dejiyo in muddo sanad ah loogu daro Baarlamaanka hadda jira, kadibna uu Baarlamaanka hadda jira soo doorto Madaxweynaha cusub, sanad kadibna oo ku beegan Disembar 2021 lasoo doorto xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad. Ad “Si buuqa siyaasadda iyo jahawareerka ka jira dalka loo qaboojiyo waxaa ila haboon in la kala qaado doorashada madaxweynaha iyo doorashada xildhibaannada. Baarlamaanka hadda jooga ha loo sameeyo muddo kordhin hal sano ah. Ha doorteen madaxweyne, sannad kaddibna ayadoo aan la isku heysan kursi madaxweyne ha la soo doorto xildhibaannada.” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble oo ujeedkiisu yahay in la kala qaado doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka. Suuragelnimada qorshahan ayaa shaki weyn ku jiraa, iyadoo sharci ahaan dood weyn keeni karto qaabka waqtiga loogu kordhinayo Baarlamaan waqtigiisu dhammaaday iyo awoodda uu Baarlamaankaasi ku dooran karo Madaxweyne, iyadoo la ogyahay in Baarlamaanka 10-aad lagu tilmaamay midkii ugu liitay ee dalka soo mara. Warar Xul ah

Xasuusteyda Ayaamihii Xayiraadda Waxabarashadda ee Covid-19 (WQ: Abdifataah M. Ahmed)

19 March 2020 Ayey aheyd wakhtigii lagalley bandooga xayiraadda fayraska karoonaha  isla markaasina   aannu luminey  wakhtiguna naga xaddey farxadii saacaddaha  dheer ardeyda fasalka lagu wada qaadan Jirey,Guud ahaan Waxbarashadda Dalkuna waxa ay hakad ku Jirtey inteeda badan tan iyo Bishii Toddobaad ee sannadka,iyada oo si rasmi ah loo furey horraantii bishii 8aad ee sannadkan.Bahda waxbarashadda dalka waxa waayuhu ku dhuftey waayo-aragnimo cussub oo aheyd (Virtual World).saacadd kasta oo ka mid ah ayaamahaasi ayeyna nolosha ku soo qaateen caalam ku cusub,Macallin kasta iyo Ardey kasta socdaalka iyo safar gaar ah oo waayo-aragnimo ayey u lahayeen soona dhex dhiggeen.Qof kastaa Meel ayuu wax ka billaabey,Mid Bar kulanka bulshadda iska xoojiya oo soo gala,Qof Qalab iyo agab Alaadaha wax lagu dhiggaayo oo ka maqnaa raadsada,Mid E-mail Sameysta,Sameynta Shabekado iyo Guryo Tiknolojiyaddeed,Dirrida Fariimaha Maalinlaha ah,iyo Mid Barta oo fahma Xidhiidhada Cashar Gudbinta  loo soo isticmaalayo waxbarashadda Masaafadda Fog intaba,Tareenkii Cusbnaa ee la wada korey qofba meel ayuu la marey. March ka hor Jadwalka guud ee waxbarashadda somaliland wuxuu ahaa mid u socda habkii dhaqamiga ahaa ee dalku lahaa,farxad badan iyo riyooyin badan ayaa billowgii sannadka dad badani ay lahaayeen intaan la soo gaadhin badhtamaha sannadka 2020,ayaamihii quruxda badnaa waxa dhaawacey saf marka sardhada karoonaha,waxaana mar qudha lagu waa bariiystey argagax iyo naxdimo  guud oo dunnida daboolley taasi oo albaabada isugu dhufatey waxbarashaddii socotey markii duniddu noqotey Mid Saf mar faafaya. Macallinka, Koorasyada iyo Xassuustii Karoonaha Wakhtigii horre wuxuu socdey iyada oo macallinka iyo Ardeyga mid kasta kaalintiisa gudanaayo,Macallinkuna muu aheyn ardey,Ardeyguna muu aheyn Macallin,laakiin xaaladdan cussub labadoodiiba wax ay ka dhigtey Ardey wax barraneysa,Masuuliyadd ayaa macallinka garbihiisa saarneyd ku wajahneyd bixinta,diyaarinta iyo gudbinta cashar ee duruusta Ardeydiisa,Macallin kastaba wuxuu masuul ka ahaa qaabeynta mustaqbalka ardeydiisa si uu ugu diyaariyo fac iyo nolol cussub oo ay ku wajahan yihiin.Macallin kastaa isaga oo Cutubyo maraayo duruustuna u furan tahay ayaa qabtu u dhacdey,Annigu wakhtigaasi waxaan dhiggaayey Kooras qorraal ah (Theory) isla markaasina la akhrisan karo meel fogna ardeyda laga soo gaadhsiin karo,hase ahaate macallimiin badan koorasyada u furnaa ee ay ku qornaayeen waxa ay ahaayeen  kuwo aan masaafad fog lagu gaadhsiin karin ardeyda.Gudbinta Maaddooyinka sidda Xisaabaadka,Sayniska,Muhindisnimada,ITga iwm waa lagu soo dhibaatoodey waxaaney barrayaashu la soo mareen rafaad iyo jab badan.Gudbinta Casharaddana waxa macallimiinta u dheeraa Naxdinta, is illaalinta, iyo Maqalka badan ee wararka dunnida ee la xidhiidhey dadka badan ee tarab tarabka ugu dhimanaaya fayraska karoonaha qaaradaha adduun weynaha.waxaana ku furnaa isku buuqyo la xidhiidha helida ujuurada iyo mushaharaad ku filan noloshooda. Ujeeddada ugu weyn ee waxbarashadda masaafadda fog waxa ay aheyd in ardeyda loo dhameystiro si kasta oo ay noqotaba Casharadda iyo cutubyada socdey.Macallimiin badan oo  in ay dunidda tiknolojiyadda ka danbeeyaan arkey  ayaa xaaladdaasi dalku soo marey u tafo xaytey siddii ay boodhka isaga tumi lahaayeen dunida cussubna ugu soo guuri lahaayeen.Keyd casharro ah oo loo diyaariyey nidaam ku saleysan Waxbarashadda masaafadda fog ayuu macallin kastaa hadda heystaa dalkana ku soo kordhiyey.qalabyada iyo aalahada wax lagu diyaariyo,casharaddana lagu duubo,waxna lagu gudbiyo ayaa soo galay gacanta macallimiin  badan oo ay iibsadeen Markii horre ka maqnaa.wax kasta  wxa loo rarrey dhanka khadka internetka,waxa ugu badan ee la soo isticmaaleyna waxey ahaayeen Whatsupp’ iyo Googleclassroom.Noocyadii imtixaanaadka ardeyda laga qaadi jireyna gabi ahaantooda nidaam waxbarashadda masaafadda fog ah ayaa macallimiintu kaga soo qaadeen iyaga oo isticmaalay amaro iyo koodhadh Tiknolojiyaddeed. waayo aragnimadii waxbarashadda masaafadda fog waxa ay macallimiin badan ku tahay tan iyo intii dalka lagu soo noqdey khibrada ugu adag ee ay soo arkeen markii dalku xayiraadda galay.qof kastaa wuxuu gallay naxdin iyo argagax haddana macallimiinta iyo ardeyda waxa la farey in ay guryaha wax isugu dhigaan kuna wada xidhiidhaan. La soco Qeybta Labaad Abdifataah M. Ahmed [email protected] Let’s block ads! (Why?)