Thursday, October 22, 2020

Qaar ka mid ah raggii kufsiga & dilka kula kacay Xamdi Max’ed oo gacanta lagu dhigay

– Advertisement –

Iyadoo uu socdo baaritaan dhinacyo bada leh oo lagu sameynayo kufsiga iyo dilkii loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa ciidamada Booliska DF waxay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo si weyn loogu tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen tacadigaas.

Mid ka mid ah ragga la qabtay ayaa la sheegay inuu ninkii degenaa qolkii lagu kufsaday Xamdi, waxaana laga soo qabtay hotel ku yaalla Muqdisho oo uu isku qarinayey xili uu qorsheynayey inuu beri ka dhoofo garoonka Aadan cadde, uuna diyaarsaday dokumentigii dhoofkiisa si uu baxsado, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan laanta dembi baarista ee C.I.D.

Ninkan la qabtay ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu ka qeyb qaatay fal dambiyeedka lagula kacay Marxuumad Xamdi, waxaana qabashadiisa ay bilow u tahay sidii ay cadaalad u heli laheyd Xamdi oo lagula kacay gaboodfal nafteeda lagu dhaafiyey.

Sidoo Kale, Waxaa la xiray nin kale oo si weyn loogu tihunsan yahay inuu ugu yaraan gacan siiyey ragga fal dembiyeedkan ku kacay kaasoo Boolisku sheegeen iney weli ku haayaan baaritaan qoto dheer.

Booliska Somalia ayaa baaritaan ku haya aqoonsiga iyo soo xirida raggii ka dambeeyey kufsiga marxuumad Xamdi kaasoo si habsami leh u socda iyadoo la rajaynayo in la soo qabto cid kasta oo ka qeyb qaatay fal dembiyeedkan foosha xun.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhowr maalmood ka hor laga soo tuuray meydkeeda dhisme lix dabaq ah oo ku yaalla xaafada Tre biyano ee degmada Waaberi ka dib markii kufsi fool xun lagula kacay, waxaana falkaas si weyn uga carooday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibeda kuwaasoo dalbanaya in marxuumadu hesho cadaalad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Daawo Khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi ee Hara-sheekh iyo Dareenkii Shacbiga ku dhaqan

October 22, 2020 | Published by: yaska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer Hara-sheekh ee soo dhaweysay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa qorshaheeda safka hore kaga dartay in la horumariyo baahiyaha Aas-aasiga ah ee degmada Hara-sheekh, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hara-sheekh in MCH casri ah laga dhiso wasaaradda caafimaadka qorshaheeda sannadkan dhammaanaya way ku jirtaa, haddii ay la raageenna Insha Allah way iman doonaan oo way bilaabi doonaan, waayo waa qorshe hore u yaallay.” [embedded content]

Trump iyo Biden oo yeelanaya dooddii ugu dambeysay

WASHINGTON, DC —  Madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden oo labaduba ku tartami doona doorashada madaxtinimada ee bisha danbe, ayaa caawa yeelan doona dooddi ugu danbeysay oo ay si fool-ka-fool ah isaga hor imaan doonaan. Labada musharrax oo ku jira da’da todobaatameeyada ayaa dooddoodii koowaad aad isu weeraray, isla markaana hadalka iska boobayay, haba ugu darnaado madaxweyne Trump, arrintaasoo dadka ka faallooda siyaasadda Mareykanka ay ku sheegeen in ay ka dhigtay dooddii ugu xumeyd taariikhda siyaasadda Mareykanka. Hase yeeshee doodad caawa, ayay guddiga qaban-qabaada doodaha oo ah guddi madax bannaan sheegeen, in labada daqiiqo kasta ee la siiyo musharrax ay makarafoonka ka damin doonaan musharraxa kale si warka loo kala helo. Wariyaha dhex-dhexaadinaya doodad, Kristen Welker oo ah saxfiyad ka shaqeysa TV-ga NBC News, ayaa soo xulay lix qeybood oo ay ka dhigtay mowduucyada doodad, kuuwaasoo kala ah, Dagaalka COVID-19, Qoysaska Mareykanka, Arrimaha isirka ee Mareykanka, Isbaddalka Cimiladda, Amniga Qaranka Mareykanka iyo hogaaminta. Labada musharrax ayaa ku dadaali doona sidii ay u soo jiidan lahaayeen, dadka aanan wali go,aan ka gaarin cidda ay u codeyn doonaan, hase yeeshee in ka badan 40 milyan oo qof ayaa mar hore go’aansaday oo codadkooda ka dhiibtay doorashada, qeybo ka mid ah gobollada oo dadka loo ogolaaday in ay codeyn karaan ka hor maalinta weyn ee 3-da bisha November oo ay inanga xigto wax ka yar labada todobaad.

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Maxaa kasoo baxay Shirkii Xukuumada Puntland Maanta yeesheen?

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha horumarinta Puntland iyo xaaladda Covid19 ee deegaanada Puntland. Madaxweyne Siciid Dani ayaa ka maqnaa shirka iyadoo inta badan Wasiirada laga dhageystay warbixin shaqadooda ah. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Weftigii Madaxweyne Muuse Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmooyin Kala Duwan Oo Ka Tirsan Gobollada Daad-madheedh Iyo Maroodi-jeex, Kuna Soo Laabtay ...

October 22, 2020 | Published by: yaska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii heer qaran ee uu hoggaaminayey oo maalmahan safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, waxana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex. Ugu horrayn madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay safarkooda saaka ka bilaabeen kormeer shaqo oo ay ku tageen dugsiga hoyga ah ee Xaaxi oo katirsan gobolka Daad-madheedh, waxana uu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda Ardayda dugsigaas wax ka barata, isaga oo warbixin ka dhegaystay maamulka sare ee dugsigaas. Magaalada Balli-sugulle, ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa ay boqollaal shacab ahi kusoo dhaweeyeen, waxana uu madaxweynuhu halkaas ku haaneeday haleello irmaan oo uu shacabka hortiisa ku lisay, isaga oo uga sii gudbay dhinaca degmada Hara-sheekh oo ay shacabkeeda oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiini madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweyn miisaan leh ugu sameeyeen, isaga oo halkaas warbixinno kaga dhegaystay qaar kamid ah waayeelka iyo waxgaradka degmada Hara-sheekh. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer Hara-sheekh ee soo dhaweysay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa qorshaheeda safka hore kaga dartay in la horumariyo baahiyaha Aas-aasiga ah ee degmada Hara-sheekh, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hara-sheekh in MCH casri ah laga dhiso wasaaradda caafimaadka qorshaheeda sannadkan dhammaanaya way ku jirtaa, haddii ay la raageenna Insha Allah way iman doonaan oo way bilaabi doonaan, waayo waa qorshe hore u yaallay.” Deegaannada Balli-Axmed iyo Shaarub ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyey, waxana bulshada deegaannadaas ku dhaqan ka muuqatay dareen waddaniyadeed iyo taageero dhinaca waxqabadka ah oo ay la garab joogaan xukuumadda. Degmada Bandar-wanaag oo katirsan gobolka Maroodi-jeex, ayey madaxweynaha iyo weftigiisu soo dhaweyn baaxad leh kala kulmeen, waxana shacabkii madaxweynaha soo dhaweynayey hormuud u ahaa maamulka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka golaha degaanka caasimadda, madaxda dhaqanka, xildhibaannada iyo qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaannadaas kasoo jeedda, iyada oo madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey madal loo asteeyey in weftigu shacabka kala hadlo. Madaxda degmada Bandar-wanaag iyo xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaan oo hadallo kooban ka jeediyey madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey ka hadlay, ayaa ka xog-warramay xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha haysta bulshada deegaannadaas ku dhaqan, kuwaas oo ay ugu weyn tahay baahida loo qabo in talo midaysan laga yeesho waddada Oodweyne-Burco oo ah mid wax badan ka taraysa isu socodka gobollada bariga iyo galbeedka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Bandar-wanaag, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee lagu qaabilay, waxana uu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax laga qabto baahiyaha lama huraanka ah ee degmada ka jira, waxana uu shacabka iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay xil iska saaraan ka qayb-qaadashada baahiyaha bulsho ee halkaas ka jira oo aan dawladda oo kaliya lagu hallaynin. Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo waxa hadhimo-sharafeed loogu sameeyey duleedka waqooyi-bari ee magaalada Bandar-wanaag, waxana ay isla galabta kusoo laabteen caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo dhammaystay safar shaqo oo shan maalmood qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada dalka. [embedded content] Wa-bilaahi Tawfiiq