Monday, October 19, 2020

Pep Guardiola Oo Man City U Tilmaamay Badalka Sergio Aguero.

Kooxda Man City ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Borussia Dortmund ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu Bundesliga ku soo biiray suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa sii socday kadib markii uu saddexley u dhaliyay xulka qarankiisa Norway.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in uu tababaraha Man City ee Pep Guardiola taageero weyn u yahay xiddiga Haaland una sheegay maamulka kooxda in ay la soo saxiixdaan xiddiga 20 jirka ah.

Guardiola ayaa maamulka Man City u sheegay in uu Erling Haaland yahay badalka mustaqbalka fog ee Sergio Aguero kaas oo laga yaabo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laacib.net

Related Articles

Xog: Muqdisho iyo Jowhar oo lagu diyaariyey xubnaha Xawaadle ee baarlamanka HirShabelle – Yaa sameeyey?

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle. “Waa diyaarsan yihiin xubnaha ka soo geli doono Xawaadle oo diidan dhismaha HirShabeelle, waxaa soo diyaariyay Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, odayaal kale ayaa qeyb ka ah soo xulista waxaana loo qaaday Jowhar qaarkoodna halkaas ayey joogaan halka kuwa kalane ay Beladweyne joogaan,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee ka soo jeeda Hiiraan. Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa la sheegay in midkood qaban doono xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxayna kaalin weyn oo muuqata hadda ku leeyihiin abaabulka loogu jiro soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle. Madaxweynaha HirShabaeelle ayaa loo wadaa Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal, taasi oo beesha Xawaadle ay aad uga soo horjeedo ayaga oo ku doodaya in kursigaas ay tahay in loo daayo ayaga kaliya. Siyaasiin badan, odayaal dhaqameed reer Hiiraan iyo qaar kale oo bulshada kamid ah islamarkaana dhamaantood ka soo jeedo Beesha Xawaadle ayaa diidan qaabka loo marayo dhismaha maamulkaas oo waqtigiisa dhamaaday, ayaga oo ku gacan seeray inay ka qeyb qaataan. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

DEG DEG:Fanaanad caan ah oo goor dhow ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

- Advertisement - Allaha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda. Sii hayaha wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir, hobollada waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan. Saynab waxay fanka ku soo biirtay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, iyadoo riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde. Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aasaasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale. Waqtigii burburka Saynab xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Madaxweyne ku xigeen Afrikaan Ah Oo Fasax ku Qaadanaya Hotel Habeenkii Lagu Seexdo 50,000 oo dollar

Madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea Teodorin Nguema Obiang, ahna wiilka madaxweynaha dalkaas, ayaa fasax ku qaadanaya jasiirad lagu nasto iyagoo muuqaallo iyo sawirro ay iska qaadeen soo dhigay barta Instagram-ka. Muuqaalkii ugu dambeeyay   ayaa waxaa la arki karaa isaga oo ku dhex lugeynaya xeeb cidlo ah. Wuxuu deggan yahay hotel habeenkii lagu seexdo $50,000 (£38,000) kaas oo ku yaalla jasiirad gaar ah, ayuu weriyahaasi ku yiri qoraalkiisa.. Sanadkii 2017 wargeyska The Economist ayaa qoraal uu cinwaan kaga dhigay faataalaha Instagram sidoo kale waa madaxweyne ku xigeenka Equatorial Guinea, wuxuu kaga hadlay nolosha Mr Obiang. Waxaa qoraalka lagu xusay sawirro uu madaxweyne ku xigeenku ku soo bandhigayo gawaaridiisa iyo guryihiisa qaaliga ah. Sanadkii 2017, maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah oo dib loo dhigay, isagoo lagu eedeynayo musuqmaasuq. Halkan hoose ka daawo

Stay Connected

20,876FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Fanaanaddii Baxsan oo Baxday

Allah u naxariistee waxaa goor dhow  magaalada Muqdisho ku geeritootay Seynab Xaaji Cali Baxsan oo kamid aheyn fanaaniintii hore ee  Soomaaliyeed. Sanab ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku xanuunsaneyd gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeybn maanta u geeriyootay xanuunka ay la dhul jiif dhowaanahaan. Allah u naxariistee fanaanadda ayaa waxaa ay kamid aheyd  kuwii aan ka bixin dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ka tirsaneyd hoboladii qaranka Waabari. Goobjoog News

Waxa Aan U Sugi Doonaa Sida Xaas Fiican Oo Uu Ninkeedii Jeelka Ku Jiro.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dhaawaca xiddigiisa Virgil Van Dijk kaas oo dhaawac halis ah ka soo gaadhay kulankii Derby-ga. Van Dijk ayaa dhaawac xun ka soo gaadhay jilibka waxana uu gali doonaa qaliin la filayo in uu garoomada kaga maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxyaabaha qaar ayaa iska cad, Van Dijk waxa uu maqnaan doonaa muddo dheer, ma doonayno in aan wakhti u qabano sababta oo ah xiddiguhu waxa ay ku kala duwanyihiin dhanka bogsashada”. “Van Dijk waxa uu maqnaan doonaa muddo dheer waana arin aan sii ogaa kadib dhamaadkii ciyaarta markii aan daawaday dhacdadaa”. “Waxa aan Van Dijk u samayn doonaa waxa ay Xaas fiican samayso marka uu Ninkeedu jeelka Ku Jiro”. Sii Akhriso: Sheeko La Yaab Leh: Nin Muslim Ah Oo Loo Diiday Dhalasho Dalka Jarmalka Ah & Sababta Oo La Ogaaday Share this: