Saturday, October 31, 2020

Muxuu yahay gantaalka “weyn” ee lagu soo bandhigay dhoollatuska Kuuriyada Waqooyi?

16 Daqiiqadood ka hor

Qalabkan kuma ciyaari kartid maqalka iyo muuqaalka

Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaal cusub oo xitaa weyninkiisa ay aad ula yaabeen khubarada falanqeeya arrimaha hubka ee waddankaas. Khabiir dhinaca gaashaandhigga ah oo lagu magacaabo Melissa Hanham ayaa sharraxaya gantaalkaas iyo sababta uu khatar ugu yahay Mareykanka iyo dunida kaleba.

Si loo xuso sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga haya talada Kuuriyada Waqooyi ee Shaqaalaha, waddanku wuxuu habeen saq dhexe ah sameeyay dhoollatus milatari oo aysan jirin cid kale oo kala qeyb qaadaneysay.

Munaasabaddan oo si weyn loo qurxiyay ayaa lagu soo bandhigay waxyaabihii ay dunida fileysay. Waxaa sidoo kale khudbad qiiro leh ka jeediyay guddoomiyaha xisbigaas, Kim Jong-un, oo mararka qaar illin iska tirayay markii uu ka hadlayo caqabadaha uu soo wajahay dalkiisa.

Ugu dambeyn, waxaa lagu soo bandhigay gantaalkii ugu weynaa ee ay abid sameysato Kuuriyada Waqooyi, oo ah nooca loo yaqaanno ICBM.

Haddaba waxaan halkan ku sheegeynaa saddex arrimood oo aan ka ognahay gantaalkaas.

Dhoollatuska milatari waxaa loo qabtay si loogu xuso 75 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga Shaqaalaha ee talada haya

Hubkii istiraatiijiga ahaa ee uu ballan qaaday Kim

1-dii bishii January ee sanadkan 2020-ka, Mr Kim wuxuu khudbaddiisii sanadka cusub ku shaaciyay in Kuuriyada Waqooyi “ay ku howlaneyd sameynta hub casri ah ay heysan karaan oo waliya waddamada aadka u hormaray”.

Wuxuu si gaar ah hubkaas ugu tilmaamay hubka “istiraatiijiga ah” – oo micnaheedu yahay nuclear – ee la sameynayo.

Mr Kim wuxuu hubkaas si toos ah ula xiriiriyay Mareykanka, isagoo yidhi: “Mustaqbalka, mar walba oo uu Mareykanku ka labalabeeyo xasilinta xiriirka Kuuriyada Waqooyi uu la leeyahay, wuxuu sii ogaan doonaa in uusan awood u heli doonin oo uu ku hungoobi doono isku daygiisa cadaadinta ah, maadaama ay sii weynaaneyso Kuuriyada Waqooyi, tabarteeduna ay sii noqoneyso mid aan la saadaalin karin.”

Hubkan cusub ee ICBM waa kii uu Mr Kim ku tilmaamay hubka istiraatiijiga ah. Waxaa si buuxda loogu talagalay in lagu bartilmaameedsado Mareykanka, haddii ay guul darreystaan wadaxaajoodyada ay maamulka Trump ku raadinayeen dib u soo celinta xiriirkooda Kuuriyada Waqooyi.

Khatar cusub oo ku wajahan qalabka difaaca gantaallada ee Mareykanka

Kuuriyada Waqooyi horayba waxay usii heysatay labo gantaal oo la tijaabiyay, oo noocoodu yahay ICBM. Mid ka mid ah oo lagu magacaabo “Hwasong-14” waxaa labo jeer la tijaabiyay sanadkii 2017-kii wuxuuna gaadhayaa masaafe dhan 10,000km (6,213 meyl).

Gantaalkaas oo qaadi kara hal madax oo hubka nuclearka ah wuxuu gaari karaa ku dhawaad dhammaan waddamada galbeedka Yurub iyo kalabar ka mid ah gobollada Mareykanka.

Hwasong-15 oo isagana sidoo kale la tijaabiyay 2017-kii ayaa gaadhi kara masaafe dhan 13,000km, taasoo micnaheedu yahay in uu hal madax oo nuclear ah gaarsiin karo meel walba oo ka mid ah dhulka Mareykanka.

Gantaalka cusub, oo wali aan la tijaabinin, ayaa gaadhi kara masaafe ka dheer midka Hwasong-15.

Gantaallo waaweyn ayaa lagu soo bandhigay dhoollatuska

Ilaa faahfaahin laga bixiyo sida uu u sameysan yahay, ama la tijaabiyo, way adagtahay inaan ogaanno masaafaha saxda ah ee uu gaadhi karo gantaalka cusub.

Hase yeeshee habka loo sameeyay ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ujeeddadeeda ay iska caddahay: Uma baahna inay sii kordhiyaan masaafaha gantaalladooda, maadaama ayba horay u sameysteen gantaallo masaafaha ku filan gaadhi kara.

Mar haddii aan masaafe laga fakareynin, waxaa diiradda la saarayaa sidii loo sameyn lahaa gantaal xambaari kara madaxyo badan oo nuclear ah.

Arrintaasna waxay dhibaato weyn ku noqoneysaa qalabka difaaca gantaallada ee Mareykanka, oo markii horeba culeys weyn uu heystay, sababtoo ah gantaal kasta oo soo aada dhinaca Mareykanka wuxuu u baahan yahay howl baaxad leh oo lagu celiyo.

Walaacdeg deg ah

Waxaa jira su’aalo badan oo ku gadaaman habka ay u sameysan yihiin gantaallada ICBM, taasoo micnaheedu yahay in aan la kala aqoonin marka la tijaabinayo iyo marka waddan lagu weerarayo toona.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee walaaca laga muujinayo waa in Kuuriyada Waqooyi ay awood u leedahay qaadista weerar nuclear ah marka loo eego qalabka gantaallada lagu tuuro ee ay heystaan.

Mar walba awooddaada nuclear-ka waxay ku xirantahay tirada qalabka gantaallada lagu rido ee aad heysatid.

Kuuriyada Waqooyi mar walba waxay munaasabadaha qaranka ku xustaa dhoollatus milatari

Mareykanka wuxuu qiyaasaa in Kuuriyada Waqooyi ay ridi karto ugu badnaan 12 gantaal oo noocoodu yahay ICBM. Xisaabtan waxay ku dhisan tahay awoodda uu leeyahay mid kasta oo ka mid ah lixda qalab ee gantaallada lagu rido karo ee ilaa hadda la ogyahay in Kuuriyada Waqooyi ay heysato.

Markaas kaddib Mareykanka wuxuu fursad u heli karaa in uu aargoosi sameeyo ka hor inta aan weerar labaad lala beegsanin.

Sanadkii 2010-kii, Kuuriyada Waqooyi waxay si sharci darro ah usoo iibsatay lix qalabka gantaallada lagu rido ah, oo ay kasoo qaadatay Shiinaha. Kaddib waxay ku sameeyeen dib u habeyn, si looga dhigo qalab mar walba xambaarsan gantaallada, xilligii la doodana loogu adeegsan karo in la rido.

Qalabka noocaas ah ayey hadda Kuuriyada Waqooyi u adeegsatay gantaalladaas markii dhoollatuska la sameynayay.

Kuuriyada Waqooyi waxay gaadiid aad u waaweyn u adeegsataa inay kaxeeyaan gantaallada ICBM

Xitaa gantaalka cusub ee aadka u weyn waxaa xambaarsan qalabka diyaarsan.

Dhoollatuskan wuxuu ka dhignaa in markii ugu horreysay aadduunka lagu arko wax ka badan lix qalabka gantaallada lagu kaxeeyo ah.

Sidaas darteed waxaa cad in Kuuriyada Waqooyi ay wali awood u yeelan karto sameysashada qalab aad u waaweyn oo gantaallada lagu xisro marka la qaadayo.

In Gantaalka cusub ay Kuuriyada Waqooyi sameysatay sanad uu caalamka dhibaato aad u weyn ku dhex jiro waxay muujineysaa sida aan loo dhayalsan karin waxa uu awoodda u leeyaahay waddankaas iyo hoggaamiyihiisaba ama heerka ay ka gaarsiisan yihiin dhinaca tiknoolojiyadda.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54506913original article

Related Articles

Kooxaha Deportivo Alaves iyo Barcelona oo barbaro ku kala baxay…. +SAWIRRO

(Spain) 01 Nof 2020. Kooxaha Deportivo Alaves iyo Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain. Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Deportivo Alaves. Daqiiqadii 31-aad kooxda Deportivo Alaves ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Luis Rioja. Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay. 64 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer France ee Antoine Griezmann. Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah, waxayna labada kooxood ku qeybsadeen saddexda dhibcood garoonka Camp Nou, Blaugrana ayaana haatan ku jirta booska 13-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga. SAWIRRO: Gool FM.

Barcelona Oo Weli Weysan Wadada Guusha La Ligaha , Toban Ciyaartooy Deportivo Ah Ayaa Bar-bar Dhac Ku Qabtay

Toban ciyaatooy Deportivo ayaa Barcelona ku soo diray bar bar dhac min hal gool ah , waxa uuna kulankaas uu ka tirsanaa waregga 6-aad ee horyaalka Spain Sheekada labada qeyb : Barcelona ayaa nasiinada loogu diray hal gool oo nadiif ah waxa ayna labada koox soo bandhigeen ciyaar  deg degsiimo leh xilli Barca kubadda ku badneyd. Barcelona waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen fursad ay qasaariyeen  taasi oo ay sii dheer tahay iyadoo uu is hor taagay goolhayaha Deportivo kaasi oo  bad baadinno cajiib ah sameeyay . Barcelona waxaa lagu dilay kubad raacasho iyo daafac xilli kooxda martida loo ahaa ay xeranayeen daafaca 7 ah kulamaa Messi iyo saaxibadiisa tagaan shabaqa halka Deportivo ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxaana jiray fursado  dhowr ah oo laga bad baadiyay . Ka dib qalad ka dhacay  Pique iyo goolahayaha Barcelona waxa ay Deportivo ku heleen gool ka dib markii kubad loo baasay goolhayaha uu ka qaatay Luis Rioja kaasi oo shabaqa dhigay . Deportivo waxa ay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka iyo habka raacasho  oo ay u sii dheer tahay deg degsiimada taasi oo keentay in halkaas gool lagu nasto. Qeybta labaad , Barcelona guud ahaan kubadda iyaga ayaa haystay balse nasiibka iyo daafac ayaa hor taagnaa illaa ay keeneen goolka bar bar dhaca waxaana dhaliyay Griezmann daqiiqadii 64-aad xilligaas oo ay ka faa`ideystaan tiro yaridda Deportivo ka dib markii uu kaarka cas ka qaatay Jota daqiiqadii 62-aad . Barcelona waa ay u dhawaanayeen gool labaad xilli daqiiqadii 70-aad laga diiday gool Griezmann uu dhaliyay sababo la xariirta Offisde , waxaan xusid mudan in Barcelona soo laabashadii ay horay u soo giliyeen  Pedri , Trincao iyo Pjanic oo loo saaray Lenglet, Dembele ,iyo Busquets  halka badalada kale ay yimaadaan daqiiqadihii 69-aad iyo 78-aad iyaga oo soo giliyay  Dest oo loo saaray Alba halka Fati lagu badalay Braithwaite . Dhamaadkii Barcelona waa ay ciqaabeen Deportivo kuwaasi oo kaliya maciin bidayay kubadaha rogaal celiska ah xilli daafac ahaan ay ku guuleysteen in ay is hor taagaan halista Messi iyo saaxibadiisa inaksto Messi daqiiqaidi 85-aad gool uu dhaliyay loo laalay Offside dartiis. Barca waxaa  daqiiqadihii geerida hor taagnaa oo goolal xaqiiq ahaa ka bad baadinayay goolhayaha Deportivo waxana ugu darneyd kubad Pjanic uu banaanka ka toogtay ,, waxana xusid mudan in heerka kubad haysashada Barca ee qeybtaa slabaad ay gaartay %78

Dhul-gariir labaad oo ku dhuftay Izmir & Madaxweyne Erdogan oo booqanaya (Sawirro)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Dhul-gariir labaad ayaa 24 saac gudahood la soo sheegayaa in caawa laga dareemay magaalada Izmir ee ku taalla galbeedka dalka Turkiga sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya. Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in dhulgariirkan uu ahaa mid xooggan oo cabirkiisi ahaa 5.3 inkastoo awoodiisu ka yareyd kii shalay dhacay. Lama oga illaa hadda khasaaraha uu geystay dhulka gariirka labaad oo ku soo beegmay xili uu magaaladaas booqanayo Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan oo uu kuurgalaya saameynta burburka iyo khasaaraha uu geystay dhulgariirkii shalay. Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoogan oo Jimcihi shalay ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga ayaa gaartay ugu yaraan 26 qof, halka dhanka dalka Greece uu isna dhul-gariirku ku dilay laba qof. Sidoo kale in ka badan 800 oo qof ayaa ku dhaawacmay dhul-gariirkii shalay ka dhacay magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga ee Izmir. Kooxaha badbaadada ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii ay burburka hoostiisa uga soo saari lahaayeen dad la la’yahay oo ay u badan tahay in ay ku hoos jiraan burburka guryaha dumay. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleDaawo: Farmaajo oo lacag ku qeybinaya Muqdisho & Kenya oo wada qorshe halis ah

Stay Connected

20,946FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Aktarkii ugu horeeyay aflaamta 007 James Bond oo geeriyooday (Sawiro)

Sir Sean Connery oo ahaa aktarkii ugu horeeyay aflaamta caanka ah ee 007 James Bond ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahaa. Sean Connery ayaa bilado badan ku guuleystey intii uu ku gudo jirey jilista aflaamta waxaana ka mid ahaa aflaamtii uu jiley ee caalamka caanka ka noqday The Hunt for Red October, Indiana Jones and the Last Crusade iyo The Rock. Filimkii ugu horeeyay ee caan noqday ayaa waxa uu ahaa filim uu jilayay burcadnimo No Road Back oo la sameeyay sanadkii 1957dii. Jilaagan Scotishka ahaa ayaa aflaamtii James Bond ayaa illaa 7 filim oo ahaa kuwa basaasnimada aktar ka soo noqday. Biladaha uu ku guuleystey ayaa waxaa ka mid ahaa Oscar,Labo biladood oo Bafta ah iyo Saddex biladood oo Golden Globes. Aflaamta 007 James Bond ayaa aad looga daawan jirey sanadihii lixdamaadkii illaa siddeetameeyadii dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Shineemooyinka aadka looga daawan jirey filimada James Bond ayaa waxaa ka mid ahaa Shineemo Hodon,Ceel-Gaab,Centrale,Missione,Xamar,Benadir,Ekwatore iyo qaar kale. sawiarada sean conary ee aflaamtii James Bond

Qaramada Midoobay oo ka shakisan in xiriir uu ka dhexeeyo Alshabaab iyo Waqooyiga Kuuriya

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dagaalamayaasha Alshabaab hoobiyaal ay ku tuureen horaantii sanadkan xarunta qaramada midoobay ee magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwo lagu farsameeyay wadanka Waqoyiga Kuuriya. Illaa lix madfac ayaa lagu weeraray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho intii u dhexeysay bilihii Febraayo iyo May ee sanadkan. Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Yonhap mid ka mid ah weerarada madaafiicda ah oo dhacay bishii Febraayo 17keedii ayaa lagu garaacay xerada Xalane illaa afar hoobiye balse aan qarxin. “Labo ka mid ah madaafiicdii aan qarxin oo la helay ayaa ahaa noocoodu 60-mm HE 63 gumaca hoobiyaha lagu farsameeyo wadanka jamhuuriyada dimuqraadiga ee Kuuriya.” ayuu guddigan ku sheegay warbixintii u dambesyay ee uu daabacay taasoo la soo dhigey shabakada ay leedahay Qaramada Midoobay. Arrintan ayaa waxaa ay muujineysaa in laga yaabo inuu jiro xiriir dhinaca hubka ah oo u dhexeeya ururka Alshabaab iyo dalka Waqoyi Kuuriya. Dalka Waqoyiga Kuuriya ayaa hore xiriir dhinaca Milatari la lahaa dowladii hore ee Soomaaliya iyadoo dowladii Siyaad Barre ay haysatay hub faro badan oo lagu farsameeyay wadanka Kuuriyada Waqooyi. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleAktarkii ugu horeeyay aflaamta 007 James Bond oo geeriyooday (Sawiro)

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54506913original article